Magaalada Moqokori oo laga daah-furay mashruuc waxbarsho muddo dheer kadib

0
Sunday December 10, 2023 - 12:47:10 in Wararka by
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Moqokori oo laga daah-furay mashruuc waxbarsho muddo dheer kadib

    Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Moqokor ee gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ka hergelisay mashruuc waxbarsho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo kamid ah goobaha laga xoreeyey khawaarijta. Odayasha magalada a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladd Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Moqokor ee gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ka hergelisay mashruuc waxbarsho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo kamid ah goobaha laga xoreeyey khawaarijta. Odayasha magalada ayaa ku booriyey bulshada in ay ka faaideystaan fursadan waxbarsho ee laga daahfuray halkaas, iyadoo shacabka ku dhaqan Moqokori aad u soo dhaweyeen mashruucan waxbarsho. "Cid aan wax qori karin waxna aqrin kain waa in laga waayaa deegaannadan ''ayuu yari Odwaa oo ah wakiilka barnaamijkan u qaabilsan dowlada feedraalka Soomaaliya. Agaasimaha guud wasarada Waxbarshada Taclinta Sare ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Amiin Mukhtaar Axmed ayaa sheegay in macaliminta dugsiga hoose, dhaxe iyo sare e degmadaan moqakori waxii ka bilwdo bishaan December heli doonan mushaaraadkooda. "Mashruucan waxa uu taageri doonaa qofka weyn iyo qofka yar,waxey dowlada diyaarisay manhajkii wax lagu bari lahaa si ugu faaideystaan'' ayuu yiri agaasimaha waxbarshada dowlada gobledka hirshabeela amiin muqtaar. Moqokori oo muddo kabadan 15 sano ku jirtay gacanta Khawaarijta ee dhawaan laga saaray ayay bulshada ku dhaqan halkaas waayeen waxbarsho tayo leh, waxaana mashruuca waxbarsho ee cusub dadka magaaladan uu ka dhigi doono mid soo saaro bulsho dhisan oo horumariya magaaladooda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip