
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 9-KA DICEMBAR 2023-KA
Madaxweyne Xasan Oo Shir Aan Caadi Eheyn Uga Qeyb Galaya Jabuuti
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay fiidkii ka dagay dalka Jabuuti, halkaa soo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan ayaa hal kaasi u tagay ka qeyb galka shirka aan caadiga eheyn oo ay isugu imanayaan madax da urur goboleedka IGAD.
Shirkan oo ah kii 41-aad ayaa waxaa looga hadl ayaa arrimo ay kamid tahay dagaalka Shabaab iyo wax ka qabashada dhibaatada ka dhalatay fat ahaadaha ku dhuftay dalka.
Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale shirk an kadib kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda IGAD, wuxuuna kala hadli doonaa xooji nta xiriirka Soomaaliya iyo taageerada horma rka dowladda.
IGAD dowladaha xubnaha ka ah oo 8 ah ayaa kala ah; Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Ito obiya, Suudaan, Eritrra iyo South Sudan.
Madaale oo xariga ka jaray xarun degmo oo si qurux badan loo dhisay
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mada ale) oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano, Gud doomiye Kuxigeenada Gobolka Bana adir iyo Xoghayaha Guud ayaa xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada Kaaraan oo dib-u-dhis bal aaran lagu sameeyay.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomi yaha Degmada Kaa raan Mudane Ab shir Maxamed (Abshir Kaaraan) iyo Agaasimaha Guud ee waaxda Qor sheynta iyo Maalgeshiga Gobolka Ban aadir Md. Cabdulqa adir Muxiya diin (Dalxa) oo labaduba sharaxaad ka bixi yay mar xalidihii kala duwanaa oo ay soo martay dib-u-dhiska Degma da iyo in xilligaan loo diyaariyay dhamaan xafiisya da lagu qaban lahaa adeegya da kala gedisan oo ay Bulshada u baahan yihiin.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Ma da ale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka ay ka go’an tahay horumarinta Kaabaya sha Adeega Bulshada oo ay ugu horeeyaan dhismaha Wadoo yinka iyo Xarumaha loogu adeego Bulshada, isla markaana Degmooyinka Gobolka Bana adir lagu tartan siin doonno dib-u-dhis ka iyo adeegyada ay u hayaan shaca bka Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha dib u heshiisiinta
Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Max amuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliy aha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshi isiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabd ullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweyn aha ee arrimaha Dastuurka.
Dr.Cabdiraxmaan Macallin Cabdul laahi Baadiy oow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aq oon iyo waayo aragni mo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowl ad-dhiska iyo hor umarinta dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay muh iimadda ay dowladnimada Soo maaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliy
Ra'iisul Wasaaraha XFS Md.Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiis kiisa ku qaabilay Danjiraha Dowla dda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo ta ageerada ay Sweden siiso Somaaliya.
Danjiraha Dowladda Sweden u fad
hiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa sheegay in dalkiisu uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS). Ra'iisul Wasaaraha ayaa kulanka uga mahadceliyey dowladda Sweden oo Shalay ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.
R/W. Xamsa oo sheegay in hay'adda Duulista Rayidka ay ku jirto hey'ad aha ugu kobaca badan
Ra'iisul Wasaaraha XFS Md.Xamsa Cabdi Bar re oo ka qayb galay munaasabdda xuska maal inta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaam ay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.
"Soomaaliya waxa ay u furm aysaa caalamka, waxaa la ina ga rabaa in hey'adaheenna dhammaantood ay u diyaar garoobaan masuuliyad adag, si aan ula baratanno caalamka aan la shaqaysa nayno, lana imaadno karti, aqoon iyo farsamo aan adduunka kula ganacsano". R/Wasaaraha ayaa hambalyo u diray bahda duulimaady ada caalami ga (Civil Aviation Community), gaar ahaan bahda duulimaadyada Soomaaliya, Wasaar adda Duul ista iyo Gaadiidka Cirka, isagoo sheegay in Xukuu madda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siina yso horumarinta Hey'adda Duulista Hawada, si ay ula tartanto hey'adaha dhigeeda ah. "Hey'adda Duul ista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey' adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhigge eda, Shalayna muddo gaaban waxa aan joognaa meel fiican oo lagu faani karo, waxaa la xaqiijiyey yoolal badan oo la hiigsanayey, kuwaas oo ku hirgalay dadaalka la bixiyey". R/Wasaare Xa msa Ca bdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista iyo Heya'adda Duulista Rayi dka, sare uqaadidda maamulka hawada sare oo laga soo qaaday darajada G haatanna la gaars iyey darajada "A" oo ah meesha ugu sareysa ee dhanka maamulka hawada sare.
Madaxweynaha Galmudug oo gaaray degmada Hobyo
Madaxweynaha Maamulka Galmu dug Md.Ax med Cabdi Kaa riye oo hoggaaminaya wafdi sare ayaa Shalay gaaray degmada Hobyo ee Glgobo lka Mudug. Wafdiga mad axweynaha ayaa ka koob an xildhibaannada laba da aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mud anayaal ka tirsan labada gole ee dowl adda Galmudug, ganacsato iyo siya asiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.
Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidig iisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyin kii dambe uu wa day hoggaanka sare ee dowlad Gob oleedka Galmudug ee ku aaddanaa ballaari nta iyo dib u casriy eynta Dekadda Hobyo.
Xasan Sheekh Oo Khuburo Milatari Oo Turki Ah Kulan Gaar Ah La Qaatay
Madaxweynaha JFD Md.Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari iyo sara akiil sarsare oo ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.
Ayaa uga mahadceliyey doo rka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiye ed iyo dagaalka ka dhanka argagixis ada Alshabaab. Kulankan wax aa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaa liya Md. Ibrahim M. Yagli, iyadoo lagaga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal.
Muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qor shaha tababarrada Ciidamada Sooma aliyeed ee ay leyliyaan khub arada milatariga Turkiga ah.
Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada XFS?
Golaha Wasiirrada XFS oo Shalay yeeshay kul ankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hu bka, amniga dalka, la-dag aalanka maa lgelinta wa xa loogu yeero argagixi sada , lacag dhaqidda iyo roobabka daad adka wata ee ka da’aya dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa soo dhaw eeyey go’a ankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka ee QM ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd mud do 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna, taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso amm aankeeda, iyo la dagaalanka Alshabaab.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomina yey R/ Wasaare Xamsa, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab .
Kulanka G/Wasiirada ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbix inno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diya arsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagix isada iyo lacag dhaqidda.
HEY’ADDA IMF OO LAGU WADO IN 13-KA BISHAAN AY DHAMEYSTIRTO DEYN CAFIN TA SOOMAALIYA
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay si buuxda u ansixiyaan barna amijka deyn cafinta lacagaha ee lagu leeyahay Dalka Soomaaliya.
Guddiga Hay’adda Lacagta Addu
unka (IMF) ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Washington 13-ka bishan December, waxaana qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo deyn cafinta Soomaaliya oo lacag ahaan gaarey sa $3.3bn oo dollar.
Inta badan Soomaaliya ayaa dhame ydyirtay shuruudihii lagama maarmaan ka u ahaa deyn casfinta Soomaaliya oo soo jiitamaayey muddo sano ah.
Madaxweyne Xasan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Talyaaniga
Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Max amuud ayaa Danjiraha cusub ee Dowladda Taly aaniga ay u soo magacawday Soomaaliya Md. Pier Mario Daccò Coppi warqad aha aqoonsiga ka ga guddoomay Munaasa bad ku qabsoomtay Ma daxtooyada
Qara nka. Danjiraha cus ub oo ka mahad celiyey soo dhaw eynta anaagsan ee loo sameey ay, ayaa Dowladda iyo shaca bka Soomaaliyeed ugu hambaly eeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuba-qabatayntii hubka waxaana uuna bogaadiyay hormarada laga gaaray dagaalka lagu dalka looga sifeynayo Khawaarijta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Dan jireyaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dib lomaasiyadeed iyo iskaashiga ay DFS la leedah ay Talyaaniga, waxa uuna madaxweynaha xusay ahmiyadda ay leedahay lagu garab istaagga dow ladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jirto argagixisada.
Maxkamadda CQS oo dhageysatay dacwad la xiriirta dalab ice-cream oo lagu dhacay taleef oon IPhone 14 Max
Maxakamadda ciidamada qalabka sida ayaa Shalay u fariisatay dhageysiga dacwad la xiriirta dalab ice-cream oo lagu dhacay taleefoon.
Eedeysane Haashin, wuxuu saaxiibkiisa u mal eegay qorshe looga dhacayo taleefankii loogu shidi jiray magaalka, waliba looga qaadi jiray sa wirada,
waxaana loo adeegsa day saa xiib kale oo la weji garaneyn, kaas oo ba skoolad Beljim ah gac anta ka saa ray. Haashim Yaxye Aadan Dable/ Xoogga Haashin Yaxye Aad an, waa abqariga sheekadan dhaca moobilka, hal ka Shuceyb Yuusuf Cali uu yahay gacantii loo ade egsaday soo xera gelinta IPhone 14 pro Max ee uu doonay Haashim. Dhibanaaysha ayaa ku qald amay Isaaq Nuur Maxamed, maddaama ay wehel iyeen saaxiibadiisa shaqo wadaaga ay yihiin oo labo ruux ah, kuwaas oo u wada shaqeeya Aad an19 Ice-cream oo Muqdisho ku taala. Dhacdad an ayaa xilli habeen ah waxay ka dhacday deg mada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir, wax ayna qaar ka mid ah dhibanayaasha oo hadlay ay sheegeen in sheekadan dhaca ay ka bilaabatay dalab Ice-cream. Xeer ilaaliye ku-xigeenka maxka madda ciidamada qalabka sida ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay kiiskan.
" Maddaama la soo hoyanayo isku xaafad iyo deris la yahay hore iigu soo qaad jalaatadaas hor ay iigu keen, ka dib xaafaddii ayuu ku balamiyay waa yimid dhibanaha iyo labo qof oo la socota oo mooto Feykon wada, wuu wacay wuxuu yiri waa joogaa ee ku aaway, Maya ma joogi meeshaas meel qaldan ayaa kuu sheegay ee meel kale ayaa joogaa oo masaajid ku agyaalo iyo dugsi qur'aan, marka waxaa u yimid eedeysanaha labaad oo bas koolad wata jilbaha ayuu dhulka u dhigay wuxuu ka qaatay taleefanadii ay wateen,".Ugu dambeyn, G/Maxkamada darajada 1aad ee CQS G/le sare shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda.
Safiirka JFS ee Kenya oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan laamaha ammaanka garoommada dalka
Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka kenya Md. Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tababar soo xiray Hawlawadeenno katirsan laamaha Amaanka garoomada Sooma aliya.
Tababakaan ayaa intuu socday waxaa bixinay say safaarada Marayk anka, iyadoona ay soo qa ban qaabisay wasaaradda amniga Gudaha ee XFS, tababarka ayaa inta uu soconayay diiradda lagu saarayay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoon ta iyo tayada howl-wadeennada kala duwan ee laamaha ammaanka ee garoomada guud ee Dal ka Soomaaliya.
Danjire Jabriil Ibraahim Ca bdulle ayaa ugu damb ayntii uga mahad-celiyay Dowladda Marayk anka tabab arka ay siisay howl-wadeena laamaha ammaanka ee garo omada fuud ee dalka, taasi oo sare loogu qaad ayo tayada badqab ee garoo mmada, isa goo shahadooyin gudoonsiiyay dham aan Howl-wad eennada ka faa’iideystay tababarka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Saf aaradda Md.Suudi Saciid Suudi, Qunsulka Safaaradda Ismaciil Ibraahim Aa dan iyo agaasima ha guud ee Wasaaradda Amniga Gud aha JFS Md.Yuusuf
Xukuumada Puntland oo sharci dar ro ku tilma amtay go'aanka baarlam aanku muddo koror siga ku sameystay
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Ca ydiid Dirir ayaa sheegay in wax sii socon kara uus an ahayn go’aankii ay Dorraad ku dhawaaq een baarlamaanka Puntland, kuwaas oo muddo kordhin sanad ah samey stay.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheeg ay in go’ankaasi uu yahay mid sha rci darro ah oo laga naxo in dadka shacabka ah dhegahooda uu gaaro, wuxuuna sheegay in baarl amaanku uusan awo od u lahayn inuu isbaaro u dhigto dowladnimada.
Wasiirku wuxuu tilmaamay inuu madaxweyn uhu horey u diiday go’aanka ay soo saareen isim mada dhaqanka SSC- Khaatumo, isagoo sheegay in odayaasha dhaqanku aysan awood u lahayn inay gaaraan go’aamo siyaasadeed.
"Isimmada iyo raggii kaloo siyaasiy iintu ku jire en waxay dhaheen, "madax weyne waxaan rabn aa inaan noo dhiibtid xasaanadda ama noo qoor dhiibatid. Madaxweynuhu sida sharciga ah ayuu u sheegay, wuxuuna ku yiri, dowlad intay xasaana ddeeda dhiibto, ma tiraahdo oo ma oran karto dad shacab ah kasoo taliya. Waxaana jira nidaamka dastuuri oo loo maro cabashada. Haddaad masaa lix kasoo talinaysaan, oo wax wanaagsan keent aan, waanu idin la arkidoonaa,” ayuu yiri wasiirku oo xiganayay hadalka madaxweynaha.
Ugu dambayn, wasiir Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go'aan Maxka madeed lagu kala dirayo Baarlamanka had da jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xild hibaanno cusub.
W/Caafimaadka XFS oo Baxreyn kaga qeybgal ay kulan weynaha wadamada carabta iyo Jarmalka
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Darye elka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Magaalada Manama ee caasimada Boqortooyada Baxreyn kaga qeyb galay kulan weynaha shan iyo tobanaad (15) ee u dhaxeeya wad amada carabta iyo Jarmalka kaasoo looga arinsanayo arrimaha Caafima adka.
Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen W/Caafima adka wadamada Carabta iyo Jarmalka ayaa wax aa furay madaxa Golaha Sare ee Caafimaadka Boqortooyada Baxreyn Sheekh Moham ed Bin Ab dullah Al-khalifah iyo W/ku xigeenka Caafimaadka wadan ka Jarmalka prof Edgar Franke, shirka ayaa looga arrinsaday maalgashiga Caafimaadka, soo saarista dawo tayo sare leh, iyo hababka ugu haboon ee tiknoolojiyada loogu adeegsado adeeg bixinta Caafimaad.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Caliaaji Aadan oo shirka kadib kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku xigeenka Ca afim aadka wadanka Jarm alka prof Edgar Franke ayaa waxa uu uga mahadceliyay taageerada Caafim aad ee ay u fidiyaan shacabka Sooma aliyeed, waxa uuna ka codsaday in ay maalgashi ku sameeyaan Sector-ka Caafimaadka dalkeena iyo in ay ka taageeraan xoojinta nidaamka Caafi maad iyo helida qalab Caafimaad oo casri ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsay madaxda Caafimaad ee wadanka Jarmalka in ay aqoon kororsi u sameeyaan injineerada ku taqasusay cilad bixinta qalabka Caafimaad si loo yareeyo ciladaha soo noqnoqda ee fadhiisiya qalabka Caafimaad, dhankii sa prof Edgar Franke Wasiir ku xige enka Jarmalka ayaa soo dhaweeyey cods iga Wasiirka waxa uuna ballan qaadey in Dowladdiisa xoojin doonto garab istaaga horumari nta Caafima adka Soomaaliya islamarkaana ay ful in doonaan nuxurka wadahadalka.
Gabagabadii ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ka qeyb galeen furitaanka bandhiga Caafimaadka ee Manama kaasoo lagu soo bandhigay dawooyin iyo qalabka Caafimaad oo ku shaqeeya tiknooloji yadda casriga ah islamarkaana ka turjumaya horu marada isdaba jooga ah ee laga gaarayo Caafi maadka.
Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u cusbooneys iiyay heshiiska difaaca si loo xoojiyo xasillo onida gobolka
Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo iska ashi oo dhanka difaaca ah iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo
amniga Geeska Afrika.
Is-afgaradka oo lagu kala saxiixday magaalada Addis Ababa ayaa ah mid dib loogu cusbo onay siinayo heshiiskii hor e ee la saxiixay bishii Febaraayo, 2014.
Waxaa ka mid ah dhinacyada tabab arrada ciidamada, wadaagga sirdo onka, la dagaalanka argagixisada, amn iga badda, iyo gargaarka bini’ aada ntinimo. Heshiisku wuxuu kaloo dhisayaa G uddiyada Difaaca ee Wadajirka ah, kuwaas oo kor meeri doona isla marka ana fududeyn doona dhaqan gelinta heshiiska iyo isku xirka howlaha ciida mada difaaca labada dal.
Labada mas’uul ayaa bogaadiyay heshiiskan difaaca ee dib loo cus boonaysiiyay kaas oo ay sheegeen inuu daliil u yahay iskaashiga xooggan iyo istiraatijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horu marinta xasilloonida iyo barwaaqada gobolka.
Waxay kaloo xaqiijiyeen inay ka go’an tahay inay iska kaashadaan sidii ay wax uga qaban laha ayeen caqaba daha iyo khataraha ay wadaagaan dal alkooda, sida argagixisada, xag-jirnim ada, burcad-badeedda, iyo isbe ddelka cimilada.
Ciidanka xoogga dalka oo qabtay Rag miino Aasayay
Ciidanka Xoogga dalka Soomaali yeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay inta u dhe xeeyso degmo oyinka Bel ed-weyne iyo Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halka as oo la sheegay inay isku aruursanayeen Xubno kati rsan Al-Shabaab.
Howlgalka oo ujeedkiisu ahaa ka hortaga wee rarada Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka ku guuleeysteen inay gacanta ku soo dhigaan Xubno katirsan Al-Shabaab oowadada ku aasay miino si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Sooma aliyeed ee wadadaasi ku safra.
Saraakiisha ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Gor-gor ayaa War baahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay inay soo saareen miin ooyinka Al-Shabaab wadada ku aaseen isla mark aasa gacanta ay ku dhigeen raggiiku howl-lanaa aasida miinooyinkaasi.
Saraakiishu ma sheegin tirada raga la qabtay, hayeeshee ay sheegeen inay sii wadayaan howlg allada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug.
Dorraad ayay aheyd markii Ciidam ada xoog ga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayay kuwa degaanka ay weer areen saldhigyo ay Al-Shaba ab kaga sugnaayeen degaan hoostaga degm ada Xarardheere, isla markaana howlg alkas ay ku dileen in ka badan 30 Xubn ood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalladaan ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ka wadaan degaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Mud ug ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay ay hakadeen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, balse dowladda Soo maaliya hadda ay kujirto diyaar garo owgii ugu dambeeyay eek u aadan dib u billaabida howlgallada.
Turkiga oo xayiraad dhinaca safarka ah kusoo rogay wiilka madaxweynaha Soomaaliya
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay Mada xweynaha Soomaaliya, dul dhigay xayiraad calaami ah oo dhanka socd aalka ah, ka dib markii shil baabuur oo uu ku galay magaalada Istanbul uu ku geeriyooday Emre Göçer, oo ahaa muwaadin u dhashay Tur kiga .
Shilkan dhimashada sababay ayaa ka dhacay wadada Eurasia Tunnel, oo ah meel saxmad badan ay ka jirto oo ku taal Istanbul.
Cadaymo cusub oo laga helay kiiskaan ayaa ku kalifay xafiiska dacwad oogaha inuu dib xayi raad ugusoo rogo wiilka madaxweynaha Soomaa liya, oo markii hore lasii daayay.
Kiiskaan ayaa galidoona baaritaan qoto dheer, iyadoo su’aalo badan ay ka yimaadeen habka uu booliisku u maareeyay kiisakan, iyo saamaynta uu kiiskaan ku yeelanayo xasaanadda diblomaasiyad eed iyo dacwadda sharciga ah ee kiiskan.
Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu, ayaa xaqiijiyay in si dhow loola socdo kiiskan. Sidoo kale dhim ashada muwaadinkan ayaa dhal isay baaqyo dadweyne oo lagu dalbanayo cadda alad.
Wasiirka Cadaaladda Yılmaz Tunç, ayaa ball an qaaday inay sameyn doona an baaritaan dhab ah oo dhexdhexaad ah, iyadoo aan loo eegin dhi baato oyinka diblomaasiyadeed ee kiiska.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya iyo Safaara dda Soomaaliya ee Turkiga oo ku aadan dhacdadan
.xigasho:-hiiran.com
Heshiis la kala dhex-dhigay malee shiyaad ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe
Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa xabad joojin kala dhex dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaala may Tuulada Bacaadleey iyo Deeg aan ka Qalimow oo hoostaga degmada Balcad ee GSh/ Dhexe.
Gudoomiyaha G/Sh/Dhexe ahna Duqa M/Md.Axmed Mey re Makaraan oo bilowgii dagaalka qadka taleefanka ku la hadlay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay dhul beereed islamark aana dega degaanna da Qalimow iyo Bacaadleey si loo joojiyo qasaaraha ka dhalankara dagaalka ayaa booqday goobtii ay diritu ku dhexmartay beelah aasi, isaga oo dega anka Qalimow ee Gobolka Shab ellaha Dhexe uu kula hadlay Odoyaa sha deegaanka uguna baa qay in ay qaataan xabad joojin
Gudoomiyaha oo ay wehliyaan kux igeenka dhanka siyaasada Gobolka Maamulka,Degmada Jowhar ,Taliyaha saldhiga Degmada Jowhar iyo Xildhiba an Axmed oo kamid Baarlamanka Hir shabelle ayaa sido kale gaaray Tuulada Bacaad leey halkaas oo ay kula hadleen dhankooda shacabka deegaanka iyo Odoyaasha dhaqanka si xal loogu helo dagaalka xabad joojintana u dha qan gasho
Odoyaasha labada dhinac ayaa qaatay xabad joojinta uu ku dhawaaqay Maamulka Gobolka Sha bellaha Dhexe.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ah na Duqa Magaalada Axmed Meyre Makaraan ay aa sheegay in Ma amulka Gobolka fidinayo gogol nabade ed isla markaana halkaas lagu wada hadli doono waxaana uu ku baaqay in laga sii shaqeeyo nabad kuwada nool aashaha Bulshada si bilaash ahna uusan ku daadan Dhiiga Dadaka Soo maaliyeed.a
Saldhigyadii Alshsbaab ee G/Sh.Hoose oo la duqeeyay
Diyaarado Dagaal ayaa la soo sheegayaa inay Habeen hore gantaalo la dhaceen qaar ka mida saldhigyada Alshabaab ku leeyihiin G/Sh//hoose.
Waraku waxay tilmaama yaan in saldhigyada la duqee yay ay ku kala yaalaan Degmada Sablaale iyo Tuul ada Haawaay lamana oga khasaaraha gaar ay intuu la egyahay.
Gantaalada waxaa si gaar ah loola bartilma ameedsaday xarumaha hubka iyo kuwa qaraxy ada ay ku diyaariyaan kooxda Alshabaab sida uu sheegay sarkaal Dowlada Somalia ka tirsan.
Dhanka Alshabaab ma jiraan warar laga helay oo ka hadlaaya gantaalada ama garneelada la sheegay in lagu weeraray xarumahooda
UNSOM: Daadadka ka dhacay Soo maaliya waxay burburiyeen 20 sal dhig oo ay laha ayeen ATMIS
Saraakiil sare oo ka socday Xafiiska Taagee rada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNS OS) iyo Howlgalka ATMIS ayaa booqasho ku tagay degm ada Dhoobley ee gobolka Jubbada Ho ose, si ay u qiimeeyaan sa ameynta fatahaadaha ay ku yeesheen ciidam ada ku sugan jiidaha hore.
Warbixin kasoo baxday xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in daad adka El Nino ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya, ay saameyn ku yeesheen howlgallada ATMIS iyo ciidamada amniga Soom aaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
UNSOM waxay sheegtay in daada dku ayharqiyeen ilaa 20 saldhig oo ay leeyihiin ciidanka ATMIS, taas oo saam eeyay adeeg bixintooda dhinaca amniga.
Ku-xigeenka Madaxa Adeegga Bixinta ee UNSOS, Michael Dorn, iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka ATMIS ee dhinaca Taageerada iyo Saadka, Maj Gen Peter Muteti, ayaa ku sugnaa Dhoobley, oo qayb ka ah booqasho joogto ah oo ay ku tagayaan qaybaha kala duwan ee ATMIS, si ay u qiim eeyaan xaaladda dhulka.
"Saldhigyada jiidda hore ee sida ugu badan ay u saameeyeen daa dadku, waxay kala yihiin, Sector Four iyo Sector Three iyo ilaa Qaybta Sha naad. Waa Baydhabo, Beledweyne, iyo Jowhar. Waxaa jira dabcan meelo kale oo dalka ka mid ah sida Kismaayo ilaa xad iyo Dhoobleey oo waddooyin iyo garoomo diyaaradeed ay biyo fariista an. Taasina waa caqabad aad u weyn maadaama aanan u isticmaali karin wadada saadka,” ayuu yiri Dorn.
Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland oo lala xiriiriyay afduubka doontii IRAN
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dooni laga leeyahay dalka Iran oo dhawaan lagu afduubtay xee baha Puntland gaar ahaan aagga degmada Qandala.
Maxamed Cabdi Saciid, oo kamid ah masuul iyiinta doonidaan la afduubtay oo la hadlay SBC Som ali TV, ayaa sheegay in kooxda burcad bade edda ah ee afduubtay ay ka dambeeyaan sara akiil sare oo ka tirsan maamulka Puntland.
Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay afduubka doo ntaan taliyaha degmada Qandala, sidoo kalena ragga doonida haysta ay kamid yihiin kuwa caan ah oo horay burcad badeed lagu xiray.
"Taliyaha degmada Qandala inuu kamid yahay dadka qabsaday waa la xaqiijiyay, ragga doonida haysta waxaa kamid ah rag burcad badeed lagu xiray oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ku xirna tobaneeyo sano ah,” ayuu yiri Maxamed Saciid oo kamid ah masuuliyiinta doontaan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in taliska Puntland ku wargeliyeen afduubka doontaan, hase yeeshe ay weli jirin tallaabo ay qaaday, "Waxaan ka codsaneyna Puntland iyo ciidankaan Yurubiyaan ka in doonidaas nooga sii daayan burcad badee dka, raggii dambeeyay Boosaaso iyo halkaas ayay joogaan.”
Waxa uu sheegay in shaqaalaha saarna doonida ay yihiin Iraani, ayna tiradoodu dhan tahay illaa 25 qof, kumana jiraan Soomaali, sida uu sheegay Maxamed Cabdi Saciid."Wax madax furasho ah oo nala weydiiyay majiryo oo nalama soo xiriirinba. Anagu la xiriiri weynay oo lambarad ooda waan raadinay, qeybtood lambaradooda wey dansan yihiin, iyaguna namay soo wicin oo nalama soo xiriirin.”
Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday maamul ka Puntland iyo ciidanka kale ee badda jooga inay kala shaqeeyaan sidii loo soo furdaamin lahaa do ontaasi, oo muddo ku dhow 10 maalmood gaca nta ugu jirta kooxda burcad badeedda.
Si kastaba, waa doontii labaad ee kalluumaysi oo dalka Iran laga leeyahay, taasi oo laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bar iga Soomaaliya.
Kenya oo dib u fureysa iskuullo u xirmay amni darro darteed
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in dib loo furi doonto iskuullada ku ya alla meelaha ay ka dhaceen fal-dambiyeedyada burcad da ee uu ka mid yahay gobolka West Pokot. Sida ay tebisay warba ahinta dalkaasi oo soo xigana ysa wasiirka wasaara ddaasi Kit hure Kindiki tallaabadaan ayaa looga gol leeyahay in la horum ariyo waxbarashad dalka Kenya oo meelo kamid ah ay hoos u dhacday sanadihii ugu dambeeyay.
Goobaha ugu daran ee Iskuulada ka xirmeen ayaa waxaa kamid ah degaa no iyo degmooyin katirsan Gobol ka Waqooyi Bari, halkaas oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Kooxda Al-Shab aab ee la dagaalanta Soomaaliya.
Boqollaal Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza
In ka badan 350 oo qof ayaa ku dhintay kuma nnaan kalana waxay ku qasabtay in ay guryaho oda ka baraka caan, kaddib marki ay ciidanka Israa’iil Khamiisti Dorraad weerareen magaalo oyinka ugu waaweyn Marinka Gaza.
Qaar badan oo ka mid ah dadka barakacay ayaa isugu tagay aagga Rafax oo dhaca xuduudka koofureed ee ay Gaza la wadaagto Masar, kaddib marki ay aqristeen farriimo ku qornaa warqado ay diyaaradaha Isra’il kor uga soo daadiyeen Gaza, kuwaas oo dadka ku boorriyay in ay tagaan Rafax si loo nabadgeliyo.
Hase yeeshee, wasaaradda caafi maadka ee Xamaas ayaa sheegtay, in duqeymo halkaasi ka dhacay Habeen hore ay ku dhinteen ilaa 37 qof. Millatariga Isra a’iil ayaa Khamiistii ku eedeeyay Xam aas in ay madaafiic kasoo tuureen agagaar ka Rafax.
Qaramada Midoobay ayaa sheeg tay inaysan jirin goob nabaddoon oo Gaza ku taalla. Sida ay sheegeen saraakiisha, in ka badan 85 boqolkiiba dhulki ay deganaayeen in ilaa 2 milyan oo qof ayay dadku ka barakaceen Marinka Gaza.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isticm aalay awood naadir ah oo uu uga digay Golaha Ammaanka "masiibo bini’aad antinimo” oo ku soo fool leh Gaza, isaga oo ku boorriay xubnaha golaha in ay dalbadaan xabbad-joojin.
Gantaalo lagu Weeraray Shalay Safaarad ay leedahay Dowladda Mareykanka
Saddex gantaal ayaa jimcaha Shalay lagu weerraray safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Baghdaad ee dalka Ciraaq oo ku taala aag aad loo ilaaliyo.
Gantaallada ayaa sid oo kale ku soo dhacay xar umo ku yaala aagga safaa radaas, oo ay ku jiraan safaarado ay leeyihiin dalal shisheeye iyo xafiisyo ay leedahay dowl adda Ciraaq.
Weerarkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo she egay in sidoo kale la weeraray xarun ay ku sugn aayeen ciidamo la dagaalama ISIS.
Weli lama oga faahfaahin intaas dheer oo la xirriira weerarkan iyo khasaaraha ka dhashayba.
DENMARK oo go’aan lama filaan ah ka gaartay arrin Muslimiinta ka careysiisay
Baarlamaanka Denmark ayaa Khamiistii meel-mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur ’aanka Kar iimka ah lagu gubo goobaha fagaaray aasha ah.
Baarlamaanka Denmark ayaa talla abada u qaaday si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibad baxyo rab shado wata, kadib markii la gubay kitaa bka qur’aanka kariimka ah.
Denmark iyo Sweden ayaa sanad kan la kulm ay muda aharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Isl aam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraan ka Kariimka, taasi oo dhalisay in daw ladaha Waq ooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.
Sida uu sheegay wasiirka caddaa ladda Peter Hummelgaard, in ka badan 500 oo mudaahara adyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka karii mka ah ama calanka ayaa la diiwaan-geliyay tan iyo bishii July.
"Bannaan-baxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadaday ada,” ay uu yiri Hummelgaard.
"Isu-dheellitirka xoriyatul qawlka ee uu dastuu rku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qa bo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto weer arro kaga yimaada Islaamiyiinta.”
Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Ras mus Paludan oo haysta dhalashada dalalka Den mark iyo Sweden uu nuqul kamid ah Qur’ aanka Kariimka ah uu ku gubay afaafka hore ee safaa radda Turkiga ee Stocholm, isaga oo mar kalena masaajid hortiisa ku gubay, falalkaasi oo si weyn uga careysiiyay Muslimiinta.
Arrimahan ayaa waxaa ka dhalatay carro xooggan, gaar ahaan Muslimiinta iyo dalalkooda, oo iyagu muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaan, ayna tahay in wax laga qabto ficilada noocaan ah ee daan-daansiga ah, kaasi oo ugu dambeyntii ay Denmark meel-marisay go’aan dambi ka dhigaya.
Wiil uu dhalay wasiir ka tirsan Dowlada Israel oo lagu dilay Gaza.
Wiil uu dhalay Wasiir ka tirsan xuk uumadda Israa’iil Gadi Eisenkot, ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaza, sida ay shaaciyeen ciidamada Israa’iil.
Gal Meir Eisenkot 25 jir ah ahna askari ka tirs an guutada 699-aad ee ciidamada milateriga Yuhuuda ayaa lagu dilay dagaalka ka socda waqooyi ga Marinka Gaza
Aabihii wuxuu mar soo ahaa ma daxa guud ee ciidamada Israel laga soo bilaabo Febraayo 2015 ilaa Jana ayo 2018, wuxuuna ka soo shaqeeyay militariga afartan sano.
Wixii ka dambeeyay weeraradii 7-dii Oktoobar, wuxuu ku biiray golihii wasiirrada ee xilligii dagaalka isagoo wasiir ah oo aan xil hayn. Waa xubin ka tirsan Xisbiga Midnimada Qaran ee Benny Gantz
88 askari oo ka tirsan ciidamada Isael ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay Israel hase ahaatee waxaa la aaminsan yahay in tirada laga dilay ay intaas aad uga badan tahay ayna gaareyso boqolaal.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa tacsi ku muujiyay qoraal uu soo dhigay barta X, oo hore u ahaan jiray Twitter.
Gabdhaha Mareykanka ee qaadanaya Diinta Islaamka oo kordhay iyo Hal arrin oo Sabab u noqday
Haween badan oo ah facii dhashay intii u dha xaysay sanna dihii 1990-kii ilaa 2010 ayaa qaada naya diinta Islaamka markii ay aqristeen Qur’anka si dhowna ugu fiirsadeen dhabar-adeyga Muslimii nta Falastiin kaddib. Qaadash adooda Islaamka waxay ka bilaa bana ysaa October 7 oo ah mar kii Mujaahidiinta – Xaq-u-dirirka ah – ay dagaal ku qaadeen Yuh uudda kaas oo ay kaga shahiideen in ka badan 12,300 oo Muslimiin reer Falastiin.
Madison Reeves, oo 24 jir ah ayaana kamid ah. Waxay kasoo jeeda gobalka Tampa, Florida, dal ka Maraykanka. Xiisaha ay u qabto Islaamka wa xay soo bilowday bishii September markii ay goob fogaan arag ah ay wada hadal kula qaadatay dhalinyaro Muslimiin ah.
Iyada oo ka hadlaysa Qaadasha deeda Islaamka
"Waa tallaab mudan iyo macaan badanba leh,” ayay tiri iyada oo ka hadl aysa sababtii ay Islaa mku ku jeclaatay!
Madison, laakiin, ma ahan Muslima dda kaliya ee dhacdooyinka Gaza ay sabab u noqotay inay Islaamka qaad ato. Megan Rice oo ah tiktokerad Mar aykanka u dhalatay ayaa kamid ah.
Alex, waxay dhawaan soo dhigtay muuqaal ay kaga hadlayso Islaamka iyo Qur’anka. Waxayna bilowday inay xirato xijaabka, sida ay kusoo warra ntay Daily Mail.
Waxay gaashaanka u daruurtay mar un in laga yaabo inay dib u jeclaato dha qamada dib u socod ka ah ee Galbeed ku dunida ku maaweeliyaan iyaga oo ku sheegaya xurriyad iyo ilbax nimo!
"Galbeed gabbalka ayaa u dumay mana hayaan jidka nolosha iyo maca anka,” ayay tiri.
Q/Midoobey oo shaaciday tirada dadka ku barakacay colaadda Gaza
QM.ayaa Ciidamada Israel ku eede ysay in ay barakaciyeen shan iyo sidee tan boqolkiiba (85%) dadka Gaza, isla-markaana ay la’yihiin goobo ammaan ah oo ay ku nabadgalaan, ayna ku heli karaan gargaarka ay u baahan yihiin.
Hay’adda Q/M.u Qaabilsan Garga arka & Arrimaha Qaxootiga Fala stiiniy iinta ee UNRWA ayaa sheegtay in 1.9 milyan oo qof oo ka mid ah 2.3 milyan oo ku nool Marinka Gaza lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacaan.
Hay’adda UNRWA ayaa sheegtay in dadka faraha badan ee la barakaciyay aanan loo hayn in ku filan gargaarka ay u baahan yihiin, taasina ay xaaladda sii adkeynayso.
"Tirada dadka ka barakacay guryah ooda ayaa afar jeer ka badan awoodda, mana jirto gargaar ku filan oo lagu dabooli karo baahiyaha xad dha afka ah.” Ayay Hay’adda UNRWA ku sheegt ay war ay soo saartay.
Madaxa Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gar gaarka Bani’aadantinim ada, Martin Griffiths ayaa sheegay in weerarada joogtada ah ee Israel ay carqaladeeyeen in gargaar dhameyst iran la gaarsiiyo dhulka go’doonsan.
Martin Griffiths ayaa caalamka ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan, sidii wax looga qaban lah aa xaaladda mur ugsan ee ka taagan Marinka Gaza.
Duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo Gaza ayaa galaaftay nolosha 17,177 qof oo shac ab ah, sida ay shee gtay Wasaaradda Caafima adka ee ay Xamaas maamusho.
Milateriga Israel oo dharka ka dhigay shacab ay ka xirxireen Gaza
Sawirro laga soo qaaday Qaza oo ku wareeg aya baraha bulshada Khamii stii ayaa muujinayay xadhig ballaadhan oo ciida mmada Israa’iil ku hayaan rag reer falastiin ah oo laga qasbay inay iska siibaan dharka iyo nigisyada, kuw aasoo sidoo kale laga xiray wejiga. Ugu yaraan qaar ka mid ah raggan ayaa ah dad rayid ah oo aan la gara nayn inay ka tirsan yihiin kooxaha ka dagaalamaya Gaza sida ay shee geen qaar ka mid ah qaraabadooda.
Kormeerayaasha xuquuqda bini’a adanka ee Euro-Mediterranean ayaa sheegay in ciidanka Israel ay xireen oo ay si xun ugu tacadiyeen dar aasiin rayid ah oo Falastiiniyiin ah.
"Euro-Med Monitor waxay heshay warbixino sheegaya in ciidamada Israel ay bilaabeen olole aan kala sooc lahayn oo xarig ah oo ka dhan ah dad ka barakacay, oo ay ku jiraan dhakh aatiir, aqoonyahanno, saxafiyiin, iyo rag waayeel ah,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ay soo saartay
Ciidamada Difaaca Israa’iil ka aysan jawaabin eedeymahan
Warbaahinta Israa’iil ayaa iyada oo aan tilmaa min meel ay ka soo xigteen, waxay sawiradaasi ku tilmaameen xubno ka tirsanaa Xamaas oo isa soo diibay iyo qaar dagaalka lagu soo qabt ay
Suxufi ayaa waydiiyay afhayeenka ciidamada Israel Admiral Daniel Hagari sawirada intii lagu jiray shir jaraa’id Khamiistii Dorraad
"Waan baaraynaa oo hubineynaa cidda xiriir ka la leh Xamaas, iyo cidda aan lahayn,” ayuu yiri. "Dhammaantood waanu xirnay oo su’aalo way diinnay.” ayuu yiri afhayeenka
Bayaan ay soo saartay Khamiistii, warbaahi nta Al-Caraby Al-Jadeed ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah wariyayaashiisa iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ay ku jiraan dadka la xiray oo qeyb ka ah dhacdada lagu soo bandhigay sawirada.
"Shalay oo Khamiis ah, ciidanka Israa’iil ee guumeysiga ah ayaa xiray saxafiga iyo agaasi maha xafiiska ‘The New Arab’ ee Gaza, saaxii bkay Diaa Al-Kahlot, oo ka yimid Waddada Suuqa ee Beit Lahia, isaga iyo koox walaalihiis ah, qar aabo iyo rayidka kale,” ayuu qoray Al-Caraby Al-Jadeed.
"Gumaysigan ayaa si bareer ah ugu qasbay dadka reer Gaza inay marada iska siibaan, isla markaana ay bahdile en markii la xiray ka hor inta aan la geyn meel aan la garanayn, sida ay noo sheegeen dadka halkaas ku su gan. Sawirro iyo muuqaalo ayaa faafay muujinaya askarta oo xir aya daraasiin reer Gazan ah oo aan hubeysn eyn iyagoo isticmaalaya hab dambiyeed iyo bahdila ad.” ayaa lagu yiri bayaanka
Hussam Kanafani, tafatiraha guud ee Al-Araby Al-Jadeed, ayaa ku sheegay bayaanka in weriye Al-Kahlot iyo qoyskiisa ay weli maqan yihiin.
"Waxaan sameyn doonaa dadaal kasta oo suurtagal ah, annaga oo la kaashanayna hay’ada ha caalamiga ah iyo hay’adaha daneeya xuquu qda iyo xorriyadda suxufiyiinta adduunka, si loo go’aamiyo halka uu ku sugan yahay saaxiibkeen ” ayuu yiri Kanafani.
Nin qaraabo la ah ragga kale ee la xiray ayaa isaga oo jooga gurigiisa oo ku yaalla Mareykanka waxaa uu wax laga naxo ku sifeeyey sida foosha xun ee ay u dhaqmayaan ciidamada Yuhu uda.
"Ciidamada Israa’iil waxay yimaad een wadada waxayna ugu yeereen dhammaan nimanka inay soo baxaan, wayna adeeceen,” ayuu yiri al-Madh oun oo sheegay in uu la xiriiray walaa shii oo ku sugan Qaza. Waxa uu sheegay in mid ka mid ah sawirada uu ku aqoonsaday ina-adeer kii Cabuud, uuna ar kay walaalkii Max’ uud oo muuqaal ah. Waxa uu sheegay in Maxamuud uu yahay duka anle, Cabuudna uusan wax dhaqdhaqaaq ah ku lug lahayn; wuxuu ka caawiyaa aabbihiis xagga dhismaha ayuu yiri.
Israa’iil oo shaqaale badan ka qaadaneysa Kenya iyo Mushaarka la siinayo oo la shaa ciyay
Dowladda Kenya ayaa dhulka Israa’iil xoogga ku heysato u direysa shaqaale badan oo ka shaq eeya beer aha, xilli Israa’iil ay wajaheyso shaqa ale yari baaxad leh ,gaar aha an dhina ca beeraha oo baa hi weyn u qabto dad uga shaqeeya. Wasaaradda sha qaalaha dalka Kenya ayaana xaqiijisay in Israa’iil loo dira yo shaqaale gaareya 1,500 qof, kuwaa oo intooda badan ka shaqeen aya beeraha kuyaalla dhulka sraa’iil maamusho.
Dowladda Malaawi ayaa laba 7aad ka hor Isr aa’iil u dirtay shaqaale gaar aya 221 qof oo dhalin yaro ah, kuwaa oo loogu tala galay in ay ka shaqe ey aan beeraha, waxaana dhallinyarada asi oo gaaray Israa’iil qaarkood bilaab een shaqadii loo geeyay halkaasi.
Kenya ayaa sheegtay in shaqaalaha ay u dir eyso Israa’iil ay saxiixi doonaan qandaraas socon aya saddex sano oo la cusbooneysiin karo, iyag oo bishii mushaar ahaan loo siin doono lacag dhan 1500 oo doolar.
Israa’iil ayaa wajahday shaqaale yari aad u baaxad weyn, kaddib markii dalkaasi isaga baxe en shaqaale badan oo ajaaniib ah oo Israa’iil ka shaqeenayay, kuwaa oo ka cabsaday duqey mihii Xamaas ku garaacayeen dhulka Israa’iil maa musho.
Sirdoonka Itoobiya oo xabsi ku guray 100 qof oo lagu eedeeyey argagixisanimo
Itoobiya ayaa xirxirtay tobannaan qof, iyadoo lagu wado in magaalada Adis Ababa lagu qabto isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo co laadaha ka dhacaya qaybo ka mid ah dalkaas oo ay soo qabanqaabiyeen dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha bulsha da mucaar adka. Laamaha ammaanka iyo waaxda sirdoonka ayaa she egay in la xirxiray dad gaara ya 97 qof oo lagu eedaynayo inay khalalaase ka abuuri rabeen caa simadda Itoobiya. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ku eedeyay dadka xabsiyada la dhigay in ay qor sheynayeen in ay fuliyaan weera rro "argagixiso” iyagoo ku gambanaya dibadbaxyada.
Inkastoo mas’uuliyiinta dowladdau ay sheega yaan in dadkaas boqolka qof ku dhow la xirxiray,
Afar ka mid ah qabanqaabiyaasha bannaanb axaas lagu wado in la qabto maalinta Axadda ah ee nagu soo aaddan ayaa la sheegay iney ku jira an dadka xabsiga la dhigay
Xamaas oo sheegtay in 72 saacado od ay ku burburisay 135 ka mid ah kolonyada Ciidama da Israel
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dha afay. Inkastoo Abu Obaida hawada laga waayay, tan iyo markii uu dagaalku dib uga qarxay Marinka Gaza, haddana qoraal saqdii dhexe ee Habeen hore ka soo baxay Xamaas, uuna ku saxiixnaa ninkaasi ayuu ku sheegay in Ciidamada Israel ay jab xoogan kala kulmayaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza. Waxa uu sheegay in Xoogaga Xamaas ay dileen, isla-markaana ay dhaawaceen tobanaan ka mid ah Militariga Israel.
"Ciidamada cadowga qaar kood waxaa lagu laayay dabin loo dhigay godad ay soo gale en iyo dhismayaal ay gabaad ka dhiganayeen.” Ayuu yiri Abu Obaida. Abu Obaida ayaa yiri "Askar fara-bad an oo ka tirsan ciidamada cadowga ayaa sidoo kale lagu weeraray hoobiy eyaal iyo gantaalada ridada gaaban, halka gantaalo kalena lagu gara acay magaalooyinka Israel.”
Abu Obaida ayaa ku goodiyay in Guutada Al-Qassam ay sii wadi doonto dagaalka lagu xorey nayo dhulka Falastiiniyiinta, illaa iyo inta ay dib ka ga saarayaan cadowga, sida uu yiri.
Dhanka kale Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo Habeen hore Warba ahinta ka soo muuqday ayaa qiray in ay askar fara-badan ku waayeen dagaalka ka socda Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii sheegay in wiil uu dhalay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka lagu dilay Gaza. Taliska ayaa sheegay in Major Gal Eisenkot oo 25 jir ahaa uu Khamiistii ku dhint ay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.
R/WASAARAHA ISRAEL OO KU HANJABAY INAY BURBURIN DOONAAN M/ BEERUUT
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netany ahu ayaa ku hanjabay in ay burburin doonaan Caasimadda Beeruut iyo guud ahaanba koonfurta Lubnaan. R/Wasaaraha Israel ayaa Khamiistii booqday Ciidamada Israel ee ku sugan xuduudda Israel iyo Lubnaan, isaga oo u kuurgel ayay xaaladda ciid amada ilaalinaya amniga xadka waqo oyi ee Israel.
rwnatanhayu ayaa Ururka Xisbullah ee ka arri miya koonfurta Lub naan uga digay, waxa uu ku sheegay gardaradooda.
Waxa uu ku hanjabay in Beeruut iyo koonfurta dalkaasiba ay ka dhigi doo naan sida Marinka Gaza oo kale, haddii aanay Xisbullah joojin weerara deeda Israel.
"Waxaan soo jeedinayaa in cadowg eennu ay u fiirsadaan ciidamadayada, sababtoo ah haddii Xisbullah ay go’aa nsato inay furto dagaal dhan walba ah, markaas waxay gacanteeda ku wareejin doontaa Beeruut iyo koonfurta Lubnaan, oo aan halkan ka fogayn.” Ayuu yiri Raysal Waaaruhu. R/Wasaaraha ayaa intaasi ku daray "Waxaa naga go’an inaan gaarno guul, waana gu uleysan doonnaa, ann agoo kaashanayna ciidam adeenna.”
Hadalka R/W.Isra’iiL ayaa daba socdo tiro gan taalo ah oo Dorraad ay Xisbullah ku weerartay xe ro ay Ciidama da Israel ku leeyihiin tuulada Matat oo ku taala xadka. Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay gantaalada laga soo tuuray dha nka Lubnaan, kaas oo gantaal uu kula dhacay hoygiisa oo ku yaala xuduudda. Isku dhacyada u dhaxeeya Ciidama da Israel iyo Xoogaga Xisbul lah ee xuduudda ayaa u muu qdo kuwo sii xoo geysanaya. Xisbullah ayaa ka careysan duqaym aha baahsan ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.RW.Netanyahu ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinayay Wasiirkiisa Difaaca, Yoav Gallant & Taliyaha G/l Herzi Halevi.


0 


HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 9-KA DICEMBAR 2023-KA
..