Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya

0
Sunday December 10, 2023 - 12:56:05 in Wararka by
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey. Wasiirka ayaa ku xigeenka Ergeyga uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaashey shaqada ay ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay. Wasiirka ayaa sidoo kale ku xigeenka Wakiilka uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan Qaran sannadkii la soo dhaafey. Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rajada, isla markaana ku tallaabsatey guulo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran. Waxay sidoo kale ka mahad celisay wadashaqeynta iyo soo dhaweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka hawlgaleysay. Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga. Waxaana dhammaadka bishan ay qaban doontaa xilka ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna Madaxa Isku-Duwidda Arrimaha Gargaarka Bani'aadminimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip