HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WWARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KA DICEMBAR 2023-KA

0
Tuesday December 12, 2023 - 08:17:07 in Wararka by
  • Visits: 711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WWARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 12-KA DICEMBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan Sheekh oo ka degay New York iyo qorshaha safarkiisa oo la shaaciyey

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qaba naysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saab san amniga Soomaa liya, dib u dhiska Ciidamada iyo howl gallada Xoreynta.

Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxa muud ayaa goor dhaweyn soo gaaray maga alada New York ee dalka Ma raykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Q/Midoobey, Jaamac adda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajande yaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laa maha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Sooma liya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Dowladda ayaa dhawaan laga qaaday cuna qabateentii hubka, waxa ana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka qeyb galo shirkaan looga hadlayo amniga Soomaaliya ee New York ka dhacaya ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona shirka deyn caf inta Soomaaliya.

Guddoomiye Madaale oo Duqa Doha kala hadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska mataaneynta Muqdisho & Doha

Guddoomiyaha goobolka Banaadir iyo Duqa M/Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma daale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Mag aalada Doha Md.Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulanka labada guddoom iye ayaa ka wada hadlay dib u cosbooneysiinta hesh iiska Mataaneynta Muqdi sho iyo Doha, taageeridda mashaariicda dhism aha Bullaacadaha Muqdisho, helida sida Gaadiidka kala duwan ee lagu xoojinayo bilicda Caasim adda iyo horumarinta labada Magaalo.

Duqa Magaalada Doha Md. Mans our Ajra an Al-Boeinin ayaa ballan qaad ay in ay diyaar u yihiin talaaba kaste oo lagu taageerayo horu marinta Magaal ada Muqdisho iyo dardargalin qorshaha mataaneenta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Du qa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuse en Jimcaale (Madaale) ay aa ugu mahad celiyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay markale cagaheeda ugu istaagi la heyd.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo Sena torrada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Qaxootiga

Wasiirka Wasaaradda Arrim aha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiis iinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Xil dhibaannada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hinside sharciye edka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, Akhrintiisa 1-aad. Wasiirka Arrimaha Gu daha XFS oo u mahadceliyay Guddoonka iyo xildhibaannada Aqalka Sare ayaa shee gay in Hindise sharciyeedka Qaxo otiga iyo Maganga lyo Doonka uu ka koobanyahay 7(Todobo) Cut ub iyo 38 qodob, isla markaana uu yahay 32 bog Wasiir Fiqi oo ka hadlay Sida uu Hindise Sharciyeedkaan u waafaqsany ahay Dastuurka iyo xeerarka ee dalka ayaa yiri, Hindise Shar ciyeedkan wux uu ku saleeynsan yahay Qod. 37aad ee Dastuurka KMG. (Qaxootiga & Maga ngalya doonka). Iyo sidoo kale shuruucda iyo heshiisyada Caalamiga ah ee la xiriira arrimaha Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay Soomaaliya dhinac ka tahay oo ku faahfaahsan qeybta danbe ee Ararta ee Hindise Sharciyee dkan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fed eraalka iyo Dib-u-heshii siinta XFS Mudane Ax med Macallim Fiqi ayaa mid mid ugu sharxay Xildhiba annada Aqalka Sare Cutubyada iyo qodobada uu ka koobanyahay Hinside sharciy eedka Qaxootiga iyo Magan galyo Doonka 2023. Ugu Dambayn, Wasiir Axmed Fiqi ayaa Guddoonmiyaha Aqalka Sare iyo Senatorrada Aqalka ka codsaday Meel marinta Hinside shar ciyeedka Qaxoot iga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, kaas oo ay horay u ansixiyeen Xildhib aannada G/Shacabka Baarlamaanka JFS.

Wasiir Abshir Huruuse oo khudbad kaga hadlayo xaaladda Gaza ka jeed iyey mada sha Doha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Doha oo maalinimadii shalay ka fur may dalkaas. Wasiir Abshir ayaa khudbaddiisa dhinacyo badan diira dda ku saaray, isaga oo ka hadlay doorka diblomaas iyadda, wax a uu carabka ku dhuft ay xaaladda ka taagan Gaza, waxa uu sheegay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo dar yeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah.

Md.Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wadahadalka iyo xaqiijinta bixi nta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xa sarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan umm aduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskah orimaadyada mag aalooyinka, kuwa ay saam eeyeen masii booyinka dabiiciga ah, ama qax ootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan ,.sida uu ka yiri Was iir Abshir madasha Doha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaag u muu jisay Falastiin. Horaantii bishii hore, Madaxwe ynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa ‘iil ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddama Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

Anita Kiki oo soo afmeertay howl-gal kii Soomaaliya, sameysay qiraal cajiib ah

Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaadey, ayaa kulan sagootin ah la qaadatay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS Da a’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka ayaa ku-xige enka ergeyga uga mah ad-celiyay sida wanaag san ee ay uga soo dhalaashey shaqada loo igmaday, ugu adeegtay dadka Soomaa liyeed muddadii ay dalka joogtay.

Sidoo kale waxa uu ku-xigeenka ergeyga warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasa dda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga samee yay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan-Qa ran sannadkii la soo dhaafey, sida lagu yiri bay aan kasoo baxay kulankaan.

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Sooma aliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rejada, islamarkaana ku tallaabsatay guullo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran.

Waxay sidoo kale ka mahad-celisay wada-shaqeynta iyo soo dhoweynta ay u fidiyeen sha cabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka howl-galeysay.

Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soo maaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Anita ayaa dhammaadka bishan waxa ay qaban doontaa xilka ku-xigeen ka ergeyga QM. ee Koonfuurta Sudan, ahna madaxa isku-duwid da arrimaha gargaarka bani’aadm inimada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan gaar ah la yeeshay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumad da Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shalay magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi.

Waxaan ka wada hadalnay xo ojinta xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labad ee na dal iyo kor u qaadidda iska ashiga naga dha xeeya ee dhinacyada badan leh,.ayuu yiri was iir Abshir Cumar Jaamac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cum ar Jaamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha Dibad da ee dalka Qatar ayaa si gaar ah isula soo qaaday shirka Arrimaha ammaanka Sooma al iya ee Maraykanka todobaadkan ka furmaya, kaas oo Qatar ay ka mid tahay shanta dal ee Soomaaliya gacan siinaya.

Kulanka labad mas’uul waxaa goob joog ka ahaa danjiraha cusub ee DFS ee dalka Qatar Amb Dr Maxamed Axm ed Doodishe iyo ku xigeenka safiirka Ruun Siciid Qoorsheel.


Maxay tahay muhiimadda Soomaali ya ugu jirto kursiga ku xigeenka xog hayaha guud ee IGAD?

Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gob aleedka IGAD Mudane Maxamed Cabdi Wa are oo dhawaan xilka loo magacaabey ayaa wa rbaahinta Qar anka u faahfaahi yey muhiim ada kursiga loo maga caabey iyo sidey Soo maaliya ugu suura ga shey madaxda ugu sare ysa IGAD in ay ka mid noqoto.

Madaxweynihii hore ee dowlad goba leedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in booskaan Soo maaliya ay u tahay boos muhiim ah, isaga oo carabka ku dhuftay xilka loo magacaabay in ay markii ugu horre ysay qof Soomaali ah uu jagadaas qabto.

Mr Waare oo ka hadlay sida mag acaabis tiisa ku timid ayaa yiri, Kur sigaan looma tartamin, shirkii IGAD ee lagu qabtay Jabuuti bishii June ayaa lagu go’aansaday in kursig aas Soom aaliya la siiyo, maadaama Soomaa liya ay ahayd waddadamii lagu aasaasay uru rka weli aysan ka qaban kursigaas, marka waa laysla gartay, todobada madaxweyne ee marka as joogay ayaa isla gartay.

Madaxweynihii hore ee dowlad gobale edka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalin ka hor loo magaca abay Ku-Xigeenka Xoghay aha Guud ee urur gobaleedka IGAD ayaa xusay in xilkaan Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay, isaga oo sheegay in ay ka soo dhalaali doonta kaalin teeda.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaa radda Maaliyadda Xukuumadda Federa alka Sooma aliya Prof. Cabdullaahi Qal oocow oo la hadlay warbaahinta Qaran ka ayaa bogaadiyey sida dowlad da Soomaaliya ay la soo laabatay jago oyinkii muhiimka ahaa ee ka maqnaa.

Waan ku boggaadineynaa Dowlada iney lasoo laabato jagooyinkii muhiimka ahaa ee kaga maqnaa ururada iskaa shigu nagala dhex eeyo,Mudane Waara na waa nin waayo arag ah oo horey ulasoo shaqeeyey Hay’addo waaw eyn,.sida uu yiri Wasiir Qaloocow.

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan She ekh Maxamuud ayaa soo jeedin uu u sameeyey madaxda dalalka ururka gobaleedka IGAD in Mr Maxamed Cabdi Waare loo magacaabo booska Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD.

Agaasime Cabdullaahi Xayir oo 40 Suxufi u furay tababar ku saabsan Ilaha rasmiga ah ee laga helo wararka

Agaasimaha Guud ee was aaradda warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta tab abar ku saabsan Ilaha ras miga ah ee laga helo wara rka, mabaadii’da Anshaxa iyo badqabka Suxufiinta u furay ku dhaw aad 40 Suxufi oo ka howlgala wasaaradda warfaa finta iyo Warbaa hinta madaxa banaan. Agaasimaha oo furitaanka tababar ka ka hadlay ayaa suxufiyiinta ka qeyb galaysa taba barka kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan muddada uu socda oo dhan saddex maalin, waxa uu xusay in muhiimad gaar ah uu u lee yahay tababarkaana, loona baahan in suxufiy iinta ay dhaqan galiyaan wixii ay ka faa’deyna.

Waxa aan jeclahay in aad halkaan ka faa’iidey sataan aqoonyahaannada iyo qabiiriinta bixinay sa casharada kala duwan ee Saxaafadeed sad dexda cesho ee aad halkaan joogtaan, in aad ku dabaqdaan hay’adihii aad ka timaa de en oo ay idinka muuqato aqoontii aad halkaan kala tagteen, waana ku faraxsanahay tababark aan ay wasaa raddu qaban qaabisay,.sida uu yiri Agaasime Xayir.

Booliska oo xiray Haween jirdil u gey stay Muuqaalna ka duubay Nin Dhal linyaro ah

Baraha Bulshada ayaa aad loogu faafiyay Saacadihii la soo dhaafay muuqaalka Haween Nin inta qol kuso xirtay garaacaya ama jirdil u geysanaya kadibna ay muuqaal ka duubeen, kaas oo dadka Soomaaliyeed siwyen ay uga fal celiyeen, waxaana la sheegay in Haweenkaas Gacanta lagu dhigay.

War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ay gacanta ku soo dhigeen Haween jir dil u geestay, Muwaadin So omaaliyeed, wayna ku socot baarista Booliska.

Sidoo kale Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Haweenkaas la horgeyn doon Maxkamadda awooda u leh, iyada oo Shaca bka Gobolka Ban aadir laga dalbaday inay Bool iska la soo wadaagaan cid kasta oo wax u dhiibeysa amniga.

Dhacdooyinka la xiriira in Haween ka ay Ragga ku balansadaan guryahoo da kadibna ay muuqaalo ka duubay aan, iyaga oo gara acaya ayaa aad ugu soo batay dalka, waxaana ay horay uga dhacday Magaalada Muqdi sho iyo Kismaayo

Jubbaland oo ku dhawaaqday iney u diyaar garoowday dagaalka ka dhan ka ah kooxda Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa shaaca ka qaaday iney u diyaar garoobe en daga alka ka dhanka ah kooxda ee looga xureynayo deegaanada Jubbaland.

Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in maalm aha soo socda iney si rasmi ah u bilaaban doonaan howlgalada, islamark aana howlgal ada xoogooda ay ka dhici doonaan deegaanka Jubbooyinka.

"Howlgalada bilaabanaya dhawaan ee ka dhanka ah Shabaab waxaa hor muud u noqo doona madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xas an Sheekh Maxamuud oo hor ay mudo bilooyin ah ugu sugnaa furimaha hore ee dagaalka Al-shabaab looga xureyn ayo da lka" ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland Yuu suf Xuseen Cismaan Dhuumaal.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka amniga Jubbaland ayaa kusoo beegm aya, iyadoo dee gaanada dowlad gobo leedka Jubbaland ay ka mid ah yihiin meelaha ay wali ku xoogan yihiin koox da Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan She ekh Maxa muud ayaa horay u sheegay in wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shab aab inuu ka bilaabanayo deeg aanada maamu lada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Arrin cusub oo kasoo korortay xiisadda Puntland

Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee mam aulkaasi, gaar ahaan muranka xoogan ee ka taagan doorashooyinka maamul kaasi.

Ugu horreyn xildhibaannada ayaa caddeey ay mowqifkeeda, waxayna kasoo horjeesteen muddo kororsigii halka sano ahaa ee dhawaan loo same eyay Golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale waxa ay soo dhaweey een go’a anka kasoo baxay Maxkam adda Dastuuriga ah oo burisay tallaab ada baarlamaanka ee ku aadan muddo kororsiga.

Mid kamid ah xildhibaannadaas oo ka warbi xiyay shirkooda ayaa sheegay in xilligan aysan suuragal ah in laga shaqeeyo muddo kororsi, ayada oo lagu jiro xaalad hubanti la’aan ah.

"Halkan waxaan ku qabaneynaa shir saxa afadeed annagoo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo ka kooban illaa sodomeeyo xildhibaan sababtana waxa ay tahay inaan shacabka reer Puntland dhammaa ntood aan la wadaagno aragtideena ku aadan xaaladda dalka, marka waxaan bulshada u cadeyneynaa inaanan raalli ka ahayn muddo kororsiga baarlamaanka, suurtagalna aanan ahayn” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay diyaar u yihiin in la aado doorashadii hore ee ay kusoo caana-maashay Puntland, si looga gudbo is mariwaaga ka taagan Garoowe.

"Inteenna waxaan diyaar u nahay oo bulsh ada reer Puntland u sheege ynaa in dalk ani uu aado doorashadii 66-da ahayd ee ay kusoo caana maa shay Puntland” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, waxaa jira in ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland oo iyaguna fiidnimadii xalay diyaariyay mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah.

Warar lagu kalsoon yahay, oo aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan, ayaa sheegaya in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay maanta yeela nayan Baarlamanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saaca do kooban kadib markii maxkam adda dastuuriga ah ee Puntland laashay mudda kororsigii uu

samaystay baarla manka.


Masuuliyiin ka socda hay’adda IOM oo gaaray M/Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiye ynta Puntland Md.Abdi Farah Juxa oo uu weheliyo Agaas imaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Moham ed AIi Farah Farmayeri ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabiley wafti heer sare ah oo ka socda hay’a dda IOM oo uu hog gaaminayo madaxa hay’adda ee Soomaaliya Mr. Frantez Celestin.

Shirkaan ayaa wax aa looga wada hadlay da rdar-gelinta mashruuca xal ka waara ee Saamaynta Proj e ct. kaas oo ay hay’adda IOM ka fulinayso Pun tla nd, gaar ahaan wax ka qabasha da Bara kacayaasha ku nool magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari, isla eegista iyo qaabaynta qorsheyaasha wada shaqayneed ee loo madlanyahay san adka 2024.

Sidoo kale, waxaa shirka si qoto dheer loo gu lafa guray qaab-dhismeed ka mashruuca xal ka waara, wixii qabsoomay, wixii aan qabsoo min intii mashruucaan socday iyo caqabad aha taagan sidii loo xalin lahaa.

Khilaafkaa ugu xumaa oo ka dhex qaraxy Madaxweynaha Puntland iyo ku Xigeenkiisa Axmed Karaash

Xilli xaalad is mari -waa ah ay ka taagan tah ay arrimaha doorashada Puntland isla marka ana baarlamaanka kulankoodii maanta uu buuq hareeyay ayaa qoraal uu bartiisa Faceboog ku baahiyay goordhaweeyd madaxweyne ku xigee nka maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) wax aa uu ku tilmaamay mad axweyne Saciid Cabdullaahi Deni inuu caade ystay keligi talisnimo iyo aw ood marooqsi.

Qoraalka la soo dhigay bar ta Faceb oogga ayaa sid aan u dhignaa:-

Madax weynuhu wuxuu caaddeystay keligii tal isnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dham maato fashil,

Axmed Karaash ayaa intaa ku daray in wixii dhibaato ah oo ka dhasha tillaabooyinka uu qa adayo madaxwey nuhu uu dusha u ridan doono mas’u uliyadeeda.

Haddaba waxaan wax-garadka iyo qayb aha kala duwan ee bulshada reer Puntland u caddaynayaa in haddii uu qaado tallaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrima ha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xum ada ay dhasho.ayaa lagu yiri qoraalka barta Faceboog lagu baahiyay

Weerar ka dhacay caasimadda Sud an ee Khartuum oo dad ku dhinteen

Labo qof ayaa ku dhintay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen we er ar ula kac ah oo lagu qaad ay kolonyo gawaari ah sidday gargaar kuna sug naa caasim adda Suudaan ee Kharto um, sida ay sheegtay Laanqeyrta Cas.

Baabuurta la weeraray ayaa la she egay la sheegay in ay lahaayeen calaamadda hay’adda Laanqayrta Cas. waxaana la doonayay in lagu daad gur eeyo in ka badan boqol qof oo rayid ah. Labo ka mid ah shaqaalaha ICRC ayaa lagu dilay weerarka waxaana ku dhaawacmay toddobo kale. ICRC waxay sheegtay in ciidamada iyo maleeshiyada RSF ay xaqiijiyeen ammaanka shaqaalahooda iyagoo boq olaal rayid ah u daabulay meelo nabdo on balse la weeraray.

Arintan ayaa timid kadib markii mad axda gobolka ay sheegeen in mad axda ciidamada S udan iyo ciidamada gaarka ah ee RSF ay isku afgarteen in la qabto wadahadal nabadeed, lag una soo afjaro dagaalka ay ku dhinteen kuman aanka qof, lix milyan oo qofna ay ku guryo bee leen.

Israa’iil oo baahisay Muuqaalka Fala stiiniy iin dharka laga dhigay

Nin Falastiini ah oo 22 jir ah ayaa ka shee keeyay sida ay isaga iyo tob anaan kale u xidh een Ciidamada Difa aca Israa’iil ee ku sugan Waqooy iga Qaza Kham

iistii. Muuqaalo iyo saw irro laga soo qaa day dhacdadan ayaa aad u gu baahay baraha bulsh ada.

Muuqaalkan oo ay xaqiijisay BBC-da ayaa muujinaya tobanaan rag ah oo laga siibay dharka, dhulkana jilbaha loo dhigay waxaana ilaalinaya askarta Israa’iil.

Raggan ayaa loo malaynayaa in lagu qabtay Beit Lahia, oo ku taal waqo oyiga fog ee ma rinka Qaza. Waxay nagu qasbeen (IDF) in aan dhex fadhino waddo muddo ku dhow saddex saacadood, ka dib waxaa noo yimid gawaari waaweyn, gacmaha ayay naga xireen indha hana way noo duubeen, meel aan la garanayn ayay na geeyeen,.ayuu yiri wiilka dhalli nyarada ah oo BBC-da khadka taleef oonka ugu shee gay, isagoo codsad ay inaan la shaacin maga ciisa ammaan kiisa awgii.

Muuqaalkan, ayaa waxaa laamiga taagan rag aad u fara badan oo u muuqda in lagu yiri iska bixiya kabaha, kuwaasi oo daadsan haree raha wada da.

Askarta Israa’iil iyo baabuurta gaa shaaman ayaa dul jooga oo ilaalinaya.

Sawirro kale ayaa muujinaya raggan oo lagu daabulay gawaari dagaal. Warb aahinta Israa’iil ayaa ku tilmaantay rag gan in ay ahaayeen dag aalyahanno Xamaas ah oo isa soo dhiibay.

Markii ay gaareen halkii ay u socd een, nin ka dhalinyarada ah ayaa shee gay in si aan kala sooc lahayn loo door tay si su’aalo loo wey diiyo, isla mark aana wax laga weydiiyo xiriirka ay la leeyihiin Xamaas.

Talyaaniga, France & Jarmalka oo soo jeed iyey talaabo cusub oo ka dhan ah Xamaas

Dowladaha Talyaaniga, Faransiiska iyo Jar malka ayaa ku taliyay qorshe cus ub oo cunaqabatayn lagu saarayo Xamaas.

Waxay ugu baaqeen Mido wga Yurub in ay cunaqabat ayn deg deg ah ku soo rogaan Xamaas iyo taa geerayaa shooda.Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas ayaa si wadajir ah waxay warqad ugu qoreen madaxa siyaasa dda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell sida ay baahisay Wakaaladda wararka Reuters "Waxaan si buu xda u taageersan nahay soo jeedinta ah in la abuuro nidaam cunaqabatayn ku meel gaar ah oo ka dhan ah Xamaas iyo taageeray aashe eda,” ayaa lagu yiri warqadda.

"Oggolaanshaha degdega ah ee nidaam kan cunaqabataynta ah ayaa noo suurtagelin doonta inaan dirno farriin siyaasadeed oo adag oo ku saabsan sida ay Midowga Yurub uga go’ an tahay Xamaas iyo isbaheysig ayada aan la leenahay Israa’iil.” ayaa lagu yir qoraalka.

Wasiiradan ayaan marna soo hadal qaadin xasuuqa ay ciidamada Israel ku hayaan shaca bka magaalada Gaza, kuwaasoo labo bilood dil ay dad ka badan 17 kun oo u badan haween iyo caruur.

Ruushka oo markale cambaareeyey xasuu qa Israel ka wado dhulka Falastiin

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in ay tahay "wax aan la aqbali karin” in Israa’iil ay u adeegsato weerarkii 7-dii Oct obar ee Xamaas oo ay marmar siin yo uga dhiganayso ciqaabta wadajirka ah ee dadka reer Fal astiin.

Isagoo ka hadlayay Madasha 21-aad ee Do oxa ee dalka Qatar, ayuu ku baaqay in kormeer caalami ah loo diro marinka Qaza.

Waxa uu soo jeediyay in weerarka Xamaas ay ku qaaday Israa’iil uu daba socday go’doomin sanado ah iyo ball an-qaadyo aan la fulin oo lagu dhisayo dowlad ay leeyihiin Falastiin.

Lavrov ayaa ka hadlay baahida loo qabo kormeerayaasha caalamiga ah ee Gaza, wuxu una ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay in cadaadis caalami ah la saaro xab ad joojinta bini’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee marinka Gaza ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in tirada dhimashada ay gaartay 18,205 dhulka Falas tiin. Ilaa 49,645 qof ayaa ku dhaawac antay tan iyo markii iska-horimaadku uu qarxay 7-dii Oktoobar.

Aabbaha dhalay Wariyaha Al-Jazeera ee Gaza oo Caawa lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Wararkii ugu danbeeyay oo goordhaw oo Caawa ah aan ka heleyno Marinka Gaza ayaa sheegaya inay socdaan dagaalo dhanka dhulka ah iyo kuwa cirka ah.

Dagaalada Dhulka ayaa ka socda Koonfurta halka kuwa duqeymaha ay ka socdaan dhanka Waqooyi ee Mari nka Gaza.

Aabaha dhalay Wariyaha Al-Jazeera ee Ga za uga soo warama Anas al-Shariif oo 65 jir ah ayaa Caawa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ka geysanayanGaza.

Allaha ui naxariistee Aabaha dhalay wariya ha ayaa diyaaradaha Yuhuudu ku duqeeyeen gurigiisa oo ku yaal waqooyiga marinka Gaza.

Wariyayaasha ayaa ka deyrinaya xaalada Gaza iyagoo ku tilmaamaya inay sii noqoneyso meel aan lagu noolaan karin oo xaalad khatara

ku jirta.



TOONTA LAGA KEENO SHIINAHA MA WAXAA LAGU BEERAA BIYAHA BULLAACADAHA?


Toonta

Toonta laga soo dhoofiyo Shiinaha ee la ge eyo Mareykanka ayaa laga muujiyay walaac wa xa ana la sheegay inay khatra ku tahay am maanka qaranka.

Xildhibaan Mareykan ah ayaa dowladda ugu baaq ay inay baarto dhibaatoo yinka ay amniga qaranka ku leedahay toonta laga keeno Shiinaha.

Rick Scott oo ah sanatar ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa Xoghayaha Dhaqaalaha u diray warqad u uku sheegayo in toonta Shiin aha laga keeno aysan lahayn badqab. Wuxuu sheegay in toontan loo beero qaabab aysan nadaafaddoodu fiicneyn.

Shiinaha waa dalka toonta ugu badan u dhoo fiya dunida, Mareykanka ayaana ah dalka inta ugu badan isticmaala.

Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeynayay inuu Mareykanka toonta uga iibiyo qiime aad u hooseeya.

Tan iyo sanadihii 1990-meeyadii, Mareykan ka ayaa canshuur culus kusoo rogay badee co oyin badan oo laga keenay Shiinaha si beera lleyda Mareykanka looga difaaco saameynta qiimaha hooseeya ee suuqa.

Canshuurta ayaa lasii kordhiyay sanadkii 2019 xilligii maamulkii Trump.

Muxuu leeyahay sanatarku?

ToonSanatarka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay arrinta as wuuxuna warqaddiisa ku sheegay 'inay jiraan walaac caafimaad oo halis ah oo bulshada Mareyk anka soo wajahay mar ka la eego tayada toonta lagu beero dibadda, gaar ahaanna toonta lagu beero Shiinaha.'

Warqaddiisa, wuxuu ku faahfaahiyay qaabab ka loo beero toonta. Wuxuu sheegay in sida loo beero lagu soo bandhigo muuqaallo dokume nti yo ah, baraha cunnooyinka lagu soo bandh igo iyo barnaamijyo.

Sidoo kale, wuxuu sanatarkan Mareykanka sheegay in toonta lagu beero biyaha bullaac adaha.

Wuxuu ka codsaday Wasaaradda Dhaqaal aha inay arrintan tallaabo ka qaaddo. Wuxuu ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo in soo dhoofinta gaar ahaan toonta uu saameynayo ammaanka Mareykanka.

Waxaa intaa dheer, in sanatar Scott uu ku baaqay in noocyada kala duwan ee toonta la baaro.

Wuxuu warqaddiisa ku qoran in dhammaan ba noocyada toonta, iyadoo dhan, iyadoo diirka laga qaaday, la qaboojiyay amaba biyo lagu soo dhex riday ay tahay in baaritaan lagu same eyo.

Maxaad ka taqaan toonta iyo faa'iidada ay kuu leedahay?

Toon Soomaalida ayaa si weyn u isticmaasha khudaarta toonta, inta badan waxaa lagu dar sadaa cuntada, waana khudrad caan ku ah in loo adeegsado arrimo caafimaad. Toonta waxay kamid tahay khudaarta ugu da'da weyn ee dunida laga beerto, geedka toonta waa mid adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida basa sha, basaaska iyo kuwa kale.

Waxa ay leedahay caraf gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah, dadka qaarna ma jeclo dh adhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruu gaan. Waxaad arkeysaa dad badan oo cuna to onta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar ah aan qofka marka uu hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan.

Waxa sida weyn loo isticmaalo waa xiddida da geedka toonta, hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo yar yar oo gaaraya 20.Toonta wa xaa laga helaa nafaqooyin fara badan oo waxtar u leh banii'aadanka, waxaana kamid ah:

Tamarta u wanaagsan jirka banii'aadanka oo lagu qiyaasay 4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir dhiska waxaana ku jirta maadd ada borootiin. Toonta waxaa kale oo laga helaa maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo macd anta Potassium-ka ee isku dheelitirta shaqada unugyadeenna jirka.

Qof kasta ma isticmaali karaa toonta?

Waxaa dhif ah in qofka isticmaalo toonta ay u horseeddo xasaasiyad ama halis kale oo caafi maad.

Dadka qaar ee adeegsada toonta waxaa la ga yaabaa inay la kulmaan calool qabad, in uu ku kaco gaaska caloosha ama shuban-xaala da haas qofka wuxuu isku arki karaa marka uu qaato toonta aad u fara badan.

Fiiro gaar ah:

Dhammaan xogaha ku saabsan caafimaad ka ee lagu soo bandhigay BBC-da waxaa loogu talogalay wargelin guud oo keliya, mana bedd eli karaan talooyinka uu ku siiyay dhakhtar kaa ga ama ay bixiyaan khubarada kale ee ka sha qeeya howlaha caafimaadka.

Haddii aad walaac ka qabtid caafimaadkaa ga guud, waa in aad la xiriirtid dhakhtarka ka howl gala Meesha aad ku sugan tahay.

XIGASHO:-BBC

Diyaarada F-16 oo uu leeyahay Mare ykanka oo ku burburtay dalka Kuuriy ada Koonfu reed

Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa Isn iintii ku burburtay biyaha dalka Kuuriyada Koo nfureed kadib markii duuliyihii uu diyaarada ka booday.

"Duuliyaha waxaa soo badbaadiyay iidamada badda ee Jamhuuriy adda (Koonfurta Kuu riya) isagoo xaaladiis una ay wanaagsan tahay. Waxaa lagu celinayaa saldhiga ciidamada cirka ee Kunsan,” ayuu yidhi Taliska Ciidamada Cir ka ee Maraykanka.

Waxay ahayd dhacdadii labaad ee sanadk an ka dhacda Kuuriyada Koo nfureed iyo nawaaxigeeda, diyaarad kale oo F16 ah ayaa horey ugu burbur tay dhul beereed u dhow sal dhigga hawada Osan ee Pyeongtaek, gobolka Gyeonggi, una dhow caasimadda Seoul.

Waxaa dalkaasi ku sugan 28,500 oo ah ciidamada Mareykan oo ka qeyb qaata difaaca dalkaasi xulafada la ah.

Xamaas oo go’doomisay ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Khan Yonis

Xoogaga Xamaas ayaa la sheegay iney go’ doomiyeen kumanaan ka tirsan ciidamada Yu huuda oo galay magaalada Khan Yonis ee ku taalla Koonfurta marinka Gaza.

israel ayaa ku qasb anaatay iney dayuurad xamuul ah ku qaado saa dka iyo cuntada ciidam ada ku sugan Khan Yon is taasoo cirka uga daadisay xalay ka dib markii Xamaas ay xirtay jidadka ciidamadaas saadka loo marin jiray ee isku xira Khan Yonis iyo Isra el.

afhayeenka ciidamada Yuhuuda ayaa she egay in talaabada ciidankooda ay hawada uga daadiyeen saadka ay tahay markii 1aad ee ay sameeya an tan iyo dagaalkii ay koonfurta Lubnaan kula galeen Xisbulah sanado ka hor oo sidaasoo kale ay sameeyeen.

Ciidamada Israel ayaa la sheegay iney iska caabintii ugu adkeyd kala kulmeen xoogaga Xamaas ee ka dagaalamaya Knan Yonis, kuwa asoo u geystay khasaare lixaad leh, iyadoo ciid amada Yuhuuda ay awoodi la yihiin iney horey u socdaan.

Israa’iil waxay sheegtay inay diyaar u tah ay inay dagaallanto muddo bilo ah ama ka bad an si ay uga adkaato maa mulka Gaza ee Xam aas

Qatar, oo door muhiim ah ka ciyaart ay dhe xdhexaadinta, ayaa sheegtay in dadaalka lagu joojinayo dagaalka iyo in la sii daayo dha mmaan la haystayaa sha ay sii wadi doonaan, balse rabita anka ah in laga wada hadlo xab bad-joojin ay sii yaraanayso.

Israa’iil ayaa wajaheysa caro caalami ah ka dib markii weerarkeeda milatari ay ku dishay in ka badan 17,700 oo Falastiiniyiin ah Gaza, ku dhawaad ​​saddex-meelood laba meel oo ka mid ah waa haween iyo carruur, sida ay sheeg tay wasaaradda caafim aadka ee Xamaas ay maamusho.

Qiyaastii 90% dadka Gaza ee 2.3 milyan ah ayaa ku barakacay gudaha dhulka la go’do omiyay, halkaas oo hay’adaha Qaramada Mido obay ay sheegeen inaysan jirin meel ammaan ah oo lagu qaxo.

Mareykanka ayaa taageero muhiim ah siiy ay Israa’iil maalmihii la soo dhaafay isaga oo diiddan qaraar Gol aha Ammaanka ee Qara mada Midoo bay ee ku baaqaya xabbad-joojin iyo in la riixo in si degdeg ah looga iibiyo Isra a’iil rasaasta taangiga ah oo qiima heedu dhan yahay 100 milyan oo doolar. Golaha loo dhan yahay ee Q/Mi doobay ayaa qorsheynaya inuu maalinta Talaadada ah u codeeyo qaraar kan la mid ah.

Israa’iil ayaa sheegtay in 102 ka mid ah ask arteeda ay ku dhinteen weera rrada dhulka ah kaddib markii Xamaas ay weerar ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dishay illaa 1,200 oo qof oo u badan rayid, waxayna afduubteen ilaa 240 qof, waxaana warbaahinta Israel ay sheegeysaa in khasaar aha soo gaaray ciidankooda uu inta la sheegay aad uga badan yahay balse la qarin ayo.



AQRISO: WARQAD SIR AH OO UU MAXAMED SIYAAD BARRE QORAY KAHOR GEERIDIISA OO LA HELAY


Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan ba aritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu ke ydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

Waxaan daba-joog ay dhammeysti rka da raasad ku saabsan da gaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatamee yadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan ji ray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriis ku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Okt oobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban sad dex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo di ray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

Warqaddu waxay ku billaabatay qoraal yar oo cover ah, oo gaaban, oo ay Canab Maxa med Siyaad Barre, oo uu dhalay Maxamed Siy aad, ay ku sharraxeyso waxa ay tahay warq adda aabbaheed.

Sida muuqata, safaaradda Ingiriiska ee Ke nya ku taalla waxay warqadda ka heshay Can ab lafteeda, oo dibloma asiyiin ajnabi ah ku gud doonsiisay Hoteel PanAfric ee magaalada Nai robi, oo markaas ay address ka dhigatay Can ab, sheegtayna in P. O. Box-keedu uu yahay 244144, mana sheegin qolka ay ka deggan tahay hoteelka. Taariikhda ay cover-ka ku qort ay waa 19-ka bisha Oktoobar 1992.

Canab waxa ay ku billowday cover-keeda in wa rqadda Maxamed Siyaad Barre ay tahay ‘Warqad Nabadeed’ (Letter of Peace).

Waxa ay tiri: ‘Waxa aan idinku war gelinay aa dadaalka joogtada ah ee Mudane Maxamed Siyaad Barre ee ah in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya, sidaas awgeed waxaa halkan ku lifaaqan warqadda soo socota, oo ah mid iyadu is sharraxaysa, oo ah farriin nabade ed oo ku socota dhammaan hoggaamiyeyasha dhaqan ka Soomaaliyeed, kana timid Mudane Maxamed Siyaad Barre, oo kula talin aya inay saacidaan dadaalka gargaar ka iyo nabadda ee ay waddo Qaram ada Midoobay iyo inay xal-waara u raadiyaan mushkiladda maanta hays ata Soomaalida si loo ilaaliyo ummad-nimad ooda’.

Meesha u dambeysa ee cover-ka waxa ay Canab ku sheegatay inay tahay Ergay Gaar ah, oo ka wakiil ah Maxamed Siyaad Barre, mana aysan ku sheegin wax title ah oo uu leeyahay aabbaheed, kaddibna magaceeda ayay ku sax iixday. Waxaa hoos ku sii taalla stamp ay ku dhufatay safaaradda Ingir iiska ee Kenya, oo taariikhdeedu tahay 26-ka Oktoobar 1992, oo u muuqata inay tahay maalintii ay sida rasmiga ahayd warqadda u guddoo meen.

Bogga koowaad ee Warqadda Max amed Siyaad, waxaa ku taalla stamp-da Madaxtooya da Jamhuuriy adda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxayna ku taariikheysan tahay 15-ka bisha September 1992, magaalada ku qoran-na waa Lagos, dalka Nigeria.

Wuxuu ku billaabay: ‘Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga faa’iideysto fursadd aan inaan idin soo gaarsiiyo salaan teyda, si sharaf iyo xurmo ay ku dhe ehan tahay.

Farriinteydu waxay idiin siddaa warbixin iyo talooyin ku saabsan xalka arrimaheenna guda ha, waxaana la socda baaq ku wajahan dham maan xoogagga ka ciyaari kara door wan aag san hannaanka nabadda ee Soom aaliya’.

Arartaas kaddib wuxuu yiri: ‘Muwaadiniinta dalkeygow, labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan marqaati ka ahayn burburka qiyamkii taariikhiga ahaa iyo hiddihii dhaqanka ee jiila sha mustaqbalka’.

Halkaas markuu marayo, hal mar ayuu gad aal u noqday, wuxuuna yiri ‘waxaa muhiim ah in la xuso dagaalkii aan la galnay qabyaaladda waqtigii la soo dhaafay’.

Wuu sii watay, wuxuuna xusay in markii tali skiisu ay duugayeen qaby aaladda aysan ka soo horjeedin dhaq ankii jilibyada ee Sooma aliya, laakiin ay ka soo horjeedeen ‘cana asiir’, sida uu yiri, ‘ku howlan naftooda oo isticmaal aya qabyaalad iyagoo u daneynaya danahooda shaqsiga ah’.

Wuxuu intaas ku sii daray ‘faham la’aanta dadka caadiga ah aysan ku kala saari karin kuwaas ayaa keentay inay taageeraan kuwa loogu yeero qabqablayaasha dagaalka, oo ku keenay ummadda Soomaaliyeed inay kufto, iya goo dadka u kala qaybiyey qabiillo iyo jufooyin, kana barakiciyey waqooyi iyo koonfur’.

Bogga koowaad, wuxuu ku soo gunaan aday in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo ururrada bini’aadamnimada ay muddo dheer ku howlanaayeen ‘inay badbaadi yaan dadka Soomaaliyeed ee uu sameeyey dagaalka sokeeye, una fidiyaan caawimaad ka kooban cunno, daawo iyo dhaqaatiir’, taasoo keentay inay qaarkood ku waayaan naftooda, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Bogga labaad, wuxuu ku billowday inuu ka warbixiyo in kaddib markii amnigooda la geliyey qatar in bulshada caalamka ay go’aansaday laba arrim ood: (1) Inay joojiyaan wixii caawim aad ah, illaa xabbad-xoojin lagu heshiinayo, ama (2) Inay cunnada sii qaybiyaan, kana bad baadiyaan dadka baahida iyo xabbadaha, ayna dadaal kasta ku bixiyaan in la joojiyo dagaalka iyo qalalaasaha.

Isaga oo mar walba qoraalkiisa dhex-taal uga dhigaya ‘muwaadiiinta dalkeygow’ ayuu bo gaadiyey Xoghay ihii xilligaas ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali iyo magac aabista uu Maxamed Saxnuun u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, si uu uga caawiyo Xog hayaha Guud arrimaha la xiriira xal nabadeed oo loo helo khilaafka ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Barre, wuxuu kaloo bogaa diyey dalka Mareykanka, oo ciidan u soo diraya xeebaha Soomaa liya, si ay u caawiyaan howl gallada Qaramada Midoobay.

Wuxuu yiri ‘uma aragno tallaabad aas inay tahay caqabad, laakiin waa xoog caawimaad oo gacan ka geysa naya nabadda dalkeenna’. Si kastaba, wuxuu sheegay inuu welwelka uu qabo la qeybsaday dalal uu ku sheegay ‘wadammada saaxiibbada ah’, sida Marey kanka, wadammada Yurub, wada mmada Afri ka iyo wadammada Cara bta, qaasatan Sacuud iga, uuna ka codsaday inay caawimaad baaxad leh (massive assistance) u fidiyaan dad ka ko oban hal milyan iyo bar, oo u baahan caawi maad degdeg ah oo dhanka cunnada iyo darye elka, kuna sugan dalka gudihiisa iyo xuduuda ha Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu yiri ‘waxaan wargeliyey dowladaha an inaysan ku dhex-wareerin arrimaha siyaasadda iyo si ay nabad uga sameeyaan So omaaliya inay wada-shaqeyn la yeeshaan hog gaamiy eyaasha dhaqanka, aqoonyahann ada iyo siyaasiyiinta wanaagsan ee aam insan na badda iyo xasiloonida Sooma aliya’.

Wuu sii watay, wuxuuna sheegay inuu ba aq (appeal) u diray Qaramada Midoobay in shu ruudaha ciidan naba deed loogu daabulayo Soomaaliya inay san la mid noqon ‘xaaladdii aan ku sugneyn 1950-1960, oo ahayd maxmiy addii Qaramada Midoobay’.

Bogga saddexaad, oo ah kan ugu dambe eya, wuxuu tilmaamay in si’ xaaladda Soomaal iya loogu soo afjaro waqti hore inuu u soo jeedi nayo hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaa liyeed, sida boqorrada, garaadada, malaaqy ada, suldaannada, imaamy ada, islaannada iyo wabarrada (ugaasy ada kuma uusan soo darin), inay go’a ansadaan inaysan wax dadaal ah la harin, ‘si loo dhaqan-geliyo hindisaha soo socda ee lagu hubinayo, laguna soo celiyo madax-bannaanidii iyo um ma dnimadii’. Hind isaha uu u soo jee diyey kaaba-qabiillada, wux uu ku billa abay:

1. In la taageero dadaallada nabad da ee Qaramada Midoobay, iyadoo la kaashanayo Ururka Afrika, Jaamac adda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Yurub, iyadoo la aqoonsana yo in taasi ay tahay danaheenna.

2. In lagu dadaalo in la hagaajiyo amniga iyo xasiloonida garoomada iyo dekedaha, si loogu gogol-xaaro gaarsi inta qalabka gargaarka inuu gaaro dadkeenna macluulsan.

3. In la abuuro tallaabooyin kalsoo ni-dhisid ah oo u dhexeeya ‘dadka gobollada deriska ah’, si loo raadiyo soo-celinta nabadda iyo wa da-hadalka iyadoo la isticmaalayo tallaabooyin ku jaango’an hababka dhaqanka.

4. In la diido, lagana fogaado isbaha ysiga cusub ee aan barakada lahayn ee qaabkiisu yahay qabiilka.’

Intaas kaddib, wuxuu kula dardaar may, ‘Muwaadiniinta dalkey gow, wiil ayaa ku dhinta dagaalka, kuma dhasho’. Wuxuu ku soo afja ray: ‘Waan idiin mahadnaq ayaa dhamma ant iin’, kaddibna saxiixi isii ayuu ku duugay.

Midda xiisaha leh, waa in saxiixa kaddib uu qortay inuu yahay darajada ‘Madaxweyne’, iya doo laba sano iyo bar ka hor xukunka xoog lag aga tuuray. Hase yeeshee, warqaddaan warq ad ka dambeysay, oo laba bog ahayd, oo uu 10-kii bishii February 1993-kii u diray Madax weynihii Mareykanka, lagana helay maktaba dda keydka Bill Clinton, wuxuu ku saxiixay inuu yahay Madaxw eynihii hore ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ingiriis

Jaamacadda King’s College London




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip