Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida

0
Saturday December 23, 2023 - 22:37:27 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxtarka geedkan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Qorfe

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dhirtan aadka looga jecel yahay guryaha Soomaalida ee qorfaha ayaa mar loo isticmaali jiray lacag wax lagu iibsado ahaan.

Qorfuhu waxa uu leeyahay dhadhan fiican iyo ur diirran, taas oo ka dhigaysa mid caan ku ah cunto karinta, gaar ahaan macmacaanka burka laga sameeyo iyo shaaha oo ay Soomaalida iyo dadyow kale u adeegsadan.

Jilifta gudaha ee geed yar oo mar walba cagaar ah ayaa laga diiraa qolofta kadibna qorraxdaa la dhigaa si loo qallajiyo, halkaasna waxaa ka samaysma jilifta aan naqaan ee qorfaha duuduuban.

Qorfaha sidoo kale waxaa laga dhigaa budo, umana baahanaysid inaad jikada dhexdeeda ku tunto.

Faa'iidada qorfaha

Qorfaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

  • Waxaa ku jira macdan dhireed leh unugyo la dagaala sunta innaga soo gaadha cuntada caadiga ah iyo hawada
  • Wuxuu leeyahay saamayn ilaalisa bararka
  • Wuxuu u wanaagsan yahay la dagaallanka caabuqa
  • Daraasad ayaa muujinaysa in qorfuhu uu ka hor tago hargabka iyo qabowga
  • Waxaa la filayaa inuu dheellitiro sokorta dhiigga
  • Waxuu u muuqdaa inuu qorfuhu hoos u dhigi karo halista iska caabbinta jirka ee qaraarka xamaytida (insulin)
  • Waxaa qorfaha ku jira macdan ka hor tagta asaasaqa/cantatabka
  • Inaad si joogta ah u isticmaasho qorafaha waxay hoos u dhigtaa dhiig karka
  • Wuxuu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka
  • Waxuu soo celiyaa dheellitirka bakteeriyada caawisa dheefshiidka
  • Inkasta oo daraasaad badan loo baahan yahay haddana waxaa la qiyaasayaa in qorfuhu ka hor tago kansarka
  • Dhaqan ahaan qorfaha waxaa loo isticmaalaa in sare loogu qaado nadaafadda afka iyo ilkaha

Nafaqooyinka ka jira qorfaha

Qorfaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qorfaha, hal qaaddo oo qiyaastii 3 garaam ah waxaa laga helayaa:

  • 7 kiilo kalooris ah
  • garaam oo barootiin ah
  • 2 garaam oo kaarboonhaydaraat ah
  • 1.6 garaam oo faybar ah

Faa’iidooyinka caafimaad ee ugu sarreeya ee qorfaha

Wuxuu ka hor tagaa sunta jirka

Si la mid ah xawaashayada kale, qorfuhu wuxuu leeyahay macdan dhireed lagu magacaaabo Polyphenols taas oo jirka ka ilaalisa sunta

Waa isla macdantan halka ay ku jiraan faa’iidooyinka caafimaad ee qorfaha iyo sidoo kale caawinta dheefshiidka.

Wuxuu ka hor tagaa bararka jirka

Isla macdanta qorfaha ee ka hor tagta sunta ayaa gacan ka geysata saameynta ilaalinta bararka. Inta aan gaboobeyno tani waxay noqon kartaa mid waxtar leh, sababtoo ah habka caabuqa dabadheeraadku wuxuu si weyn ugu lug leeyahay horumarka cudurro badan oo la xiriira da'da.

Wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada aan loo baahnayn

Qorfaha waxa loo malaynayaa inuu leeyahay dawooyin iyo faa’iidooyin caafimaad oo badan, waxaana si joogto ah loogu isticmaalaa dawooyinka dhirta Shiinaha. Urta gaarka ah iyo dhadhanka qorfaha waxay ka timaaddaa saliidaha lagama maarmaanka ah ee ku jira jilifta, oo loo yaqaan cinnamaldehyde.

Cinnamaldehyde waxay u muuqataa inay faa'iido u leedahay ka hortagga caabuqa bakteeriyada iyo fungal-ka.

Ka hor tagga fayraska

Cilmi-baarisyada qaar ayaa soo jeedinaya in qorfuhu uu ka hor tago fayruusyada qaar, waxaana ka mid ah influenza iyo fayraska kaneecadu qaaddo ee Dengue

Wuxuu hoos u dhigaa sokorta dhiigga, yareeyaana halista heerka labaad ee macaanka

Qorfuhu wuxuu caan ku yahay inuu gacan ka geysato maareynta sonkorta dhiigga. Waxay u muuqataa inuu tan ku sameeyo dhowr habab oo kala duwan, oo ay ku jiraan maaraynta qaddarka gulukooska ee gasha dhiigga.

Qorfaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Tijaabooyin bini'aadam lagu sameeyay ayaa muujinayo rajo waxayna soo jeedinayaan in qorfuhu uu saameyn dhexdhexaad ah ku yeelan karo dhimista xawaaraha sokorta dhiigga ee dadka qaba cudurka macaanka ee leh xakamaynta sonkorta dhiigga oo liidata.

Wuxuu kobciyaa shaqada Insulin-ka

Insulin waa hoormoonka ku shaqada leh inuu dhiigga kasoo qaado sokorta una gudbiyo unugyada oo ah halka looga baahan yahay sokortaas. Tani waxay ka dhigan tahay inuu wax fiican ka geysto qorfuhu dheelli tirka dheefshiidkeenna iyo heerarka tamarta.

Inta aan weynaanayno da‘ ahaan, waxaa suurta gal ah in jirkeennu iska difaaco insulin-ka waxayna tani carqaladayn kartaa dheelitirka sokorta dhiigga ugu dambeyna waxaa horseedi kartaa heerka nooca labaad oee sokorowga.

Iyada oo daraasado badan loo baahan yahay haddana waxay u muuqataa in qorfuhu leeyahay wax u dhaqmaya sidii insuliin-ka taas oo hoos u dhigaysa halista iska caabinta insulin-ka.

Wuxuu u roon yahay maskaxda duqoobaysa

Xaaladaha sida asaasaqa ayaa aad u badan marka aan duqowno, waxaana caadi ahaan keena sii xumaanshaha unugyada maskaxda. Cantatabka ama asaaqasa oo afka qalaadna loo yaqaan Alzheimers, ayaa ku dhaliya unugyada maskaxda barootiinka waxayna taasi gaabisaa sida qofku u fikiro iyo xasuusta.

Qorfaha waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo u muuqda in ay joojiyaan dhisitaanka borotiinnadaas. Inta badan cadaymahan waxa laga soo qaatay daraasaadka xoolaha iyo shaybaarka, sidaa awgeed waxa jira wax badan oo aan ka baran karno oo ku saabsan sida saamayntani inoogu faa'iideyn karto.

Maaraynta dhiig-karka

Waxaa jira caddaymo muujinaya in cunista joogtada ah ee qorfaha ay la xiriirto hoos u dhigista cadaadiska dhiigga ee muddada gaaban. Inkasta oo caddayntu ay u muuqato rajo, waa xilli hore waxaana loo baahan yahay tijaabooyin badan oo aan kala sooc lahayn oo waqti dheer ah.

Qorfaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Qorfaha waxaa sidoo kale lagu daraa macmacaanka burka laga sameeyo

Wuxuu naga ilaalin karaa cudurrada wadnaha

Cadaadiska dhiigga waxaa laga yaabaa inuusan ahayn qodobka kaliya ee khatarta wadnaha iyo xididada oo ay caawiso isticmaalka joogtada ah ee qorfe sidoo kale waxay u muuqataa inay saameyn togan ku leedahay dhimista dufanka dhiiga iyo sidoo kale heerarka kolestaroolka.

Caawinta dheef-shiidka

Qaar ka mid ah xawaashka, oo ay ku jiraan qorfuhu, waxay leeyihiin sifooyin prebiotic ah. In si joogta ah loo isticmaalo waxay kaa caawin kartaa soo celinta dheelitirka bakteeriyada xiidmaha, taageerto caafimaadka dheefshiidka iyo yaraynta dhibaatooyinka dheefshiidka.

Wuxuu ka hor tagi karaa kansarka

Inkasta oo caddaynta ilaa maanta ay ku xaddidan tahay tijaabooyinka shaybaarka iyo daraasadaha xayawaanka, qorfaha ayaa laga yaabaa inuu leeyahay wax ka hortaga kansarka. Marka tan la eego, xawaashku wuxuu u muuqdaa mid waxtar u leh dhimista koritaanka unugyada kansarka, xaddidaya samaynta xididdada dhiigga ee burooyinka iyo dilida unugyada kansarka.

Nadaafadda ilkaha

Dhaqan ahaan waxaa loo isticmaalaa budada qorfaha, nadaafadda ilka, ka hor tagga bakteeriyada afka iyo ilka ku dhalata iyo in aanu afku soo urin. Dad badan ayaa faa’iidadan hadda ku baraarugay isticmaalana.

Qof walba ma u wanaagsan yahay qorfuhu?

Qorfaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Inta badan dadku, qorfaha guud ahaan waxaa loo aqoonsan yahay inuu yahay mid badqab leh marka loo isticmaalo ku carfinta cuntada iyo xaddi yar - wax aan ka badnayn 1 qaaddo maalintii ayaa loo arkaa inay badbaado u tahay dadka waaweyn intooda badan. Xaalado dhif ah, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay dareemaan xasaasiyad.

Inta badan qorfaha laga soo iibsado dukaamada waaweyn waa noocyo kala duwan oo loo yaqaanno Cassia cinnamon - tani waxay leedahay dhadhan xoog badan waana raqiis in la iibsado. Si kastaba ha ahaatee, waxa ku badan qorfahan wax loo yaqaan coumarins, kuwaas oo qiyaaso badan laga yaabo inay keenaan sumow.

Haddii xaddi badan laga isticmaalo qorfaha waxa laga yaabaa inuu la falgalo dawooyinka la soo qoray, oo ay ku jiraan kuwa sonkorowga, wadne xanuunka iyo beerka.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip