Hay'adda Duulista oo soo bandhigtay doorka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga

0
Sunday December 10, 2023 - 12:49:49 in Wararka by
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Duulista oo soo bandhigtay doorka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga

    Maareeyaha guud ee Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha guud ee Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya ayaa daahfurtay 16 bishii Oktoober ee sannadkan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta waxqabadka hay'adaha Dawladda. Agaasimaha Qorsheynta Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Aamina Cabdiraxmaan Cusmaan oo horey dalka dibadeeda ugu soo qaadatay tababarka hirgalinta hannaankan ayaa ku soo bandhigtay kulan ay goobjoog u ahaayeen agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada HDRS , siyaabaha loo dhaqangelin karo iyo sida ay HDRS waaxyaheeda qayb uga noqon lahaayeen hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking). " Hannaankan wuxuu gacan ka geysanaya inan xoojino wada-shaqeynta waaxyaha oo isla jaanqaadidooda ay gacan ka geysanayso in la horumariyo dadaalladii lagu fulinayo adeegyada bulshada iyo qaranka aan u heyno." ayuu yiri Maareeyaha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo faray agaasime waaxeedyada Hay'adda dhaqangelinta doorka ay hay'addu ku leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga. Inta lagu jiro dhaqangelinta Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah , waaxda Qorsheynta HDRS ayaa bixin doonta tababarro la siinayo waaxyaha si loo dardargeliyo hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip