Wasiirka Arrimaha gudaha oo Senatorrada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Qaxootiga

0
Monday December 11, 2023 - 12:47:57 in Wararka by
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha gudaha oo Senatorrada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Qaxootiga

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Xildhibaannada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, Akhrintiisa 1-aad. Wasiirka Arrimah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Xildhibaannada Aqalka Sare ka hor akhriyay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, Akhrintiisa 1-aad. Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo u mahadceliyay Guddoonka iyo xildhibaannada Aqalka Sare ayaa sheegay in Hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka uu ka koobanyahay 7(Todobo) Cutub iyo 38 qodob, isla markaana uu yahay 32 bog Wasiir Fiqi oo ka hadlay Sida uu Hindise Sharciyeedkaan u waafaqsanyahay Dastuurka iyo xeerarka ee dalka ayaa yiri, "Hindise Sharciyeedkan wuxuu ku saleeynsan yahay Qod. 37aad ee Dastuurka KMG. (Qaxootiga & Magangalya doonka). Iyo sidoo kale shuruucda iyo heshiisyada Caalamiga ah ee la xiriira arrimaha Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay Soomaaliya dhinac ka tahay oo ku faahfaahsan qeybta danbe ee Ararta ee Hindise Sharciyeedkan." Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa mid mid ugu sharxay Xildhibaannada Aqalka Sare Cutubyada iyo qodobada uu ka koobanyahay Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka 2023. Ugu Dambayn, Wasiir Axmed Fiqi ayaa Guddoonmiyaha Aqalka Sare iyo Senatorrada Aqalka ka codsaday Meelmarinta Hinside sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, kaas oo ay horay u ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip