Khadiija Maxamed Diiriye – Marwadii Soomaaliyeed ee birta aheyd

0
Sunday December 24, 2023 - 17:13:03 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khadiija Maxamed Diiriye – Marwadii Soomaaliyeed ee birta aheyd

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Waxa Khamiistii magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee DFS, Xidigtii Siyaasadda Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Waxa salaadda Janaasada lagula tukaday teendhada Afisyoone, waxa ka qeyb galay Madaxweynaha JFS, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda, Ku Xigeenka RW ,Madaxdii dalka soo martay, Wasiirro, Xildhibaanno labada gole iyo mas’uuliyiin aad u fara badan.

Aniga Marxuumadda waxa aan ka nimid isku magaalo oo waxa aan aqiin xilligii gabarnimadeeda maadaama aan saaxiib aheyn qaar ka mid walaalaheed oo aan isla soo kornay .

 

Khadiija waxa dhalay Maxamed Diiriye Xaashi oo ahaa oday magac leh, xarrago badan oo toosnaan iyo qurux Ilaah u dhaliyay ,dabeecad iyo reer magaalnimana ay u dheereyd. Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Dowladda Hoose ee Jowhar. Hooyadeed Aamina Axmed Colow (Aamina Yaake) waxa ay aheyd qof Bulshaawi ah oo saaxiibo badan.

Khadiija in kasta oo ay ku dhalatay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ,waxa ay ku soo barbaartay magaalada Jowhar oo reerkoodu ilaa hadda ay deggan yihiin.

Waxa ay dugsiga Hoose/Dhexe uga baxday dugsigii Burey oo markii dambe loo bixiyay Dugsiga Xasan Dhageey. 1979 markii ay galaaska lixaad ka baxday oo waxbarashada dusgiga dhexe ku ekeyd ayaa waxaa ay gashay Dugsigii Tababarka ee Xalane iyada oo ka mid noqtay Macalimiintii la dhihi jiray Biibii.

 



 
 

Waxa ay Bare ka noqtay isla dugsigii ay dhigan jirtay sanado kooban. Khadiija M.Diiriye Allaha u naxariistee maadaama ay aheyd qof aad u firfircoon, waxa ay durbo u wareegtay xafiisyo kala duwan oo maamulka gobolka Sh/dhexe, waxase ay ku raagtay oo ugu waqtiga dheeraa Mashruucii Fidinta Beeraha oo ay la shaqeysay tan iyo burburkii dowladdii Meliteriga.

Khadiija markii ay dagaalada sokeeye bilowdeen waxa uu saldhig u ahaa dhalinyarada reer Jowhar ,xilli ay dalka ka jireen dagaallo sokeeye oo ba,an.

 

Khadiija Maxamed Diiriye 4 arrimood waa lagu xusuusan doonaa.

  1. In ay aheyd gabadhii ugu waqtiga dheereyd oo Wasiir aan ka dagin waqtiyo kooban maahee 23 sano ee la soo dhaafay tan iyo Dowladii Carta ee 2000. Kartideeda ku xaqiisay in ay tahay Xiddig siyaasaseed oo laga maarmin.
  2. Khadiija waxa ay xaqiijisay in ay ka xorowday liidanaan Soomaalida dhexdeeda oo dadka ay isku beesha ka soo jeedaan lagu riixo oo waxa ay meel iska dhigtay arigtada inferiority complex iyada oo rumeysneyd inaanu jirin qof ka sarreeya shaqsiyadeeda in uu Alle ka cabsi dheer yahay maahee.
  3. Khadiija waxa lagu yaqiin dad isku heyn, gurigeeda waxa uu ahaa Kaam wax laga cuno oo daraasiin dad ah ay isugu yimaadaan waqtiyada cuntada. Qof naxariis badan , waxa ay hooyo u aheyd wiilkeeda Daaha oo lix ku ahaa caruurta 5ta ah ee ay dhashay ,qofkii ka reeba caruurteeda Daaha waa ay u caroon jirtay. Daaha waa wiil yar oo naafa ah oo hooyadii dhashay ay deyrisay dibaddana ku tuurtay.
  4. Khadiija wax hanti ah kama sameysan waqtigaa dheer oo ay siyaasadda ku jirtay . Khadiija dadka reer Jowhhar-ka aad ayay ugu weynaayeen . Hadda ka hor iyadoo i bareysa Madaxweyne C/laahi Yusuf oo ay Wasiir ka aheyd dowladiisa ayaa nin la yiraahdo Xuseen Cali Seylaan oo Madaxweynaha la shaqeynayay uu yiri ninkan waa Wariyaha BBC ,Khadiija ayda inta ay soo boodday ku tiri waa walaakeey iga yar. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Allaha u naxariisto wuxu igu yiri ” Hadii Khadiija aad walaalkeed tahay ,hadda ogow anna wiilkeyga baa tahay”

Ilaaheey dambigeeda ha dhaafo.

 

Halka arin ee aan geerideeda deg degga ah ay muhiim tahay in ay inna xusuusiso waa in mowdku inanga fogeyn, dadka masuuliyiinta dowladda ah ay ogaadeen in sidaa iyo si ka fudud loo dhimanayo, loona baahan yahay in amaanada dadweynaha loo hayo loo guto si Alle ka cabsi uu ku jiro, dhamaanteenna aan halkaas wad aadi doonno.

W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip