TIRTIRKA TAARIIKHDA: MA WUXUU HORSEEDDA MUSTAQBAL WANAAGSAN MISE LUMINTA JIRITAANKA UMADDEED?

0
Tuesday December 26, 2023 - 22:36:26 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TIRTIRKA TAARIIKHDA: MA WUXUU HORSEEDDA MUSTAQBAL WANAAGSAN MISE LUMINTA JIRITAANKA UMADDEED?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Hordhac

    Shirka sanadlaha ah ee Heritage ku qabato Djibouti waxa sanadkan hadal buuq dhaliyay ka jeediyay Ra'iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Mne Mahdi Guuleed. Kalmadiisu waxay ku saabsanayd iskaashiga dalalka Geeska Afrika. Dooddiisa waxa udub dhexaad u ahayd is la iska illaawo tagtadii, si barwaaqo loo gaadho mustabalka. Culimada taariikhdu waxay arintan ku tilmaamaan tirtir taariikheed. Hadalkiisii qodob qodob uga jawaabi maayo laakiin waxaan rabaa in aan dadweynaha u iftiimiyo dhibka tirtirka taariikhdu leeyahay. 

  Tirtir taariikheedka waxa lagu qeexaa ka tagidda ama qarinta ula kaca ah ee qaybo ka mid ah sheekooyinka taariikheed ee ummadi ama bulsho leedahay.Tusaalayaasha dunida soo maray qarniyadii dhowaa ee ku saabsan tirtitka taariikhda waxa ka mid ah kuwii ay sameeyeen gumeystayaashii reer Yurub, ee ay ku baabi'iyeen raadadka muhiimka ah ee taariikhaha dadkii ay qabsadeen. Tani waxay keentay in aan si dhab ah loo fahmin waxyeeladii iyo waayihii gumeysigu dhaxalsiiyay dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadaha kuwii la gumeystay.

     Tusaalooyinka tirtirka taariikhdu ma aha kuwo yar. Balse, casharka guud ee laga baran karo dhammaan dhacdooyinkan waa in tirtirka ama beddelka taariikhdu yahay tacadi weyn oo saameyn ballaaran ku leh sida aan u fahamno nolosha, bulshada, iyo taariikhda. Sixitaanka arrimahan oo kale waxay u baahataa dadaal aad u ballaaran, maadaama ay tahay in la helo xogta asalka ah, la fahmo sababaha ka dambeeya beddelka, iyo in la soo celiyo shee kada taariikhda sida ugu saxsan ee suurtagalka ah.



Tirtirka Taarikhda iyo Anshaxa

    Diinta Islaamka waxay si weyn uga hadashaa muhiimadda in aan taariikhda laga leexin hilinkeeda runta ah. Tani waxay si cad uga muuqataa Quraanka, halkaas oo aayado badan ay ka hadlayaan dhacdooyin iyo shaqsiyaad raad weyn ku yeeshay taariikhda diinta islaamka. Tusaale ahaan, Quraanku wuxuu xusayaa Abu Jahal, Waliid Bin Muqiira, iyo Abu Lahab oo ka mid ahaa dadkii hor istaagay fidinta diinta Islaamka isla markaana dhibaatayn jiray Nebi Muxammad (NNKH).

      Waxaa xiiso leh in carruurtii, sida wiilashooda Khalid bin Waliid iyo Cikrima bin Abu Jahal, ay markii dambe qaateen diinta Islaamka. Waxayna akhrin jireen aayado Quraanka ka mid ah oo si toos ah uga hadlaya aabayaashood iyo falalkoodii. Islamku ma aha diin dhiirigelisa in taariikhda laga leexiyo ama laga tago qeybaha aan ina farxad gelineyn; taas bedelkeeda, waxay dhiirigelisaa in si dhab ah loo waajaho taariikhda oo dhan, iyadoo aan loo eegin inay tahay mid wanaagsan ama xun.

     Sidoo kale, dhaqanka Soomaalida waxaa si qoto dheer uga muuqata qiimaha ay u leedahay run-sheegidda iyo daacadnimada taariikhda. Tani waxay si gaar ah uga muuqataa suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan gabayada oo lagu yaqaanaa inay yihiin habka ugu muhiimsan ee loo gudbiyo taariikhda, dhacdooyinka, iyo arrimaha bulshada ee Soomaalida iyada oo aan waxba laga beddelin ama la isku mulaaqin.

      Gabayadu waxay ku salaysan yihiin xeerar adag oo xagga run-sheegga ah. Tusaale ahaan, waxaa jira in ragga qaarkood ay iska deyn jireen gabayada ilaa ay timaado dhacdo muhiim ah oo ay ka gabayan. Halkaa waxa ka muuqata in sugaanyahannada Soomaalidu aad ugu dadaali jireen inay si daacad ah uga warramaan dhacdooyinka iyo xaaladaha ay arkaan xitaa haddii dhacdooyinka qaarkood ay yihiin kuwo la dhibsanayo.

Saamaynta Tirtirka Taariikhda

    Waxaa xaqiiqo ah in quruumuha jira badankoodu ku samaysmeen colaado iyo dagaalo kala duwan oo qaarkood yihiin kuwo sokeeye qaarna lala galay shisheeye. Inta lagu jiro colaadahaas waxa dhaca tacadiyo ama xadgudubyo loo gaysto keli keli ama wadar, kuwaas oo qayb ka noqda dunta taariikhda dalkaas. Fikradda tirtirka dhacdooyinka iyo sheekooyinka taariikhda noocaas ah ma aha oo kaliya mid waxyeello u geysaneysa hufnaanta diiwaanka taariikhda dalka, laakiin sidoo kale ma aha waddo lagu gaadho badhaadhe ama deris wanaag.

     Taa caksigeeda, tirtirka taariikhdu waxay khatar gelin kartaa geeddi-socodka barashada qaladaadkii hore, kobcinta fahamka, iyo aasaaska dhismaha dib-u-heshiisiinta iyo iskaashiga mustaqbalka. Bulshooyinka dimoqraadiga ah, waxaa taariikhda loo sheegaa sida ay u dhacday, iyadoo xoogga la saarayo dabeecadaha kala duwan ee dhacdooyinkaas. Tan waxa tusaale u ah xiriirka ka dhexeeya Jarmalka iyo Faransiiska.

       Inkastoo ay leeyihiin taariikh murugsan oo colaado ka buuxaan haba ugu danbeeyaan kuwii DD2, waxay ka run sheegaan taariikhdooda, taasoo horseeday xiriir ku dhisan faham wadaag, ixtiraam, iyo iskaashi. Taas waxa lagu gaadhay aaminsanaanta ah in aqoonsiga iyo barashada taariikhda ay muhiim u tahay dhismaha nabad waarta iyo xiriir wanaagsan. Taariikhdu badanaa waxay u adeegtaa keyd aqooneed iyo waayo-aragnimo, iyadoo bixisa casharro qiimo u leh jiilalka hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.

         Marka qaybo ka mid ah taariikhda la tirtiro, waxay xadideysaa fahamkeenna ku aadan jiritaanka dalkeena. Sida dalal badan oo kale, taariikhdeenna waxaa ka buuxa dhacdooyin aan ina raali gelin ama deriskeena raali gelin. Dhacdooyinkan taariikheed, in kasta oo ay adag yihiin, waa muhiim in la fahmo. Fikradda ah in la tirtiro taariikhdan waxay meesha ka saaraysaa saameynta weyn ee ay wacyiga taariikhdu ku leedahay go'aamada iyo siyaasa daha maanta.

      Dhigaalka taariikhda, oo ay ku jiraan kuwa xanuunka badan, waa tallaabo muhiim u ah mustaqbalka sababtoo ah waxay u suuro gelin doontaa jiilalka inaga danbeeya in ay si cad u fahmaan taariikhdooda hore, iyagoo wax ka baranaya si ay u dhisaan waaqic ka duwan kii dhaliyay xaaladaha adag ee taariikhda ku jira.

Soo-celinta Taariikhaha la Tirtirey

     Iska daa in la tirtiro taariikhdii hadda jirta’e, in badan oo ka mid ah dunidu waxa ka socda dadaalo ballaaran oo lagu ku bixinayo sidii dib loogu soo celin lahaa diiwaanno taariikheed oo hore loo tirtirey. Dhaqdhaqaaqyadan waxaa tusaale u ah dalal ay ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo Mareykanka. Dedaalada Koonfur Afrika waxay ka tarjumayaa waxtarka ballaaran ku jira xasuusta xanuunkii hore, ilaalinta xusuusta xanuunkaas, iyo abuurista dhaqan daahfuran.

      Sidoo kale, Mareykanka waxa ka jira geedi socod dib loogu qiimeynayo sheekooyinkiisa taariikhiga ah, gaar ahaan daaweynta dhaxalka qabsashada quruumaha. Mid ka mid ah hababka ay dalalkaasi isticmaalayaan waa dib-u-eegista manhajka waxbarashada si loogu daro sheekooyin taariikhi ah oo hore uga maqnaa. Tan waxa ka mid ah baridda iyo kobcinta xirfadaha naqdiga oo awood u siinaya ardayda inay su'aal geliyaan eexda ku jirta sheekooyinka qaarkood.

       Teenna haddaan u soo noqdo, taariikhda Ahmed Gurey iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (Sayidka), labadaas hogaamiye oo kaalin weyn ka qaatay taariikhda Soomaalida iyo guud ahaan Geeska Afrika, waxay u baahan yihiin in si qoto dheer loo daraaseeyo oo loo fahmo. Afka may ahayn in la soo mariyo in laga tago, hoos loo dhigo ama la iska indho tiro doorka iyo saameynta taariikhdooda. Taa caksigeeda, waxa waajib ah in in si dhab ah loo darso, loo qiimeeyo, loona faafiyo taariikhda iyo dhaxalka ay ka tageen labadan hogaamiye.

       Tani waxay gacan ka geysanaysaa in bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kaleba ay fahmaan qiimaha iyo saameynta taariikhda Soomaaliyeed ay ku leedahay Afrika iyo adduunkaba.

Caddaaladda iyo Tirtirka Taariikhda

      Tirtirka xaqiiqooyinka taariikhda waa nooc ka mid ah cadaalad-darrooyinka waaweyn. Waxay waxyeelleynaysaa xuquuqda bulshadu ay u leeyihiin inay helaan taariikhdooda oo dhab ah. Tirtirka taariikhdu waxay horseedaa dheelitir la'aan awooddeed iyo sinaan la'aan. Tani waa mid gaar muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya iyo Kenya, sababtoo ah waxay waxyeeleysaa tixgelinta halgankooda ka dhanka ahaa dowladaha hadda ay qaybta ka yihiin.

     Gobolka Soomaalida Ethiopia wuxuu ahaa goob dagaal iyo dhibaato muddo dheer socotay. Intii lagu jiray xilliyadii WSLF iyo kadib ONLF, gobolku wuxuu hoy u ahaa jabhado hubaysan oo la diriraya dawlada Ethiopia. Jawaabta dowladda Itoobiya ee dhaqdhaqaaqyadan badanaa waxaa ku jiray hawl-galo fool xun. Hawlgaladaasi waxay sababeen dilal aan loo aabo yeelin, barakicin, burburinta ilo dhaqaale iyo tirtir dhaqan.

     Sidoo kale Soomaalida gobolka waqooyi bari ee Kenya waxay la kulmeen cabudhin ba'an intii lagu jiray dagaalkii ka dhashay rabitaanka bulshada oo ahaa in ay la middoobaan ehelkooda Soomaaliya. Jawaabta dowladda Kenya waxay ahayd mid naxariis darro ah, oo ay ku jiraan xasuuqyo, gubidda tuulooyin, iyo cabudhin nidaamsan. Dhaxalka falalkan wali wuxuu saameyn ku leeyahay bulshada, iyadoo arrimaha faquuqinta iyo shakiga ay sii socdaan.

      Wax ka qabashada cadaalad-darradan waxay u baahan tahay hab dhammaystiran oo ay ku jiraan aqoonsiga dhacdooyinkan, fahamka saameyntooda, iyo bixinta magdhow ku habboon. In la tirtiro qaar ka mid ah arigtiyihii daraadood loo dhibaateeyay waxa wiiqeysaa raadinta xuquuqda ka maqan. In kasta oo Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan, haddana taariikhda dugsiyadeeda lagu dhigo ee ay ka mid yihiin Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Axmed Gurey waxa miskaha uga xidhantay taariikhda Soomaalida walaaleheen ah ee qalinka gumeysigu raacsiiyay dalalka jaarka ah.

       Ma jirto hadda dawlad Soomaaliyeed ama haldoor Soomaaliyeed oo ku hawlan in collaad lala gallo dalalka jaarka ah. Laakiin taa macneheedu maaha in taariikda qaar la tirtiro, la qariyo ama hoos loo dhigo. Tagtadii tagtay waana tagtay eelna waa ka tagtay. Sheyga muhiimka ah waa in cadaalad waarta laga dhaliyo taariikhda halkii laga tirtiri lahaa.

      Qayb muhiim ah oo ka mid ah caddaalad ka dhalinta taariikhda waa aqoonsiga wixii dhacay. Aqoonsigu waa tallaabo muhiim ah oo loo qaado dhanka bogsashada iyo dib-u-heshiisiinta, maadaama uu diiwaan geliyo waaya'aragnimada dhibbanayaasha isla markaana uu muujiyo ballanqaad loo hayo in la saxo xadgudubyada. Qayb kale waa magdhow. Tani waxay qaadan kartaa qaabab kala duwan, oo ay ku jiraan magdhow dhaqaale, soo celinta hanti, ama magdhowyo kale oo maadi ah.

     Aasaasidda taallooyin, matxafyo, ama munaasabadaha xuska waxay gacan ka gaystaan in la xasuusto dhibbanayaasha oo kor loo qaado wacyiga ku saabsan cadaalad-darradii dhacday. Tani ma aha oo kaliya inay naruuro u tahay kuwii dhibaatada soo gaartay laakiin sidoo kale waxay waxbaraysaa jiilalka mustaqbalka, iyadoo gacan ka geysanaysa xusuusta wadajirka ah ee looga hortagi karo in mar kale la soo celiyo dhacdooyinka noocaas ah.

      Abuurista guddiyo ama hay'ado kale oo loo xilsaaray baaritaanka iyo diiwaangelinta xaqiiqooyinka ku saabsan cadaalad-darrada hore ayaa iyana muhiim ah. Ururinta markhaatiyaasha dhibbanayaasha iyo kuwa dhibka geystayba waxay ka caawisaa in la abuuro faham ballaaran oo faahfaahsan oo ku saabsan waxa dhacay, sababta, iyo sida ay u saameysay shaqsiyaadka iyo bulshooyinka.


Gunaanad

     Taariikhda, oo leh dhammaan faahfaahinteeda guulaha iyo dhibaatooyinka, waxay Aas-aas u tahay qiimaha qaranka.In hal-doorka dalkeenna ay u ol'oleeyaan tirtirka, taariikhda qaranka si ay u raalli geliyaan dalalka deriska ah waa arrin dhalinaysa su'aalo muhiim ah waxaana loo arki karaa inay tahay khiyaano ka dhan ah qaranka. Falalka noocan oo kale ah ma aha oo kaliya inay qalloociyaan taariikhda laakiin sidoo kale waxay ka hor istaagayaan jiilalka mustaqbalka fursadda ay ka heli karaan inay wax ka bartaan taariikhdooda oo sax ah.

      Saxnaanta taariikhdu waa muhiim, maadaama ay bixiso casharro lagama maarmaan u ah go'aan qaadashada iyo horumarka bulshada. Caadi ahaan, hal-doorka waxay saameyn weyn ku leeyihiin aragtida dadweynaha iyo samaynta siyaasadaha.

     Haddii ay u ololeeyaan tirtirka taariikhda, waxaa loo arki karaa inay tahay isticmaal awooddeed oo khaldan. Arrintani waxay gaar ahaan walwal  u leedahay haddii ujeeddadu tahay in la gaaro yoolal gaaban halkii laga eegi lahaa danaha fog ee qaranka.

     Hal-doorka waxay mas'uuliyadi ka saarantay inay ilaaliyaan taariikhda qarankooda, xitaa marka ay tahay inay maareeyaan xaalado diblomaasiyadeed oo adag. Marka laga hadlayo xidhiidhada caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, in kasta oo ay muhiim tahay in la ilaaliyo saaxiibtinimada iyo iskaashiga dalalka deriska ah, tani waa inaysan horseedin in la baabi'iyo taariikhda qaranka. Xidhiidhada diblomaasiyadeed waxaa lagu maamuli karaa oo lagu hagi karaa habab ixtiraamaya xaqiiqooyinka taariikhda ee dhinacyada oo dhan.

Qore :Dr Abdifatah Ismael Tahir waa cilmi baadhe wax ka qora arimaha siyaasada iyo horumarinta magaalooyinka Geeska Africa. Sidoo kale waa la taliye consultant) madax banaan oo hay’ado kala duwan kala taliya arimaha horumarinta.

waxa lagala xiriiri karaa emailka ah:-  abdifatah.tahir@gmail.com ama barta twitterka ee: @AbdifatahTahir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip