Muxuu yahay xanuunka loo adeegsan karo hubka ee looga baqayo inuu ku soo laabto Soomaaliya?

0
Tuesday December 12, 2023 - 22:54:44 in Wararka by
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu yahay xanuunka loo adeegsan karo hubka ee looga baqayo inuu ku soo laabto Soomaaliya?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xoolaha Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in shan waddan oo ku yaalla bariga iyo koonfurta Afrika uu ka dillaacay cudurka bakteeriyada ay keento ee kudka ay Soomaalidu u taqaanno.

Waxay sheegtay in in ka badan 1,100 kiis oo looga shakisan yahay cudurkan laga xaqiijiyey waddamadaan.

Sidoo kale 20 kiis oo dhimasho ah oo cudurkaan lala xiriirinayo ayaa laga diiwaan geliyey dalalka Kenya, Malawi, Uganda, Zambia iyo Zimbabwe.

Dalka Zambia ayaa ah waddanka ugu badan ee cudurku uu ka dillaacay, iyada oo sagaal ka mid ah 10-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalkaasi laga diwaan galiyay cudurka.

Laga soo bilaabo 20kii Nofembar, Zambia waxay soo sheegtay in 684 kiis oo laga shakisan yahay, cudurka dalka laga diwaan galiyay, sida laga soo xigtay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka

Muxuu yahay cudurka kudka?

Xoolaha Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Cudurka ay Soomaalidu u taqaan kudka waa mid ka mid ah cudurrada ugu khatarta iyo saamaynta badan ee galaafta nolosha dadka iyo xoolahaba.

Dr. Axmed Cabdullaahi Shukri oo khabiir xannaanada xoolaha ah oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in xanuunka uu yahay mid halis ah oo aad ugu dhici jiray xoolaha balse 35-tii sano ee lasooo dhaafay aan lagu arkin guud ahan deegaannada Soomaalidu ay dagto.

"Xanuunka waa mid halis oo ku dhaca xoolaha oo dhan laakiin geela ayuu u badan yahay, 24 saac ama 48 saac ayuu ku dili karaa neefka,” ayuu yiri Dr. Axmed Cabdullaahi.

Waxaa uu sheegay in xanuunka uusan ahayn mid si sahlan loo garan karo taas oo keenta badanaa in isaga oo la aqoonsan uu dilo xoolaha.

"Waayihii hore xanuunka aad ayaa looga taxadari jiray laakiin hadda in muddo ah lama arkin waxaan dhacad ayada oo aan la garan in uu neefka dilo”.

Walaaca hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayuu sheegay in uu yahay mid sax ah, maaddaama cudurka kudka uu yahay mid si dhaqso ah u faafa ayna suurtagal tahay in Soomaaliya uu soo gaaro taas oo khatar weyn haddii aan lagu xaddidin dalalka hadda lagu arkay.

"Cudurkaan sida dabayasha oo kale ayuu u socdaa, dadka Soomaliyeedna waa kuwa reer guuraa ah oo haddba meel daga marka halistu waa jirtaa waana cabsi soo korortay”.

Dr. Axmed Cabdullaahi Shukri waxaa uu sheegay in xanuunka dhawaan ka dillaacay qaar ka mid ah deegaannada Soomaalidu ay dagto oo ay ka mid yihiin Dowlad Deeganka Soomaalida, Galmudug iyo Hiiraan isla markaana dilay xoolo fara baban uusan ahayn kan, marka la fiiriyo calamadaha lagu arkay.

"Cudur aan wali la baarin oo Baladweyne, Dowladda Deegaanka iyo Galmudug xoolo badan ku dilay kaas asaga ma ahan sida ay muujinayaan calaamadahu, laakiin markii hore waa loo maleeyay”.

Dadka ma ku dhici karaa cudurka Kudka?
Xoolaha Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Cudurkan ayaa asalkiisa ka yimid magaca anthrakis, oo ah eray Giriig ah oo dhuxusha loo yaqaanno, sababtoo ah wuxuu sababi karaa maqaarka oo madoobaada.

Cudurkaan ayuu Dr Axmed tilmaamay in si la mid ah sida xoolaha uu ugu dhaco dadkana ugu dhico karo oo la kala qaado.

Marka ay dadku toos ula macaamilaan xoolaha xanuunsan amaba ay cunaan hilibkooda ama cabaan caanahooda.

"Waxaa cudurkaan uu ka mid yahay cudurro badan oo dadka iyo xoolaha ay kala qaadaan marka sida uu xoolaha dhaqso u dilo ayuu dadkana u dila karaa" ayuu yir Dr Axmed.

Waxaa sababa bakteeriyada Bacillus anthracis, wuxuu sanado ku qarsoomi karaa ciidda kahor inta uusan ku dhicin xoolaha isagoo galaya dhaawaca amaba meel ka jeexan jirka xoolaha.

Sidee cudurkan loo kala qaaadi karaa?

kudka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

  • Taabashada tooska ah ee bukaanka cudurka qaba oo la taabto, ayaa ka mid ah sida loo kala qaado.
  • Hawo qaadashada oo ay kuu soo raacdo bakteeriyada ka dibna aad ka liqdo sanka ama afka hawo wasakhaysan.
  • Quudashada hilibka bukaan cudurkani hayo
  • Taabashada carrada wasakhaysan ee hore bakhti ama hadhaa xoolo uu cudurkani dilay loogu aasay ama loo dhigay.

Dadka ugu badan ee cudurkani qaadi karaa waa dhakhaatiirta ama kaaliyayaasha caafimaadka xoolaha iyo shaqaalaha hiliblayda ah sida uu sheegay Dr Axmed Cabdullahi .

Dr Axmed Cabdullaahi waxaa uu sheegay in cudurkaan la daaweeyn karo balse ay mararka qaar dhacdo ayada oo aan la ogaan uu dilo xoolaha.

Waa maxay saddexda calaamadood ee kudka?

Kudka wuxuu dadka ama xoolaha ugu dhacaa saddex qaab, sida ay sheegtay WHO:

  • Kudka maqaarka: caabuqa ayaa gala halka dhaawaca ka ah xoolaha - waa nooca ugu badan uguna halista yar. Wuxuu ku billowdaa nabro jirka kaoso baxa, xanuun la'aan ah oo bar madow yeesha. Dadka qaar ayaa kadib waxay la kulmaan madax xanuun, murqo xanuun, qandho iyo mantag
  • Kudka caloosha: Noocan ayaa sababa calaamado hore oo la mid ah sumowga cuntada, balse wuxuu keeni karaa xanuun ba'an oo caloosha ah, mantag dhiig ah amaba shuban daran
  • Kudka limooniyada: Kani waa nooca ugu khatarsan wuxuuna marka hore u ekyahay sida hargabka, balse wuxuu keeni karaa dhibaatooyin ba'an oo neefsashada ah

Sidee kudka loogu beddeli karaa hub?

kudka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa suurtogal in kudka loo beddelo hub iyadoo bakteeriyada kudka si fudud looga heli karo dhulka, lagu sameyn karo sheybaar, uuna muddo dheer kusii jiri karo deegaanka.

Waxayna u baahan tahay qalab casri ah, iyo bakteeriyo asal ahaan ka timid kudka oo howsha lagu sii bilaabo.

Waxaa la sii deyn karaa iyadoo cidna aysan ka war helin. Bakteeriyada il ma qabatada ah ayaa lagu dari karaa budo, waxyaabaha la buufiyo, cunnada iyo biyaha, waana adag tahay in la arko, la uriyo ama la dhadhamiyo.

Waxaa xusid mudan weerarkii 2001, markaas oo kudka lagu weeraray siyaasiyiin Mareykan ah iyo xafiisyo warbaahin maalmo yar kadib weerarradii 11 September.



XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip