Qabuuraha casriga ah ee doodda ka dhaliyay dalkan Muslimka ah

0
Sunday December 03, 2023 - 16:39:29 in Wararka by
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabuuraha casriga ah ee doodda ka dhaliyay dalkan Muslimka ah

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

xabaalo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mid ka mid ah shirkadaha dhulka iibiya ee ugu waaweyn dalka Masar ayaa muran baahsan ka dhex dhalisay baraha bulshada, ka dib markii ay ku dhawaaqday inay hayso dhul qabuuro loogu talogalay oo u dhow caasimadda maamulka taas oo lagu iibinayo lacag dhan hal milyan iyo badh Giniga oo Masar ah una dhiganta ku dhowaad 50 kun oo doollar.

Dhulka qabuuraha loogu talogalay oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogayn magalaada Qaahira ayay Sshirkaddu waxay xayaysiiskeeda ku shaacisay in qabuurahan ay yihiin kuwo qoysaska iyo dadka ehelka ah loo qorsheeyay in lagu duugo .

Qabuuraha oo ku fadhiya dhul cabbirkiisu gaarayo ilaa 40 mitir oo labo jibbaaran, ayay shirkaddu tilmaantay in lagu aasi karo ilaa 8siddeed qof oo jira rag iyo dumar.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in xabaalahan ay leeyihiin adeegyo muhiim ah sida masjid lagula tukado salaadda janaasada, goob lagu dhaqo meydka , kaamirooyin qabriga lagu ilaaliyo, aayado Qur'aan ah oo qabriga lagu qorayo iyo baakinno la dhigan karo gawaarida dadka meydka aasaya.

Lacagta lagu iibanayo qabuuraha oo ah aad u badan ayaa waxaa si weyn walaac ugu muujiyay dadka waddankaasi oo sheegay in aysan suurtagal ahayn in lacagtaan xad-dhaafka ah xabaalo lagu iibiyo, iyo in qof dhintay laga gado dhulka lagu aasayo .

Masar oo dal Muslim ah ayay sheegeen in dadka dhintay ay tahay inay helaan xaquuqda ay leeyihiin ee ah in lagu aaso goobo ayaga loo diyaariyay oo aan jirin wax lacaga ah lagu iibin.

Doodda ka taagan baraha bulshada ee iibinta qabuuraha

xabaalaha iibka ah

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIA MEDIA

Qoraalka sawirka, xabaalaha iibka ah

Dadka isticmaala baraha bulshada, culimada iyo guud ahaan dadweynaha dalkaasi ayaa si weyn uga dooday soo badhigidda shirkadda qabuuraha iibka, ayaga oo sheegay in aysan macquul ahayn in dadka dhintay laga iibiyo halkii lagu aasi lahaa.

Xaquuqda qofka ayay sheegeen in ay ka mid tahay in uu helo meel lagu aaso, ayada oo culeeys dhaqaale la saarin qoysaka uu ka geeriyooday marxuumka .

Dr. Xassam Yuusuf oo ah cilmi baare iyo qoraa reer Masar ah ayaa qoraal uu arrintaas kaga hadlayo oo uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter waxaa uu ku yir "Mashruuc xabaalaha lagu iibinayo waa mid muran badan ka abuuray gudaha dalka, waddan qarka u saaran in lacag la'aan ay ku dhacdo oo dadka nolosha ay halgamayaan”

Qaar ka mid ah dadka reer Masar ayaa ku jeesjeesay qorshaha ay shirkaddu soo bandhigtay .

"Runtii, kani waa mashruuc kobcin doona dhaqaalaha Masar, waxaa kordhi doona dakhliga doollarka Masar soo gala, sababtoo ah waxaa badan doona codsiyada ganacsatada waaweyn ee adduunka ee dalbanaya in Masar lagu aaso,” ayuu yir mid ka mid ah dadka ka falceliyay arrintan .

Culimada dalkaasi ayaa dhankooda sheegay in qabuurahan ay yihiin kuwo qaali ah oo aysan iibsan karin dadka dabaqadda dhaxe iyo hoose ee dalkaasi ku nool, ayna la mid yihiin guryaha dadka caadiga ah ee la deggan yahay.

Maxay dowladda Masar ka tir xabaalaha doodda dalkaasi ka abuuray?

Dad xabalaha booqanaya

XIGASHADA SAWIRKA,AP

Qoraalka sawirka,Dad xabalaha booqanaya

Wasaaradda guriyeynta Masar ayaa shacisay in dadka dhinta ee dalkaasi ee Muslimiin iyo Masiixiyiinta isugu jira ay u diyaarisay xabaalo lagu aaso.

Wasaaradda waxa ay tilmaantay in qof kasta oo u dhashay dalkaasi uu xaq u leeyahay in uu helo dhul lagu aaso, ehallada looga baahan yahay inay soo cadsadaan marka uu qof ka geeriyoodo.

Qiimaha halkii qabri ee dalka Masar ayaa ah 75 doollar.


XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip