Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee markii ugu horeysay garsoore ka noqonaya koobka Qaramada Afrika ee 2024

0
Friday December 22, 2023 - 14:46:36 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee markii ugu horeysay garsoore ka noqonaya koobka Qaramada Afrika ee 2024

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

KOOBKA QARAMADA QAARADA AFRIKA

Waxay ahayd wax u u jeclaa inuu noqdo markii uu yaraa - garsoore kubadda cagta - isagoo ciyaaraha xaafadaha deegaankiisa uu qaban jiray garsoor kooxaha ku ciyaarayey, xilliyada gaarka ee bisha ramadaanna uu qaban jiray garsoore.

Cumar Cabdulqaadir Cartan hadda waa garsoore caalami ah, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu jeclaa inuu noqdo garsoore caalami ah, balse uusan jirin qof qoyskiisa oo isaga uga dayday garsooranimo.

Sanadkii 2014-kii ayuu Cumar sheegay in uu qaatay tababar garsooranimo uuna soo noqday garsooraha afaraad ee heerka saddexaad ee Soomaaliya.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee garsoore dhexda ah uu noqday wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar heerka saddexaad oo dhexmartay kooxaha Midnimo Iyo Muqdisho. Halka 2016-kii uu noqday garsoore heerka kowaad ee Soomaaliya.

"Ciyaartii iigu dhibka badnayn anigoo ku cusub garsoooranimada ayaa la ii dhiibay inaan dhexdhexaadiyo kooxaha heerka kowaad ee dalka oo ay wada ciyaarayeen kooxaha Heegan iyo Jeeyo oo ka tirsan heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya, runtii waxay igu yeelatay samayn iyo waxaan wax badan ka bartay waayo anigoo aad u yar ayaa la ii dhiibay rag waaweyn oo ciyaaraya iyo laba kooxood oo dalka looga yaqaan kuwa ugu waaweyn uguna adag” ayuu yiri Cumar.

GARSOORE CAALAMI AH CARTAN

XIGASHADA SAWIRKA,CUMAR CARTAN

Qoraalka sawirka,

Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan

Cumar wuxuu intaas ku daray in bishii Diseembar sanadkii 2018-kii uu ku soo baxay liiska garsoorayaal loo doortay heer caalami ah.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee caalami ah wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar ka dhaday dalka Kenya oo ay ku wada ciyaarayeen labo kooxood oo ka kala tirsan kenya iyo Jasiirada Madagaskar.

"Walaahi ciyaarihii aan ka qabtay horyaalka Soomaaliya iyo kuwa aan ka qabtay dibadda waxaa wax badan fududaa kuwa dibadda waayo waxay ciyaaraha ahaayeen kuwa calami ah oo kooxuhu ilaalinayaan anshaxa waxaana xasuustaa ciyaartii igu horeysay inaan bixiyey hal jaalle” ayuu intaas ku daray Cumar.

Heerka uu taagan yahay Cumar iyo ciyaarihii uu dhexdhexaadiyey

GARSOORE CUMAR CARTAN

XIGASHADA SAWIRKA,CUMAR CARTAN

Qoraalka sawirka,

Garsoore Cumar oo dhexdhexaadiyey naadiyada ka kala tirsan dalalka Sudan iyo Ethopia

Cumar hadda waa garsoore heer caalami ah oo u diiwaan gashan xirirka kubada cagta ee Afrika ee CAF iyo xiriirka kubada cagta ee adduunka ee FIFA.

Wuxuu sheegay in nidaamyo ay leeyihiin dhamaan xiriirrada caalamigaa ee dunida ka jira kuwaas oo hoos taga xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA, sidaas darteedna isagu uu ka mid yahay garsoorayaasha u diiwan gashan xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF.

Wuxuu sidoo kale Cumar ka qayb galay tababarro xirfadaha garsooraha oo caalami ah oo in ka badan labaatan garsoore oo Qaaradda Afrika ka socda loogu qabtay dalka Masar.

Tartamadii ugu waaweyntaa ee Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka mid ahaa garsoorayaashi qabtay waxaa ka mid ahaa tartankii CAF Under20 iyo CAF under 23 ee Qaarada Afrika.

Cartan wuxuu kale oo uu garsoore ka ahaa ciyaartii finalka ee CAF under 23 oo sanadkan ka dhacday dalka Marooko una dhaxaysay dalka Masar iyo Marooko.

Sidoo kale Cumar wuxuu garsoore ka ahaa ciyaaraha Champion league ee Qaarada Afrika gaar ahan wuxuu si la yaab leh u dhexdhexaadiyey ciyaartii afar dhamaadka Koobkaas ee u dhaxay kooxaha Al-Ahli ee dalka Masar iyo Esperance ee dalka Tuniisiya.

Ciyaarihii is reebreebka koobka aduunka ee ka dhacay dalka Qadar ayuu garsoore Cumar dhexdhexaadiyey saddex ciyaarood oo ka tirsanaa kuwii loogu soo baxay koobkaas sanadkii 2021-kii oo ay ciyaareen dalalka Togo iyo Namibia, Tansania iyo Benin.

GARSOORE CUMAR CARTAN

XIGASHADA SAWIRKA,CUMAR CARTAN

Qoraalka sawirka,

isreebreebkii koobkii aduunka ee 2022-kii Qadar iyo Garsoore Cumar.

Dhanka kale Cumar ayaa sanadkan 2023-ka dhexdhexaadiyey ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka adduunka ee sanadka 2026-da lagu qabayo dalalka Maryakanka, Mexico iyo Canada taas oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika una dhaxaysay Eswatini iyo Liibiya.

Xirirka kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa Cumar Cabdiqaadir Cartan u xushay liiska garsoorayaal qabanaya ciyaaraha koobka Qaramada Qaarada Afrika oo sanadka soo socda ee 2024-ka lagu qabanyo dalka Ivory Coast

Koobka kubada cagta ee Qaaradda Afrika ayaa la qorsheynayey in sanadkan 2023 la qabto hase yeeshee dib u dhac ayaa ku yimid oo sida la qorsheeyey waxaa la qaban doonaa 13-bisha janaayo ilaa 11 febraayo sanadka 2024-ta.

Cumar wuxuu sheegay inuu bixiyey kaadhka cas ilaa 2 jeer dhamaan tartamada caalamiga kubadda cagta ee uu ka qabtay Qaarada Afrika.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in sidoo kale Cumar Cartan uu yahay garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran in uu isticmaalo VAR, wuxuuna ku qabtay habkan tartamo ka dhacay Afrika, isagoo haysta shahaadada aqooneed ee garsoorenimada VAR.

GARSOORE CUMAR CARTAN

XIGASHADA SAWIRKA,CUMAR CARTAN

Qoraalka sawirka,

Garsoore Cumar oo garsoore VAR hayey kulan ciyaareed Qaarada Afrika ah

Waa kuma Cumar

GARSOORE CUMAR CARTAN

XIGASHADA SAWIRKA,CUMAR CARTAN

Qoraalka sawirka,

Cumar oo dhexdhexaadinayey kulankii Namibia iyo Togo isreebreebka koobka aduunka

Cumar Cabdiqaadir Cartan oo ah aabbe xaas iyo hal wiil leh waxaa sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaabada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

Wuxuu BBC-da u sheegay inuu heerka uu gaaray arsoorka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ay ugu suurto gashay dadaal shaqasi ahaaneed oo muujiyey iyo kordhinta aqoontisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo inuu qaban doono kulamo waaweyn oo ka tirsan koobka aduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip