
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGYESKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA DICEMBAR 2023-KA
Madaxweynaha JFS oo xilka ka qaaday Lataliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isudu waha barnaamijyada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ah aa Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caala miga ah iyo isud uwaha barnaa mijyada.
adaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Latal iyaha Hore wakhti ga uu usoo shaqeeyey dalk iisa, isagoo tilma amay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xooji nta xiriirka ay leedahay caalamka si waafaqsan daha na iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Sooma aliyeed.
Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkee yey muhiimadda ay leeda hay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Sooma aliyeed si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.
R/W/re ku xigeenka dalka oo daah fu ray ma shruuca adkeysiga sugnaan ta cuntada & nafaqada ee Somaliya
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya, Md. Saalax Axmed Jaamac oo wehliyo wasiirka wa saaradda xanaannada Xoolaha ee XFS Xasan Xuseen Maxamed ayaa si rasmi Moqdisho uga daah furay mashruuca adkeysiga sugnaanta cun tada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.
Mashruucaan oo uu maalgalinayo Banka hor u marinta Africa ayaa xoogga saari doona horomarinta ka abayaashii uu dalka lahaa gaar ahaan xanaan nada xoolaha sida goobihii caafimaadka xoolaha, seerooyinkii, biyo xireenadii, warihii xoolaha ka cabi jireen iyo si guud illaalinta badqabka xool aha nool.
Barnaamijkaan adkeysiga sugnaanta cun tada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soo maaliya ayaa si guud u gaari doona gobalada dalka kaasoo ay ka faa’iideysan doonaa dhamm aan xoola dhaqatada Soomaaliyeed.
Daah furka mashruucan sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda D anqaran iyo wasi iradda xanaannada Xoolaha ee dowlad goboledyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaale oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Madaxda degmooyinka Muqdisho
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Du qa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale) ayaa guddoomi yay Shirka Deg mooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.
Waxaa loogu hadlay dar-dargelin ta Howlaha Degm ooyinka iyo Qorsh ayaa sha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasa dda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira G/Banaadir, isagoo Madaxda Ma amulada Degmooyinka iyo Deegaanada kula dar-daarmay xoojinta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in la isku xero bulshada iyo laamaha Amniga si loogu hortago wax weliba oo liddi ku ah Amniga.
Ugu danbeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Maamulada Degm ooyinka iyo Deeg aanada Gobol ka Banaadir in si wadajir ah loogu shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda, isla markaana la iskula xisaabtami doonno ga abis weliba oo ku yimaada adeegyada loo haayo bulsho Caasimadda.
Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulan la yeeshay dhiggisa dalka Tunisia
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federa alka Soomaaliya Md. Ismaaciil Cabdiraxm aan Sheekh Bashiir ayaa kulan La qaatay dhigiisa Dalka Tunisia Sarratt Zaafrani Zenzri.
Kulanka labada Wasiir ayaa diirada lagu saa ray sidii ay isku kaashan lahayeen labada Dowl adood Tunisia iyo Somaliya, Kulankan labada Wasiir ayaa ku soo beegmay, iyadoo uu socdo Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wasiirada Gury eynta iyo Dhismaya asha ee Wadamada Carabta uu oo shirkoodii 5-aad uu sanadkan ka dha cay wadanka Liibiya oo marti gelisay.
Shirkan Wasiirada Guryeynta iyo Horum arinta wadamada Carabta ayaa intuu socday wax a lagaga dooday sidii shaqalaha Dowladaha u shaqeeya u heli lahayeen guryo tayo fiican leh, iyada oo is kaashanayo.
W/Caafimaadka XFS oo kulan la qaat ay Khuburro ka socday xarun ta xakameynta cudurada ee Afrika
Wasiirka Wasaaradda Caafima adka iyo Dar yeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaa liya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu we hliyo Agaasimaha Guud ee Machadka Caafi maadka Qaranka(NIH) Dr. Xuseen Abuukar ayaa kulan la qaatay koox farsamo oo ka socotay Xar unta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika (Africa CDC). Kooxdu ayaa wasiirka uga warbixiyeen hawl-gal 4-maalmood ah oo lagu qiimaynayey Xaru maha Hawl-galka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadwe ynaha (PHEOC) iyo Xarum aha Maarey nta Dhacdooyin ka (IMC).
Wasiirka ayeyna la wadaageen natiijooyinka iyo tallaabooyinay soo jeediyeen ee lagu taage erayo cusboo naysiinta xarumaha PHEOC iyo tababarro lagu xoojinayo la socodka, u diyaa rgarowga iyo ka hortagga xaaladaha degdegga ah ee caafim aadka. Ujeedka howlgalka ayaa ah in dowladda Federaalka Soomaaliya laga caa wiyo dhanka tayaynta si ay si wanaagsan uga jawaabto dhibaatoo yinka xaaladaha caafimaad ka ee daddaga ah. Wasiir Aadan ayaa uga ma had celiyey kooxda CDC ee Afrika dadaa lka ay ugu jiraan xoojinta awoodda Soomaaliya ay ugu diyaargarowdo, ugana jawaabto xaaladaha degd egga ah ee caafimaadka bulshada. Waxaa na uu sheegay inay ka go’an tahay Wasaarada Caaf imaadka iyo Darye elka bulshada XFS inay dha qangeliso tallooyinka la soo jeediyay.
Weerar loo adeegsaday toorey oo ka dhacay Muqdisho Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday toorey oo Habeen hore ka dhacay qaybo kamid ah maga alada caasim ada ah ee Muqdisho, gaar ahaan deg mada Hodan ee gobolka Banaadir.
Weerarka oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Seybiyaano ayaa waxaa gay stay nin ku hubeysnaa Mi ndi ama Toorey oo weerar ku qa aday ciidamo ku sugnaa halk aasi.
Ninka ayaa la sheegay inuu ku qaylinayay Allaahu Akbar, kadibna uu beegsaday ciidamo ku sugnaa bar koo ntarool oo ku taalla halkaasi, waxaana ka dhashay dhaawaca hal askari.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in isna la toogtay ninka weerarka gaystay, waxa ana soo gaa ray dhaawac, sida ay xaqiijiyeen sar aakiil ka tirsan laamaha amniga.
Dhaawac ninka ayaa sidoo kale la geeyay isbi taalka, waxaana hay’adaha amniga ay sheegeen inay wadaan baa ritaano ku aadan dhacdadaasi.
Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya too gashada ninkan, isla markaana ay ku hareereysan yihiin ciidam ada ammaan ka ee dowladda Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shababa, isla markaana uu weerarka sidaas ku qaaday, balse laamaha amniga ayaa ku haya baaris.
Nooca weerarkan ayaa ah mid ku cusub ma gaalada Muqdisho waxaana badanaa weerarada lagu qaado ciidamada ay ahaayeen kuwa toos ah ama qaraxyo, sida horay u dhici jirtay.
Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay maalmihii u dambeeyay daganeyd xaaladda Muqdisho oo shaqo fiican laga qabtay marka loo eego sidii hor
Ingiriiska oo Soomaaliya ugu deeq ay 9 Milyan oo Doollar iyo waxa lagu qabanayo oo…
Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta ee loosoo gaabiyo (FCDO) ee Dowladda Ingi riiska u qaabilsan Horumarinta Dibad da ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $9 milyan oo Doollar oo lagu darayo mashruuca ADRifi.
Mashruucaan waa mid Bangigaga Horumarinta Afrika oo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ay fuliye ka tahay, Xafiiska ayaa ballanqaadkaan sameeyay intii lagu guda jiray shirkii Caalamiga ahaa ee lagu falanqaynayay arrimaha isbaddelka cimiliiada COP28 ee ka dhacay Isutagga Imaaraatka Carabta.
Guddoomiyaha Hay’adda Maara ynta Musiibooyinka Qaranka Sooma aliyeed ee SODMA Maxamuud Maca llin Cabdulle ayaa deeqdaan uga mahadceliyay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta (FCDO) ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Dibadda isaga oo sheegay in uu ku ammaanan yahay kaalintaan.
Tallaabadaan waa mid ka qaybqaadan karta xakamaynta iyo wax ka qabashada xaaladaha bani aadam nimo ee Soomaaliya sida raadadkii ay ka tageen abaaraha, Daadadka Roo bka Dayrta ee curtay horraantii Okto obar 2023 & Fatahaadda Webiyada Dalka.
Golaha dhaqanka SSC- Khaatumo oo go'aan rasmi ah kasoo saaray 17-kii xildhibaan ay Puntland ku lahaayeen
Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda.
Golaha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale she egay in aysan jiridoonin cid kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo isku soo sharrixi karta madaxwey ne ku xigeenka Puntland.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen labada xubn ood ee kasoo jeeda SSC Khaatumo ee ku jira guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarl ama anka Puntland, inay is iscasilaan.
Go’aannadan iyo kuwa kale oo dhowr ah ayay golaha dhaqanka SSC- Khaatumo soo saar een ka dib kulan ay Dorraad ku yeesheen magaa alada Laascaanood, halkaas oo laga cabsi qabay inuu ka dhaco mudaharaad reer SSC ugasoo horjeedaan in xildhibaano loo diro Puntland.
Isimmadu waxay ka digeen in suuqa laga qorto xildhibaanada beesha Dhulbahante, waxa yna sheeg een dhammaan odayaashii saxiixi jiray inay go’aan midaysan ku qaateen in aan Puntland loo dirsan wax xildhib
aan ah.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah is immada soo saaray go’ aannadan, ayaa sheegay in ay ka taliyeen midnimada iyo wadajirka dadka reer SSC- Khaatumo.
Go’aanka isimmada SSC ayaa kusoo beeg may, iyadoo Puntland ay ku jirto xaalad doorasho ah, islamar kaana ay siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda degaanadaas SSC Khaatumo ay isku diyaarinayeen inay buuxiyaan kuraasta beel ahooda.
Sidoo kale, siyaasiyiin uu kamid yahay madax weyne ku xigeenka Puntland ay u hanqal taaga yeen xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, kaasoo mar walba loo dooran jiray qof kasoo jeeda beesha Dhulbahante.
Howlgal Dorraad ka dhacay gobolka Mudug oo lagu dilay 55 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixis ay howlgal gaar ah oo Dorraad ciidamada xoogga dalka iyo saaxiib ada Caalamiga ah ka sameyeen dhu lka howdka ah ee Jeex jeexa oo u dhaxeya magaalooyinka Caad iyo Cadaleey ee gobolka Mudug.
Dhulkaan howdka ah oo ku yaala Koofurta gobolka Mudug ayaa la tilma amay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliye ed S/Gaas Ibraahim She ekh Muxudiin Cadow ayaa warb aahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlg alka lagu dilay 55 xubnood oo isugu jira horjog ayaal iyo maleyshiy aad ka tirsan kooxda.
"Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibra ahim Sheikh Muxudiin ayaa Waxaa uu sheegay in tirada Cadowga looga dilay Duqeynta uu ka badan yahay 55 dhimasho ah oo Mal eyshiyaad iyo Horjogayaal isugu jira iyo dhaawaca tiro 40 ka badan" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.
Koonfurta gobolka Mudug waxaa labadii tod obaad ee lasoo dhaafay si xowli ah uga ka socday howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanadaas, waxa ana ciidamada xoogga dalka howpgalada si kula wareegeen deegaano badan oo muhiim ah.
Dhinaca kale Dorraad galinkii dambe ayaa howlgal noocaan oo kale ah oo ay fuliyeen ciid anka dowladda oo taageero dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ah waxay ku dileen deegaanka Aboodin oo ka tirsan Jubbada Hoose in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Ururka Shabaab.
Dowladda Fedaraalka oo Dorraad dalka dib ugu soo celisay dhaliny aro ku xirneyd dalka Ruushka
Waxaa Dorraad dalka dib loogu soo celiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
Muwaadiniintaan ayaa tiro ahaan gaarayay 16 muwaadin oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa mu do ku xirnaa xabsi ku yaala dalkaasi Ruushka, kuwaas oo la xiray iyagoo tahriib ahaa.
Qaar ka mid ah dhalinyaradaan Dorraad da lka dib loogu soo celiyay oo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula hadlay war baahinta ayaa sheegeen iney ku faraxsan yihiin in dalkooda dib loogu soo celiyo.
"Waan ku faraxsanahay in dowladdeena na ga soo saartay xabsi aan ku jirnay mudo 30 cisho ah oo aan ku rafaadsaneen, dalkeyga inaan ku soo laabtay waa ii farxad" ayuu yiri mid ka mid ah dhalinta laga soo saaray xabsi ku yaala Moscow.
Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya oo dhalinyaradaan dalka kusoo celisay ayaa shee gtay iney ka go'an tahay in dalka dib ugu soo celiso muwaadiiniinta ku xiran xabsiyada da lka duwan ee ku yaal dalka dibadiisa oo ay ku jiraan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugu soo celiso muwaa diniin Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaala dal ka diba diisa, waxaana horay ay dalka ugu soo celisay dhalinyaro ku xirneyd dalal ay ka mid yihiin Libiya iyo India.
Xildhibaano ka tirsan BF Soomaali ya oo dacwad culus ka gudbiyay safiirka UK
Xildhibaannada labada Gole ee Baarlam aan ka Federaalka Soo maaliya ee kasoo jeeda SSC-Khaatu ma ayaa dacwad ka gudbiyay safiirka Ingiriiska ee Sooma aliya Michael Nithavr ianakis, kaas oo ay u jeediyeen eedeymo culus. Xildhibaannadan oo gaaraya illaa 10 Mudane, ayaa waxa ay kala yihii:- 1-Senator Cabdullahi Xirsi Timacadde 2-Xildhibaan Sahro Cabdullahi Cigaal 3-Xildhibaan Cabdullahi Xasan Rooble 4-Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Dhookir 5-Xildhibaan Cabdullahi Warsame Bidhaan 6-Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Kayse 7-Xildhibaan Cabdullahi Ibraahim Warsame 8-Xildhibaan Farxiyo Yuusuf Cumar 9-Xildhibaan Cabdiqani Maxamuud Maxamed 10-Senator Samiiro Xaaji Maxamed.
Warqadda ay soo saareen oo ku qoran Engel ishka ayaa waxa ay socod siiyeen wakiilada kale ee beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Xubnaha laga soo doorto SSC-Khaatuma ayaa danjire Michael Nithavrianakis ku eedeey ayinuu faragelin ku hayo arrimaha SSC, uuna kasoo horjeedo rabitaanka dadkeeda.
Mudanayaasha soo saaray qoraalkan cabashada ah waxa ay tilmaameen in safiirku si gaar ah u bartilmaameed sanayo deegaanado oda, uuna taagee rayo Somaliland, sidoo kale uu ixtiraa mi waayey diblumaasiyadda iyo xeer arka caalamiga ah, sida ay hadalka u dhigeen.
"Danjiruhu wuxuu si bareer ah u jebiyey u hoggaansanaanta heshiiska Vienna Qodobka 41-aad – oo odhanaya "Waxaa ku waajib ah qofka xasaanadda iyo mudnaanta helaya inuu ixtira amo shuruucda dawladda soo dhoweysay, sidoo kale waxaa ku waajib ah in aysan faragelin arrim aha gobolkaas”. Iyadoo la tixraacayo heshiiska Vienna; Qodobka 41-aad, waa in la joojiyo jebinta dublamaasiyadeed ee Safiirka Ingiriiska Mr. Michael Nithavrianakis uu ku hayo gobollada SSC-Khaatumo,” ayay yirahaadeen xildhibaann ada labada aqal ee kasoo jeeda SSC.
Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen inuu xad-gudub sameeyay, uuna ixtiraami waayay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, maadaa ma SSC ay kamid tahay dowladda dhexe.
In dhowaanahaan ayaa waxaa taagnaa arrintan, kadib markii hoggaanka sare ee SSC uu eedeeyay dowladda Ingiriiska oo uu tilmaamay inay aaminsan tahay in aan wax maamul kale ah laga samayn karin xaduudkii ay iyadu horay u jeexday, xilligii gumeystaha.Xigasho:-Caasimadda.Net
SANADKAN 2023-KA SOOMAALIYA WAXAY GAARTAY GUULO TAARI IKHI AH (WARBIXIN)
Kadib markii la soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii hore, islamar kaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI
HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa wa xa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshay aashaan soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La daga alanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dast uurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.
Siyaasadda arrimaha dibadda:- inay Sooma aliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM.
Haddaba maxaa ka fulay qorshaya asha Dowla dda ee dhinacyada siyaas adda Arrimaha Dibadda iyo midda gudaha?.
Qorshayaasha dowladda ee arrima ha dibadda:-
1.ku biirista Bulshada Bariga Afrika:- Soom aaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaa liyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safr aan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxw eynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamu ud ayaa xusay dadaalka uu ku bixin ayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliy ey Madaxda Urur Goboleedka Iskaa shiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbala adda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bari ga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maa daa ma ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dha ca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaara dda.
2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saar neyd dalka Soomaa liya muddo 31 sano ah, wax ayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Des mber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soo m aaliyan laga qaado Cuneqabat eyn ta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islam arkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. "Waxaan soo dhawey nayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cuna qabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Mada xweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.
Maalin kadib waxay Dowladda So omaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoo bay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soom aaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxwey naha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxam uud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirk aasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeya ashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.
3.Deyn Cafinta : Hey’adda Lacag ta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soom aaliya ku guulaysatay dhamm aan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soo maaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shira yeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaal iya iyo IMF/ Bangiga Addu unka.
Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamull ada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Disee mbar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, mar ka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambey ntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.
Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.
4.Dhameystirka ka bixitaanka Soo maaliya Ciidamada ‘ATMIS’. "Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaa liya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowla dda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooy ada Qaran ka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaali ya iyo xeynd aabyada ku hareeree ysan.
"muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooya da in Gab ar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.
Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediy ay markii ay Ciidamada ATMIS ka bax een Villa Soomaaliya, ayna la ware geen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, "Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Sedd exaad ee Madax weynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.
Qorshayaasha dowladda ee siyaas adda arrimaha gudaha ayaa ahaa:-
1.La dagaalanka Kooxda Khawa arijta ah ee Al-shabaab. Madaxw eynaha JFS Md. Xasan Sheekh Max amuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawa arijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilow day daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiib bada caalamka ee taageera Sooma aliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxwe ynahooda.
Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleys an jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socdayhowlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeya ashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khaw aarijta fariisin u ahayd iyo (68) shaba kadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.
2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Do wladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaar kood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.
3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaa suqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowl adnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caala miya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dow lad walba oo dunida ah ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, ha ddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedey sanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano,
waxaana Shacbi ga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowlad nimada Soomaaliya.
4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Sooma aliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sare enta Sharciga, ka soKoow Share ecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriy ada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuu rka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuri yadda siinayaa xuquuqo ay ka midy ihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqa ale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquu qin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adah eeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.
Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud "Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.
"Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaa yo,dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan.
Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey (Suuqa EAC), Cabsidii khaw aarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqa batayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.
‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.
By: C/lahi Ruush DHAMMAAD
Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo is ku soo dhiibay Ciidanka Dowladda
Cabdirashiid Maxamed Cabdi oo loo yaqaan "Indhacade” ayaa Dorraad isku soo dhiibay Ciid anka Xoogga, gaar ahaan Guutada 14-ka Octo ber ee ku sugan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galb eed
Cabdirashiid oo kasoo je eda Maga alada Ba ydhabo ayaa Al-Shabaab ugu biiray sida uu sheegay dee gaanka Doolan-doole ee Gobolka Baay horraantii 2018, markii uu qaatay fikirka lagu, kadib ayuu qeybta jabhadaha ee Shaabaab uga soo barbar dagaalamay gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose.
Waxa uu sheegay Cabdirashiid Indhacadde in dhibaatooyin badan kala soo kulmay kooxda Al Shabaab intii uu katirsanaa, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in uu isaga soo tago kooxdaasi uu sannadaha badan kasoo tirsanaa. Dowlad da Soomaaliya ayaa deeg aanno lala duwan maa lmihii lasoo dhaafay kusoo bandhi gtay xubno katir saa Al Shabaab, kuwaa oo dowl adda shee gtay in ay kasoo baxeen kana faa’iide esteen cafiskii loo fidiyay.
Doon gaadiid badan kasoo qaaday Dubai una socotay dekedda Hobyo oo gubatay
Dab xooggan oo sabab ay inay basbeesho ayaa Dorraad ka kacay Doon u rarnayd gana csato Soomaaliy eed, taas oo u socotay mag aalada Hobyo ee gobolka Mudug.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Sheekhow ayaa warbaah inta u xaqiijiyey in Doo ntaas ay siday badeeco gaadiidka yaryar ee raaxada u badan.
Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxay ma raysay inta u dhaxaysa deka dda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya.
Wasiir Abshir ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan dabka qabsaday Doo nta, balse waxaba aysan ka badbaadin hant idii saarnayd.
Doontan oo lagu magacaabo Fura at 3 ayaa 12-kii bishan kasoo baxday magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta, waxayna u socotay dekadda magaalada Hobyo ee Galmudug.
Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontaasu gubato, waana la badbaadi waayey oo waxaa gubtay dhamaanba badeecadii saarna yd oo isugu jirtay bagaash iyo ku dhaw aad 100 gaari.
Ganacsato badan oo degta Galmu dug ayaa lahaa hantida gubatay, waxa yna doonayeen in badeecada iyo ga adiidkaas ay kala soo degaan dekedda Hobyo oo hadda u shaqeysa si ku meel gaar ah.
Dekedda Hobyo ayaa la qor sheynayaa in dhawaan lagu bilaabo dhisme, waxaana dhawaan magaalada isugu tegay oo soo saxiixay madax weynaha Galmudug iyo ganacsatada dee gaanka, si bilowga sanadka cusub loo bilaabo dhismaha.
Maxaa diiday safarkii Barkhad Batuun uu Dorraad ku iman lahaa Muqdisho?
Xildhibaan Barkhad Batuun Jaamac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland aya a ka baaqday safar uu qorsheeyay inuu Dorra ad kusoo gaaro Muqdisho, si uu uga qyab-galo aas ka Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.
Xildhibaanka oo hadal siiyay warb aahinta Hargeysa ayaa Habeen hore shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu ka qayb-galo Janaasanada Marxuum adda, isa ga oo sheegay in wax shaqo ah aysan ku lahayn arrimaha siyaasadda, maa daama ay is hayaan Soomaaliya iyo Somaliland.
"Runtii geerida qaraabada iyo qoy ska ku tacaluqeysa kolley wax siya asad ah geli meyso, waana ku han-weynahay ducadeeda iyo god-ga lkeeda inaan goobjoog ka noqdo” ayuu yiri.
Khadar Batuun ayaa safarkiisii ka baaqday, kamana soo qayb-gelin Janaasanada Marxuum adda oo Dorraad aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.
Hargeysa waxaa kaliya ka yimid hal qof, wa ana Boqorka guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iimaan oo kasoo qayb-galay aaska loo sameeyay Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.
"Aniga oo qura ayaa Dorraad ka imid Harge ysa, laakiin wafdiga kale way noo suurageli weys ay” ayuu yiri Boqor Axmed Iimaan oo ware ysi siiyay Telefishinka Universal.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta baajisay safarkii Barkhad Batuun Jaamac, wuxuuna shee gay in daruuf jirto uu u imaan waayay Xamar, balse ma shaacin wax ay tahay.
"Khadar daruufo kale ayuu u baaqday, laakiin wuu jeclaa inuu yimaado oo Janaasadeeda ka qayb-galo, laakiin Ilaahey ayaan u qorin” ayuu ku jawaabay Boqorka.
Allaha u naxariistee Khadiija Diiriye ayaa si weyn u garab istaagtay Barkhad Batuun, kadib guushiii uu kasoo hooyay doorashadii Somal iland, iyada oo munasaabad dagaal-deg ah ugu qabatay Muqdisho, kadibna u aruurisay lacag ay ugu talagashay inuu gaari ku iibsado.
Cabdi Iley oo sheegay in Markhaatiy adiisii difaaci lahaa xadhig iyo jidh dil loogaystay
Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxa muud Cumar ( Cabdi Iley) ayaa shee gay in markhaatiyadii isaga difaa cayay ay Booliska Addis Ababa ugaysteen jidh dil iyo xarig, sida uu Cabdi Iley uu ka hor sheegay Maxkamadda.
Cabdi Iley waxa uu shee gay in saddex maalmood ee u dambaysay xadhig iyo jidh dil loogaystay 5 kamid ah Markh aatiyadiisii isaga difaacayay, sida ay sheegtay BBC da qaybta Afka Axmaariga oo soo xiganaysa mid kamid ah dadkii sida dhow ula socday arrinka Maxkamadda.
Dadkan Markhaatiyada ah ee difaacayay Cabdi Iley ayaa la sheegay in xadhiga iyo jidh dilka loogaystay kaddib markii ay Maxkamadda kasoo muuqdeen Talaadadii aynu soo dhaafnay, si ay uga difaacaan eedaha loohaysto Madaxwe ynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxa muud Cumar ( Cabdi Iley ).
Mid kamid ah dadka markhaatiga difaaca u ah Cabdi Iley ayaa la shee gay inay horey isku dacwad u ahaay een Cabdi Iley oo ay isla xidhna ayeen kana mid ahayd xubnihii xukuumadd iisii hore, balse Maxkamaddu ay kiiske eda laashay saddex sano kahor, wakht igaa oo iyada lagu waayay wax dambi ah.
Balse Maxkamadda oo dhagaysa tay eedda uu Cabdi Iley ujeediyay Booliska ee ah in booli sku xadhig iyo jidh dil u gaysteen dadkii isaga markhaatiga difaaca u ahaa, ayay Maxkam addu Booliska ku amartay inay ka jawaabaan arrintaas, balse Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax u xidhan iyaga oo ku saabsan dadka la sheegay inay markhaatiga u yihiin Cabdi Iley, marka laga reebo hal gabadh oo ay sheegeen inay hayaan Faderal Boolisku.
Cabdi Maxamuud Cumar oo 5 sano kahor loosoo xidhay rabshadihii 2018kii ka dhacay mag aalada Jigjiga ayay Dowladda Itoobiya ku eeda ysay Cabdi Iley inuu ku lug lahaa rabshad ahaas, isagoo sameeyay kicin bulsho isla markaana hub aynayay kooxo loo gu magac daray Heego, balse Cabdi Iley eedahaas waa uu iska fogeeyay.
Cabdi Iley ayaa muddo 8 sano ah waxa uu Madaxweyne ka ahaa Dowlad degaanka Sooma alida, waxaana xilkiisii Madaxweyne uu waayay 4tii Agoosti 2018 xilligaas oo rabshadihii u wa ynaa ee abid degaanka ka dhaca ay ka dhaceen magaalada Jigjiga, kaas oo dad badan ay ku dhinteen burbur hantiyeedna uusoo gaadhay magaa lada Jigjiga.
XOOGSADE AFRIKAAN AH OO DHAXAL U HELAYA BALAAYIIN DOOLLAR, MAXAYSE TAHAY SABABTU..?
Maalqabeenka Nicolas Puech oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa qaatay go'aan naadir ah kaas oo wargaysada caalamka si weyn u hadal hayaan.
Ninkan bilyaneerka ah ayaa ku leh sa ami fiican shirkada Hermès ee soo saarta agabyada qu rxinta guryaha ee raaxada ah iyo alaabaha hargaha taas oo muddo dheer caan ka ah aduunka kuna caanka boorsooyinka Birkin
Arinta cajiibka ah ayaa ah in Nicolas Puech oo hadda 80 sano jir ah uu go'aansaday in uu qayb ka mid ah hantidiisa dhaxal ahaan u siiyo ninka ka sha qayn jiray beertiisa sida laga soo xigtay daabac aadda Swiss Tribune de Genève.
Puech ayaa noqonaya dhaxlaha jiilka shanaad ee shirkada Hermès oo uu aasaasay Thierry Herm ès sanadkii 1837-dii taas oo ah shirkadaha caanka ah ee soo saara waxyaabaha gaarka ah, ninkan ayaa hantidiisa lagu qiyaasaa 11 bilyan oo doollar.
Warbixinada ayaa sheegaya shirkadan Hermès oo saamigeedu dhan yahay 183 bilyan oo doollar uu isagu leeyahay inta u dhaxaysay shan ilaa lix boqolkiiba.
Puech ayaan dhalin wax caruur ah, horena aan u guursan, basle hadda waxaa la sheegay inuu hani tidisa siinayo shaqaalihiisii hore ee ka shaqaynayey beertiisa kaas oo an si rasmi ah loo sheegin magaciisa balse waxa la sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo Morocco oo uu leeyahay xaas iyo laba caurur ah.
Midka mid ah dukaamada Hermes
Ninkan shaqaalihiisa ahaa ayaa laga yaabaa inuu dhaxlo $5.9 Bilyan oo ah hantida Puech ah uu ku leeyahay dalalka Switzerl and iyo Morocco.
Puech ayaa diiwaan gali yey in ninka ka shaqayna yey beertiisa uu maray nidaamka waalid u noqosh ada, laakiin hanaanka sharciyada korsashada ee Switzerland ayaa diidaya korsashada dadka waaw eyn. Nidaamka ayaa qaba in qofka ama kooxda wax korsanaysa ay xiriir wadaag la yihiin korsadaha ugu yaraan qaybaha hore ee caruurnimadiisa iyadoo la raacayo xeer kale oo qeex aya qofka qaan gaarka ah ee korsa naya waa inuu ugu yaraan hal sano kula noolaaday waalidkii korsaday isagoo yar
Dhanka kale, korsashada dadka qaangaarka ah maaha wax caadi ah oo ka dhaca Switzerland, halkaas oo Puech u deggan yahay sababo cansh uuraha la xiriira.
Si kastaba ha ahaateen bilyane erka Puech ayaa lagu eedeyey inuu hore u bilaabay hababka korsashada ee ninkan ka shaqaynayey beertiisa ee aan la magacabin si uu u siiyo dhax alkiisa. Waxaa laga yaabaa inay jiraan dagaalo sharci ah oo ku hareeraysan qoondaynta hantida Puech.
Puech si toos ah uguma lug lahayn hawlaha shir kadda Hermès wuxuuna ka tagay guddiga kormee rka sanadkii 2014-tii.Mid ka mid ah boorsooyinka ay shirka ddu samayso
Sidoo kale ninkan waxaa hareeyey khilaafaad qoyskiisa ah oo la xiriiray saamiga shirkaddda, Puech maaha qofka ka liya ee taajiriinta ka mid ah ee sameeya go'aamo aan caadi ahayn oo ku saabsan rabitaankooda iyo hantidooda. Sanadkii 2011-kii ayuu Puech balan qaaday in hantidiisa uu ugu deeqi doono hay'adda Isocrates Foundation oo ah urur samafal oo uu aasaasay kaas oo bixiya deeqo lagu 'taageeray doorka aasaasiga ah ee ururada bulshada rayidka ah ee ilaalinta iyo kicinta doodaha dadweynaha.
Sida laga soo xigtay shabakadda hay’addan, waxay maalgelisaa oo taageertaa saxafiyiinta danta guud iyo ururada warbaahinta iyo kuwa ah saxafiyi inta wax baara.
Sidan oo kale waxaa sameeyey naqshadeeyi hii maalqabeenka ahaa ee u dhashay Britain Alexa nder McQueen oo bixiyey hantidiisa qaar ka mid ahayd intii aanu geeriyoon ka hor sanadkii 2010-kii. Sanadkii 1988-dii waxaa sida ninkan Mar ookan ka oo kale dhaxashay mulkiilaheedii dhintay bisad la oran jiray Blackie taas oo heshay lacag lagu qiya asay 7 milyan oo dollarka Canada ah.
Milyaneerkan Ben Rea, ayaan wax lacag ah uga ma tagin qoyskiisa basle bisadda dhaxashay ayaa noqotay mida ugu qanisan dunida.XIGASHO:-BBC
TUULO DADKA KU NOOL OO DHA MI AY QABAAN XANUUNKA ASAA SAQA
Qoraalka sawirka, Mid ka mid dadka qaba xanuunka Tuulada Lan des Alzheimer waxa ay ku taal koonfur-galbeed dal ka Faransiiska, waa tuulo ka duwan tuulo oyinka ka le ee adduunka, sababtoo ah dhammaan dadka deggan waxay la ildaran yihiin xanuunka asaasaqa, ama xasuus la'aanta.
Waxaa ku yaal tuulada dukaan weyn oo dadka deggan siinaya alaab fudud, sida rootiga iyo ade egyo kale ayada oo aan wax lacag ah laga qaadin, marka qofna uma baahna inuu xasuusto boorsada lacagta uu ku wato.
Mid ka mid ah dadka ku nool tuulada oo lagu magacaabo Francis oo iibiya wargeysyada maalinl aha ah, balse horey u ahaan jiray beeralley ayaan ku casuunnay mid ka mid ah maqaayadaha ah ku yaal dhex bartamaha magaalada si aan wax uga waydiinno nolosha tuulada.
Waxaan waydiinnay Francis sida uu dareemay markii dhakhtarku u shee gay inuu qabo cudurka Alzheimers ama asaasaqa.
Wuxuu lulay madaxa, in muddo ah oo uu aam usnaa, ayuu yir "Aad bay u adkayda xaaladdu”.
"Waan sii wadan doonaa nolosh ayda"
Lamaane qaba xanunka Asaasaqnima da
Qoraalka sawirka,Lammaane qaba xanunka asaasaqa
Aabbihii sidoo kale wuxuu la ildaran yahay cudurka Alzheimers, ama Asaasa qnimada, laakiin Francis ma cabsado mana qariyo in xanuunka uu qabo.
Wuxuu yiri "Kama baqayo geerida, sababtoo ah waxay iman doontaa maalin ka mid ah maalmaha”.
Waxa uu intaa ku daray "nolosh ayada waan si wadan doona in kasta oo xanuunka aan qabo”.
"Waxaan halkaan u imid inaan nool ado, xitaa haddii xaalku uusan sidaan ahaan lahayn” ayuu yu Francis.
"Haddii aad quusato, cudurku waa kaa adkaan doonaa marka waa in aad horay u socotaa oo aad ku dadaasha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Maamulayaasha tuuladu waxay ku dhiirigeliyaan dadka deggan inay ka soo qaybgalaan masraxayo lagu qabto tuullada oo dadka lagu wacyi galiyo.
Sidoo kale Philip iyo Vivian oo ka mid ah dadka qaba xanuunka ee ku nool halkaan ayaa BBC-da u shegay inay sii wadaan inay u noolaadaan si caadi ah intii suurtagal ah xitaa ka dib markii laga helay xanuunka asaasaqa.
Philip ayaa yir isagoo meel fog ka eegaya "waan Soconaa Maalin kasta”
Markii aan weydiiyey inay faraxsan yihiin iyo in kale, isla markiiba kor ayuu fiiriyay, wuxuuna ii shee gay isagoo dhoolla caddayn rajo leh: "Haa, aad aya an u faraxsanahay." Kadib, markii ay dhammeeyeen cabitaanka qaxwaha waxa ay xiteen dhar diiran, lammaanaha ayaa dib ugu laabtay socod lug ah oo ay ku maryaan bertooda. Dadka tuulladan ayaa inta badan ah kuwa xanuunka qaba,ma jirto howlo gancsi oo badan oo halka ka socada ayada oo ingta badan dadka halkaan jooga ay ka shaqeeyaan dar yeelka dadka qaba xanuunka iyo wacyi galintooda.
Qoraalka sawirka,Dhaqtar, Elaine Ameyev
Tuulada ayaa si dhow isha loogu hayaa, waxa ana dhaqtar Elaine Ameyeva, ay sheegtay in natiijo oyinka hordhaca ah ay muujinayaan in qaab nololee dka tuulada uu durba saameynayo xaaladda bukaannada.
"Waxaan u baranay inaan aragno heerka gar ashada bukaannada oo si degdeg ah uga sii daraya marka la keeno xarunta daaweynta xalada dadka halkaan ku nool waa sii liidanaysa” ayay tir .
Waxaa ay sheegtay in kasta oo la bixiyay dadaal badan haddan ay lagama maarman tahay in door weyn laga qaato sidii xaalda dadkan wax looga qaban lahaa.
Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale ay tilmaameen in uu jiro "hoos u dhac weyn" oo ku aadan dareenka iyo wala aca qoysaska bukaanka cudurkan.
Maadaama aysan jirin ballamo gaar ah oo dadka tuulada deggan loo qabto si loo soo booq do,haddan qoys aska bukaannada ku sugan halka an waxa ayaa u yimaada waqtiga iyaga ku habb oon. Dominique iyada iyo walaalaheed waxaa ay si isbuuc la ah u soo boo qadan habaryarteed oo tuullada dagg an oo lagu xanaaneeyo.
In kasta oo dadka deggan tuulada ay bixiyaan tabarucaad dhaqaale oo ah tan aasaaska ah,qaar badan oo ka mid ah kharashyada daryeelk dadka waxaa bixiya dowladda Faransiiska, oo markii horna ku bixisay dhimsaha tuulladda aduun lacaga ah oo dhan $22 milyan
Waxaa la aasaasay tuuladan sana dkii 2020, wax ay ahayd tuulada labaad ee nooceeda ah, aduu nka oo dhan.
Muxuu yahay xanuunka Alzheimer ama asaas aqa?
Qoraalka sawirka Tuullada Landes Alzheimer
Xanuunka asaasaqa waa isbedal ku yimaada maskaxda qofka oo saameeyana awo odda xasuusta iyo fak arka. Waxa uu noqon karaa mid aad u dar an.
Cudurka Alzheimers waa sababta ugu badan ee keenta asaasaqa dadka waaweyn, oo saameeya in ka badan 55 milyan oo qof, sida ay sheegtay xar unta caalamiga ah ee cudurka Alzheimer' ee la socoto xannuunkan.
Waxaa jiray horumarro la taaban karo oo san nadihii u dambeeyay laga sameeyay in wax badan laga ogaado cudurka asaasaqa iyo daweynti isa.
Asaasaqnimadu inta badan waxay keentaa in dadka qaba ay noqdoon kuwa go'doon ah.
Laakiin tuuladaan ay ku nool yihiin dadka asa asaqiinta ah waa ay ka duwan tahay waxaan ka jirto dareen bulsho oo xoog leh, dadkuna waxay dane eyaan inay is arkaan oo ay ka qayb qaataan haw laha. Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in arrinta ay tahay mid kaalin ka gaysan karta in dadka ay helaan faraxad iyo caafimaad buuxa .
Ilaa 120 qof ayaa ku nool tuulada, tiro intaas leg oo ah xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ah, iyo dad kale mutadawiciin ah ayaa ayga jooga tuuladda .
XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGYESKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 24-KA DICEMBAR 2023-KA
...