
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILYN NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA DICEMBAR 2023-KA
Madaxweyne Xasan oo Xalay Dalka dib ugu soo laabtay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (CO P28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula mmo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala ha dlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimi lada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro dalal ka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhib aatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaad day dowladdu. DHAMAAD
Wasiirka Maaliyada oo kulan la yeeshay ku xigeenka Wakiilka QM
Waxaa kulan Muhiima wada yeeshay Wasi irka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Geo rge Con way.
kulankaan ayaa muhiim u ahaa dhan ka Siyaasada iyo tan Bini’aadanimada madaa ma ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway uu sidoo kalana yahay Uqeybs amaha isku-duwidda Ho wlaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya.
Waxay isla jeex jeexeen taageerada QM eehannaanka deyn cafinta iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha oo Soomaaliya inta badan saam eeyay.
Masuulkaa QM ka socday ayaa balan qaad ay inay dhankooda taagere weyn ka gaysan doonaan deynta cafinta dhawaan loo sameyn aayo Soomaaliya iyo sidoo kale dadaalada wax ka qabashada fatahaadaha.
Soomaaliya ayaa soo bandhigtay axdiga Qa ran ee dhimista wasaqo wga hawada
Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay axdiga Qaran ee dhimista wasaqowga hawada (NDC). Waa qorshaheedii ugu horeeyay ee loo ga jawaabayo dhibaatooyinka isbedelka cimiladda.
Tallaabadan muhiimka ah ee horay loo qaaday ayaa timid ka dib markii si guul leh loo cusbooneysiiyay NDC-ga Soo maaliya iyo horumarinta qorshe hawle edkeedii ugu horreeyay ee hirgelinta NDC ay u dham maystiran yihiin barna amij mashruuc oo la maalgelin karo.
Xafladda daahfurka rasmiga ah ayaa lagu qabtay magaalada shirweynaha COP28 oo ka soda maalinkii 5 magaalada Dubai, iyadoo uu hormuud ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa daah-furay qorshe wax ku ool ah oo ku aaddan yareynta iyo la qabsiga saameynta isbedelka cimiladda kaas oo calaamad taariikhi ah u noqonaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay u adkeysiga cimilada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxam uud oo khudbad ka jeediyay xafladda daah furka barn aamijka NDC ayaa ku sheegay sida hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ay ugu hee lan tahay la tacaalida isbedelka cimilada. Xeela daha lagu qeexay Qorshaha Hirgelinta NDC-ga ayaa muu jinaya dadaalka firfircoon ee Soom aaliya ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xafladda daahfurka barna amijka NDC ayaa ku sheegay sida hagar laâ’ anta ah ee Soomaaliya ay ugu heelan tahay la tacaalida isbedelka cimilada. Xeeladaha lagu qeexay Qorshaha Hirgelinta NDC-ga ayaa muu jinaya dadaalka firfircoon ee Soomaaliya ee wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimil ada, Khadiija M. Al-Makhzoumi, ayaa khudb adeeda ku soo bandhigtay Dariiqa Soomaaliya ee Qorshaha Hirgelinta ee NDC lagu guuleysto. Erayadeedu waxay hoosta ka xariiqeen tillaab ooyinka istaraatiijiga ah ee hagaya shaqada cimilada Soomaaliya. Khudbadda Wasiir Khad iija waxay ku nuuxnuuxsatay doorka muhiimka ah ee Qorshaha Hirgelinta NDC iyo baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah.
Daah-furkaani waxa uu astaan u yahay isbeddelka Soomaaliya, oo ka tarjumaysa hab dhammaystiran oo wax looga qabanayo isbed elka cimilada. Soomaaliya waxa ay rajaynay saa in ay ka qayb-qaataan dadaallo iskaashi oo lala yeesho bulshada caalamka si loo dhiso mustaqbal waara oo adkaysi leh.
Muxuu Sacuudiga ka yiri dagaalka socda Soomaaliya iyo qorshaha xiga?
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Axmed Maca llin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ay aa kulan laba-geesood ah la qaatay dhiggiisa Sacu udiga Carabiya Amiir Cabdi casis Bin Sacuud Bin Naayif Bin Cabdicasis Aala Sacuud.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga ayaa waxaa looga had lay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaa shiga labada wasaaradood ee ku aaddan how laha muhiimka ah, tayeynta amniga, la-dagaa llanka argagixisada iyo sharci-darrada (Irregu lar migration).
Intii uu socday kulanka labada masuul ay aa si gaar ah diirada ugu saaray xasillinta goo baha laga xoree yay kooxda Al-Shabaab, oo ah qorsh aha xigga ee dagaalka iyo gaarsiinta adeegyada dowladeed, iyo sidoo kale dib-u-heshiisiinta iyo arrimo kale.
Wasiir Cabdicasis Aala Sacuud ayaa boga adiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo hadda wejigiisa hore uu marayo heer geba-gebo ah.Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay garab taagan tahay dadaallada xasil linta ee Soomaaliya iyo weliba xoojinta dowladnimada. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Ax med Macalin Fiqi iyo wafdi ballaaran oo uu hog gaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga mag aalada Riyaad ee caasimada dalka Sacuu diga. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qaybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ka dhan ah kooxda, ayada oo uu dhawaan bilaaban doono wejiga
labaad ee dagaalka.
Diyaarinta Nashqada biyo mareenn ada M/Muqdisho oo laga wada hadlay
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuse en Jimcaale (Madaale) iyo Madaxa Hey’adda UNOPS Dr. Ala.a Nemer, ayaa ka wada hadlay sidii loo da-dajin lahaa diyaarinta naqshada biya-mareennada Magaalada Muqdisho, kadib sahmin iyo daraasad ku aadan sidii xal waara loogu heli lahaa dhib aatada lagu qabo Biya-mare en adan oo ay isla sameeyeen Dowladda Hoo se ee Xamar iyo UNOPS.
Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay diyaarinta dhameystirka naqashdaha biya-mareennadan (Masterplan for Trunk Drainages for Mogadishu City) iyo dardargalinta fulintooda, sidoo kale in dib loo hagaajiyo biya-mareennadi hore si xal waaro looga helo dhibaat ada ay ku hayaan biyaha Magaalada Muqdisho. Labada dhinac ayaa isla qaatay qaabka ugu wanaagsan ee loo xallin karo maareynta biyaha roobka ee Magaa lada Muqdisho iyadoona la isla qaatay in la dhameystiro wejiga koowa ad ee naqshada si loo bilaabo dhisam aha biyo mareenka qeebtii sa ugu horeysa bilaha ugu horeeya sanadka cusub ee 2024.
W/Beenebeene: Biyihii daadku wax ay burb uriyeen 4 ka mid ah 5-ta ceel biyood ee M/Buulaburde
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hor umarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Maxam uud C. Sheekh Faarax (Beenebe ene) oo khudbad ka jeediyay shir qaran ay soo qaban qaab isay Wasaaradda Qorsheynta ayaa uga hadlay dhibaatada Fatahaadaha.
Wasiir Beenebeene ayaa ka hadlay baahiy aha aasaasiga ah ee dadka ku barakacay fatah aadda, iyo caqabadaha soo wajaha, sida go’doominta biyaha daadadka & Biyo/Cunto yarida.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in shantii ceel biyood ee magaalada Buulaburde 4 ka mid ah ay dumiyeen daadad ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle.
Dowladdu waxay doonaysaa inay mudnaan siiso mashaariicda horumari need, laakiin masiibooyinka dabiiciga ahi waxay nagu khas baan inaan dib u dhigno qorshahaas si aan wax uag qabanno xaaladda bani’aada mnimo ee taagan. ayuu yiri wasiirka.
Shirka qaran oo ay soo qaban qaabisay Wa saaradda Qorsheynta oo kaashaneysa Was aaradda Maaliyadda iyo Bangiga Addu unka ayaa socon doona muddo 3 maalmod ah.
DFS oo sheegtay in ay xoogga saarayso xoojinta ciida mada, ka dib markii laga qaaday cunaqabataynta
Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saari doonta sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qar anka ka dib qaadista cunaqabateynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaakiya, Xuseen Macallin Maxamuud, isagoo in taa ku daray dalku inuu haatan haysto fursad qumman oo looga adka an karo Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed uu soo saaray la taliyaha amniga qaranka ayuu ku sheegay in dalka uu maalgashi ku sama yn doono ciid amada qaranka, si looga dhi go kuwo karti u leh maaraynta arrimaha amniga Soomaaliya.
Qaadista cunaqabateynta hubka waxay awood u siinaysaa dowladda Soo maaliya inay dhisto oo ay xoojiso ciidamadeeda ammaanka. taas oo laga ma maarmaan u ah ilaalinta xasil oonida iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah, ayuu yidhi taliyuhu.
"Awoodda la kordhiyey kaliya kama caawin doonto ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse waxay sidoo kale gacan ka geysan doontaa xasilloonida gobolka, ka hortagga falalka amni darro iyo rabshadaha ka dhaca xuduuda ha,ayuu hadalkiisa ku daray la-taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa saarnaa cunaq abateyn dhanka hubka ah tan iyo 1992-kii, waxaana markii hore lagu soo rogay in ay jawaab u noqoto dagaaladii sokeeye iyo xaaladda bini'aa dantinimo ee dalka oo sii xumaanaysay xillig aas. Tani waxay ka dambeysay markii xuku nka laga tuuray madaxweynihii dowladddii milat eriga ahayd ee Siyaad Barre.
Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, waxaa cirka isku sii shareeray colaadda Soomaaliya, wax aana ka dhashay rabshado baahsan iyo barakac baahsan.
Ujeedada koowaad ee cunaqa bataynta hubka ayaa ahayd in la yareeyo qulqulka hubka ee Soomaaliya lagana hortago in Ccolaadda ay sii xumaato
Somalia iyo Bangiga Adduunka oo ka wada hadlay Barnaamijka deyn cafinta
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horu marinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Fa arax (Beenebeene) ayaa Ma gaalada Muqdi sho kula n kula qaaday Maamulaha Ba ngiga Addduunka ee Sooma aliya, Kristina Svensson, waxaana ay ka wada had leen akhbaarta farx ada leh ee ku saab san barnaamijka deyn cafin ta ee Soo maaliya oo mardhow la filayo in dalka guud ahaan laga cafiyo.
Kulanka waxaan sidoo kale looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda Qorshe ynta Qaranka iyo Bangiga Adduunka ee dhinac yada qorsheynta iyo hirgelinta mashaarii cda horumarineed ee Bangiga Adduunka ka wado gudaha Dalkeena.
Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo 1 Milyan $ ugu dee qay dadka ay saameeyeen fatahaadaha
Hay'adda samafalka Hormuud Salaam Fou ndation ayaa ugu deeqday dadka Soomaaliy eed ee dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.
Waa gargaarkii ugu ballaarnaa ee ay bixiso hay'ad waddani ah. Iyadoo horey Hormuud Sala am Foundation ay gacanta uga geysteen abaarihii ugu dambeeyay ee dalka.
Shir jaraa’id oo uu qabtay guddoomi yaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nu ur Cusmaan, ayaa shee gay inay salaam Bank iyo Hormuud dhibaatada la qeyb sanayaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay si degdeg ah lacagtaas u gaarsiin doonaan dadka ay saameeyeen fataha aduhu, isagoo sheegay inay si dhow ula socon doonaan xaaladda ay ku sug an yihiin dadkaas.
Taakulada lacageed ee hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kusoo beegantay, iya doo in ka badan hal milyan oo qof oo Soo maaliyeed ay saameeyeen daadadka iyo fatah aad aha ka dhashay roobabka Dayrta.
Sida ay sheegtay UNOCHA, 30% kamid ah dadka ay waxyeeladu gaartay ayaa kaliya he lay gargaar, halka 70% ay weli u baahan yihiin in ay helaan gur mad degdeg ah. Waxayna dhibaatadu u badan tahay gobolada Jubboo yinka iyo Gedo.
Axmed Madoobe oo dalab culus ka soo saaray wax ka beddalka dastuurka
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxam ed Islaam (Axmed Madoobe) oo Dorraad furay kafdhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada maamu lkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dastuur ka, qaadista cunaqabateynta hubka iyo arrimo kale.
Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa tilmaam ay muhiimada uu kalfadhigan u leeyahay Jubaland iyo mudanayaasha Golaha Eakiilada oo ay horyaalan sharciyo ahmiyad weyn leh oo ay tahay in laga shaqeeyo Inta uu kalfadhigan socdo.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay fatah aadaha iyo daadadka ka jira Jubbaland isaga oo xusay in dad farabadan ay ku barakaceen fatahaad aha, burbur xooglehna uu soo gaaray kaabaya asha bulshada.Intaas kadib Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday doodda ka taagan wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah, wuxuunaxusay in ahmiyad weyn ay leedahay in laga gudbo dastuurka qabyada ah, si loo dhamm eystiro, Soomaaliya u yeelato shuruuc buuxda,
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray ingo’aamada ay gaareen madasha wadatashiga ay rajo weyn ka qabaan in labada Aqal ee Baar lamaanka ay meel mariyaan, isaga oo ka dalb aday inay u hiiliyaan isbeddal siyaasadeed oo ka dhaca guud ahaan dalka.
"Waxaan rajeynayaa baarlamaanka in sida ay tahay arintaas u qaadan doonaan, waddan kana uu u baahan yahay sida uu ku jiro si ka beddalan inuu u dhaqmo ” ayuu yiri.
Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa dowla dda dhexe ku bogaadiyay guulaha ay ka gaar tay in dalkeenna laga qaado cunaqabatay nta hubka iyo ku biirista ururka bulshada bariga Afrika, wuxuuna tilmaamay in guulaha waa weyn ay ku yimaadeen dadaallo la sameeyay.
Xog: Deni oo madaxto oyada ugu yeeray gud doonka baarlamaanka + Qorshaha
Madaxweynaha Puntland Saciid C/hi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ugu yeeray gud doonka baarlamaanka, sida ay sheegtay inay ogaatay Caasimada Online.
Deni ayaa guddoonka baarlam aanka ugu yeeray Madaxtooyada kulan wad a-tashi, xilli ay taagan tahayxiisadda doorashooyi nka maamulka.
Xogta ayaa sheegaysa in kulankaan uu Deni ugu yeeray guddoonka baarlamaanka looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, gaar ahaan ismari-waaga siyaasad eed ee Deni iyo mucaaridka.
Habeen hore ayey aheyd markii madaxwey ne Saciid Deni uu la kulmay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Puntland, kuwaasi oo Deni kula socda in hannaanka qof iyo cod lagu galo doorashada Madaxtooyadda iyo midd a Baarlamanka ee maamulkaasi.
"Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (deegaanada Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabka Madaxdooda soo doortaan,” ayuu yiri madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kadib markii uu soo idlaaday kulanka. Maamulka Deni ayaa sheegay inuu di yaar u yahay in uu la fariisto siyaasiyiinta diidan hana anka doorasho ee uu wato madaxweyne Deni, hase yeeshe mucaaradka ayaa u arka dhawaa qan mid afka baarkiisa ah oo waxba ka goyn karin xaaladda taagan.
Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, ku na baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.
"Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.
"Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yee shaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”
Maxmadeynta Askari Muqdisho ku toogtay haweeney da’ ah
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Dorraad la hor-geeyey askar ka kala tirsan NISA iyo Booliska oo loo heysto dil haweeney waayeel ah loogu geystay ba naanka hore ee sal dhigga booliska deg mada Waaberi, halk aas oo dacwo ay u tagtay.
Axmed Maxamed Ibraahim oo ka tirsan dharcadda NISA ayey ka bilaaba tay shaqaaqadaan oo 14-10-2023, Axmed ayaa tegay saldhigga, isagoo raadinaya wiil lagu soo xiray oo la dhashay gabar uu xiriir jaceyl kala dhexeeyey Axmed.
Intaas kadib Axmed oo doonayey inuu gudaha u galo saldhigga ayaa waxaa u diiday booliska, wuxuuna soo watay saaxiibadiis oo dharcad kale ahaa.
Intaas kadib booliska saldhigga iyo dharcadii NISA ayaa isku rasaaseeyey banaanka hore ee saldhigga, waxaana kaamirooyinka CCTV laga arkay Cabdulqaadir Maaday oo booliska ka tirs anaa oo toos u tooganaya hawee ney da’ ah.
Rasaasta waxaa la sheegay inay markii hore bilaabeen xubnaha NISA oo doonayey inay xoog saldhigga uga furtaan wiil lagu soo xiray oo ku eedeysnaa inuu yahay ciyaal-weero.
Hooyo Faadumo Cabdi Maxamed oo halkaas ku geeriyootay waxay ka mid aheyd xubnihii sald higga ka soo doonay wiilka loo heystay inuu yah ay ciyaal weero.
Dhamaan xubnihii ku lug yeeshay shaqaaqad aas eek a kala tirsanaa Booliska iyo NISA ayaa Dorraad la hor geeyey maxkamadda ciidamada, si loogu ciqaabo ninkii dilay haweene ydaas.
Xeer ilaalinta maxkamadda ciidam ada ayaa soo bandhigtay eedeymaha raggaas oo wata cad eymaha wixii ka dhacay banaanka hore ee sal dhigga degmada Waaberi, waxaana muuq aalka laga arki karaa askariga toogtay haweeneyda.
Maxkamadda ayaa Dorraad dhagey satay kiis kaan, xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay eedeym aha iyo dalabkooda la xiriira xukunada ay doonay aan in la marsiiyo askartii is rasaaseysay, waxay na maxkamadda dib u dhigtay ku dhawaaqidda xukunkaan.
Machadka SORDI oo soo bandhigay cilmi ba aris ku saabsan caafimaadka hooyada & dhallaanka Soomaaliyeed
Machadka Cilmi-baarista iyo Horum arinta Soomaaliyeed ee (SORDI), ayaa magaalada Mu qdisho kusoo bandhi gtay cilmi-baaris ku saab san caafim aadka hooyada iyo dhalla anka dalka Soomaaliya.
Machadka SORDI oo gacan ka helaya hay’adda kaalmada dibada ee Britain (UK Aid),
hay’adda International Rescue Committee (IRC) iyo Jaamacadda Johns Hopkins ee Maray kanka, ayaa soo saaray cilmi-baarista oo socotay muddo labo sano ah.
Agaasimaha Machadka SORDI, Prof. Dr. Cabd irisaaq Axmed Dalmar, ayaa sheegay in mash ruuca cilmi-baarista lagu magacaabo EQUAL, taas oo muddo shan sannadood ah ka soconeysa dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo DR Congo. Ujeedada laga leeyahay ayaa ah in ma shruuca uu soo saaro xog cilmiyeysan iyo in aqoon lagu saleeyo go'aannada iyo siyaasadaha loo dejinaayo wax-ka-qabashada dhibaato oyinka caafimaad ee heysta hooyada iyo dhallaanka ee ku nool dalalkaas," ayuu yiri Prof. Dalmar.
Agaasimaha Machadka, ayaa xusay in daraa sada ay si faahfaahsan uga hadleyso xaaladda caafimaadka hooyada iyo dhallaanka yar yar ee Soomaaliyeed oo muhimad gaar ah u leh dalka, maadaama burbur badan uu soo maray wadanka.
"Maadaama dalkeena uu ka mid yahay dala lka soo koraya ee dhalidda ay ka mid tahay waxy aabaha ugu culus, waxaan ognahay in 600 oo hooyo ay dhintaan marka 100 kun oo hooyo ay umulaan. Tani, waxaa ay ka mid tahay tirooyinka ugu badan ee add uunka ka jira. Sidoo kale, 35 carruur ah ayaa dhimata 1,000-kii carruur ah ee dhasha, ka hor inta aysan gaarin sanad,†ayuu yiri Profosoorka.
Prof. Dr. Cabdirisaaq, ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinkaasi ay sii socon karaan, maad aama hooyooyinka umulaya ay dhaliyeen wax ka 30% oo ah dad aqoon u leh caafimaadka, halka keliya 22% ay heli karaan adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka.
Wuxuu intaasi raaciyay caqabadaha dalka ka jira oo ay kamid yihiin, amni darrada, saameynta isbeddelka cimilada, nafaqo darrada, cudurro iyo xaaladaha adag ee nolosha.
Cilmi-baarista ayaa sidoo kale dar seysa sidii loo heli lahaa inkabadan labaatan kun oo umulis ooyin xirfaddo odu sarrayso, la xaaro caqabadaha hor istaagi kara howgellintooda iyo sara u qaadida xirfadadooda. Ujeedada ayaa sidii loo yareyn lahaa dhimashada hooyada iyo dhallaanka dalal kaasi, gaar ahaan Soomaaliya.
Senator Prof. Cusmaan Max'uud Dufle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Adeega Bulshada ee Aqalka Sare, ayaa mach adka iyo madaxdiisa ku ammaanay cilmi-baarista daaha ka qaadday dhiba atooyinka caafimaad ee heysta hooyada iyo dhallaanka Sooma aliyeed. Isagoo rajeeyay in ay xal u noqon doonto dad badan oo Soomaal iyeed oo xaalad adag la kulmo xiliyada foosha.
Dr. Ubah Faarax oo ah la taliyaha caafimaad ka qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Cabdirisaaq Axmed, ku-xigeenka madaxa hawlg alinta ee hay’adda IRC iyo Dr. Caroline Mwangi oo ah la taliyaha Caafi maadka ee safaaradda UK ee Sooma aliya, ayaa kamid ahaa martidii ka had ashay munaasabadii ay kasoo qeyb-galeen xubno ka socday wasaaradaha caafim aadka dowladda, xildhibaanno, khubaro caalami ah, dhaqaatiir, iyo aqoon yahano.
14-kii bishii September, 2014, Gudd iga Caala miga ah ee Badbaadinta (IRC), ayaa ku dhawaa qday iskaashi cusub oo ujeeddadiisu aheyd haga ajinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee dalalka ay colaaduhu saameeyeen sida Soomaa liya oo kale, iyada oo loo marayo abuuritaanka urur cilmi-baaris oo dalal badan ka kooban.
Hay’adda UK Aid ayaa mashruuca ku maalge lisay $11.3 milyan oo ay ka he shay dowladda UK. Mashruuca $11.3-da milyan ayaa waxaa qeyb ka ah Guddiga Caalamiga ah ee Badbaa dinta (IRC), oo ay wehliyaan Machadka Human Virology Nigeria, Johns Hopkins Bloomberg Scho ol of Health Public, iyo xarunteeda caafima adka bini'aadantinimo ee jaama cada, Machadka Cilmi-baarista iyo Horuma rinta Soomaaliyeed ee (SOR DI), iyo Jaamacadda Catholique de Bukavu (Jam huuriyadda Dimuqraad iga ah ee Con go).Somaliland oo sheegtay inay qabat ay Basaasiin la Shaqeeynayay Ciidamada SSC Khaatuma
Maamulka Soomaaliland ayaa shee gay inay Ciidamadooda gacanta ku dhigeen Afar rag basa asiin ah oo siwyen ula Shaqeeynayay Ciidamada SSCKhaatuma ee dagaalka kula jira Ciidamada SSC Khaatuma.
War kasoo baxay Hay’adda ugu sareysa amniga Somaliland ee Nabad sugida ayaa lagu sheegay in, iyaga oo laamaha kale ee nabadgel yada degm ada Oog ku qabatey rag la Shaqeeyn ayay SSC Khaatuma.
'Hay’âdda' Nabadsugida soomaalil and ayaa waxaa ay ku kala sheegtay Magacyada raga ay howlgalka ku qabteenCabdifataax Cali Cabdi, Cabd ifataax Xasan Cilmi, iyo Cabdirashiid Muxu med Ibraahim oo ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee xogaha amniga siin jiray kooxaha huw anta ah ee ka dagaalama Laascaa nood, sida lagu sheegay qoraal ay hay’ addu ku baah isay Barteeda X ama twitter.
Warkan kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli degaano iyo degmo oyin katirsan Gobo lka Sool ay ka taagan tahay xiisad da dagaal ee u dhaxeysa Ciidamada Soaml iland iyo kuwa Maamulka Khaat uma oo dhowr jeer dagaalamay.
Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Saacadihii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Baay, kaas oo la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidam ada Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka ka same eyeen nawaaxiga degaanadaMooda-moode, iyo Daynuunaay gobolka Baay. Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad X/le Axmed Maxa med Nuur (Axmed Nuur Dhegeey) ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka ay ku dileen Xuseen Cadd oow Jilib-gaab oo Al-Shabaab u qa abils anaa lacagaha laga qaado dadka shac abka ah ee ku dhaqan gobolada Baay, Bakool, iyo Gedo.Sidoo kale taliyaha waxaa uu shee gay in ay sii wadi doonaan howlga llada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta guud ahaan dega annada K/Galbeed laga saaro Al-Shab aab.
Israel Oo Reer Qaza Ku Amartay In Laga Guuro Khan Younis
Israa’iil waxay Isniintii ku amartay dad ree Gaza inay ka baxaan qaybo ka mid ah Khan Younis – magaalada ugu weyn ee koonfurta – iyagoo u guuraa ya dhinaca xeebta Mediterr anean iyo Rafah, oo u dhow xadka Masar.
Ciidamada IDF ayaa amar ku bixisay in dadka degan lix xaafadood oo waqooyiga iyo bartamaha ah – al-Mahatta, al-Katiba, Hamad, al-Satir, Bani Suheila iyo Ma’in – ay si degdeg ah u baxaan si ay "u ilaashadaan amaankooda ".Qiyaastii 167 ,000 oo qof ayaa ku nool deegaanka
. Somaliland oo gaadiid dagaal iyo saanad ciidan geysay Sool
Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Soom aaliya ayaaa sheeg aya in weli Somaliland ay dhaq-dhaqaa qyo ka wado gobollada Sool iyo qaybo kamid ah Togdheer oo ay hadda joogaan ciidama deeda milatariga ee la diriraya SSC.
Somaliland ayaa haatan ku jirta wax u muuqda diyaar garow dagaal oo hor leh, si ay mar kale u waj ahdo ciidamada SSC oo bilihii u dambeeyay ka qab saday dhul aad u ballaaran.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in marba marka ka dambaysa ay saraakiisha Somaliland maleeshiyaad horleh ku biiranayaan ciid amada ku sugan Buq-dharkayn ilaa Qorilugud.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale jira gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay saac adihii lasoo dhaafay ciidamada Somaliland loogu geeyay furimaha dagaalka, taas oo muujineysa inuu socdo dhaq-dhaqaaq yo ugu dambeeyay dagaal ay waddo Somaliland.
Ujeedka Somaliland ayaa ah inay dib usoo rogaal celiso, si ay u qabsato dhulkii horay looga saaray, kadib daga allo culus oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Sool.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhankeeda difaac adag ku jirta SSC-Kha atuma oo ciidam adeeda ay ku sugan yihiin aagga Buq-dharkayn iyo Goojacadde.
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujinaya dagaallo mar kale ka dhaca halkaasi, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara noloshooda iyo deganaashaba.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhin ac oo ku aadan abaabulk aas dagaal ee ka socda goo baha ay isku horfadhiyaan ciidama da Somali land iyo kuwa dadka deegaanka.
Tallaabadan ayaa imaanaysa iya doo maalmihii u dambeeyay ay hanj abaadyo hawa da isku marinay een labada dhinac, oo hoaray uga dhaga fureystay baaqyada loo dirayo.
Galmudug oo heshiisiisay beelo ku dagaalamay Galgaduud
Xeraale Wasaarada arrimaha gudaha, federalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo ku soo gab agab eysay deegaanka Balihowd oo hoos taga degmada Xera ale ee gobolka Galgad uud shir dib-u-heshiineed oo soc day maalmihii la soo dhaafay.
Shirkaan dib u heshiineed oo ay garwadeen ka ahayd wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa u dhaxeeyey Dad ka walaalaha ee Halkaas wada daga, wuxuuna ahaa shir nabadeed oo daba socda shirar dib-u-heshiin eed oo horay loogu qabtay Bulshada Deegaan adaas.
Dowladda oo xirtay goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo diiday ammar kasoo baxay
Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay goob aha ganacsi ee kuyaalla suuqyada magaalada Mu qdisho iyo laamiyada waa weyn in ay xirtaan kaamir ooyinka sida qarsoodiga ah wax u duuba ee loo yaqaan CCTV.
Ammarka dowladda Soomaaliya waxaa fuliyay ganacsato badan oo xirtay kaamirooyinka CCTV, halka sidoo kale jiraan ganacsato kale oo wali cabsi kaga imaaneysa Al Shabaab owgeed u xiran waayay kaamirooyinka.Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugida ayaa bilaabay in ay xiraan goobaha ganacsi ee fulin waayay ammarka dowladda, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen qaar kamid ah milk iilayaasha goobahaasi ganacsi.
Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wajah aya caqabad xooggan oo kaga imaaneysa dhinaca dowladda iyo Al Shabaab, dowladda ayaana ku amartay ganacsatada in ay xirtaan kaamirooyinka halka Al Shabaab ganacs atada uga digtay in ay xirtaan kaamiroo yinkaasi.
Goobo ganacsi oo dhowr ah kuna yaalla mag aalada Muqdisho ayaa Al Shabaab qarxiyeen, kaddib markii ganacsatada gooba haasi iska leh ay fuliyeen ammarka dowladda ee ah aa inay xirtaan kaamirooyi nka CCTV.
Somaliland ‘oo ka walaacsan’ halis kasoo korortay Badda Cas
Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaalad amni darro oo kasoo korodhay Badda Cas.war-saxaafadeed kasoo baxay wasa aradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu she egay in Somaliland ay walaac ku abuurtay falal budh cad badeednimo oo dhawaan ka dhacay Badda Cas, iyada oo xustay in ay xoojisay amniga badee dda.
"Xukuumadda Jam huuriyadda Somalil and waxa ay isha ku hay saa xiisadda amni ee ka soo cusboonaatay mar inka koonfureed ee badda cas iyo gacanka cadm eed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadee dka Somaliland.
Somaliland ayaa sidoo kale ka dhaw aajisay baah ida loo qabo in si deg-deg ah loo qaado tallaabo is-kaashi oo wax lagaga qabanayo khatartan sii kordh ay sa ee ka taagan Badda Cas.
"Weerarradii u danbeeyay ee lagu qaaday maraa kiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga iyo suurta-galn imada in bud hcadeed halkaa ka dillaado. Som aliland oo leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 850km, oo ay xilli walba gaadh ka hay aan ciidamada Ilaa lada Xeebaha Somaliland waxa ay qaadday tallaabo oyin dardar leh oo lagaga hortagayo falalka budhc ad badeedda iyo tahriibka ee ka dhici kara bad dee da.”
Sidoo kale waxay walaac uga muujisay saama ynta dhaqaale iyo bulsho ee ka iman karta dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ku soo kordhaya badda cas iyo suurta-galnimada ah in ay kor u kac aan qiimaha badeecadaha iyada oo ka dhalanaya kor u kac ku iman kara qiimaha caymiska maraakii bta ee gobolka. Somaliland waxa ay markale carrab ka ku adkaynaysa sida ay uga ga go’an tahay in ay xoojiso badqabka iyo amn iga baddeheeda aagagga dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii’da iyo shuruucda caalamiga ah.
Ugu dambeyntiina waxaa lagu qora alka Somali land kasoo baxay, "Waxa aanu diyaar u nahay in aanu iskaashi la samaynno saaxiibbadayada gobol ka si aanu wax uga qabanno caqabadaha ay wada wajahayaan dalalka gobolku ee budhcadeednimad iyo ilaalinta amniga badda cas iyo gacanka cadmeed.”
Putin oo booqasho xasaasi ah ku tagaya dalal carbeed iyo ujeedka safarkiisa
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Aqalka Kremlin-ka ayaa sidaas ku dhawaaqay, xilli Moscow ay raadineyso xulafo dibadda ah inkasta oo ay reer galbeedku u go’doomiyeen colaadda Ukraine darteed.
Putin ayaa xaddiday safarrada caalamiga ah tan iyo markii uu ciidamo u diray Ukraine, islamarkaana Maxkam adda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo iyadoo ku eede ysay inuu masaa furiyey carruur reer Ukraine ah.
"Madaxweyne Putin waxa uu berri safar shaqo ku tagi doonaa Imaaraadka iyo Sacuud iga,” ayuu afhayeenka Krem lin-ka Dmitry Peskov u sheegay wariy eyaasha Talaadadii. Waxa uu sheegay in hoggaamiyaha Ruush ka uu hadli doono xiriirka labada dal, dagaalka Israel iyo Xamas iyo siyaasadda caalamiga ah. Peskov wuxuu sheegay in Putin uu sidoo kale kala hadli doono suuqa saliid da inta lagu jiro booqashada, kadib markii Ruushka – oo ka mid ah 10-ka dal ee saaxibka la ah OPEC – uu sheegay inuu sii xoojin doono dhimista soo-saarka.
Imaaraadka Carabta ayaa martigelin aya shirka cimilada COP28 ee Qara mada Midoobay, laakiin Kremlin-ka ma aysan cadd eyn in Putin uu ka qeyb gali doono wax dhacdo ah oo la xiriira iyo in kale.
Putin ayaa seegay dhowr shirar oo heer sare ah oo dibadda ah tan iyo markii Moscow ay dagaal ballaaran ka billowday Ukraine bishii Febraayo 2022.
Putin ayaa ka baaqsaday shirkii BRICS ee Koo nfur Afrika bishii hore si uu uga fogaado "bandhig is-muujin”.
Waxa kale oo uu seegay shir madaxeedka G20 ee bishii September – in kasta oo uu ka qayb galay kulan G20 ah bishii November u dhacay qaab foga an arag ahaan ah.
Tan iyo bishii Maarso, Putin waxaa si weyn u baadi goobeysay maxka madda ICC, waxaana dal alka xubnaha ka ah la filayaa inay fuliyaan amarka soo xiritaan haddii hoggaamiyaha Ruu shka uu soo galo dalkooda.
Imaaraadka iyo Sacuudiga midna ma saxiixin heshiiska aas-aaska Maxk amadda ICC, taasi oo la macno ah inaysan qasab ku aheyn inay xiraan. Putin ayaa booqday Shiinaha bishii October, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee uu sanadkan ku tago meel ka baxsan Midowgii Soviet ee hore. Isha: AFP/VOA
Q/Midoobay oo shaacisay tirada shaqaale hor leh oo looga dilay duqeymaha Gaza
Hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee Gaza – UNRWA – ayaa xaqiijisay dhimashada 19 kale oo shaqaalaheeda ka mid ah
UNRWA ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka iyo goorta 19ka qof ee dheeraadka ah lagu dilay.
Wadar ahaan shaqaalaha UNRWA ee la dilay tan iyo 7dii Oktoobar, waa 130 qof” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qaramada Midoobay
Hay’addu waxay sheegtay in ku dhawaad hal milyan oo qof oo barakacayaal ah ay ku hoydaan 99 ka mid ah xarumaha ay ku leedahay bartama ha iyo koonfurta Qaza oo ay ku jiraan deegaan ada Khan Younis iyo Rafah.
Waxa ay sheegtay in mid ka mid ah iskuulade eda ku yaala Deir Al Balah ee bartamaha Gaza ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyntii Axadii, halka iskuul kale oo ku yaala Khan Younis ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyn kale, halkaasi oo ay ku dhinteen afar qof oo barakacayaal ah.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda UNR WA, Philippe Lazzarini ayaa ku gacan seyray wararka sheegaya in laga yaabo in hay’addu ay xeryo cusub ka furto magaalada Rafah ee ku taal la xuduudka Masar, halkaasoo ay u qaxeen kumanaan qof oo ku barakacay Qaza.
"Eedaha sheegaya in Qaramada Midoobay ay leedahay kumanaan teendho ah ayna qorsheyna yso inay xeryo qaxooti cusub ka furto Rafah waa been,” ayuu yiri.
"Ma jirto meel nabdoon oo ku taal Gaza, hadd ay tahay koonfurta ama woqooyiga’.” ayuu intaas ku daray.
XAYAWAANKA SOOMAALIDA AADKA U TAQAANNO EE LA SHEEGAY INUU KANSARKA DAWEYN KARO
Xayaawan
Daraassada ay sameeeen saynisyahanno ayaa muujinaya in xayawaan ku nool saxaraha uu daawo u noqon karo cudur ka Kansarka.
Xayawaanka faaranfarka oo inta badan ah mid laga helo dalalka Afrika sida Soomaaliya, iyo keymaha ayay khuburradu she egeen in uu noqon karo mid loo isticmaalo daa weeynta cudurka kansarka.
Cilmi baaristaan oo diiradda lagu saaray sida bini’aadamku ugu noolaan karo nolol caafimaad leh iyo cimri dheer ayaa lagu sheegay in xayaw aanka uu noqon karo mid lagu daaweeyo cudu rka oo aan horey u jirin daawo sax ah oo loo hayo.
Xaywaanka ayaa noolaan kara celcelis ahaan dhowr boqol oo sano, waxaa uu u adkaysan karaa cudurrada daba dheeraay oo ay ka mid yihiin macaanka, waxayna leeyihiin nidaam taran oo xiiso leh oo iyaga u gaar ah.
Waxaa ka mid ah meelaha laga helo kaymaha Kenya, Itoobiya iyo Soom aaliya, waxaan halkaasi ku noolaa xayawaanka ka hore xilligii gumeeysiga iyo haddaba ayada oo qaarkood xayawaanka uu nolaan karo ku dhawaad dhowr boqol oo sano.
Sidoo kale waxaa uu xaywaanka faa'iido oyin u leeyahay deegaanka, iyo kala duwana anshaha noolaha bin'aadmka.
Saynisyahannadu waxay aaminsan yihiin in burooyinka qolfoofta ah ee fara nfarka ay faa'iidooyin gaar ah u leeyihiin cilmi-baarista caafimaadka iyo daawee ynta kansarka nooc walba oo ka mid ah .
Khubarro ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa soo jeedinaysa in xaya waanka uu la falgalayo nidaamka unugyada oo ay ku jiraan hab-dhiska difaaca jirka iyo ka hortagga cudurrada, kuwaas oo dhamaan diiday in kansark uu faafo .
Tijaabo lagu sameeyay Jaamacadda Cambridge, cilmi-baarayaashu waxay falanqeeyeen 79 unug oo kala duwan oo ku saabsan qaab-dhismeedka gudaha ee unugyada kuwaas oo laga soo qaatay mindhicirka, kelyaha, beeryarada, sam babbada iyo unugyada maqaarka ee xayawaanka .
Heerka dhimashada aadanaha ee cudurka kansarka ayaa korortay sida laga soo xigtay cilmi-baarayaal ka tirsan Jamaacada Cambridge.
Sidoo kale daraasaddaan waxaa lagu ogaaday in xayaawaannada kale ay suu ragal tahay in uu ku dhaco xanuunka kansarka laakiin faraanfarka ay aad ugu yar tahay in uu ku dhaco xanuunka oo ay naadir tahay.
Cilmi baaristaan waxaa laga sameeyay inta badan adduunka oo dhan waxaa natiijada ay muujinaysa in xanuunka kansarka ay suuragal tahay in daawo loo helo.
Dadaallada lagu doonay in lagu sameeyo daawo wax ku ool ah oo cudurka kansarka loo helo ayaa socad muddo dheer, waxaana khubarro kala duwan sanadkii hore ay sameeyn tijaabo rajo weyn laga qabo in ay noqto mid guul ah.
Haddii cilmi-baaristaan ay noqto mid waxtar leh waa rajo wanaagsan oo loo helay xanuunka kansarka oo sanad kast ay u dhintaan kumannaan qof guud ah aan adduunka oo dhan.
Mala daaweeyn karaa kansarka? Faranfar
Dad badan, marka ay maqlaan kansarka, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah oo dhibaato xun leh. Laakiin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaada da xanuunkaan ayaa krdhay sababo la xiriira ogaanshaha cudurka ee xilli hore sidaa darteed waa la daweyn karaa ka hor inta uusan aad jirka kale ugu faafin.
Dhanka kale way adagtahay in xanuunka kansar ka la daaweeyo haddii aan la ogaan marka
uu yahay heerarka hore oo dhammaan uu jirka kuwada faafo, balse daraasadda cusub ayaa rajo ka muujinaysa xayawaanka loo isticmaali karo si xanuunka looga guuleeysto.XIGASHO:-BBC
MAXAY TAHAY QORRAXDA MACMALKA AH EE AY JAPAN SAMEEYNAYSO?
Qorraxda macmalka ah Dowladda Japan ayaa wadda qorshe ay ku hirgalinayso qorrax macmal ah, taas oo ay doonayso in ay isticmaasho.
Saynisyahanno u dhashay dalkaasi ayaa had da rajeynaya inay hammiga dowladdooda ay ka dhigaan mid xaqiiqo ah oo farsame eynaya qorra xada ayada oo la isticmaalaayo tiknolajiyadda.
Mashruuca hirgalinta qorraxda macmalka ah ee Japan ayaa la daahfuray waxaana siynisyah annadu ay sheegeen in la isticmaali doono tam arta nukliyeerka oo ah tan ugu awoodda badan adduunka.
In kasta oo mashruucaan uu yahay mid billow ah, haddana saynisyahannada qaar ayaa u arka in ay tahay xalka baahida tamarta mustaqbalka ee bani’aadamka.
Maxaa laga sameyn doonaa qorraxdda macmalka ah?
Saynisyahannada hirgalinaya mashruuc Saynisyahannada hirgalinaya mashru uca Saynisyahannada Japan ayaa shaac iyay in ay sameeynta qorraxdaan macmalka ah u ade egsan doonaan tamarta nukliyeerka oo lagu daray atamyo kale kuwaas oo lagu maga caabo (nuclear fusion)
Waa qorshe ay khubarrada tiknoolajiyadda ta marta nukliyeerka muddo tobnaan sano ah baaritaanka ay ku wadeen, wax ayna aaminsan yihiin inay noqon karto isha tamarta deegaanka.
Cilmi-baarayaashu waxay xaqiijiyeen inay ka gudbeen caqabad weyn oo arrintan ku saabsan taas oo ah in qorraxdu ay dhalinayaan ay noqon karto mid la isku hallayn karo.
Waxaa kale oo khuburradu ay sheegeen in hannaanka lagu dhalinayo qorra xada macmalka loo isticmaali doono cunsur culus oo soo saara tamarta qaab iftiin iyo kulayl ah, iyada oo la jaanqaadaysa hababka gudaha qorraxda macm alka ah.
Warshadda lagu sameyn doono qorraxda ayay saysinyahannadu tilmaameen in aysan ahayn mid khatar ah oo qarxi karta sida tii Fukushima, Japan ee 2011 oo kale.
Hirgalinta mashruucaan waxaa gacan ka siinaya dowladda Japan isbahaysi ka kooban 31 shaybaar oo reer Yurub ah kuwaas ka faa'iidi doona marka mashrr uca uu mirodhal noqdo
Dowladda Japan waxa ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya dhanka tiknolojiy adda caalamka, waxaana horey ay u hiraglisay mashruucyo waaweyn oo ku saa bsan nukliyeerka iyo tamarta oo ah mid si weyn ay ugu faa'iiidday.
Muhiimadda hirgalinta qorraxda macmalka ah ee Japan
Warshada qoraxda laga dhalin rabo
Warshadda qorraxda laga dhalin rabo
Waxaa laga hirgalinayaa meel u dhow Machadka Qaranka ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadda ee Japan (QST) oo ku yaal waqooyiga magaalada Tokyo.
Hadii uu hirgalo waxaa uu noqonaya mid ka mid ah ilaha tamarta kaarboon-la'aanta ah iyo tamar 'nadiif' ah sida uu sheegay agaasimaha Machadka Qaranka ee Sayniska iyo Tiknoo lajiyada ee Japan Sam Davis.
Sam Davies oo la hadlay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa shee gay in sameynta qorraxdaan macmalka ay tahay natiijada iskaashiga u dhexeeya in ka badan 500 oo saynisyahanno iyo injineerro ah iyo in ka badan 70 shirka dood oo ka kala yimid Yurub iyo Japan oo dhan.
Hirgalinta mashruucaan ayaa waxaa ku baxay dhismihiisa wejiga koobaad add uun lacaga ah oo dhan 560 milyan oo Yuuro, taas oo ay bixin doonan Yurub iyo Japan.
Madaxa Tamarta ee Midowga Yurub Kadri Samson ayaa ka sheegtay in tallaa badan ay tahay mid horumarsan adduunka gaaray iyo guul taariikhi ah oo la taaban karo.
Mahruuc "qorraxda macmalka ah” waxaa horey u bilaabay dowladda Shiinaha oo hirgalisay waxaana bishii Abriil ee sanadkan tijaabo lagu sameeyay lagu ogaaday in ay leedahay kuleeyl xad dhaaf ah .XIGASHO:-BBC
Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Gaza & tirada dhimashada oo gaartay
Israa’iil ayaa sheegtay in ay isku gadaameen xerada qaxootiga ee Jabalia, ee ku taalla waqooyiga Qaza, iyadoo milatarigu ay ku andac oonayaan in Xamaas ay u adeegsato saldhig.
Dhanka koonfurta Qaza, ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in dhawaan la filayo in hawlgal militari oo weyn laga sameeyo Khan Younis iyo nawaaxigeeda, halkaasoo la sheegay in waraaqo digniin ah lagu daadiyay.
Waxay ku soo beegantay saacado ka dib markii maamulka caafimaadka Fal astiin uu sheegay in 43 qof lagu dilay duqayn xagga cirka ah oo Israa’iil ka geys atay magaalada
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xaaladda mar inka Qaza ay saacadba saacada ka dambeysa sii xumaanayso
Afhayeen u hadlay dowladda Israa’iil ayaa sheegay inuu filayo dag aal adag wajigii ugu dambeeyay ee duullaan kooda Qaza
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Osama Hamdan, oo ka hadlayay maga alada Beirut ee dalka Lubnaan ayaa Waxaa uu saadaaliyay in xukuum adda Ra’ii sul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay dhawaan dhici doonto dagaalka Qaza awgeed, hogg aamiyaha muddada dheer xilka hayayna ugu dambeyntii lagu maxkam adayn doono dambiile dagaal. "Netanyahu iyo shaqaalihiisa dagaal ka ayaa si qoto dheer oo qoto dheer ugu sii qulqulaya dhiiqada Gaza,” ayuu yiri Hamdan. Xafiiska warbaahinta ee xukuuma dda Gaza ayaa sheegay in tirada Falastii niyiinta ee la dilay tan iyo 7-dii October ay hadda marayaan 16,248.
Tirada waxaa ku jira 7,112 carruur ah iyo 4,885 haween ah. kumaa jiraan dad
lagu qiyaasay 7,600 oo qof ee ku jira burburka daaraha hoostooda.


0 



HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILYN NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA DICEMBAR 2023-KA
..