Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan gaar ah la yeeshay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar

0
Monday December 11, 2023 - 12:49:24 in Wararka by
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan gaar ah la yeeshay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shalay magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi. "Waxaan ka wada hadal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shalay magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi. "Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labadeena dal iyo kor u qaadidda iskaashiga naga dhaxeeya ee dhinacyada badan leh," ayuu yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac. Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar ayaa si gaar ah isula soo qaaday shirka Arrimaha ammaanka Soomaaliya ee Maraykanka todobaadkan ka furmaya, kaas oo Qatar ay ka mid tahay shanta dal ee Soomaaliya gacan siinaya. Kulanka labad mas'uul waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb Dr Maxamed Axmed Doodishe iyo ku xigeenka safiirka Ruun Siciid Qoorsheel.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip