Madaxweyne Xassan Sheekh "Inaan siyaasada soo galo waxaa igu dhiirageliyay AUN C/qaadir yaxye" (VIDEO NEWS)

0
Sunday December 03, 2023 - 13:15:05 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xassan Sheekh "Inaan siyaasada soo galo waxaa igu dhiirageliyay AUN C/qaadir yaxye" (VIDEO NEWS)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen "Beesha Nabadda” oo ah Hay’ad loogu magac daray ALLAHA u naxariistee C/qaadir Yaxye oo ahaa Agaasimihii CRD & shaqsi u ololeyn jiray nabadda Soomaaliya oo 2005-tii lagu dilay Muqdisho ayaa lagu qabtay xalay Magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands.

Cali yaxye oo ay walaalo yihiin C/qaadir ayaa dhowr sanno ka hor isaga oo kaashanaya qaar ka mid ah hormuudka jaaliyadaha Soomaalida Holland wuxuu hirgeliyay Hay’adda (Yahye peace foundaion); hay’adaas oo iska xilsaartay in ay qarashaadka waxbarashada ka bixiso caruur danyar ah oo aysan waalidiintoodu awoodin in ay ka bixiyaan qarashaadkaas, lagana soo kala xulay Gobolada Soomaaliya & caasimada.

Kulankan xalay ayaa ujeeddadiisu aheyd in xubnaha "Beesha Nabadda” ay la wadaagaan waxqabadka & howlaha hay’adu ka wado gobolo ka tirsan dalka & caasimada hormuudka Jaaliyadda.

Aasaasaha Hay’adda Cali yaxye, Xuseen Khadhiib, Liibaan Honest, Zahra Ilkacas, Hodan Cumar Dhuule, & xubno kale oo laf-dhabar u ah waxqabadka & dedaalada ay Hay’adda Nabadda C/qaadir Yaxye ayaa khudbado ka jeediyay kulanka.

Sidoo kale, dadkii ka soo qeybgalay ayaa daawaday muuqaal laga soo duubay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay marxuumka ka soo wada shaqeeyeen hay’adii CRD, wuxuuna sheegay MD Xassan in C/qaadir uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay in Xassan Sheekh uu siyaasada soo galo, isaga oo ku tilmaamay tiir muhiim ahaa oo Soomaaliya ka baxay.

Jabriil Cabdulle oo dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, isla markaana ahaa shaqsigii la wareegay hogaanka hay’adda CRD geeridii C/qaadir kaddib ayaa khudbad ay qiiro ka muuqatay jeediyay, isaga oo ku tilmaamay C/qaadir inuu u ahaa waalid & walaal.

Gabagabadii kulanka xubnihii hay’adda "Yahye peace foundation” & dhammaan dadkii ka soo qeybgalay waxeey isku afgarteen in halkaasi laga sii ambaqaado "Legacy” uu ka tegay C/qaadir.

"Mustaqbalka dhow waxaan rajeynayaan in Soomaaliya laga hirgeliyo machad loo gaar yeelatay waxqabadkii & hadafkii uu u taagnaa C/qaadir yaxye” Ayuu yiri aasaasaha hay’adda nabadda C/qaadir Yaxye.

Madaxweyne Xassan Sheekh Madaxweyne Xassan Sheekh


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip