
Sida qisadan haasaawaha ee 50 sano ka hor dhacday ay wali u tahay mid Soomaalida caan ka dhex ah.
Abwaanad Cambaro Nuux Maxamed oo loo yaqaan 'Laanta Bari' ayaa BBC-da u sheegtay in allaha u naxariistee Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo loo garan ogaa 'Hurre Walanwal' uu ahaa nin qiimo badan, geesi ah, dun macaan, oo Soomaalidu u dhex ahayd, dhanka suugaantana ka ahaa mid hibo gaar ah lahaa.
Cambaro iyo Hurre waxay ahaayeen labaduba kuwa ku suntanaa taariikh xagga suugaanta, gaar ahaan dhaqanka miyiga iyo heesaha gole ka fuulka ah ee laga tiriyo isla goobta la joogo.
Waxa kale oo ay caan ku ahaayeen ciyaar dhaqameedka miyiga xiliyada barwaaqada jirto iyo cawaysyada aroosyada ka dhici jiray dhulka miyiga ah.
Hurre Walanwal todobaadkii hore ayuu ku geeriyooday laguna aasay magaada Burco.
Cambaro Nuux waxay hadda ku nooshahay deegaanka Widhwidh ee degmada Buuhoodle iyadoo da'adeedu ku dhow dahay boqol sano, balse wali waxay si fiican u xasuusata waayihii suugaaneed ee iyada Hurre Walanwal.
Sida ay ku bilaabatay silsiladda heesaha ay isku tiriyeen ayey BBC-da u sheegtay inay iyadu xiligaa 16 sano jir ahayd halka Hurre-Walanwal uu ka waynaa in door ah, sidoo kalana ay habro wadaag ahaayeen.
Xilliga sheekadu bilaabatay waxay Cambaro Nuux ku tilmaantay inay ahayd dayr barwaaqo ah oo sida roobku u biyo dhigay darteed xareedu meel walba waran tahay, laguna magacaabi jiray (dayrtii biyo badan), taasoo ku beegnayd horaantii sanadkii 1960 meeyadii.
Habeen ay aroos galayeen wiil ay ilmo adeer yihiin Canbaro iyo gabadh ay is xigeen Hurre Walanwal ayey billowdeen heestii silsilada noqotay ee dhex maray labadooda.
Hurre ma aqoon Cambaro wuxuuse meesha ka mariyey suugaan uu kula dardaarmayey gabadha ay qaraabada yihiin ee aqal galaysa oo uu tusaalooyin badan siiyey.
Markii uu dhameeyey ayey Cambaro Nuux oo ku sugnayd goob ciyaareedka arooska, caana ka ahayd deegaanka oo ahaa howdka miyiga Buuhoodle arooskuna ka dhacay soo gashay oo su,aashan waydiisay Hurre walanwal.
Cambaro Nuux
Goortu waa habeenimo waana heel ciyaareed
Halqina waa isu soo galay oo hore laysu garan maayee
Inankaga heesaayoow horta aan is baranee haybtaada noo sheeg"
Jawaabtii Hurre Walan wal.
Hayb doon hadda tahay, hoygiina ina geeyoo
Hararkiina ii gogoloo, hooyadana iga qariyoo
Haasaawe ii qabo'oo, igu haybso dababeed
Labadaas meeris waxay fure u ahaayeen silsadii suugaaneed ee Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame iyo Abwaanad Cambaro Nuux Maxamed oo dhowr iyo kontan sano laga joogo markii laysu mariyey.
Waxaa intaa dheeraa jacayl duurxul ku bilowday iyo kaftan suugaaneed balse meel gaari waayey markii uu Hurre Walanwal ku heesay inuu Cambaro Nuux ka bixinayo Ari waayo deegaanka uu ku noolaa ayaa dhaqashada xooluhu u badnaayeen ari.
Waxaa kale oo suugaantooda isugu faanayeen degsiimada markaa ay kala deganaayeen oo ahayd cal iyo buur iyo guban iyo Deegaan ciid-san ah.
Waxay Cambaro intaa ku dartay in ciyaarahu ahaayeen kuwo dhaqan iyo asluub ku fadhiyey oo la isku dhaafsan jiray goobaha lagu kulmo, kaftankuna furnaa oo an la kala xanaaqi jirin.
Sida qisadan haasaawaha ee 50 sano ka hor dhacday ay wali u tahay mid Soomaalida caan ka dhex ah.
Abwaanad Cambaro Nuux Maxamed oo loo yaqaan 'Laanta Bari' ayaa BBC-da u sheegtay in allaha u naxariistee Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame oo loo garan ogaa 'Hurre Walanwal' uu ahaa nin qiimo badan, geesi ah, dun macaan, oo Soomaali