
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHAXAD 17-KA DICEMBAR 2023-KA
DF Oo War Kasoo Saartay Maalgashiga Gudaha Iyo Kuwa Caalamiga
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Md.Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in dowladda Soomaa liya ay dhiiri-gelinayso maal-gashiga gudaha iyo ku wa caalamiga ah, si kor loogu qaado kobaca dhaqaale ee dalka.
R/Wasaare ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey madal ay soo qaban-qaabisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormu ud, ayaa xusay in Xukuumaddu ay qirsan tahay doorka wax ku oolka ee ay shirkaddu kaga jirto dalka. Md.Saalax ayaa tilmaamay in deyn cafinta ka dib ay shirkadaha ka shaqeeya dalka ay heli doon aan fursado badan oo ay adduunka kula falgeli doon aan. Munaasabadda ayaa waxa kasoo qeyb galay guddoomiyaha G/Shacabka, R/Wasaareyaal hore, xi ldhibaanno ka tirsan labada gole, ganacsato iyo bulshada qaybahee da kala duwan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir gu ddoomiyay kalfadhiga 4aad kulankiisa 4-aad ee G/Shacabka.
G/Golaha Shacabka Baarala maanka JFS Md. Sh .Aadan Ma xamed Nuur {Mad oobe} Ayaa shri guddoomiyeyKulankaa oo ay Gudd oomiyaha ku weheliyay lab adiisa ku-xigeen, waxaana uu ajandihiisu ahaa dha meystirka ka-doodidda xalaadda fatahaadaha ka jirta dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyadoo Kulankii qabsoomay 29 November 2023, lagu go’aam iyay in loo yeero Wasaaradda Arrimaha Guda ha iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, si ay uga warbixiyaan xaaladaha fatahaadaha ka jira dalka gudihiisa.
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maar eynta Musiibooyinka Qaranka, ayaa xildhibaan nadu waxay soo jeediyeen, in gobolada qaarkood xal loo raadiyo, kuwaas oo weli ay ka taagan tahay xaalado adag.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Sadad Mohamed Nuur Caliyow iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maare ynta Musiibooyi nka Qaranka Maxamuud Maca lin Cabdulle, ayaa xildhibaanada uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, waxaana ay sharaxaad ka bixiyeen shaq ada Hay’adda iyo gargaarka ay wado, waxaana ay sheegeen in doomo la geeyay gobollada inta badan fatahado ba’an ay ka geeysteen roobabkii ka da’ay gobollada dalka.
G/G/shacabka oo gunnaan adka kulanka Shalay soo gabagabeeyay ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u sheegay in Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shac abka lagu wareejiyay si ay u soo qulaaseeyaan su’aalihii ay weeydiiyeen Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo hay’adda SODMA isla-mar kaana Golaha kula soo labtaan jawaabta Xildhibaan nada.
Xogta kulan dhexmaray Cabdi Xaashi & Ku-xigeenka Wakiilka Q/Midoobay
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Shalay xa fiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeen ka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q/Mido obay, Anita Kiki oo ay ka wada hadleen xaaladda guud ee Dalka.
Guddoomiyaha ayaa uga mahad-celiyey Ku-xig eenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Anita Kiki taage erada dhinacyada kala duwan leh ee ay Qaramada Midoobay u fidiso DFS iyo dada alka dheeriga ah ee ay Marwo Kiki Soomaaliya la ga rab taagnayd intii ay xafiiska UNSOM joogtay.
Kulanka, waxaa goobjoog ahaa Guddoomi ye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare, Md. Cali Shacbaan Ibraahim, Hab-dhowr aha Aqalka Sare, Marwo Sam sam Ibraahim Cali iyo Xoghayaha Guud Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Md. Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa Shalay shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 3-aad oo ajandihi isu ahaa Akhrinta1-aad ee Sharciga Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Ra yidka ah ee Dowladda.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrima ha Bulshad Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiim adda hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dow ladda.
Intaas kadib Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa far ay guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Aqalka Sare in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka How lgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowl adda, si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golaha na ay dib ugu soo celiyaan.
Muxuu Xaadoole ka yiri isbeddalka amniga Xamar?
Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah Gola ha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbeddalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho, isaga oo bog aadiyay hay’adaha amniga ee ka shaqeeya degm ooyinka gobolka Bana adir.
Xaadoole oo khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa ayaa qiray in ciidamada ay shaqeeyeen, ayna wax badan ka qabteen dhibaatooyinkii amni ee ka jiray caasimada.
"Dhammaan jawiga Muqdisho waa isbeddalay dadka magaaladaan ku nool ayaan kamid ahay mar kaan sii soconno iyo markaan soo soconnaba qarax baa dhici jaray” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray "Hadda suba xdii markaan soo baxaayo waxaan arkaa askar taag taagan wadada war askartaas u duceeya oo u ham balyeeya oo niyadda u dhisa”
Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale far riin u diray hay’adaha amniga, wuxuuna ugu baa qay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sugi dda amniga.
"Iyagana laamaha amniga waxaa laga rabaa inay dadaalka sii wadaan, haddii ay yihiin Boolis, Na bad Sugid iyo Maamulka Gobolka Banaadir” ayuu mar kale yiri Xaadoole.
Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo soo jeediyay in la taageero ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Ugu dambeyn waxa uu soo dhaweeyay qaadista cunaqabateynta hubka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay wax badan ka tari doonto soo afjarida kooxda Al-Shabaab.
Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo howlgallo ka socdaan dalka, kuwaas oo lagula dagaalamayo Shabaab, waxaana iska kaasha nayaa ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka
Ciidanka ATMIS oo 16 sano ka dib ka guur aya Madaxtooyada Qaranka
Ciidanka ATMIS ee howlgalka kala guurka ah oo muddo 16 sano ah qeyb ka ahaa sugidda amniga Xa fiisyada Madaxweynaha, Baarlama anka iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa maalinta Maalinta ah baneynaya xafiis yadaas, waxaana la wareegi doona si buuxda amniga Ciidanka xoogga dalka sida uu noo xaqiijiyey la taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin.
Berri oo 17 December ku began, waxaa soo dham maa doona waqtigii ATMIS ee Madaxtooyada Qaran ka iyo xafiisyada waa weyn ee dalka, waxaana muna asabad Ciidanka Qaranku uu kula wareegayo Amni ga Madaxtooyada isla markaana lagu sagootinayo ATMIS ay ka dhici doontaa Villa Somalia.
Wasiirka Waxbarashada XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuuma dda Federaalka Soomaaliya Md. Faarax Sheekh Cabd ulqaadir iyo wafdi uu hogga aminayo ayaa gaaray maga alada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed.
Socdaalka Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa daaran ka qeybgalka shir waynaha Waxb ara shada dowaldda Federalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka, kaas oo lagu wado in Shalay uu ka furmo magaalada Baydhabo.
Md. Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaa lada Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed, Mudane Mustaf Ahm ed Idow iyo qaar kamid ah bahda Waxbara shada.
Wasiir katirsanaa Puntland oo iska casilay Xisbiga madaxweyne Deni Raali-gelina bixiyay
Wasiirkii Qorsheynta maamulka Puntland Max amed Sciid Faroole ayaa qoraal uu Shalay soo saaray ku shaaciyay in gabi ahaan uu iska casilay ka mid ahaanshihii Xisbiga KAAH uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni.
Waxa uu sheegay wasiirka in uu isaga baxay xisbiga KAAh kaddib mar kii uu ka xumaaday in in uu Xisbiga ku guuleysan wa ayey dhamMaan mabaa’diidii iyo siyaasa dihii uu kaga mid noqday .
Wasiirka ayaana qoraalkiisa ugu mahad-celiyay madaxweynaha Puntland oo ahaa aas aasaha iyo hoggaamiyaha xisbiga KAAH, waxa uu sidoo kale u mahad-celiyay xubnaha kale ee xisbiga ay sida dhaw u wada shaqeeyeen.
Maxamed Sciid Faroole ayaa raali-gelin u diray shaqsiyaad iyo shacabka Puntlkand uu sheegay in dhibane u noqdeen go’aamadii iyo qorshayaashii Xisbiga KAAH fulinayey intii uu wasiirka ka midka ahaa.
”Waxaan raali-galinayaa dhamaan shakhsiy aadkii iyo shacabkii dhibanayaasha unoqday go’aam adii iyo qorshayaashii Xisbiga KAAH fulinayey intii aan ka midka ahaa. Si gaar ah waxaan cafis uweydiisanayaa shacabka 3-da degmo ee gobolka Nugaal ee isdiinwaan-galiyey oo aan hagranay kuna guul-daraysanay in aan doorasho uqabano” ayuu yiri Faroole.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hogg aanka xisbiga KAAH xilkasnimo, iscafis iyo Isfahan deg-deg ah iyo inay siwada-jir ah isugu xilsaaraan in si xasiloon oo raali la’isaga yahaydoorasho loo qaban lahaa.
Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo sii kordhaya
WasiirkaArrimaha Dibedda iyo isk aashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Ab shir Cumar Huruuse ayaa isku soo sharaxay xilka madax weyna ha Maamulka Puntland.Wasiirka ayaa Isiinta wux uu ku wajahan yahay M/Garo owe si uu halkaasi uga dhawaaqo dami ciisa madaama uu yahay dhulka uu asal ahaan ka soo jeedo.
Wasiirka waxaa lagu wadaa inuu 18-ka bishaan oo ku beegan isniinta soo socota uu sharaxad ka bixiyo ujeedkiisa ama damiciisa musharaxnimo xili soo dhaweyn loogu sameyn doono maalintaasi Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntl and.Masuulkaani ayaa sii kordhiyay musharxiiin
maalmihii ugu danbeyay warbaahintu hadal heysay
kuwaasoo doonaya inay Puntland hoga amiyaan 5-ta sano ee soo socota.
Wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah
Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiya dda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho Shalay ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saab san siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).
Kulankaan oo lagu gorfee yay siyaasadda adeegsiga tik noolojiyadda casriga ah (Digi tal Inclusion), oo ay soo agaasintay Wasaaradda Isg aarsiinta iyo Tiknoolijiyada DFS ayaa Shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-ga lay Xubno ka socday Hay’adaha dowladda, Ururrada bulshada rayidka, shirkadaha ka shaqeeyo Arrimaha Isgaarinta, bahda Waxbarshada iyo dadka nugal ee baahiyaha gaarka ah qaba.
Khubarada soo diyaariyay siyaasadda ade egsiga Tiknoolojiyadda casriga oo ka taageeray wasaarad da ee kala ah Asal solutions iyo KCL ayaa soo ban dhigay bandhigay ahmiyadda dalk eennu u leedahay Adeeegga Tiknoolojiyadd Casri ah oo loo dhan-yahay, waxey dul istaageen habraacyada loo jiheyna yo in guud ahaan waddanka laga hirgeliyo adeeg gaan muhiimka ah, Iyada oo mudnaan gaar ah la sii nayo bulshada qeybaheeda kala duwan, Sida; dadka reer guuraga ah, dadka baahiyaha gaarka ah qabo, haweenka, dhallinyrada aan gaarin da’da qaangaar nimada iyo caqadaha hortaagan hannankii xal loogu heli lahaa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cab dicasiis Duwane Isaaq oo furay shirka ayaa sheegayin looga fadhiyo xubnaha ka qeyb-galay in dood adag ka yeeshan in isticmaalka Adeega Teknoolojiy adda casriga ah in ay noqoto mid sare oo xowli ah isla markaana caqadabaha iyo xalalka xooga la saaro inta madasha ay socoto.
"Dhawr arrimood oo is-dulsaaran xariir adagna leh oo mawduucan ugu horreeyo dhammaanteena ama in la xaqiijiyo, waxey tahay in ay cidna ka maqn aan helidda adeeg yada casriga ah iyo isticmaalka adeegsiga iyo agabka teknoolojiyadda. Aad ayaa looga hadlaa inclusion ka iyo exclusion ka, waana aafo guud haddana si gaar ah bulshadeena u saam aysa, Ka wasaarad ahaan waxa naga go’an dadaal ka xukuumaddu ugu jirto dawladnimo loo dhanyahay inaan laga reebin teknoolojiyadda casriga ah iyo isbe delka muuqda ee hoggaana u ah bulshada qaybahe eda kala duwan inay ka harin.
Siyaasaddan waxay horsed fiican u noqon doontaa sidii waddanka oo dhan iyo dadkeena oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen isbed elka tekn oolojiyaddu oo noloshooda wayn kaga jirto” Ayuu sheegay Mudane Cabdiasiis.
Ugu dambeyn, ka qeyb-galayaasha ayaa ku biir ayay Siyaasadda talooyin iyo aragtiyo dhaxal gal u ah hore-u-socdka siyaasadda ade egsiga tiknoolo jiyadda casriga ah.
Ciidanka Gor Gor oo howlgal burburin ah ka sameeyeen deegaan Al Shabaab joogeen
Ciidanka kumaandooska Gorgor oo garab ka helayay ciidanka deegaanka ayaa howlgal bur burin ah ka sameeyay deegaanka Baraag Cali Gaduud oo kuyaalla Koonfurta Magaalada Xarardheere ee gobolka Mud ug. Sida aan wararka ku hel nay ciidanka ayaa howlgal ka fuliyay deegaankan qeybo ka mid ah oo la sheegay in ay joo geen xubno katirsan Al Shabaab , waxaana halkaasi isaga firxaday xubnihii Al Shabaab katirsanaa sida saraak iisha ciidanka sheegeen.
Taliyaha ururka saddexaad ee Gorgor dhamme Cali Axmed Xaanshi ( Cali Cagey) oo howlgalka ho ggaaminayay ayaa sheegay in cagta mariyeen saldhigii Al Shabaab joogeen, waxa uuna xusay in howlgalka khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab. Deegaankan ciidanka dowladda Shalay howlgalka ka fuliyeen ayaa maalmo kahor waxaa duqeymo culus ku garaacay diyaarado garab siinayay ciidanka dowladda, waxaana weerarkaasi la sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay.
Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo kulan la yeeshay madaxa howlgal midowga yurub ee tayeynta Soomaaliya
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaa laha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soo maaliya mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa Xafiis kiisa kulan ku qaatay wafti uu hoggaaminayo Mada xa Howlgalka Midowga Yurub ee Tayeynta Soomaa liya ee EUCAP Somalia Mudane Kauko Aaltomaa.
Kullanka ayaa looga had lay xoojin xariirka Wa sa arad da iyo EUCAP SOM, daradar gelinta shaqooyinka hortabinta leh ee ka turjumaya baahiyaha dalka ee dhinaca Kalluumeysiga, In la sameeyo xog wadaag si loola dagaallamo Kalluum eysiga Sharci darrada ah, iyo dajinta siyaado wax ku ool u ah kalluumeysiga.
Madaxda Howlgalka Midowga Yurub ee Taye ynta Soomaaliya ee EUCAPSomalia Mudane Kauko Aaltomaa ayaa wasiirka wasaa radda warbixin ka siiyey shaqooyinka muhiimka ah ee ka qeybteen tay eynta farsamooyinka la xiira Kalluumeysiga isaga oo sheegay in diyaar u yihiin ayna soo dhaweyna yaan in ay wada shaqeyn toos ah la yeeshan wasaara dda.
Wasiir wasaaradda Mudane Axmed Xassan Aad an ayaa sheegay in ay wasaaradda mudnaan gaar ah siineyso horumarinta Kalluu meysiga iyo ka faa’ii deysiga Kheyraadka badda si dalkeennu u gaaro horumar iyo isku filna ansho dhaqaale oo waara sid aa darteed ay lag ama maarmaan tahay in la joogt eeyo ma shaa riicda horumarineed ee la xiriira dhinacyadaas.
Xukun adag oo Shalay lagu riday xubno kooxda Daacish u qaabilsanaa bambo tuurka
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Shalay xukun adag oo xabsi ah ku riday labo nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab, kuw aa oo lagu qabtay bambaano oyinka nuuca gacanta laga tuuro
Ciidamada dowladda So omaaliya ayaa gac anta ku dhigay Cabdiqani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) oo lagu helay in ay katirsan yihiin Daacish, wax aana xubnahan lagu qabtay bambooyin iyo agabyo kale.
Howlgal ay wadeen ciidanka ammaanka ayaa 16-kii October ee sannadkan waxa ay ku qabteen Cabdiqani Aadan xilli uu watay Bac ay ugu jireen labo xabo oo nuuca bambaano F1 ah uu ku wareejin rabay saaxiibkiis Axmed Cali Diiriye.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu damb ayn Shalay ku Xukumay, Cabdi qani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalim Axmed) min Sideed sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda ciidamada qalanka sida ayaa xukunno kala duwan oo isugu jira dilal iyo xabsi cii dan ku riday xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shab aab iyo Daacish, kuwaa oo lagu helay qaarkoodin dilal iyo qaraxyo geesteen halka kuwa kalana lagu helay dambiyo kale
cusub ee Burco oo Isbitaal loola cararay kadib khudbad uu ka jeediyay xafladii doorashadiisa
-Sida ay sheegtay Idaacada BBC-da Maayarka cusub ee Magaalada Burco Maxamed Xirsi Axmed (Wac ays) ayaa Shalay ku dhacay guda ha hoolkii lagu doortay xili ay soc otay Masuulkaan ayaa gadaal gadaal u dhacay xili uu kursi ku fadhiyay islamarkaana uu doona yay inuu kaco wax yar kadib khudbadii uu ka jeediyay door ashadiisa.Isbitaal ayaa loola cararay waxaana la sheegay in baaritaano lagu sameeyay aan laga helin wax cudur ahMaayar Maxamed Xirsi Axmed (Wac ays) oo qurbaha ka yimid dhaw aan markiisii hore. Maayarkaan reer Somaliland oo hoygiisa ku nasanaya isbitaalka kadib ayaa diiday inuu saxaa fada kala hadlo arimaha caafimaadkiisa isagoo xus ay inuu mar kale hadli doono.
Dhanka kale waxaa arintan ka hadlay Suldaan Jaamac Nuux oo ah maayar ku xigeenka cusub,wux uuna beeniyay qaabka loo dhigay dhigay caafimaa dka maayarka.
Wuxuu tilmaamay Suldaan Jaamac Nuux in caa fimaadka Maayarka uu fiican yahay kaliya na uu daal ku ka batay madaama uu soo galay olole xooggan
Burcad badeedda Soomaalida oo qabsaday Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka Malta
Markab ganacsi oo ku gooshayay calanka Malta, ayaa lagusoo waramayaa inay afduubte en burcad badeedda Soomaalida, sida ay shee geen ciidama da Midowga Yurub ee la dagaal anka burcad bade edda Soomaalida.
Haddii si rasmi ah la xaqiijiyo, wuxuu noqo nayaa af-duubkii ugu horreeyay ee Markab ganacsi oo ay qabsadaan burcad-badeedda Soom aalida tan iyo sannadkii 2017-kii.
Xarunta hawlgalada wadajirka ah ee EUN AVFOR ee Spain ayaa sheegtay inay heshay digniin ku saabsan markab ay weerare en burcad-badee dda, oo lagu magacaabo Ruen, kaas oo marayay meel qiyaastii 500 mayl-badeed bari ka xiga Jasiir adda Socotra.
Mid kamid ah raggii horey uga mid ahaan jiray kooxaha abaabulka weerarrada lagu qaado mara akiibta, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inuu maqlay in budhcad-badeedu ay ku guu laysteen inay qabsadaan markab.
"Lix ka mid ah saaxiibadeyda burcadbade edda ah waxaa u suurtagashay in ay qabtaan markab, waxayna keeni doonaan xeebaha gobolka bari ee Puntland,” ayuu Mukhtaar Maxamuud yiri isagoo ku sugan magaalada Qandala.
Ma uusan sheegin magaca markabkan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Punt land. Howlgalka Midowga ee ilaalada xeebaha, ayaa sheegay in markabka dagaalka ee Spain ee Victoria loo diray goobta si loo ururiyo macluumaad dheer aad ah oo ku saabsan weerarka Markabka.
Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee Ambr ey ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in Ruen ay afduubteen burcadbadeedda.
Horaantii Jimcihii, hay’adda badaha Britain ee UKMTO ayaa sheegtay inay warbixin ka heshay sar kaal ka tirsan ilaalada markabka oo rumeysan in sha qaaluhu aysan hadda gacanta ku hayn markabka.
Markabka ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo ku sii socday biyaha caalamiga ah, isagoo ku sii jeeday Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta la socodka markabka ee LSEG.
Amiir Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah oo geeri yooday iyo madax ka tacsiyeesay
Waxaa la xaqiijiyay geerida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah, waxaana guud ahaan dalkaasi shi daalka qaniga ku ah ka bilaabatay baroor-diiq ku aadan geerida amiirk ooda.
Talefishinka dalka Kuwait ayaa xaqiijiyay geer ida Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sab ah, waxaana bayaan laga sii daayay telefishinka la gu sheegay in Shalay dadka Kuwait u tahay maalin murugo oo ay waayeen Amiirkooda qaaliga ahaa.
Qaar kamid ah madaxda Carabta iyo kuwa caal amka ayaa dhambaallo tacsi ah u diray dowladda Kuwait, waxa ayna uga tacsiyadeey een geerida nax tinta leh ee Shalay ku timid Amiirkooda.
Sheekh Nawaf Al-Axmed Al-Sabah oo sannadkii 2006-dii noqday Amiir ayaa talada dalka Kuwait la wareegay sannadkii 2020-kii , waxa uuna xilka kala wareegay walaalkiis Sheekh Al-Axmed Al-saba.
Soomaalida Minnesota oo ku dhawaad Side ed Boqol Kun u ururiyey Fatahaadaha G/ Gado Soomaliya
Boqolaal Soomaalida dagan gobolka Minn esota ayaa Habeen hore isagu yimi taageerada dadka fatahaada roobabka iyo biyaha Wabiga ka dhashay ee ka dhacy gobolka Gado ee koon furta Soomaaliya, Culumada Aqo onyahan ka dhalinyarada Ganacs atada iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa soo buuxdhafa shay xarunta xafladaha & shirarka ee SAWADI ee magaaladda Bloomington MN.
Sadaxdii todabaad ee ugu danbeeyey ayeey bilaabeen gudiga arimahaan ka shaqane eyey inay hab Miis iibsasho ah oo kun dollar ah ay baraha buls hada ku soo bandhi gaan taas oo ay gaarsiiyeen in ku dhow $580 .000 oo Dollar , iyagoo habeenimadii Habeen horena. Gaarsii yey ku dhawaad 800.000 oo Dollar
Soomaaliya dhan dhibaato ayaa ka dhacday wayna ku fataheen wabiyadii gobo lada uu maro oo badi lakiin qasaaruhu waa kala badnaa "waxaa sidaa ku bilaabay hada lkiisa madaxa gudiga hawshan isku xilsaartay Dr. Cabdisamad Nuur Xasan Looyaan (Bidaar) waxuu kaloo sheegay in laga soo bilaabay Nov 12 2023 ay gudigooda oo ka koobnaa xuba naha jaaliyadda ay dadaal dheeri oo ilaa heer gobol ah gaarsiiyeen dhibaatada gado ka dhacday ,waxa an qabanay ilaa dhawr shir jaraa’id oo uu ugu way naa kii todobaadkan ka dhacay aqalka gobolka Min nesota ka dhacay oo ay ka soo qaybgaleen mada xda ugu sareeysa ee gobolka iyo wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed Cabdi risaaq Maxamed oo UN ka ka socday.
Soomaalidii Habeen hore isagu timi taakulaynta fataha ada Gado ayaa ku baaqay in hawsha dhaqaalo urur inta la sii wado ilaa laga gaarayo halbeega qorshah ooda oo ah Hal Milyan oo Dollar .
Dr Cabdisamad oo la hadlay HOL ayaa sheegay in soomaalida Maraykanka ay uga fadhiyaan gobo lkasta oo Soomaalidu dagto USA in ay isagu yimad aan lacag ururin noocan oo kale ah si nolosha dadka bara kacay ee guryahoodii biyiha ka sara mareen loo badbaadiyo ayuu yiri Cabdisamad Nuur bidaar.
Cabdi Daysane oo ka mida dhalinyarada firfirco on ee gobolkaan ayaa isaguna u sheegay in dowla da Soomaaliya ay samayso qorsho wax looga qaban ayo dhibaatooyinka soo noqnoqnaya oo ay keentay Isbadalka Cimiladda ee dunida si ay yaraato waxy eelada ay masiibooyinku u gaysanayaan shacabka.
Sh Axmed Taajir Imaamka Masjidka Umutu Islamayaa sheegay in lacago farabadan oo ka mid yahiin kuwa xiligan oo kale Cumrada lagu aadayo ay ka fadliiyo ajar badan tahay in lagu baxiyo dhib aatada lagu badbaadinayo bina’a adamka guryaho odii iyo dagaamdoodii biyahu ka barakaciyeen.
Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Maraykanak ayaa ku deeqday lac ag lagu sheegay Shan Kun oo Dollar iyadoo jaclayd in kulanka ay ka soo qaybgasho lakiin nasiibku u saamixi waayey.
Siyad Said Salah Hiiraan Online
Minneapolis MN
Aadan Barre oo raali-gelin ka bixiyay hadal kii carada abuuray ee ka dhanka ahaa…
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu 8-dii bishan ka jeediyay Masaajid cusub oo laga daa hfuray Magaalada Mandh era ee Gobolka Wa qooyi Bari Kenya. Masaajidkan ayaana loogu magac-daray Masjidka Albir. Wasiirka ayaa Maamulka Masaajidka kula darda armay in laga ilaaliyo dadka Takfiirka ama Suufida ah, sida uu yiri.
Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee ku nool Magaalada Mandhera oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhalleeceeyay hadalka Wasiirka, iyagoona iftii miyay sida ay uga xun yihiin, waxayna Wasiirka ka dalbadeen in hadalka ka soo yeeray uu raaligelin ka bixiyo. Aadan Barre Ducaale ayaa hadda raali ge lin ka bixiyay hadalkiisa, isagoona muujiyay inaanu uga la jeedin in cid gaar ahi uu ku weeraro, balse ay ka ahayd uun in dadka uu u nasteexeeyo.
"Dadka uun baa u nasteexaynayay oo umma dda ayaan la hadlayay, maxaa yeelay Masjidkan sid aan u fiican waa in loo raadiyaa Imaam, mu’adin iyo culimo kale oo kutubka Ilaahay laga akhriyo,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa yiri "Qof kasta ayaa ah Ahlu Sun na Waljameeca, aniga kula hadlayo Ahlu Sunna Waljameeca ayaan ahay, oo Ahlu Sunna Waljame eca cid gaar u leh ma jirto, laakiin waxaan ka sheeg ay Masjidka ha laga ilaaliyo qolooyinka Takfiirka ah iyo qolooyinka aan walaalaha nahay ee Suufiyada. Qolooyin kan markay Masjid dhisaan waxay dhah aan dadka kale ha laga ilaaliyo.”
Wasiir Ducaale ayaa intaasi ku daray "Marka hadday jiraan dad ka xumaaday hadalkayga qayb ka mid ah dadka Muslimiinta, waan ka raaligelinayaa, inkastoo fekerka aan qabo, haddaan ahay Aadan Barre Ducaale aan bedelaynin.”
Masjidkan oo qaab qurxoon loo dhisay ayaa waxaa dhistay Hay’adda Ali Roba Founda tion, oo uu gacanta ku hayo Senator-ka Man dhera, Cali Ibra ahim Rooba.
Mareykanka oo sheegay in Israel ay bilaabi doonto nooc cusub oo hawlgal ah
La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareyk anka, Jake Sullivan ayaa Madaxda Israel kala hadlay soo jeedinta Washington, ee ku aaddan in Israel ay wax ka bedesho hawlgalka uu dhiigga badani ku daad anayo ee ka socda Marinka Gaza, inkastoo Israeliy iintu ay ku adke ysanayaan inaanay waxba ka bedeli doonin qaabka uu hawlgalku u socdo.
La taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka oo Jimcihii Warbaahinta kula hadlay Magaa lada Tel Aviv ayaa sheegay in Israel ay u gudbi doonto wareegga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas.
"Waxaa jiri doona in loo gudbo wareegga labaad ee dagaalka, kaas oo diiradda lagu saarayo habab sax ah, oo lagu beegsanayo Hoggaanka Xamaas iyo xarumaha militariga, iyadoo Israel ay hawlgalkeeda u bedeleyso mid dhanka sirdoonka ah, oo lagu bee gsanayo Xamaas.” Ayuu yiri Jake Sullivan.
Mareykanka ayaa sheegaya in Israel ay hawlga lkan ku beegsan doonto Hoggaamiyeya asha Xama as, sida Mohammed Deif oo lagu sheegay Madaxa Garabka Militariga Xamaas, ahaana maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii October, Marwan Issa oo lagu sheegay Hoggaamiyaha 2aad ee Xamaas iyo Yahya Sinwar, oo Ururka Xamaas ugu magacaaban Gudoomiyaha Marinka Gaza.
Jake Sullivan ayaa tibaaxay in ay Israel u sheeg een inay si dhab ah u beegsato Madaxda Xamaas, iyadoo wax ka bedeleysa duqaymaha baahsan iyo hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ciidamadeedu ka wadaan Gaza.
Jake Sullivan ayaa xusay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, Xubnaha Golihiisa Wasi irada ee dagaalka iyo Saraakiisha Milita riga uu kala hadlay, waxa uu ku sheegay waqtiga ama xilliga kala guurka. Waxa uu sheegay inaanan loo baahnayn in Israel ay qabsato Marinka Gaza, isagoona hoosta ka xarii qay in kolka dagaalka looga adkaado Xamaas ay tahay in magaalada lagu wareejiyo Maamulka Falast iiniyiinta.Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanka iyo Israel ay yeelan doonaan wada hadalo joogto ah, marka ay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaan ka ah ee hoos loogu dhigayo khasaaraha dadka ray idka ah iyo kaabeyaasha rayidka.
"Marka ay taasi si sax ah u dhacdo, waxay shur uuddu tahay in Mareykanka iyo Israel ay si xoog leh u sii wadaan wada hadalada u dhaxeeya.” Ayuu yiri Sullivan. Mareykanka ayaa Israel ku cadaadinaya in ay soo afjarto weerarada baahsan ee Gaza, oo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaarayo shacabka aan waxba Shalaysan.
Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel ayaa shee gay in Israel ay u baahan tahay dhowr bilood, si ay uga takhalusto Xoogaga Xamaas.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay illaa iyo hadda dadka la dilay in ay tiradoodu sii ca ga-cageynayso ku dhawaad 19,000 oo qof oo rayid ah
Soomaali Feer kaw kaga siiyay Soomaali kale
Dhacdo naxdinteeda leh sidoo kalana la yaab keeda leh ayaa ka dhacday xerada Qaxo otiga IFO ee Kenyaanku maamulaan kadib markii Wiil Soom aali ah uu feer ku dilay Somali kale.
Allaha u naxariistee wiilka geeri yooday oo xeradaasi looga yaqaa nay Lama-suule ayaa u dhintay hal feer oo beerka kaga dhaca markii ay isu gacan qaadeen oo ay is feereen isaga iyo gacan ku dhiigl aha Khamiistii la soo dhaafay.
Labada wiil waxaa oo xerada isla deganaa ayaa muran soo kala dhex galay wuxuu sababay inay isu gacan qaadaan waxaase la yaab lahayd markii hal feer oo Lama-suule beerka kaga dhacday ay naftu kaga baxday.
Wiilkii feerka dilka ku gaystay wuu baxsaday sida aan warka ku helnay inkastoo si fiican loo garanayo ayna u badan tahay in la soo qabto.
Inta badan dadka xeradaasi iskula nool waxay isugu adeegsadaan Toorey marka xaaladu meel xun kala gaarto laakiin hada falk aan ayaa noqday mid lala yaabo inkasto naftu meel dheer jirin.
Mareykanka & Israel oo xabad joojin doon
aya iyo Xamaas oo shuruudo adag ku xirtay
Agaasimaha waaxda sirdoonka ee Mossad ee Israel, David Barnea ayaa la filayaa inuu dha maadka usbuucan la kulmo ra’iisul wasaaraha Qatar oo ku sugan Yurub si ay u sii wadaan wadahadalada ku saabsan soo deynta la haystayaasha ee Xamaas.
Kulanka la sheegay ayaa yimid ka dib markii Israa’iil ay baajisay safar Barnea la rabay in uu ku tago Doha horaantii todobaadkan si dib loogu bilaabo wadahadalka sii deynta maxaabiista iyo xabad joojin cusub oo KMG ah
Kulankan ugu dambeeyay ayaa la qorsheeyay ka hor intaysan ciidamada difaaca Israa’iil si shil ah ugu dilin magaalada Gaza Jimcihii saddex lahayste oo Israa’iili ah, balse dhacdadaas ayaa la sheegay iney sii kordhisay xaalad degdeg ah wada-hadallada
Sarkaal Israa’iili ah ayaa CNN u sheegay in golaha wasiirrada dagaalka ee waddanku ay daree meen xaalad aysan sax ahayn” inay isku dayaan inay dib u bilaabaan wadahadallada. Qatar iyo Maraykanka ayaa ka shaqaynayay sidii ay dib u soo noolayn lahaayeen wada xaajoodyada, iyadoo la soo jeediyay hindiseyaal cusub oo lagu sii dayn lahaa in ka badan 100 ka mid ah la haystayaasha Gaza.
Xamaas ayaa markii ay burburtay xabad joojintii hore ee lagu sii daayey maxaabiista waxay sheegt ay ineysan aqbali doonin xabad joojin kale oo KMG ah, ayna heshiis noocaas ah geli karaan oo kaliya hadii uu yahay mid lagu soo afjarayo dagaalka lag una sii deynayo kumamaanka maxaabiista falasti
iniyiinta ee ku jirta xabsiyada Israel
Xildhibaan Bambaanooyin ku weeraray Xildhiba anno kale uu shir kala qeyb galayay
Warbaahinta dalka Ukraine iyo kuwa caalamka ayaa si weyn u hadal haya weerar bambaano oo kha saaro geestay oo Jimcihii Dorraad ka dhacay Ukraine,waxaana weerar ka fuliyay xildhibaan katirsan gole dee gaan oo ka dhisan galbeedka Dalka Ukraine.
Xildhibaanka weerarka geestay ayaa kamid ahaa xildhibaanno gole deegaan oo shir lahaa, waxa uuna xildhibaanka oo carreysan si deg deg ah uga baxay shirkii uu ka qeyb galayay, isagoo na daqiiqado kaddib bambooyin ku tuuray qolkii shirku ka socday.
Inta la xaqiijiyay weerarkan bambaano waxaa ku dhaawacmay 26-qof oo kamid ahaa xubnihii shirka u socday, booliiska ayaana sheegay in qaar kamid ah dadka dhaawaca qaba ay ku jiraan xaalad halis ah.
Kulanka xildhibaannada la weeraray ayaa looga doodayay miisaaniyadda sannadka 2024-ka iyo sid oo kale natiijada maaliyadeed ee sanadkan iya goo cod u qaadaya in gudoo miyaha golahaasi la siiyo guno, ninka weerarka geestay ayaana kasoo horjeed ay qodobada qaar.
Weerarkan ayaa markii uu dhacayay si toos ah looga daawanayay barta Facebook, waxaana ninka weerarka geestay la arkayay isaga oo qeylinaya oo qolka uu shirku ka soc day soo istaagaya kaddib bambaannada ku tuuraya xildhibaannada.
Qoysas dacwad ka gudbiyay Dowladda Mareykanka
Laba qoys oo u dhashay dalka Marayka nka ka na soo jeeda Falastiin ayaa waxay dacweeyeen xukuumadda Maraykanka ee uu hoggaamiye madax weyne Biden, iyaga oo sheegay inaanay u fidinin qoysaskooda ku go’doomay Gaza, gargaar sa matabixin ah oo la mida kan ay dawladda Maraykanku u fidisay muwaadiniinta Maraykanka ee asal ahaan ka soo jeeda Israa’iil.
Ka dib markii uu dhacay weerarkii 7-da October, waxaa dawladda Maraykan ku ay duulimaadyo kaga daadguraysay muwaa diniinta Maraykanka ee ku sugnaa Telaviv, ka dib markii la joojiyey duulimaad yadii aadiyey dalkaas.
Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay caawisay illaa 1,300 oo muwaa diniin Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin, si ay uga baxaan Gaza isla markaana ay u gudbaan Mas ar, iyada oo Maraykanku wada shaqayn kala yee shay masuuliyiinta Israa’iil iyo Masar.
Qoysaska dacwadda soo oogay ayaa sheegay inaanay dawladdu qaabaynin duulimaadyo si amm aan ah oo lagu daadgureeyo dadka halkaas ku go’d oomay. Waxay ku qiyaaseen illaa 900 oo muwaadin, ama dad haysta deganaanshaha dawladda Marayk anka ama qoysaska muwaadiniinta Maraykanku inay ku go’doonsan yihiin Gaza.
Waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay xadgu dub ka dhan ah xuquuqda dastuurka.
Askarta Israa'iil oo fal muslimiinta ka carays iiyey ku dhex sameeyey Masaajid
Milateriga Israa’iil ayaa cambaareeyay hab dhaq anka qaar ka mid ah askartooda oo laga duubay muuqaallo xilli ay qaaday een heesaha diintooda, iya ga oo ku sugan gudaha ma saajid weyn oo lagu tuka do, kaasoo ku yaalla M/Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.
Waxa la arkayay iyaga oo saaran qaybta sare ee masaajidka ama halka imaamku istaago, isla marka ana ku heesaya makaroofa nnada ay ku xiran yihiin sameecadaha masaajidka.
Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray hawlgal ay ciidamadu ku baacsanayeen kooxaha ay Israa’iil ku tilmaamtay nabad-diidka ee magaalada, kaasoo ilaa iyo haatan sababay dhimashada 11 qof oo falastiiniyiin ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin iyiinta. Milatariga Israa’iil ay aa sheegay in askarta "loo ciqaabi doono falka ay sa meeyeen waliba sida ku habboon”.
Waxaa kale oo ay sheegeen in ay tallaabo ka qa adi doonto kiisas noocaas oo kale ah oo ciidama dooda laga duubay inta ay ku sugnaayeen Qasa.
Muuqaalkan oo ku dhex wareegaya baraha bulsh ada ayaa muuj inaya qeybaha kala duwan ee mas jidka.
Ninkii muuqaalka duubayay oo isna ahaa askari kale ayaa laftiisa la jaan qaadayay heesta, isagoo dhoolla cadeynaya.
Qaybo ka mid ah muuqaalka oo laga arkayay gu ud ahaan dhismaha masaajidka ayaa muujinayay askar dhex taagan gudaha.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falasti iniyiinta ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay "aflagaad ada iyo meel ka dhaca goobta cibaadada".
Bayaan ay soo saareen Khamiistii ayay ciida mada Israa’iil ku sheegeen in waxa ay askartu same eyeen ay ka hor imanayaan hab-dhaqanka ciidama da Israa’iil ee xarumaha diinta.
"Dhaqanka askarta ka muuqda muuqaalka waa mid kulul oo gabi ahaanba ka soo horjeeda mabaa dii'da ciidamada Israa'iil," Ayey sii raaciyeen.
Dhacdooyinka ka dhacay Jenin ayaan ahayn markii ugu horreysay oo ay khalad sameeyaan ciid amada Israa’iil, waxaana laga soo duubay muuqaal kale, laguna baahiyay baraha bulshada goor aan sid aa u sii fogeyn.
Masaajidka ay gudaha u galeen
Tan iyo markii Israa’iil ay dagaalka ka billowday Qasa dabayaaqadii bishii Oktoobar, muuqaallo dhowr ah ayaa ka soo baxayay Qasa, oo uu ku jiro mid muujinaya askari ku garaacaya qof ganacsi yar heysta isla markaana iibiya alaabaha ay carruurtu ku ciyaarto, halka nin kale ee duubayay uu isaguna qoslayay.
Sidoo kale waxaa jiray muuqaal muujinaya ciid amada Israa’iil oo dab qabadsiinaya alaabo saarnaa gaari qaybtiisa dambe, iyo mid kale oo muujinaya sida dharka dumarka loogu baarayo guryaha dadka.
Unicef: "Gaza waa xabaasha caruurta iyo cadaabta qof kasta oo kale”
Caruurta Gaza waxa ay la ildaran yihiin xaalado cadaab ah sida uu sheegay afhaye enka UNICEF James Elder, isagoo ka digay in xaaladdu ay ka sii dari doonto hadii aan deg deg ax looga qaban.
"Bilawgii dagaalkan, UNI CEF waxa ay sheegtay in Ga za ay ahayd ‘xabaal caruureed iyo cadaabta qof kasta oo kale. Waxay ka sii dartay markii duqaynta iyo dagaalku ay sii socdeen,” ayaa lagu yiri bayaanka.
James Elder oo hadda ka soo laabtay hawl todd obaadyo qaatay oo Gaza, ayaa ka digay saamaynta ba’an ee cuntada, biyaha iyo dawooyinka la’aanta ee carruurta.
"Carruurta Gaza hadda waxay halis ugu jiraan duqeymaha cirka, cudurro dhulka ah, iyo dhimasho gaajo iyo haraad,” ayuu yiri Elder, isaga oo intaa ku daray in aysan waligood arag ku heerkaas burburka iyo quusta meel kale.
"Dhibaatada inteeda badan waxay si xun u saa maysaa carruurta sababtoo ah carruurtu waa kuwa ugu nugul, laakiin intooda badan waxay leeyihiin qiyaastii heerka dhimashada carruurta qiyaastii 20%, tani [colaada Gaza] waa 40 [%],” ayuu yidhi. "Tani waxay laba jeer ka badan tahay dhima shada carr uurta marka loo eego iskahorimaadyo badan oo aan aragnay 15 ama 20 sano ee la soo dhaafay.”
Dhinaca kale, 2023 waxaa uu ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa Falastiiniyiinta Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo 2005, markaasoo Xafiiska Qara mada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadan-tinimada (OCHA) uu bilaabay inuu diiwaan geliyo, sida uu qabo warbixintaee ururka. Wadarta 477 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus 1-dii Janaayo ilaa Disembar 15, 2023, iyadoo in ka badan kala bar la dilay tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay OCHA.
Ururku wuxuu intaa ku daray in saddex-meelood laba meelood dhimashada Falastiiniyi inta ee Daanta Galbeed tan iyo 7-dii Oktoobar ay dhaceen intii lagu guda jiray baaritaan iyo xarig” iyo hawlgallo kale oo ay fuliyeen ciidamada Israel.
278 ka mid ah Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan 70 carruur ah, ayaa lagu dilay Daanta Galbeed oo ay ku jirto Bariga Quddus tan iyo 7-dii October, 268 ka mid ah waxaa dilay ciidammada Israa’iil, siddeed ay dileen Israa’iiliyiinta la dejiyay, laba kalena waxaa lagu dilay mid ka mid ah xoogagga ama dadka la dejiyay, sida lagu sheegay warbixinta.
OCHA waxay kaloo xustay inay kordheen weerarrada ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku su gan Daanta Galbeed ka dib weerarradii Xamaas ee Oktoobar 7, iyadoo celceliska shilalka todd obaad laha ah tan iyo 7 Oktoobar ay ahaayeen 35, marka la barbar dhigo 21 dhacdo toddobaadkii intii u dhaxaysay 1 Janaayo iyo 6 Oktoobar 2023.
Ninka ka caaganaaday isticmaalka lacagta iyo tiknoolojiyadda iyo Sababta keentay!
Mark Boyle oo sidoo kale loogu yeero ninka lacag la’aanta ah, wuxuu joojiyay am aka quustay istic maalka lacagaha taniyo sannadkii 2008 wuxu una ku nool nolol aysan wax raad ama saameyn ah ku lah ayn lacagtu. Taas beddelkeeda wuxuu naftiisa u wee ciyay adeegsiga iyo la-qabsiga nolosha dabiiciga ah.
Wuxuu bartay culuumta ganacsiga iyo dhaqaalaha, wuxuuna durba ka shaqo bilaabay shirkad sameysa cunnooyinka dabiiciga ah oo aan soo marin warsh adeyn. Ilaa iyo markaas hankiisa iyo howshiisa uu qabsado isma diidaneyn. Laakiin wax walba waxay is beddeleen sannadkii 2007 kol uu saaxiibkiisa ula baxay wada yeelashada kulan falsafadda nolosha ku saabsan.
Waxay ka doodayeen dhibaatooyinka hareeyey adduunka iyo sida ugu toolmoon oo xal looga gaari karo. Waana isla goortaas markii uu garwaaqsaday in asalka iyo xididka ay mushkiladaha adduunka ay kasoo farcamayaan ay tahay lacagta.
Isaga oo ku dhaqmaya aragtidii Ghandi oo ay tahay- adigu noqo isbeddelka aad rabto inaad dun ida ku aragto, wuxuuu qaamuuska noloshiisa ka saar ay ereyga lacag iyo wixii la halmaala.
Si uu hadafkaas u xaqiijiyo, Mark wuxuu ku baxay gaariga Caravan-ka oo ah mid sida guriga gu uraya ah oo leh jiif, jiko iyo wixii soo raaca. Bilow gii noloshaas, wax walba way ku adkaayeen.
"Suurayso adiga oo wax walba oo aad lahayd ku beddelanaya waxba,” ayuu yiri. "Laakiin la-qabsigay gii wuxuu isiiyay awood aan kaga soo guuri karo hab nololeedkaygii hore.”
Wuxuu lacagta u arkayay musiibo la is-dhaafsado oo qofkii rabo inuu ka xoroobo xanuunnada dunida ka jira ay qasab tahay inuu ka dhex baxo.
"Ma jamanayo tagtadaydii Dorraad: mana jeedaa linayo berritada soo socota. Nolosha casriga ah ee Shalay oo tiknoolojiyaddu aabbe u tahay iyo midda aysan saameynba ku lahayn waan kusoo noolaaday, waana fahmay midda isiinaysa xasilooni iyo negaa sho,” ayuu yiri. Mark wax walba oo nolosha casriga ah ee Shalay sees u ah oo aadanuhu uusan ka maarmi Karin si uu nolosha ugu fududeysto, wuxuu u arkaa dhib soo kordhay. Wuxuuna doorbidayaa in la dhimo amaba laga caaganaado gebi ahaanba wax soo saarka tiknoolojiyadda.
DAL AY SOOMAALI BADAN ISKA DHIIBTO OO QAADASHADA BAASABOORKIISA KU XIRAY AQOONSIGA ISRAA'IIL
Israa'ii Aqoonsiga Israa'iil iyo helitaanka sharciyada Jarmalku waxa uu hoy u yahay jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta ugu badan ee Yurub, waa bulsho la gu garto kala duwanaansho qawmiyadeed. Shan milyan iyo bar ka mid ah Musli miinta Jarmalka, oo ka kooban 6.6 boqolkiiba tir ada guud ee dadweynaha, waxaa kujira ilaa 2.5 milyan oo asal ahaan Turki ah.
Balse waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu culeyso aan hore loo arag ku soo rogay qaar ka mid ah Muslimiinta iyo Carabta ku nool Jar malka, iyadoo isku duubnida Falastiin iyo sidii loo muujin lahaa isku isku xirnaan ay u noqotay xaalad kadhex taagan dadwaynaha dalkaasi ku nool yihiin.
Go'aanno iyo sharci ayaa la soo saaray, kuwaas oo xannibaya abaabulka muda aharaad yada, iyo kuwo kale oo mamnuucaya xirashada dharka qaarkood, sida kuwa astaamaha u ah Falastiiniyiinta, iyadoo laga mamnuucay goob aha waxbar asho ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Berlin.
Gobolka Saxony ayaa ku dhawaaqay in shuruudo cusub lagusoo kordjiyay qaa bka lagu heli karo dhalashada Jarmalka, taasoo ka mid ah sharciyadii ugu dam beeyay ee khilaafka baahsan dhaliyay. Toddobaadkii hore, dowla dda Jarmalku waxay ku soo rogtay kuwa codsa naya dhalashada dalkaas in ay caddeeyaan taageerada ay u hayaan jiritaanka Israa'iil.
Wareegtada ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu shee gay in "Israa’iil ay xaq u leedahay in ay jirto, taasna ay la micno tahay jiritaanka dowladda Jarmalka”, sidaas awgeed, codsadayaasha waa in ay arrintan ku qaab qirtaan qoraal ahaaneed.
Mas'uuliyad gaar ah oo ku wajahan Israa'iil Dowladda Jarmalka ayaa she egtay in xanniba adaha loosoo rogay si loo joojiyo kacdoonka da dweynaha iyo la dagaallanka Yuhuud nacay bka.
Kadib xasuuqii 6 milyan oo Yuhuud ah oo ku jiray gacanta dowladdii Nazi ee Jarmalka intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka, dowladda Jarmalku waxay aaminsan tahay in ay "mas'uuliyad gaar ah" tahay ilaalinta Israa'iil.
Israa'iil Mamnuucidda astaamaha Falastiiniyiinta Isagoo cam baareynaya weerraradii ay qaadeen mintidiinta Xam aas 7-dii Oktoobar, oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof Israa'iiliyiin ah, Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Sch olz, ayaa yiri, "Waqtigan la joogo, waxaa jira ha Jarmal, oo ah dhinaca Israa'iil.
Waxa kale oo uu adeegsaday ereyo uu ku xoojinayo jiritaanka dowlad Israa’iili ah, in ka badan hal mar si uu u adkeeyo in ilaalinta Israa'iil ay tahay sababta jirita anka ee Jarmalka. Raiisel wasaarihii hore Angela Merkel ayaa hore u isticmaash ay erayo lamid ah.
"Jawi cabsi iyo walaac ah"Carabta ku nool Jarmalka ayaa ka hadlay sida ay u ar kaan siyaasadda dalka, taas oo ay aami nsan yihiin in aan la dhageysan isla markaana la iska indha tirayo taariikhda Falastiiniyiinta.
Sarah oo ah qareen Falastiini ah oo deggan magaalada Berlin ayaa sheegtay in ay jiraan booqashooyin lagu tago iskuulada magaalada, kuwaas oo ay fuliyaan hay'ado israa'iil ah, si ardayda loogu sheego taariikhda Yahuudda iyo faafinta wacyiga ku saabsan waxa ay sameynayaan, laakiin waa dugsiga wiilkeeda oo 9 jir ah. Marna kam ay hadlin aragtida falastiiniyiinta iyo sababta ay u barakiciyeen boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah.
Sarah ayaa intaa ku dartay, "Wiilkayga aya a bilaabay inuu ooyo kadib qud bad uu dhag eystan, taasoo aan waxba looga sheegin asal kiisa iyo taariikhda dalka uu ka maqlay qoysk iisa iyo awoowyaashiis oo ka hadlaya."
Israa'iil
Sarah waxa ay sheegtay in ninkeeda uu uga digayo wiilkooda in uusan ka hadlin dhulka Falastiiniyiinta iyo dagaalka Qasa xilliga uu joogo iskuulka, si looga fogaado dhibaato kasta ama isfaham la’aan. Alaa Ihsan, oo ah saxafi deggan amburg, ayaa she egay in uusan hadda ka shaqaynayn wax arb ixin ah oo ku saabsan dagaalka Qa sa, isla markaana uu doorbido wararka maxa lliga ah sababtoo ah "warba ahinta Jarmalka waxay si buuxda u taageertaa shee kada Isra a’iil." Waan ogahay in warbixin kasta oo aan ka qoro Qasa ay wax ka beddeli doonaan maamul ayaashayda sida waafaqsan siyaasadda tifaftirka ee hay'adda. Waxaan isku dayaa inaan taas ka fogaado.”
Taariikhda murugsan iyo dhibaatooyinka sharciga
Qiyaasta tirada Falastiiniyiinta ee Jarmalka ayaa lagu qiyaasay in ka badan 100 ,000, isla markaana, Berlin waxay hoy u tahay jaaliyadda ugu badan ee Israa'iil ee Jarmalka.
Katerina Galor, oo ku takhasustay daraasa adka Yuhuudda oo ka tirsan Jaa macadda Brown ee Maraykanka, haysatana laba dhala sho Jarmal iyo Israa’iil kala ah, ayaa sheegtay in Inta badan dhacdooyinka Yuhuuda nacaybka ah ee ka dhacay Jarmalka tan iyo 2015-kii ay fuliyeen Jarmal cad, aysanna ahayn qaxooti. Laakiin dabcan, Galor waxa ay leedahay, waa in aan sidoo kale aqoonsanno "in Jarmalku inta badan ay u janjeeraan dhinaca kale".
Ugu dambeyntii, Galor wax ay muujisay wala aceeda ku saabsan wargeys ka soo baxa Jarmalka "iyaga oo ku andacoonaya in dham maan dibad-baxayaashu ay taageeraan argag ixisada, taas oo ah marin habaabin." Dadka badan ee mudaaharaadayaasha ah ayaa hub aal ah inay ku jiraan noocyo badan, oo ay ka mid yihiin kuwa leh fikrado adag." Galor waxa ay sharraxday in Falastiiniyiintan ay la kulmaan caqabado ay ku cabirayaan fikradahooda, iyo aqoontooda, iyaga oo aan loo arkin inay cadow ku yihiin Israa’iil.
"Falastiiniyiintu way ku adag tahay inay ka soo muuqdaan telefishannada ama ay bixiyaan waraysiyo iyada oo aan lagu eedayneyn Yuhuud nacayb. Dhib aatadan waxay ku sii fidaysaa aqoonyahannada Falastiiniyiinta, inkastoo aysan ku dhaqaaqin wax hadal siyaasadeed ah, waxay la kulmeen ka noqoshada mar tiqaadka si ay uga qayb qaataan dhacdooyinka iyo khatarta ah in lagu calaam adiyo nacaybka Yuhuudda. Xaqiiqda ah in qofku yahay Falastiini ayaa ka dhigay sa markasta qof eedeysan.
Galor waxay hadalkeeda ku soo gabagabaysay iyadoo leh, "Jarmalka waxa ka jira xiriir cad oo taariikhi ah oo u dhexeeya Jarmalka iyo lama huraanka aasaas ka Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka kale, ee ay dowladda Jarmalku iska indho tirtay, waa xiriirka kale ee ka dhexeeya Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta, kaas oo horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka qaxootiga ee ugu weyn adduunka." XIGASHO:-BBC
Faahfaahin


0 



HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AHAXAD 17-KA DICEMBAR 2023-KA
...