HALKAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA DICEMBAR 2023-KA

0
Monday December 11, 2023 - 08:37:27 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA DICEMBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maxamed Cabdi Waare oo loo magacaabay ku xigeenka xogahayaha guud ee IGAD

Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabe elle u magacaa bay ku xigeenka xoghayaha guud urur gobolee dka IGAD.

Soo jeedinta ma gacaabidda ku xigeenka xoghaya ha guud ee IGAD, waxaa gudbiyay wasiirka arrimaha dibbada ee dalka Jabuuti, ahna shir guddoonka golaha wasiiradda IGAD.

Tallaabadan Maxamed Cabdi Wa are loogu magacaabay ku xigeenka xoghayaha fulinta ee IGAD, ayaa noqo naysa mid kor u qaadaysa ma qaamka Soomaaliya ee gobolka iyo caalamka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daauud Awe ys ayaa guul weyn ku tilmaamay magaca abidda ku xigeenka IGAD ee loo magacaabay danjire Ma xamed Cabdi Waare, wuxuuna yiri,

"Guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay, magacaabista Maxamed Cab di Waare ee ku xig eenka xoghayaha fulinta guud ee IGAD waxay sare u qaadaysaa saamaynta Sooma aliya ku lee dahay gobolka iyo caalamkaba, taasoo muujinay sa guul diblomaasiya deed oo muhiim u ah dawladda Fade raalka.”

Ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, Maxa med Abdi Waare ayaa sheegay inuu ku faraxs anahay inuu ku biiro hoggaanka IGAD.

"Aad baan ugu faraxsanahay magacaa bista, u ololaynta, iyo taagee rada Xukuum addayda si aan u gaadho xilkan sharafta leh. Anigoo hadda ka shaqeeya Gobolka oo dhan. Waxaan rajeyna yaa inaan hogaamiyo koox ku dadaali doona inay wax ka bedelaan nolosha muwaadiniinteenna xagga Nabada iyo Amniga, Cimilada yaraynta, Gobolka,” ayuu yiri Waare.

Magacaabidda Waare ayaa kusoo beeg ant ay, iyadoo uu socdo shirweyn aha urur gobo leed ka IGAD ee ka socda dalka Jabuuti, halka as oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya.

Wax ka beddel lagu sameeyay qaab dhism eedka IGAD, ayaa Soomaaliya loo ogolaaday inay ku biirto hoggaanka sare ee IGAD.

W/ Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS Md.Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Ma rwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

asiirka ayaa ku xigeenka Ergeyga uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaa shey shaqada ay ugu adeegtay dadka Soomaali yeed mudd adii ay dalka joogtay.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku xige enka Wakiilka uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinac yada, siyaasadda, amn iga, dhaqaalaha, arrimaha bul shada iyo horumarka laga sameeyay iyo mar kii la dhisay xukuumadda Dan Qaran sannadkii la soo dhaafey. Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rajada, isla markaana ku tallaabsatey guulo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran. Waxay sidoo kale ka mahad celisay wadashaqeynta iyo soo dhaweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka hawlgaleysay.

Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soo maaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amni ga. Waxaana dhammaadka bishan ay qaban doo ntaa xilka ku xigeenka Ergeyga Q/Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna Madaxa Isku-Duwidda Arrimaha Garga arka Bani’aadminimada.

Qoor-Qoor oo tegay halka loo astee yay deked da Hobyo, soo saaray amaro culus

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmud ug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaa minayo ayaa Shalay booqday halka ay khubarada dhiseysa dekae dda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

Wafdiga Qoor-Qoor ku wehlinayay booqashadan ay aa ka koobna xildhib aanno ka tirsan BFS, masu uliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad-gobole ed ka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo halkaasi ka hadlay ayaa marka hore waxa uu sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha dekeddooda Hobyo, kadib dadaal dheer oo ay galisay dowladda Galmudug.

Waxa uu ka dhawaajiyay muhiimad da iyo faa ’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay dekedda Hobyo, taasi oo habeenkii Habeen hore aheyd degmada looga dhowaaqay maalga shiga dhismaha dekedda.

"Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goo btii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa mee sha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan maga alada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bila abayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarka ana aysan sharci aheyn Shalay wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deega amay ay.

"Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo Shalay waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo deke dda aheyn majirto,” ayuu yiri mad axweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

"Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisa an oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigs ado. Majirto hanti ama dhisme hore looga samee yay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

Hay’adda Duulista oo soo bandhigtay doorka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HD RS), Md.Axmed Macallin Xasan ayaa Shalay daahfuray Han naanka Jiheynta Dowl adnimada casriga ah ee Soom aaliya door ka ay ku leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya ayaa daahfurtay 16 bi shii Oktoober ee sanna dkan Hannaanka Jiheynta Dowladni mada casriga ah ee Soomaaliya , iya doo ujeeddadu tahay horumar inta wax qabadka hay’adaha Dawladda.

Agaasimaha Qorsheynta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Aamina Cabdiraxmaan Cusmaan oo horey dalka dibadeeda ugu soo qaa datay tababarka hirgalinta hannaankan ayaa ku soo bandhigtay kulan ay goobjoog u ahaayeen agaasimayaa sha iyo aga asime waaxeedyada HDRS , siyaabaha loo dhaqan gelin karo iyo sida ay HDRS waaxyaheeda qayb uga noqon lahaa yeen hannaankan ku salaysan isla- xisaabtanka waxqabadka (Perfor mance Tracking).

"Hannaankan wuxuu gacan ka geysanaya inan xoojino wada-shaqe ynta waaxyaha oo isla jaanq aadidooda ay gacan ka geysanayso in la horum ariyo dadaalladii lagu fulinayo adeegyada buls hada iyo qaranka aan u heyno.” ayuu yiri Maareey aha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo faray agaasime waaxeedyada Hay’a dda dhaqa ngelinta doorka ay hay’addu ku leedahay Hanna anka Jiheynta Dowladnimada casriga.

Inta lagu jiro dhaqangelinta Hannaan ka Jiheynta Dowladnimada casriga ah , waaxda Qorsheynta HDRS ayaa bixin doonta tababarro la siinayo waa xyaha si loo dardargeliyo hannaankan ku salays an isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

Wasiirka Arrimha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay ku xigeenka erga yga QM ee Soom aaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fed eraalka iyo Dib u he shiisiinta ee Xukuumadda Federaa lka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Shalay kulan sagootin iyo xog isdhaafsi la yeeshey ku xigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Q/Midoobey ee Soomaaliya Ms. Anita Kiki Gbeho.

Md.Fiqi ayaa Kiki uga mahad celiyay howlaha baa xadda leh ee ay Soomaal iya ka qabatay muddada ay joogtay, isaga oo u rajeeyay guul howlg alka cus ub oo UNka ugu aadi doonto Suudaan.

Maxkamada Sare ee Puntland oo wax-kama jiraan ka soo qaaday mudo kordhintii ay sameysteen Baarlamaanka

Maxkamada Sare ee Maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba laashay ama wax kama jiraan kaga soo qaaday go’aan dhawaan Baarlamaanka Puntland uu is kugu codeeyay mudo kordhin sanad ah inay sii shaqeey aan.

Warka ka soo baxay Maxkamda sare ee Puntland waxay ku xuseen in toos loo aado doorashadii Madaxweynaha Puntland oo loo balansan yahay 8-da Janaayo 2024.

Maxkamadu ma soo hadal qaadin kala dirista Baarlamaanka oo sida nidaamka Puntland uu ahaan jirey la kala diri jirey xiligaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Dani ay aa lagu wadaa inuu sida ugu dhaqsiyaha bad an ugu dhawaaqo inuu kala diray Baarla maanka Puntland.Maamulka Puntland uu hogaamiyo Sac iid Dani ayaa Dorraad maxkamadda sare u gudb iyay qoraal ay ku codsanaayeen in go’aan sharc iya ka soo saaraan mudo kororsiga baaralama anka Pu ntland xili Shalayna ay aqbaleen codsiga Madaxw eynaha.


Wasiirka Haweenka Marwo Khadiijo Oo Safar Shaqo Oo 3 Qeyb Ah Ku Tagtey Kismaayo

Wasaarada Haweenka, iyo Xuquuqul Insaan ka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hog gaaminayso ayaa safar shaqo oo sadd ex qeyb ah ku tagtay magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Wafdiga ay horkacaysay Wasiir Khadiijo Maxa med Diiriye ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay aroonka diyaaradaha magaal ada Kismaa yo iyadoo soo dhoweyn teeda ka qeybgale en mas’u uliyiin ka so cotay Maamulka Jub baland,siyaa siyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashada Wasiir Khadiijo ee magaalada Kismaayo oo saddex qeyb ah ayaa waxaa kamid ah ka qeybgalka munaasabada maalinta xuquu qda aadanaha iyo kulan ay la yeelanayso Gudiga farsamadda ee haweenka iyo xuquuqda aadan aha golaha wada tashiga qaran NCC iyo Guddiga Hooyo Badbaadi Hal Qoys.

Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka So omaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka qeybgashay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanadguurada 75aad ee Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aada naha.

Munaasbadan ayaa waxaa ka hadlay afhay eenka salaadiinta Jubbaland Ugaas Cumar Xii rey,waxana uu ku tilmaamay Wasiirka Haw eenka xukuumada Soomaaliya Marwo Kha diijo inay tahay xiddig u soo baxday shacabka Soom aa liye ed.

"Jubbaland hadaan nahay waxaan u naqaan Wasiir Khadiijo Naag ka roon,waana xiddigta Soo maaliya, waxayna leedahay karti la mid ah haw eenkii halganka Soomaaliyeed ee xornimada dhal iyay.”ayuu yiri Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Wasiirka Haweenka Jubbaland Marwo Cadar Cabdulaahi Ismaaciil oo sheegtay inay ku faraxsan tahay in Wasiirka Haweenka Xukuum ada Soomaaliya ay munaasabadan kala soo qey bgasho.

Wasiirka Wasaarada Haweenka, iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo munaasabadan ka hadashay ayaa Shalay mu hiimada ay xukuumada Dan Qaran ka leeda hay sidii loo horumarin lahaa xuquuqda aadanaha, Waxayna xustay in Xukuumada Soomaaliye iyo Maamul Goboleedyada dalka ay ka go’an tahay in ay horumariyaan xuquuqda aadanaha.

"Horumar weyn ayay soomaaliya ka gaartay xuquuqda aadanaha waxaana aan gaar ahaan xukuumada Dan Qaran, shaqo aan naqaan ayaan qabanay waxayna ahayd qabyadii uu dhamayst iryay qeyb ka mid ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Barnaamijka Ra’iisul Wasaaraheena Xamsa Cabdi Barre.”

Ugu dambeyntii waxaa munaasabadan ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jub baland Suldaan Cabdqaadir Xaaji Maxamuud wax ana uu ugaga mahadceliyay Wasiirka Haweenka Xukuumada Federalka booqashada ay ku timid Jubbaland.

H/SoDMA oo Dooni sida shixnad ga rgaar ah u dirtay J/land si wax Loogu qabto dadka deega ankaa

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ay aa Shalayy dekedda weyn ee magalaada Muqdisho, waxaa ay dirtay Dooni sida shixnad mucaa wino gargaar ah taas oo ma almaha soo socda lagu wado in ay gaarto magaala da kismaayo. Gargaarkaan ayaa gaar aya in ka badan 900 oo Tan oo raashin ah, waxa ana shixnadaan gargaar oo hore dowla dda ruu shka dalkeena ugu deeqday lagu wadaa in la gaa rsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deega annada Jubbaland si gaar ah Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo shacabkii ka soo bara kacay Gobolka Jubbada dhexe oo haatan, iyaga oo waja haya xaalad adag ku sugan duleedka kis maayo.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’a dda Maarey nta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa garg aarkaan ku wareejiyey wasiirka Garga arka iyo Maareynta dowlad gobol eedka Jubbaland.

Senator Faroole oo Wadahal ugu baaqay Madaxweyne Deni & Mucaaradka Puntland

Madaxweynihii hore ee Puntland SenitorCabdiraxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Arrimaha doorashada 2024.

SenitorCabdiraxmaan Faroole ayaa ugu horr ayn uga mahadceliyay Madax weyne Siciid Deni go’aankii uu kaga laabtay doorashadii lagu muran sanaa ee qof iyo cod islamarkaana uu ku aqb alay doorasho ku dhacda hannaankii hore ee 66-da.

Sidoo kale Waxa uu shee gay in wada-hadal lagu dhammaynayo khil aaf aadka weli jira ee dhi naca doorashada taas oo sida muuqata uu u muuqata muranka ka dhashaydhashay mud da kororsiga sanadka ah uu Baarlamanka Puntl and samaystay.

Dhinaca kale Senitor Faroole ayaa bogaadiyay Odayaasha dhaqanka iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaad atay Xal u helidda Khilaafkii doora sha da Puntland ee 2024.

Hadalka ka soo baxay Senitor Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku soo aadaya Xiili Dorraad uu gaar ay M/Garowe ee Caasimada Puntland oo soo dha weeyntiisa ay ka wada qayb galeen Madaxda Pun tland iyo Siyaasiyii nta Mucaaradka ah .

C/C/ Shakuur oo shaaciyey arrin ay isaga iyo Odowaa ka dhexleen siyaasadda

Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cab dish akuur Warsa me oo haatan ah Md.ka tirsan baarla maanka Soomaaliya ayaa shaa ca ka qaad ay arrin ay ka siman yihiin isaga iyo Xildhibaan Cabdiraxm aan MaxamedXuseen (Odo waa), taas oo ay ka dhexleen siyaasa dda Soomaaliya ee ay mudada dheer kusoo jireen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay furitaanka mashru uca dhismaha deke dda Hobyo ayaa sheehgay in isaga iyo Odowaa aysan siyaasadda ka helin dhaqaalo badan, balse ay ku shiideen, sida uu hadalka u dhigay. "Ani ga iyo saaxibkey Cabdiraxmaan Odowaa waxaan ka simanahay ma nihin dadka siyaasadda wax ka hela, dadka siyaasadda ku shiiday ayaa nahay” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan heys an lacag, balse ay inta awoodaan ku darsan doo naan dhism aha dekedda magaallo xeebe edka Hobyo ee gobolka Mudug.

"Lacago badan ma heysano oo aan meesha ku darsano cabsina waa naheysaa kista yar waxaan is leenahay meesha amay horay u socon weysaa, laakiin Risk ayaan idinla qaadaneynaa, aniga 10 shey halayga gado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Mr. Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa farr iin u diray ganacsatada Galm udug, wuxuuna ugu baaqay inay ka dhabeeyaan go’aanka ay ku dhisa yaan dekedda ay yeelato Galmudug.

"Waxaan u mahadcelinayaa ganacsat ada ku dhiiratay inay dhagax dhigga kaliya naga dhaaf aan oo markaan u beddalaan Practical” ayuu mar kale yiri CC Shakuur.

Sidoo kal wuxuu dardaarankiisa kusii daray "Si macquul ah u darsa caq abadaha na horyaallo, fiiriyana sidii guushaas loo dhalin lahaa”.

Galmudug ayaa haatan ku howlan dhismaha dekedda Hobyo oo Habeen hore si rasmi ah uu u daah-furay madaxwey naha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaari ye (Qoor Qoor).

M/Moqokori oo laga daah-furay mashruuc waxbarsho muddo dheer kadib

Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa magaa lada Moqokor ee gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirsh abeelle ka hergelisay mashruuc waxba rsho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo kamid ah goobaha laga xoreeyey kha waarijta.

Odayasha magalada ayaa ku booriyey bulshada in ay ka faaideystaan fursad an waxbarsho ee laga daahfuray halka as, iyadoo shacabka ku dhaqan Moq okori aad u soo dhaweyeen ma shru ucan waxbarsho.

"Cid aan wax qori karin waxna aqrin kain waa in laga waayaa deega annadan ’’ayuu yari Odwaa oo ah wakii lka barnaamijkan u qaabilsan dowlada feedraalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud wasarada Waxba rshada Taclinta Sare ee dowlad gobol leedka Hirshabeelle Amiin Mukhtaar Axmed ayaa sheegay in macaliminta dugsiga hoose, dhaxe iyo sare e deg madaan moqakori waxii ka bilwdo bish aan December heli doonan musha araadkooda.

"Mashruucan waxa uu taageri doo naa qofka weyn iyo qofka yar,wa xey dowl ada diyaarisay manhajkii wax lagu bari lahaa si ugu faaideystaan’’ ayuu yiri agaasimaha waxbarshada dowlada gobledka hirshabeela amiin muqtaar.

Moqokori oo muddo kabadan 15 sano ku jirtay gacanta Khawaarijta ee dhawaan laga saaray ayay bulshada ku dhaqan halkaas waayeen waxbarsho tayo leh, waxaana mashruuca waxbar sho ee cusub dadka magaaladan uu ka dhigi doono mid soo saaro bulsho dhisan oo horumariya magaaladooda.


Howlgal lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka Soomaal iyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howgallo qorsh eysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shab aab ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa wa xaa sigaar ah u fuliyay Ciidamada Ur urka 260aad Onk od ee xoogga dal ka Soomaaliyeed, waxaana ay ka fuliyeen degaanka Dhurey iyo dee gaano kale, halkaas oo la sheegay inay ku sug naayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Waajid ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260aad Onkod Macalin Aadan ayaa how lgalka hoggaaminayay, waxaana ay sheegeen inay burburiyeen saldhigyadii ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Dhurey ee degmada Waajid.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay Ciidama da xoogga dalka Soomaaliyeed ka fulinayaan degaannada iyo degmoo yinka Gobolka Bakool si ay uga saara an Al-Shabaab.

Howlgakan ay Ciidamada xoogga dalka Soom aaliyeed ka sameeyeen degaannada hoostaga degmada Wa ajid ee Gobolka Bakool ayaa kusoo aad aya xilli degaannada Koonfur Galbeed looga diyaar garoobayo billaabida waj iga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiyaha De gmada Wa ajid ayaa kormeer ugu tegay Saldhiga ay Maga alada Waajid kaga sugan yihiin Ciidanka Degaan ka oo u diyaarsan sidii uga qeyb qaadan laha ayeen howlgalka Wajigiisa Labaad ee ka Bilaaban doona Degaannada Koo nfur Galbeed.

Tirada dadka ku dhintay daadadka & fataha ada Wabiyada Jubba iyo Sh/lle oo korortay

Guddoomiyaha hay'adda Maareey nta iyo Masiibooyinka Qaranka Sooma aliyeed ee SOD MA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa shee gay iney gaartay tirada dadka dhintay daadadka ka dha shay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120 ruux.

Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ay ku dhinteen gobo lada Baay, Gedo iyo Jubbada Hoose.

"Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120 ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay, Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhi ntay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon la gadoontay iyagoo ka cararaya kooxda Al-shab aab" ayuu yiri guddoomiyaha hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha iney ku adkaatay in de egaanada qaar ay gaarsii yaan gargaar, kadib markii garoomada diyaarad aha intooda badan ay ku xirmeen daadadka ka dhashay roobabka.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatoo yinka ka dhashay daadadka iyo fatahaa daha ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Muuse Biixi oo xilalkii ka qaaday Wa siirro, kuwo cusubna Magaacabay

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somali land, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu war

eegtooyin Madaxw eyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuuma dda Jamhuuri yadda Somali land.

Waxaanay u dhignayd War eegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble

Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaar aha Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrim aha Dibe dda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabc igiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda Shalay aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasi irkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhu uriyadda Somaliland ayaa wareeg tooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuri yadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartid ooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Mas uuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda Shalay uu ahaado Wasiirka Wasaara dda Dhalliny arada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horu marinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabd ulle laga bilaabo taariikhda Shalay ay ahaato Was iirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bila abo taariikhda Shalay uu ahaado Wasiir Ku-xige enka Wasaar adda Horumarinta Maaliyadda Jam huur iyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEHMuuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Ururada Bulshada Rayidka oo dowl adda ugu baaqay ansixinta sharciga FGM-ka

Hay’adda Ifrah Foundation ayaa kulan wada tashi ah u qabatay Ururada Bulshada Rayidka ee ku sugan Muq disho, si loo xoojiyo xirfadahooda ku aadan la-dagaallanka tac adiyada ka dhanka ah hawe enka iyo u doodida ansixinta sharciga FGM-ka.

Munaasabada oo Sabtidii Dorraad lagu qabtay magaalada Muqdishu, wax aa ka soo qeyb-galay wakiillo ka socd ay Ururada Bulshada Rayidka, dowl adda Soomaaliya, Urur ada haweenka iyo dhallinyarada.

Ifrah Axmed, aas-aasaha hay’adda Ifrah Foun dation, ayaa ku dhiiragelisay Ururada Bulshada Rayidka in ay codkooda mideeyaan, laguna ca daa diyo dowladda meel-marinta sharciga FGM-ka ee horyaalla Golaha Wasi irrada.

"Dhibaatooyinka gabdhaha loo geysto aad ayey u badnaayeen markii aan bilaabeynay olola ha: Waxaa socday gudniin darran, kufsi iyo xaa lado adag oo dhinaca qoyska ah oo ay wajaha yeen haweenka Soomaaliya .Waxaa noo suuraga shay sannado ka dib in ololaha ka dhanka ah taca diyada duma rka aan gaarsiino dhammaan dalka, gaar ahaan xaafad kasta oo kamid ah Mogadishu”

"Waxaan u mahadcelinayaa dhallin yaro Soo maaliyeed oo safka hore kaga jira la-dagaallanka tacadiya da ka dha nka ah haweenka. Dhallinyar adaasi waxaa ay inta badan noo raacaan kaa mamka barakacayaa sha iyo meelaha aan ku tuh unsanahay in dhibaatooyin ay ka jiraan,” ayey raac isay.

Ifraax Axmed oo sannadihii la soo dhaaf aad ugu ololeyneysay joojinta gudniinka FGM-ka ayaa intaasi raacisay, "Waxaan inta badan la socon aa xaaladda kaamka Rabb Yassir IDP ee ku yaalla deegaanka Garasba ley ee dulleedka magaalada Muqadi shu. Nasiib wanaag, afartii sanno ee la soo dhaafay oo ah tan iyo markii aan bilownay la socodka xaaladda kaamka asi, ma jirin gudniin FGM-ka oo laga sameeyay kaamkan.”

Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Aadanaha ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Mudane Axmed Cabdi Cumar (Borile), ayaa shee gay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso sharciga gudniinka FGM-ka oo dambi ka dhigaya in dalka gudihiisa lagu sameeyo gudniinkaasi.

"Hadda sharcigaasi waxaa uu hor yaallaa golaha wasiirrada, marka uu baarlamaanka ansixiyo ayuu dhaqan geli doonaa,” ayuu yiri,

Agaasimaha Kaydka ee Xafiiska R/ Wasaaraha XFS Amina Keyf, ayaa sheegtay in dalka uu hadda ka socdo ololaha (Hooyo badbaadi hal qoys), si loo caawiyo haweenka iyo carruurta ay saameyeen daadadkii ka dhashay roobabka El-Nino oo dalka ka bilowday bartamaha bishii hore ee October.

Wasiirada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa dhowaan magaca wday guddiga ka shaqeyn doona ololaha, kaas oo la doonayo in dalka oo dhan uu gaaro, gaar aha an deegaannada ay saameye en roobabka.

Si loo xuso ololaha 16-ka maalin ee kahortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka, safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday in la furayo mashruuca Gaashaan oo ku kacaya 15 milyan ginni si loo caawiyo dad ka ka badbaad ay xadgudubyada galmada iyo jinsiga.

Mashruuca Gaashaan ayaa gaari doona in ka badan 117,000 oo qof, wux uuna dadka ay saame eyeen roobabka El Niño ka caawin doonaan horumari nta adeegyada ilaalinta gaarka ah.

Maryan Taqal oo ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka, ayaa ansixinta sharciga FGM-ka ku tilma amtay in uu culeyska ka qaadi doono dumarka So omaaliyeed, kuna dhiiragelisay dha mmaan Ururrada ka shaqeeya arrim aha haweenka isku xirnaan ujeedkeedu tahay u qareemida hawe enka. Munaasabada sidoo kale waxaa ka hadlay Deqa oo ka socotay Wasaarad da Cadaaladda iyo Dastuurka, Asad Dhaayow, oo ah u dhaq-dhaqaaqe arr imaha Xuquuqda Aadanaha iyo Ca asha Xirsi Caynab oo u dooda arrimaha dhalli nyarada iyo Haweenka Sooma aliyeed.


Ciidamo gadoodsan oo la wareegay degaa no katirsan Gobolka Bari

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo katirsan Pun tland oo ka gado odsan mushaar la’aan ay Shalay xirt een isku socodka dadka iyo Gaad iidka degaano kati rsan gobolkaas.

Ciidamadaan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ayaa fariisin ka same ystay degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeld aahir ee gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadaan ay joojiyeen isku socodka Gaadiid ka wadada dheer ee laamiga ah ee aada dhinaca Mag aalada Boosaaso, isla markaana Gaad iidka farabadna ay wadadaas klu xayiran yihiin.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa, iya ga iyo saraakiisho oda waxaa ay sheeg een in aysan muddo billo oyin ah qaa dan wax mushaar ah, isla mark aana madaxda Puntland ay ka dalban ayaan xaquu qdooda.

Tallaabadaan ay qaadeen Ciidam ada katir san Daraawiishta Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer Ciidamo katirsan Maamulkaasi Puntl and oo ka cabanaya mushaar la’ aan ay la wareegeen Baro-koontor ool oo kuyaalla degaano ka kala tirsan Gobolada Bari#, Nugaal iyo Mudug wallow markii dambe la xaliyay

Netanyahu oo Putin u sheegay in aanu ku qanacsanayn mowqifka Ruushka ee Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanya hu ayaa waxa uu la hadlay hogaamiyaha Ruush ka Vladimir Putin – iyadoo Netanyahu uu sheegay inuusan ku qanacsanayn mo wqifka Moscow ee dagaalka Gaza.

Ruushka ayaa taageeray qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Jimcihii.

Intii lagu guda jiray wicitaanka taleefanka, Netanyahu wuxuu dhale eceeyay "iskaashiga khatarta ah” ee u dhexeeya Ruushka iyo Iran, wu xuuna sheegay in waddan kasta oo kale oo ay la kulmi lahaa weerar u dhigma kii Israa’iil ay la kulantay 7-dii Oktoobar uu uga falcelin lahaa ugu yaraan si isku mid ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa soo dhawe eyay dadaallada Moscow ay ku doonayso inay ku sii deyso laba qof oo udhashay Ruushka oo lagu haysto Gaza.

Kremlin-ka ayaa sheegay in Ruu shku uu diyaar u yahay inuu bixiyo dha mmaan kaalmooyinka suurtagalka ah si loo qaboojiyo colaadda, iyo in Putin "uu xaqiijiyay mowqifka mabda’a ah ee diidmada iyo cambaareynta argagixis ada nooc kasta oo ay tahay. "

Dhaqtar iyo Macallin walaalo ah oo hal goob lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgad uud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Habeen hore saqdii dhexe maleeshiyaad hubey san ay dil ka gaysteen tuulada Ilix oo hoostegta degaanka Ceeldheer oo 30 KM u jira Dhuu samareeb.Dilka ayaa waxaa lag u soo wa rram ayaa in loo gaystay Macallin dugsi qur’ aan iyo dhaqtar, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen walaalo isla dhashay.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala mag acaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo wal aalkiisyar Ma callin Liiba an Xasan Cis maan, sida ay innoo she egeen dadka deegaanka.

Dr. Axmed oo batay daaweynta Ilka ha ayaa dhawaan booqasho u aaday qoyskiisa, halka Mac allinka uu ahaa wadaad caan ka ah deegaanka oo dhigi jiray Qur’aanka Kariimka.

Maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, kuwaas oo labadaan wiil ee wala alo ah u beegs aday aano qabiil darteed, sida aanu ka soo xiganay dadka deegaanka.

Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana sidoo kale dhacdadaan ku baxay ciidamo ka tirs an kuwa ammaanka oo haatan baadi goobaya raggii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeey ay kusoo badanayay dhacdo oyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gays tay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado.

Shuruud yaab leh oo lagu xiray dad ka qaada naya dhalashada dalka Jarmalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Saxony-Anhalt, oo ku yaalla bariga Jarmalka, ayaa soo saartay go’aan ah in codsiga jinsiyadda Jarmal ka uu ku jiro qiraal uu codsaduhu ku aqoonsanayo xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda.

Wasiir Tamara Zishang ayaa tilShalayy in hadda wixii ka dambeeya helitaan ka jinsiyadda Jarmalku ay u baahan doonto qiraalka ah in Israa’iil ay xaq u leedahay jiritaankeeda.

Qaraarka ayaa tilmaamay in xaqa ay dawl adda Israa’iil u leedahay jiritaankeeda ay "danta ugu sarreysa” u tahay Jarmalka. Ereygan waxaa bada naa loo adeegsadaa in lagu socodsiiyo go’a amo aan dastuuri ahayn ama anshax-darro ah. Sida laga soo xigtay Qaamuuska Oxford, ereyga "reason of state” waa erey ay adeegsad aan daw laduhu marka go’aanku ku lug leeyahay ka bixit aan mabaadi’da sida furfurnaanta, caddaaladda, ama kalso onida.

Ereygan ayaa dhawaan ku soo noqnoqday khudbadaha siyaasiyiinta Jarmalka si ay ugu caddeeyaan eexda qotoda dheer ee ay u hayaan Israa’iil, inkastoo ay suurtagal tahay dembiyo dag aal oo ay ka geysanayso Gaza. Tan iyo markii uu billowday dagaalka hadda socda, kaasoo galaaf tay nolosha in ka badan 16,000 oo Falastiiniyiin ah oo rayid ah, una badan carruur iyo hawe en, Ra’Iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Schulz ayaa reaygaas ku celceliyay dhowr jeer. Chancellor hore Angela Merkel ayaa tixraacday ereygaas mar ay khudbad u jeedinaysay Knesset Israel mar ay booqatay Israel 2008dii. Sida ku cad go’aanka cusub, codsadayaasha jinsiyadda Jarmalku waa inay ku muujiyaan qoraal ka hor intaanay helin jinsiyadda in "ay aqoonsan yihiin xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda, ayna cambaar eeyaan dadaal kasta oo ka dhan ah jiritaanka Dawladda Israa’iil. Waraaqda Wasiirka Arrimaha Guduhu ay u dirtay maamullada deegaanka ee gobolka ay aa la xiriira baahida loo qabo in waqtiga la dalban ayo dhalashada Jarmalka fiiro gaar ah loo yeesho haddii ay jiraan wax tilmaamaya hab-dhaqannada nacaybka Yuhuudda, sida in la diido xuquuqda Israa’iil ay u leedahay jiritaankeeda.

Wareegtadu waxay soo jeedisay talooyin ku wajahan maamullada maxalliga ah si ay u go’ aamiyaan oraahyada loo isticmaalo in lagu qirto laguna aqoonsado xaqa ay Israa’iil u leedahay jirit aankeeda. Wareegtada dowladda ayaa intaas ku dartay in aan la siinin warqadda aqoonsiga mu waa dinimo codsadaha diida qiraalka noocaan oo kale ah.

Israel oo ku goodisay iney qaadeyso talaa bo adag oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Israa’iil waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaa ddo dadaallada ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan maraa kiibta badda cas, haddii beesha caalamku ay ku guul-darreysato inay wax ka qabato sida uu she egay La-taliyaha Amniga Qaranka Israa’iil Tzachi Hanegbi.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha Yurub ka la hadlay in Xuutiyiinta ay beegsadaan maraakiib ta ganacsiga ee u socda ama ka soo baxay Israel

"Israa’iil waxay siinaysaa aduunka waqti ay isku abaabulaan si ay tan uga hortagto, laakiin haddii aysan jirin talaabo caalami ah, waxaan sameyn doonaa si aan meesha uga saarno go’doominta badda,” ayuu yiri Hanegbi.

Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa ah urur siyaasadeed iyo mid milatari oo Shiico ah oo dagaal sokeeye kula jira xulafada uu Sucuudigu taageero tan iyo sannadkii 2014-kii.

Waxaa sare u kac ku yimid dhaq dhaqaaqo oda badda tan iyo wee rarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Maraakiibta dagaalka ee Mareyk anka ayaa horay u ilaalinayay maraak iibta gobolka.

Todobaadkii hore markab dagaal oo Marayk anku leeyahay waxa uu soo riday diyaarado bad an oo aan duuliy aha lahayn, kuwaas oo ka yimid goob aha ay Xuutiyiintu maamulaan ee Yem en ee koonfurta badda cas, sida ay sheegeen saraak iil ka tirsan ciidamada Maraykanka. Mid ka mid ah shilalka ayaa yimid xilli weeraro xiriir ah lagu qaad ay saddex markab oo kuwa ganac siga ah.

Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa shee gay inay ka fiirsanayaan inay xoojiyaan ilaalin ta maraakiibta ganacs iga ee ku hareeraysan mar inka babel mandeb xilli ay dhawaanahan weeraro gantaalo ah ku qaadeen dagaalyaha nada Xuutiyiinta ee Yemen ka howl gala.

Mareykanka ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka aagaas xubno ka tirsan ciidamada isku dhafka ah ee ciidamada badda, oo ah ciidamo ka kala socda dalal badan oo badda ah, loona xilsaaray ilaalinta maraakiibta ganacs iga ee badda cas.

Xuutiyiinta Yemen ayaa soo saaray hanjaba ad kale oo sheegeysa in markab kasta oo ka soo baxay ama u socda dekedaha Israel ay beegsan doonaan xili ay afduub u heystaan markab gana csi o laga leeyahay Israel.

.


SIDEE LOOLA TACAALI KARAA DADKA MARKAY HADLAYAAN SHIGSHIGA?


SHIG SHIGIDA HADALKA "Waan ka baqi jiray inaan dugsiga tago subaxii. Wa xaad odhan jirtay 'madam xaadir' ama 'haa marwo'. Mar walba waxaan idhi 'haa hooyo'. Mar walba wa xaan isku dayi jiray inaan hadal yar ka hadlo sababtoo ah way ii fiicnayd. Aditya oo ah magac qoraaleed aan asal ahayn waa 35 sano jir injineer bartay software, wuxuu shaqaalaysanayaaa qof ka caawiya si uu xal ugu helo dhibka ka haysta hadalka

Isagoo la hadlayay weriyaha BBC Payal Bhav an, wuxuu yiri, 'Haddii aan gafno maxaa khaladka yaga ah? Ilaahay wuxuu noo abuuray sidan, waa la igu majaajilaysan jiray xitaa xilligii carruurnimad aydii, waxaanay u badan tahay inaan sidan sii ahaan doono inta noloshayda ka hadhay.

Sida laga soo xigtay cilmi-baaris, waa boqolkii ba siddeed carruurtu aanay luuqaddo odu fasee xa ahayn, markay hadlayaan. Laakiin inta badan carruurta dhibaatadani way ka hartaa waqti ka dib, sidoo kale qaar badan ayaa u arka farqi yar halka qaarkood ay u arkaan inuusan jirinba wax isbaddal ah.

Samir iyo dulqaad filo

Sida iska cad waalidiintu waxay ka walwalsan yihiin inay carruurt oodu shig shigaan oo waxay raadiyaan xalka dhibaatadan ca rruurtooda.Iyadoo la hadlaysa barnaamijka podca st-ka ee BBC Sounds ee Saacadda Hawee nka, hooyo Gerry waxay sheegtay in wiilkeeda uu bilaa bay shig shigida inta u dhaxaysay da'da shan ilaa lix jir.

"Markii wiilkeennu ahaa shan, lix, waxaan xaqi iqsaday inuu dhab ahaantii shig shigayo. Waxaan u maleyneynay inay taasi tahay waxa carruurtu sameeyaan. Maanu garanayn si aanu u caawin karno, waxaanu ugu ducaynay inuu iskii u soo roo naado” ayey tiri Gerry.

Waxay sheegtay inay isku dayeen inay fuliy aan rabitaanka wiilkooda si ay u caawiyaan laaki in waxay marar badan xasuusan jireen erayadii ku dhegdhegi jiray kuwaas oo isaga niyad jabin jiray oo xitaa uu la xanaaji jiray kuwasoo marar ka mu uqan jirtay inuu ka bixinayo dareen taag daran.

Adity, oo deggan Noida oo Hindiya ka tirsan ay aa sheegay in marar badan dadku dhamma ystira an jumladaha shigshiggan kuwaas oo aan sax ahayn. Waa inaa fursad naloo siinaa inaa dhama ysa nno hadalkeenna. Waa dareemi karaa inaa is ku dayeyso inaa naga caawiso niyad wana sgan laakiin waan ku daalnay taas, balse waxa an ka filayno waa inaa inyar noo dulqaadato ayuu intaas raaciyey.

Heerarka shigshigidda Weriyaha BBC Payal Bhavan ayaa sidoo kale la had lay Sheshupal, oo ah da aweeyaha hadalka ee dee ganka Noida.

Sheshupal waxay sheegt ay in shigshigowga loo kala qaybin karo saddex heer. Shigshigidda yar, midka dhexdhexadka ah kaas oo ka cod dheer kan caadig ah iyo midka gaara heerka daran. Carruurta ku jira kan heerka kowad ah ee yar waxaa laga yaabaa inay dhaqso u bogsadaan, waxaana laga yaabaa inay arkaan horumar la taaban karo ka dib afar ilaa shab bilood oo daaweyn la siiyo.Daaweynta midka aadka u daran ee heerka sa ddexaad waa mid aad u adag, waxayna u baahan tahay dadaal dheeri ah oo dhinac ilmaha ah. La talinta daawaynta DAAWEYN IYO LA TAL INTA Aditya waxaa uu sheegay in xilligii caruur nimadiisa uu moodi jiray in shig shigidda aan we ligeed laga bosan doonin, daw aduna aad bay qaali u ahayd waqtigaas oo xitaa muusan hay san lacagta daawaynta.

Gerry waxay BBC Sounds u sheegtay in wiilk eeda uu cod dheer ku dhawaaqi jiray iskoolka mar ka uu shig shigayo, macallinkuna u sheegi jiray in ilmaheedu soo daahay, waxaan ka maqnayd isku kasloonida, laakiin marka la barayo suugaanta marar badan carruurta noocaas ah way ku istaa gtaa ayey intaa ku dartay.

Waa inaa fahantaa ardayga sida cunuggayga oo kale oo la siiyaa waqti yar oo dheerad ah, sa xna maaha in la dhaho wuu soo daahay.

Sheshupal oo daaweyeena xanuunkan ayaa ku nuux nuuxsaday in mararka qaarkood dadka shig shigaa ay u baahan yihiin daaweyn.

Wuxuu intaa raaciyey in marar badan la arko in dadka shigshigowga qabaa ay kalsoo nidoodu hoosayso, waayo waxaa mask axdooda ku sii jirta in haddii ay wax khaldan sheegaan dadka kale ku qosli doonaan.

Tani inta badan waxay dhacdaa marka dadka hadalka shigshigaa ay la fariistaan dad badan iyagoo ka fekera waxay oron karaan marka qof wax waydiiyo.

Aditya waxa uu dib u xusuustaa maalmihii ugu horreeyay ee shaqo raadistiisa, wuxuu sheegay in u fariisan jiray imtixaanaadka shaqa da baslse uu ku guul darraysan jiray marka ugu dambaysa markasta.

Wuxuu intaa ku daray inuu markii dambe si tartiib tartiiba u fahmay in shigshigadda hadalkiisa ay tahay dhibaatada ugu badan ee u shaqada u heli waayey.

Aditya waxa uu maray dhawr qaybood oo daa wayn ah waxana uu ka shaqeeyay nafsaddiisa, dhibaatadii uu ku jahawareeray ayaan la xaliyey

Maxaa habboon in maskaxda lagu hayo?

SHIG SHIGIDA HADALKA

Sida laga soo xigtay Adeegga Caafimaadka Qar anka ee UK, kuwani waa waxyaabo ay tahay ina ad maskaxda ku hayso mar kasta oo aad la kula nto qof shigshigaya.

U samir, ha ka dhex gelin marka ay hadlay aan.

Ha ka codsan inay si degdeg ah ama tartiib ah u hadlaan.

U fiirso siday u hadlayaan intii aad eegi lahayd waxay ku hadlayaan

Markaad la hadlayso ilmaha, si degan ula hadal, isticmaal jumlado gaagaaban iyo luqad fudud.

Sii wakhti buuxa si ay u fahmaan waxaad shee gayso.

Haya’adda Adeegga caafimaadka ee UK (NHS) waxay sheegtay in shigshigidda ay sababi kara an sababo badan. Mararka qaar waxay noqon kartaa cabsi owgeed.

Waxaad qaadan kartaa daawada da' kasta, la akiin sida ugu dhaqsaha badan ee aad u bilowdo daawada ayaa ah tan ugu fiican.

Ugu dambayntii Gerry iyo Aditya waxay ku talo bixiyeen in la siiyo fursad dadka qaba shig shigowga ilaa mustaqalka lala dhisayo inay noqd aan kuwa ka gudba. Isagoo gunaanadkii hadlaya Aditya waxaa uu sheegay inay habboon tahay in dadku joojiyaan in ay ku jees jeesaan dadka shig shigga qaba taas uu shegay inay kor u qaadi karto kalsoonida.XIGASHO:-BBC

Amiirka Qatar oo digniin ka soo saar ay xasu uqa ciidanka Israel ka wad aan Gaza

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa Shalay oo Axad ah furay shirka Ma dasha Doha ee looga hadlayo xaalada bini’aadan tinimo ee ka taagan Marinka Gaza.

"Waxaan Shalay la kulannaa mur ugo aad u weyn iyadoo dunidu ay hay sato dhibaatooyin isdaba-joog ah. Mar inka Gaza ayaa markhaati ka ah mas iibo bini’aadannimo oo aan horay loo arag taas oo ka dhigaysa dadka xorta ah ee addu unka inay weydiiyaan su’aalo sharci ah oo ku sa absan dabeecadda nidaamyada caalamiga ah iyo hufnaa nta qalabka sharciga ah iyo mabaa di’ deeda,” ayuu Amiirku u sheegay dadkii goobta joogay.

Isaga oo aan xusin Israa’iil, Amiirku waxa uu dhalleeceeyay beegsiga dad ka rayidka ah, oo ay ku jiraan hawe enka iyo carruurta, oo uu ku tilm aamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalam iga ah, wuxuuna sheegay in dhibaatadu ay muujisay farqiga weyn ee u dhexe eya Bariga iyo Galbeed ka iyo jiilalka kala duwan”

"Dunida dhab ahaantii waxay u kala qaybsan tay qaar ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo qaar ka warwareega inay ku baaqaan xitaa xabbad-joojin,” ayuu yiri Amiirka.

"Dadka qaar ayaa isku dayaya inay dib u qaab eeyaan khilaafkan sidii dagaal diimeed, si kastaba ha ahaatee, khilaafkani wuxuu ahaa welina yahay arrin ku saabsan dadka xuquuqdooda aayo ka tal inta laga qaaday muddo dheer” ayuu yiri amiirka

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi "Halkan waa in aynu is waydiinnaa, waa kuma cida sida joogta da ah u hordhigaysa caqabadaha wax kasta oo la doonayo in lagu sugo naba dda, cilladahani waxay u oggolaana yaan colaadaha inay sii socdaan waxayna naga horjoogsanayaan inaan xal gaarno.”

Bishii hore, Qatar waxay heshiis la gashay Israa’iil iyo Xamaas in si ku meel gaar ah loo hak iyo dagaalka si loo sii daayo qaar ka mid ah la ha ystayaa sha iyo gelitaanka gargaarka bini’aadan nimo ee Marinka Gaza

Dibed-baxyo ka dhan ah Raisul Wasaare Netanyahu oo ka dhacaya Tel Aviv

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo bax ay fiidnimadii Habeen hore magaalada Tel Aviv, iyagii dalbanaya in la sii daayo dhammaan la hay staya asha, kuwaasoo tiradoodu tahay 137, qay bna ka ahaa 240 Israa’ iiliyiin ah oo ay kaxays teen Xamaas intii uu socday weerarkii 7-dii Oktoabar.

Dibad-baxayaashu waxay lulayeen calamo, iya goo sitay sawirrada Israa ’iiliyiinta ilaa hadda ku xiran Qaza.

Boorar ay ku qornaayeen: "Way nagu kalsoon yihiin inaan ka saarno cadaabta,” halka boorar kale ay ku qornaayeen: "Gurigooda keen.”Intii ay socdeen dibadbaxyadu.

Intii ay socdeen dibadbaxyadu, wax aa lasoo bandhigay muuqaalo laga duubay qaar kamid ah Israa’iiliyiintii horey loogu siidaayay heshiiskii maxa abiis is dhaafsiga. In ka badan 100 qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sii daayay intii uu socotay xabad joojintii toddob aadka ahayd, ee dhamm aatay 1-dii Diiseembar. Wixii intaas ka dambeey ay, dagaalku wuu soo cusboonaaday, Israa’iilna waxay sii waday weerar ka ay ku hayso Qaza.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip