
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA DICEMBAR 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka u diray Fariin ku aadan Cunuqabateeynta Hubka ee laga qaaday dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaal iyeed u diray farriin ku saabsan cunaqabate ynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay dad aalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cuna qabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnim ada iyo halganka xoreynta dalka.
"Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u gu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cun aqabateyn hubkanina saarneen, Dorraad da dka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soom aaliya dhammaan cunaqa ba teynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhu uriyadda.
Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, "Dalkeena Dorraad wa xa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egta hay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.”
Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, "Waxaa Dorraad fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubk asta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaandoonta xakameynta hubka iyo khul khulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisay shuruuc.
R/Wasaare Xamse oo soo dhawe eyay Go’a anka Cunuqabat eeynta Hubka looga qaad ay Soomaaliya
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soom aaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Mido obay uga qaaday Soomaaliya cunaqabt eynta hubka oo saarnayd Soomaa liya ilaa 1992.
Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa sheegay in Tani ay u sahlayso Dawl ada in ay Hub casri ah soo Iibsato laguna qalabeeyo Ciidamada Dawla da si fudna daka ay uga saaran Alshab aab ayuu yiri,” Ra’iisal Wasaare Xamse
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Culimada Soomaaliy eed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la daga allanka iyo fikirka lagula dagaalamyo Alshaba ab iyo dowlad wanaagga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa culim ada uga war bixiyay waxqab adka Xukuumadda ee arri ma ha la xiriira diinta iyo awqaafta sida ansixinta xe erarka Xajka, Sakada iyo dhisita anka Gol aha Culimada Soomaali yeed.
Waxa uu ka codsaday in ay door muuqda ka qaataan dagaalka lagula jiro Alshabaab ee wajigiisa labaad uu dhawaan ka bilaaban doo nno Jubaland iyo in bulshada ku dhaqan gobo lka loo bidhaamiyo .
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa la isku dhaafsaday talooyin la xiriira dow lad-dhiska Soomaaliya.
Kulankii labada Aqal ee Baarlama anka oo Buuq kusoo dhamaaday
Waxaa Dorraad buuq iyo fowdo kusoo dhamaaday fadhi wadajir ah oo labada gole ee Baarlamaanka Fe daraalka Soomaa liya isugu yima ad een xarunta gol aha shacabka ee Villa Hargeysa.
Buuqa ayaa bilaawday kadib markii mudan ayaal ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaan ka Fedara alka ay is hortaag ku sameyeen inuu furmo fadhiga oo uu shir gudd oominaayay guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdull aahi.
Kulankaan buuqa kusoo dhamaa day ayaa ajandaha labada Aqal ay sida wadajirka ah uga doodi lahey een waxa uu ahaa ka doodista akhri nta koowaad ee miisaaniyadda dowladda ee 2024-ka iyo xisaab xirka miisaaniyadda 2022-ka iyo 2023-ka oo la sheegay in Xildhiba anada ay diidanayeen in la isku qabto labada ajande.
Waxaa sidoo kale la tilmaamay in qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka inay dii danayeen in kulankan uu shir guddoomiyo gud doomiyaha Golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mada sha ku sugnaa.
Markii uu sii xoogeystay buuqa fadhiga ayaa waxaa go’aan deg deg ah qaatay guddoomiye Cabdi Xaa shi oo soo xiray kulanka labada Aqal Baarlamaanka.
"Haddii ay arrintu sidaa tahay shirku waa innoo xiran yahay, ball anta dambana waan soo sheegi doo naa” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka oo ka hadlay waxyaabaha keenay kulankaan buu qa kusoo dhamaaday, iyagoona she egay in dooda xoogeedu ka dhala tay kala qaadista labada ajande.
Kulaankaan buuqa kusoo dham aaday ayaa imaanaya, iyadoo Kaf dhiga afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay horyaalaan ajenday aal muhiim oo uu ka mid yahay qorshe dowladda ay ku dooneyso in wax kaga badasho Dastuurka dalka.
Guddoonka Golaha Aqalka sare oo si adag uga hadlay buuqii Dorraad ka dhacay Xaru nta Gola ha Shacabka
War saxafadeed kasoo baxay Golaha aqal ka sare ayaa lagu shee gay in mudanayaasha golaha shac abka ay carqaladeeyeen fadh iga Dorraad, iyagoo si cad u diiday inuu kulankaasi gudoom iyo gudoomi ye Cab di Xaashi.
Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay ineysan qeyb ka aheyn Golaha Aqalka sare rabsha dihii Dorraad hareeyay fadhiga, iya goona dalbaday in xal deg deg ah laga gaaro wixii Dorraad dhacay.
"Waa nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay oo ah dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri warsax afadeedka lasoo baxay Golaha Aqalka sare.
Warkaan kasoo baxay Golaha Aqalka sare ayaa imaanaya, kadib markii Dorraad fadhi wadajir ah oo labada Aqal ku yeelan lahayeen xarunta Villa Hargeysa uu u baaqday buuq la xariiray in Xildhibaa nada qaar ay diidanayeen inuu fadhiga shir guddoomiye guddoomiyaha Aqlka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Taliyaha ciidanka xoogga oo shee gay in xayiraada hubka ee laga qaaday Soomaaliya inay muhiim ad u leedahay sugidda amniga
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay guusha laga gaaray cunaqabateydii Soomaal iya saarneed mudo 31 Sano
S/Gaas Ibraahim Sheekh Mux udiin ayaa ugu horreyntii ugu mahad celiyey madaxda Sa re ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibra ahim Sheekh Muxudiin ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay muh iimad gaar ah u leedah ay in Soomaaliya laga qaado cunaqab ataynta hubka ee saarneed.
Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaram ada Midoobay ayaa ugu codeeyay in cunaqab ateynta hubka laga qaado Soomaaliya, waxaana uu muhimad weyn u leeyahay barnaa mijyada Dowladda Federa alka Soomaaliya ee sugidda amn iga, xasilinta iyo xoojinta dowlad nimada curdanka ah.
Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda ar gagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowl adda Soom aaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah si ay si hufan ula dagaal anto khatarahaas oo ay u
sugto ammaanka xud duudaheeda.
Guddoomiyaha G/Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha D/H/ ee Xamar
Guddoomiyaha G/Bana adirahna Duqa M/ Muqd isho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mad aale) ayaa manta daahfuray shirka hana anka wada shaqeynta waaxa ha Dowladda Hoose ee Xamar, Degmo oyinka iyo Deegaa nada Gobolka Banaadir.
Furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xige enka Amniga iyo Siyaasada Maa mulka G obolka Banaadir Md. Maxa med Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrima ha Bulshada Maamulka Gobolka Bana adir Cabdicasiis Cismaan Maxamed, iyada oo ma dasha uu shirkan ka dhacayay lagu soo ba ndhigay warbixina la xariira muhiimada uu han aankan u lee yahay dardarg alinta iyo hufn aan ta howlaha lagu horumarinayo bilicda Caasima dda iyo adeegyada aas aasiga ah ee loo baah an yahay in la gaarsiiyo bulshada Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Bana adir ahna Duqa Magaalada Muqd isho Md.Yuusuf Xuse en Jimca ale (Madaale) ayaa ku dardaarmay in mas’uuliyad gaar ah la iska saaro ilaalinta, qorista iyo ku hadalka afkeena hooyo, isaga oo sidoo kale sheegay in cidkaste lagula xisaabt ami doono shaqada loo igmaday.
Agaasimaha Nabad Sugidda Qar anka oo soo dhaweeyay Cunaqa bateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya
Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Md.Mahad Mohamed Salaad ayaa Soo dhaweeyay go’a anka Golaha Amaanka Qaram ada Midoobay ay kaga qaadeen dalkeena Cunaqabataynta Hubka oo muddo dheer saarnayd.
Agaasimaha NISA oo dare ensan baaxadda culeyska ay xay-iraaddani ku heysay horu marka ciidan iyo midka amni ee Soomaaliya ayaa yiri”Go’aankan waxa uu ku soo aaday waqti aad muhiim noogu ah dal ahaan iyo dad ahaan maadaama aan ku jirno dagaal aan dalka uga cirib-tireyno Khawaa rijta, iyo sidoo kale dadaal aan ku dhiseyno cii dan ku filan amniga guud ee dalka, heysta-na hub dhammeystiran oo dammaanad qaadi kara amniga dalka iyo dadka”.
Mahad Salaad, Agaasimaha NISA ayaa si doo kale uga ma-hadceliyay Madaxweynaha JFS, Ra’isul Wasaaraha XFS iyo dhammaan masuuliyiinta kale ee Dowladda kaalin-ta mu hiimka ah ee ay ka qaateen in la gaaro guusha an taariikhiga ah.
Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakame ynta Qulqulka Hubka Shar ci-Darrada ah oo soo dhaweey say Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya
Lataliyaha Madaxweynaha Jamh uuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xak ameynta Qulq ulka Hubka Shar ci-Darrada ah Marwo Mako Ma xamuud Muuse ayaa soo dhaw eysay in Soo maaliya laga qaado cunaqateynta hubka ee muda da dheer saarne yd. Waxa ay Lataliye Makko shee gtay in Dowl adda ay dadaal badan ku bixisay si guushan loo gaaro islamarkana ay faa’ido badan u leedahay Soomaaliya iyada oo tilmaamtay in hadda wixii ka damb eeya ay kordhi doonto awoodda ciidamada qalabka sida.
"Ka qaadista cunaqabateynta hubka waxey qeyb weyn ka doon doontaa xorreynta degaan nada Kha waariijta ay ku suganyihiin iyo in guud ahaan dalka oo dhan laga sife eyo Argagi xisada iyo inaan si heer sare ah u qalabeyno ciidanke ena xoogga dalka oo xudeedaheena aan ilaashano” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay.
Xildhibaan C/samad oo beeniyay in gurigiisa lagu weeraray.
Xildhibaan C/Samad Macalin Maxamuud ay aa Dorraad ka hadlay warar la faafiyay oo she egayay in gurigiisa lagu weeraray islamarka ana la isku dayay in la dilo.
Xikdhibaanka ayaa beeniyay in la weeraray gurigiisa,balse wuxuu cadeeyay in shaqaaqo yar oo is faham daro ah uu ku la kulmay wadada maka al-mukarama , markii gaari lagu kaxeynaayay uu ku tagay jag boynti ciidamada sirdoonka ay gaadiidka ku baaraan.
"Ciidamada ayaa gaarigeyga ku amrey inuu safka baarista galo kadibna darawalka ayaa la hadlay una sheegay inay xildhibaano saaran yihiin gaariga kadibna wuxuu nagu amray inaan safka galno,markii darawalkii u dhaqaaqay inuu safka galo ayuu u fahmay inaan carareyno ka
dibna rasaas ayuu nagu furey,qofna wax kuma noqon laakiin muraayada ayay ku dhaceen rasaastii”ayuu yiri Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud.
Xildhibaanka wuxuu intaas ku daray inaa ney jirin cid isaga gaar u bartilmaameeds aneysay balse shilkaasi yar uu dhacay.
"Markii rasaasta lagu dhuftay gaarig eyga waxaa markiiba noo yimid Taliyaha Nabad sug ida Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac oo ari nta lagu wargeliyay,wuxuuan xab siga dhigay askarigii xabadaha nagu riday,wuxuu ii sheeg ay in maxka mad ciidan la soo taagi doon o,runtii waan ku qancay talaabada uu qaa day Taliyaha Nabad sugida Xamar” ayuu mar kale yiri Xildhibaan C/sa mad.
Wafdi uu Hogaaminayo Safiir ka UK ee Soomaaliya oo gaaray M/Garowe
Danjira Dowladda Ingiriiska u qaabilsan So omaaliya Mr. Mike Nithavrianakis ayaa Dorraad oo Sabti ah soo gaaray ca asimadda Puntland ee Gar oowe. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safii rka ku qaabilay xarunta madaxtooyada Garoowe halkaas oo ay ku yee sheen kulan gaar ah oo ku saabsan maareynta khilaafka doorashada Puntland.
Safiirka ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo uu kala hadlay sidii lagu xallin karo muranka siya asadeed ee ka taagan arrimaha doorashada 2024.
Danjire Mike Nithavrianakis ayaa lagu wad aa in uu dhinaca kale la kulmo dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland islamar kaana kala hadlo xal u raadinta xiisadda siyaa sadeed iyo tan amni ee ka aloosan doorash ada. Magaalada Garowe ee Caasim ada Punt land ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jira Xiisad u dhexeysa Madaxda Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah taas oo ka dhal ashay Nuuca doorasho ee Puntland inkasto Isimada Dhaq anka SSC Khaatumo iyo kuwa Punt land ay wadeen dadaalo xal looga gaar ayo Xiisadaas.
Diyaarada Itoobiya Airlines oo mamnuucday bac si weyn looga isticmaalo Soomaaliya
Maamulka shirkadda diyaarada ha ee Itoob iyan Airlines ayaa diyaa radahooda caalamka u kala goosha ka mamnuucay in lasoo saaro bac qaar kamid ah rakaabka diyaarada ay alaabaha ku qaataan .
Bacdan diyaarada Itoobiya Airl ines laga mamnuucay ayaa si weyn looga isticmaa laa gudaha Soomaal iya, waxaana bacdan dadka qaar u isticmaala an sida boorsada iyaga oo dharka iyo alaabaha kalaba ku rita. Dalka Nageria ayey bacdan si weyn uga soo caan baxday, waxa ayna aheyd xilli dalkaasi laga tarxiila yay muhaajiriin u dha shay dalka Ghana, kuwaa oo markii ay sii baxa yeen alaabahooda ku qaatay bahcadasai weyn.
Shirkadda diyaaradaha ee itoobi ya ayaa sheegtay in bacdaan ay saameyn ku yeelato qalabka garo omada diyaaradaha, waxa ayna shirkaddu sheegtay in bacdaan la isticmaali karo hadii lagu sii dhex rido kartoon ama qolof kale oo adag.
Madaxweyne reer Galbeed ah oo xal u raadinaya dagaalka u dhax eeya Xamaas iyo Israa’iil
Madaxweynaha Faransiiska Em manuel Macron oo ka hadlayay shir madaxeedka isbad alka cimilada ee COP28 ayaa she egay in uu u safri doono dalka Qatar si uu u raadiyo xa bad joojin cusub oo dhexmarta Isr aa’iil iyo Xamaas.
"Xaaladdani waxay u baah an tahay in la labanlaabo dad aallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad joo jin waarta iyo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Xam aas.
"Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka Qaza gargaarka ay sida degde gga ah ugu baahan yihiin.”
Macron waxa uu sheegay in ujeeddada Isr aa’iil ee burburinta guud ee Xamaas ay u baa han tahay in la caddeeyo "sababtoo ah waxa ay keeni kartaa "toban sano oo dagaal ah”.
Hadalka makron ayaa kusoo aadaya iyadoo ergadii Israa’iil u qaabilsanayd wadahadalka lagu amray inay iskaga yimaadaan dalka Qatar oo ahaa dhexdhexaadiyaha Xamaas iyo Israa’iil. Inkasta oo aan weli laga raja dhigin Ha ddana sidaas waxaa ku soo afjarmay deda alladii u dambe eyay ee lagu doonayey in lagu kordh iyo xabbad joojinta ku ekeyd jumcihii.
Midowga Afrika oo shaaciyay inuu bilaab anayo dhameystirka wajiga 2-aad ee dhimista ATMIS
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa shaaciyay in how lgalka ATMIS uu dib u bilaabi doono soo gabag abeynta wejiga 2 ee dhimista 3000 oo askari marka la gaaro 31ka Diseembar 2023.
Ergayga lagu magacaabo Souef Mohamed El-Amine, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku wareejin doono ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, 8 xarumood oo baro ciidan ah.
Wakiilka Midogwa Afrika ee Soomaaliya ah na madaxa ATMIS ayaa uga mahad celiyay madaxwe ynaha Soomaaliya taageeradiisa iyo iskaashigiisa, isagoo sheegay in ay ka go'an tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Ka hor inta aan la gaarin dham maadka bisha December, dowladda Soomaaliya, Mido wga Afrika iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa wada yeelan doona kulan saddex geesood ah, oo looga tashandoono dha meystirka dhimista wajiga 2aad ee ATMIS.
Dhawaan ayay ahayd markii uu golaha am maanka uu ogolaaday in muddo saddex bilood ah dib loo dhigo bixitaanka wajiga labaad ee ATMIS, kaas oo qorshuhu ahaa in lasoo gaba gabeeyo bishii September ee lasoo dhaafay.
Hay’adda Maareynta Musiiboyin ka oo deeq raashin ah kala ware egtay Hay’adda bisha Cas Turkiga
Hay’adda Maareynta Musiibo oyinka Qar anka ayaa Dorraad shixnad gargaar ah kala wareegtay Hay’adda bisha Cas Tu rkiga kaas oo loogu talagalay dadka ay sameenta ka soo gaartay daadadka roobka. Deeqdaan oo ka koobneyd qeybaha kala duwan ee rashiinka ayaa goobta lagu wareejin ayay waxaa ku sugnaa Guddoomiye ku xige enka Hay’adda Maareynta Musii booyinka Qar anka Axmed Cabdi Aadan oo la wareegay deeq daan rashiinka ah ayaa uga mahad cel iyay Hay’adda bisha Cas Turkiga, isagoo shee gay in deeqa la gaarsiin doonno qoysaska ay daadadka iyo fatahaadu samee ysay.
Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaar siiyo shacabka Soomaaliy eed ee ku nool dee gaankaas iyo deeganada ku dhaw kuwaas oo sameen ay ka soo gaartay daad adka El-Niño iyo fatahaada Wabbiga Shabeelle.
Ciidamadda badda Puntland oo bilaabay Hawlgallo lagula dagaala myo Burcad badeedda
Ciidamada badda Puntland, ayaa xoojiyey howlgallada xeebaha ee degaanada maamul kaas, ka dib markii kooxaha burcad badeedu ay bilaabeen weeraro ay ku qafaalanay aan do onyaha kalluuma ysiga iyo maraakiibta gana csiga.
Taliyaha ciidanka badda Puntl and Cabdulla ahi Maxamed Axmed oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP, ayaa u sheegay in ay laba jib aareen howlgallada ka socda xeebaha ee ka dhanka ah kooxaha burcad badeedda. Dawlad goboleedka Puntland kaligeed ayay ku tahay dadaalkan amni. Ma jirto wax gargaar ah oo ka yimid Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaa liya, Midowga Yurub ama wax gargaar caalami ah. Laakiin waxaan sameyneynaa intii karaan keena ah,” ayuu yiri taliyaha ciidanka badda Puntland.
Arintaan ayaa kusoo aadeysa , iyadoo dha waan koox burcad bad eed ah ay xeebaha Eyl ka afduub teen dooni kalluumaysi oo laga lahaa dalka Iiraan. Burcad badeedu waxay dalbadeen lacago madax furasho ah oo dhan $400,000
Burcad badeeda ayaa isku dayay in ay baxsadaan iyaga oo isticma alaya doomo dhee reeya balse waa ay is dhiibeen kadib markii uu baac saday markabka bur buriyaha Mareykan ka ee USS Mason, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mar eykanka.
Kheyre oo DF u diray farriin culus oo ku aadan ciidamada
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xas an Cali Kheyre oo qoraal ka soo saaray go’a ankii cunaqabateynta hubka looga qaaday dowladda Soomaaliya, ayaa dowladda federa alka Soomaaliya u diray baaq ku aadan hubka iyo ciidamada qaranka.
Kheyre ayaa sheegay in go’aankaas uu Soomaaliya u horseedayo isku filaasho amni oo caalamka ay wax kula qeybsa karto.
"Hambalyo Soomaaliya oo Golaha Amaanka Qaramada Midd oobay ka qaaday cunaqabatey nta hubka, si Soomaaliya awood ugu yeelato iney amnigeeda gudaha, kan gobolka iyo caal amkaba ugu filnaato,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay sii wado qorshaheeda hagaajinta hay’ad aha amniga. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay inay xaqi ijiso xakameynta hubka iyo saadka ciidamada, si aysan u gelin gacan argagixiso.
Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale dowlad da ku adkeeyey inay muhiim tahay in ciidam ada qaranka loo dhameystiro xuquuqdooda.
"Waxaa Dowladda Soomaaliya waajib ku ah in ay sii waddo dardargelinta hagaajinta hay’ad aha amniga iyo adkeynta habraacyada xakam eynta hubka iyo saadka si loo xaqiijiyo gacan ku haynta guusha la gaaray, sidoo kalena waa lagama maarmaan in xuquuqaha kale ee ciida nkeena qof iyo qoysba la kaamilo,” ayuu qoraal kiisa ku yiri Kheyre.
Golaha Ammaanka ee Qara nada Midoobe ayaa saqdii dhexe ee Habeen hore u codeeyey in Soom aaliya laga qaado cunaqabateyntii hu bka ee saareyd 31-ka sano, wax ayna dow ladda Soomaaliya hadda kadib awood u leedah ay inay nooc kasta oo hub ah soo iib sato.
Nin Moos ku dhex beeray ‘bartan ka waddo laami ah iyo dowladda oo ku dhegan
Mooska ku abuuray bartamaha laami weyn oo ay baabuu rtu adeegsadaan. Dadka ku nool Kurume City ayaa ku baraarugay natiijada geedo waaweyn oo labadii sannadood ee lasoo dhaafay uu waraabinayay ninkan kuwaas oo u baxaya si aan kaliya qurux ahayn balse mira-dhal ah. Ninkan oo 50 jir lagu sheegay – balse aan magaciisa la aqoon – waxay dowladda hoo se ee Kurume ku wargelisay inuu ka jaro gee daha mooska oo uu muddo labo sanno ah wara abi nayay. Lamase yaqaan, sababta uu ninkan ku doortay inuu bartamaha laamiga ku beero geedo.
Waxaase taas beddelkeeda – inta uusan ja rin kahor – ay soo jiiteen indhaha dalxiisay aasha. Waxaase dowladda oo ku adkaysa nay sa go’aankeeda ay ganaax ahaan ka rabi doon taa adduun dhan 500,000 yen ($3,350) haddii uusan jarin geedahaas!
"Waxaan dareemayaa kelinim ad geedaha yga la’aantood,” ayuu u sheegay warbaahinta isaga oo jaraya.
Saxaafadda ayaa ku baxday sheekadiisa ka dib markii ficilkiisu uu hadalheyn qaran ka noqday dalka Japan. Waxaa la arkayaa isaga oo cunaya mid kamid ah mooska oo ceyriin ah!
Soomaaliland oo Walaac ka muu jisay cun uqabateynta Hubka ee laga qaaday Soomaa liya
War-saxaafadeed ka soo baxay Soomaali land ayay uga soo horjeesatay cuna qabtayn ta hubka ee laga qaaday Soomaaliya
War saxaafadeedka ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliland walaac xo oggan ka muujineysoisla markaana si weyn uga soo horjeeddocuna qabatayn ta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qar amada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992).
Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mand aqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caal amka. Dagaalladii arxan darrada ahaa ee daw laddii Dhexe ee Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo.
Soomaaliland, waxa ay u soo jeedinaysaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hub ka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gac anta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliya dda hubka ayaa lagu yiri warsaxaa fadeedka .
Ugu dambeeyntii Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso dalalka gobolka iyo bulshada caa lamka dhinaca ammanka, isla mar kaana qayb ka qaadato arrimaha khatarta amni ku ah xasillonida iyo deganaanshaha gobolka ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay JSL
SIDEE WADAADKAAN SOOMA LIGA AH UU 7 JEER QURAAN KA OO DHAN GACANTIISA UGU QORAY?
Sheekh Maxamed
XIGASHADA SAWIRKA,BBC / SHEEKH MAXAMED
Sheekh Maxamed Cabdullahi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa todobo jeer gacantiisa ku qoray 114 ka suuradood ee quraanka.
Soddon iyo afar sano oo noloshiisa ah ayuu sheegay inay ka qaadatay qorista quraanka isaga oo la hadlay BBC da.Wuxuu xusay inuu sii wadi doono hawshaan.
Markii ugu horeysay ee uu bilaabo waxay ahayd sanadkii 1989 kii isaga oo labaatan jir ah. Xilligaas wuxuu sheegay inay yaraaeen kitaabada la heli aray ee dadku ka aqerisan kareen quraanka.
Kitaabka quraanka ee qiraa'ada loo yaqaano 'Abi Camrah' ayuu sheegay in si gooni ah uu xilligaas ugu yaraa dalka Soomaaliya.
Kitaabka uu qoray Sheekh Maxamed
XIGASHADA SAWIRKA, BBC / SHEEKH MAXAMED
Qoraalka sawirka, Sheekh Maxamed wuxuu sheegay in farta uu isagu qoray, balse shar raxaada lagu sameeyay barnaamij kumbiyuutar.
Soomaaliya ayay dhaqanka ka mid tahay in caruurta da'yaraan lagu geeyo dugsiyada quraanka, waxaa na sidoo kale dhaqan ah in badan kood la xifdisiiyo quraanka.
"Kitaabka Xafsaha iyo Camaraha labadaba waa xifidisanahay. Taas ayaana ii fududeeyay in aan qoro quraanka," ayuu BBC u sheegay Sheekh Maxamed Cabdullahi.
Billowgii hore ayuu sheegay in uu u isticmaali jiray qorista kitaabka Xabaga geedaha laga soo guro iyo warqado madam xilgaas ay yareeda helida qalimada casriga ah hada uu isticmalo qalin caadi.
Xilligii uu bilaabayay qorista quraanka ayuu sheegay in aysan jirin buugaagta iyo qalimada casriga ee hadda meel walba laga helo. Wuxuu sheegay inuu ku bilaabay qoraalka, warqado uu soo uruuriyay iyo qadka uu ka qooshay xabagta geedaha ka baxa miyyiga Soomaaliya.
"Sadexdii kitaab ee ugu horeey say waxaan ku qoray xabagta geed aha basle afartii ka danbeeysay qalin caadi ah ayaan isticmaalay” ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Maxamed.
Muddo intee leg ayuu ku qoray kitaab kasta?
Maxamed wuxuu sheegay inaysan sahlaneyn qorista guud ahaan suuradaha iyo aayadaha quraanka. Sababtoo ah in aad iska ilaaliso in aad qalad qorto ayaa ka dhigaysa mid aan fududayn. Balse ka go' naashihiisa ay u suuragalisay inuu dhameystiro qorista quraanka. "Kitaabkii ugu danbeyay ayaa ugu waqti dheeraa. Siddeed bilood ayuu igu qaatay in aan qoro, balse kuwa kale waa ay ka yaraayeen oo sadex bilood afar bilood ayay igu qaateen aniga oo waliba aad uga taxadaray dhamaadka ilaa billowga”. ayuu yiri Sheekh Maxamed.
Bulshada ayuu sheegay in ay aad u jecel yihiin kitaabada uu qoray oo ay ka codsadaan mar walba isaga oo dhanka kalana xusay in aysan jirin wax culeeysa ah oo ku qabo oo alle u fududeeyay.
"Dadka aad ayay ugu farxaan marka ay arkan Kitaabka 144-ka boqolka oo gacan lagu qoray aad ayay iigu hambaleyeeyaan”.
Sheekh Maxamed
XIGASHADA SAWIRKA,BBC / SHEEKH MAXAMED
Xagee ayuu geeyay Kitaabadii uu qoray?
Sheekh Maxamed waxaa uu sheegay in kitaabki ugu horeeyay ee uu qoray uu geeyay dugsigii qura anka lagu soo baray oo arday badan ay ka aflaxeen, halka kii labaadna uu ku gubtay dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho.
"Kitaabadii aan qoray qaar badan oo ka mid ah aniga ayaan haya oo waa la heli karaa", ayuu BBC u sheegay Sheekh Maxamed.
Shanta kitaab ee kale ayuu sheegay in qaar ka mid ah uu isagu gacanta ku hayo kuwa kalana uu siiyay bulsho ka dalbaday oo uu u qoray.
Waa kuma Sheekh Maxamed Cabdullahi
Sanadkii 1970 kii ayuu sheegay in uu ku dhashay magalada Muqdisho.
Quraanka ayuu ka bilaabay dugsi Quraan oo ku yaal dagamada Warsheekh ee Gobolka Shabelaha dhexe isaga oo markii danbe ka dhameyay dugsi kale oo ku yaal magalada Muqdisho.
Waa aabe leh todoba caruur ah iyo laba xaas - ilmahiisa ayuu sheeg ay inuu u horssedayo wadadii uu ku soo barbaaray ee barashada quraan ka kariimka ah.
Sheekh Maxamed wuxuu sheegay inuu haatan ka shaqeeyo diyactirista kitaabada quraanka, halkaas oo ka soo saarto nolol meedkiisa.
Laga soo bilaabo caruurnim adiisa iyo hadda ayuu noqday qof u go'ay diinta iyo quraanka, masaa jidda iyo dusiyada quraanka.
Mustaqablka ayuu tilmaamay in uu jecel yahay in uu sii wado qorista Quraanka kariimka ah inta uu nool yahay.
"waxa gacanta lagu qoro aduunka kitaabka Quraanka ah ayaa ugu muhiimsan oo aakhiro iyo aduunba waa lagu liibaanaya marka anigu waa sii wadi doona in aan qoro hadii aan awoodo u helo”, ayuu yiri Sheekh Maxamed.
XIGASHO:-BBC
Muxuu yahay qorshaha Israa’iil ka dama csan tahay Gaza Dagaalka socda kadib?
Israa’iil ayaa ku wargelisay dhowr waddan oo Carbeed inay doonayso inay ka abuurto aag difaac ah dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weerarrada mustaqbalka taasoo qayb ka ah soo jeedinta go’doomin teeda kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masar iyo gobolka ah u sheegeen Reuters,
Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israa’iil wax ay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, kaas oo caadi ka dhigay xiriirkii Israa’iil sannadkii 2020.
Waxa kale oo ay sheegeen in Sucuudiga oo aan xiriir la lahayn Israa’iil oo joojiyey hab-raacii caadiga ahaa ee uu Maraykanku dhexdhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza bilowday 7-dii Oktoobar lagu wargeliyey qorshaha Israa’iil.
Ilo-wareedyada ma aysan sheegin sida ay xogtani ku gaartay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xiriir toos ah oo ay la leedahay Israa’iil. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan.
Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza must aqbalka waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israel ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah mag aalooyinka Gaza. Xamaas waxay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii Oct. 7 waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof.
Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arri ntan.
Dibad baxe carreysan oo isku hor gubay Qunsuliyad Israa’iil ku leedahay Mareykanka
Qof ka carreysan tacadiyada ciidamada Israa’iil ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin ayaa dab isku qabadsiiyay bannaan ka qunsuliyad Israa’iil ku leedahay gobolka Georgia ee dalka Mareykan ka.
Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in qofkan is gubay oon la aqoosan rag iyo dumar waxa uu yahay uu watay calanka Falastiin, waxa uuna qofkan oo patrol isku soo shubay isku gubay bannaanka qusuliyada Israa’iil.
War kasoo baxay booliiska ayey ku sheegay in bannaan-baxa ka dhacay bannaanka qunsuliyada Isr aa’iil uu ahaa mid siyaasadeed oo xagjir ah, waxa ayna ka digeen dibad baxyada nuucaan ah.
Qofka is gubay ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad adag oo lala taca alayao, waxaa sidoo kale dabkan dhaawac lug iyo gacan ah uu kasoo gaaray sargaal katirsan booliiska gobolka Georgia , xilli uu u gurm anayay ninka is gubay
SHINNI DHAQDE XIGASHADA SAWIRKA,MAXAMED DHICIS
Qoraalka sawirka, Maxamed Dhicis Cabdi
Wuxuu ka soo jeedaa qoys beer alley ah oo deggan gobolka Hiiraan, maaddaama uu yaqaannay arrim aha beeraha wuxuu jaamacada ku qaatay aqoonta beeraha oo heerki iska kowaad ku qaatay Jaamacadda Hiiraan oo ku taal magaalada Beledweyne.
Maxamed Dhicis Cabdi waxaa uu markii uu jaamacadda dhammeeyay la kulmay shaqo la'aan, sida BBC-da uu u sheegay, wuxuu hindisay inuu helo fursad shaqo oo uu ku maareeyo noloshiisa maaddaama uu shaqo ku waayey wixii uu bartay.
"Waxaa dareemi kartaa in shaqooyinka ay iska yihiin garab taabasho taas ayaa igu kalliftay inaan ku mashquulo inaan ka fakaro inaan abuuro wax aan xilligaas aqoon u lahayn, balse iila muuqday fursad haddii ay ii hirgasho ii noqon karto mid wanaagsan” ayuu yiri.
Wuxuu sanadkii 2021-kii bilaabay sidii uu u abuuri lahaa fursadan u noqotay mid guulaysatay isagoo BBC-da u sheegay in caqabado adag ay ka horyimaadeen balse uu u adkaystay
Bartamihii sanadkaas ayuu u baxay beer ku taala banaanka Baladweyne oo qiyaas ahaan u jirtay magaalada 5km si uu u raadiyo shinni uu dhaqdo oo ah markii ugu horreysay ee uu u dhaqaaqay inuu dhaqan galiyo hammigiisa.
"Beerta ayaan tagay xilli aroor ah, waxaan helay boqoraddii shinnida waxayna igu qaadatay labo saacad ood, waaan soo qabtay, siddeed bilood ayey igu qaadatay inaan hormariyo oo malab ka same eyo, way i qaniintay xitaa xanuun aan ka qaaday oo xasaasi yad igu kicisay, waase u dhabar adaygay” ayuu yiri Maxamed.
Wuxuu xusay in dadku u arkay een qof aan fiyoobayn sababtoo ah way adkayd in la sam eeyo dhaqa shada shinnida ‘waxay igu dhah een maxay shinnidu kuu qanini wayday waxaad isticmaalaysaa sixir’ sabab too ah waan bartay dhaqashadeeda laakiin wali la yaab ayey dadka dee gaanka ku ahayd.
Bilowgii wuxuu sheegay inay u muuqatay inuu guul ka gaari karo waayo baahida ah in la helo malab saafiya oo ka jirtay deegaankiisa iyo dalkaba iyo fursada dhaqashada oo yarayd owgeed.
Sidee loo dhaqaa shinnida?
DHAQASHADA SHINNIDA
Qoraalka sawirka, Beer lagu dhaqo Shinnida
Maxamed Dhicis wuxuu sheegay in sida xoo laha loo dhaqo aysan wax badan ka duwa nayn qaabka loo dhaqo shinnida marla la eego sida loo xannaaneeyo. "Waxaa loo raraa sida xoolaha loo raro, sidoo kale waxa loo naq geeyaa sida xoolaha oo kale, xilliyada jiilaalka waxaa la siiyaa waxay cunto, haddii roob meel ka da’o meeshaas ayaa la geeyaa” ayuu yiri Maxamed.
Wuxuu sidoo kale sheegay in meelo badan loo rari karo oo deegaanka lagu bilaabay laga qaadi karo.
Hadda waxaan geynaa meelaha keymaha si aan ugu fogayno fatahaadaha ku dhufta Baladweyn waxana ku haynaa ilaa saddex xarumood oo ku dhaqno.
Hammigiisii hirglay
Shinni dhaqde
XIGASHADA SAWIRKA,MOHAMED DHICIS
Qoraalka sawirka, Maxamed Dhicis Cabdi
Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed fikirkii ka dhashay shaqalo la'aanta ayuu ku helay fursad weyn oo ku dhalisay inuu abuuro shirkad soo saarta malab loo iibgeeyo dalka oo dhan
"Markii aan hirgaliyey, filashada ydii waxaan helay saaxiibbo igula soo biiray inaan xoojinno dhaqa shada shinnida, waxayna noqotay kuwo saami wadaaga, hadda waxan noqonnay shirkad weyn oo xarumo ku leh Baladweyne iyo Muqdisho kuna tala jirnaa inaan dhawaan xarun ka furno Garoowe” ayuu yiri Maxamed.
Saddex xarumood ayuu sheegay inay hadda leeyihiin oo ay midkiiba yaalaan 50 sanduuq oo lagu xanaaneeyo Shinnida taas oo ka dhigay inay wadar ahaan haystaan 150 sanduuq oo ay shinni ku jirto.
Maxamed wuxuu xusay in shirkaddooda la yihiraan Hiiraan Honey Company taas oo soo saarta malab loo qaybiyo Soomaaliya sidoo kalana loo dhoofiyo dibadda.
"Xilliyada ayaa kala duwan laakiin wax soo saarkeenna malabku waa mid sarreeya, tusa ale ahaan waxaan soo saarnaa ilaa soddon jirgaan oo malab ah halkii jirgaan waxaa ku jira 20 liitar oo malab ah,waa ilaaa 600 liter oo malab ah ayaan soo saarnaa” ayuu yiri.
Maxay tahay Boqoradda Shinnida sideese loo qabtaa?
SAWIRKA,MAXAMED DHICIS
Boqarada waa mida Madaxa jaalaha leh wayna ka weyn tahay Shinnida kale Shinnidu waxay u dhisan tahay sida boqortooyo oo kale, waxay leedahay hab maamuus isku xiran oo kala danbayn leh.
Sida BBC-da u sheegay Maxamed Dhicis Cabdi oo dhaqda Shinnida waxay ka kooban tahay saddex nooc oo kala ah boqoradda, shaqaalaha iyo droneska.
Boqoraddu waxay leedahay masuuliyada ugu weyn oo ah isku haynta Shinnida,taranka iyo ilaalineeda. Boqoradu waa ka weyn tahay inta kale ee Shinida muuqaal ahaan.
Kuwa loo yaqaan droneska waa kuwa dhaddigga ah ee an ka fogaan aagga boqoradda, halka kuwa shaqaalaha la yiraahdo ay u xilsaaran yihiin inay ubaxa ka soo qaadaan geedaha iyo biyaha.
"Qabashada boqorada waa halista ugu weyn ee aad wajahayso,markiiba waxaa ku qabsanaya weerar adag oo ay ilaaladeedu soo qaadayaan, hadii adan u diyaar sanayn oo dharka laga xirto qabin waaba ku dili karaan isla markiiba, laakiin marka boqorada la qabo waxay diraysaa fariin ah in aan la dagaalamin oo iyadii gacanta lagu dhigay wixii ka danbeeya waa sahal inaa dhaqato ama malabka ka gurato” ayuu BBC-da u sheegay Maxamed.
Shirkadiisa ayuu sheegay inay hadda leedahay gawaari iyo mootooyin malabka ka keena beerta Shinnida lagu dhaqo oo maagalada Baladweyn keena iyo shaqaale ka badan toban oo u shaqeeya.
Hadda shirkadiisa waa mid wa soo saar leh balse wuxuu sheegay in mar uu waayey wuxuu mobile ku shubto taasna ku xanbaartay inuu fikirkan ka dhabeeyo.
Halista shinnida
Xili kasta waa halis shinnidu, qabashadeeda ama dhaqashadeeda, taxadarka iyo barashadeeda ayaa ku sahli karta inaa faa’iidadeeda si fiican u hesho.
Maxamed oo muddo saddex sano ah dhaqanayey shinnida wuxuu sheegay in dadka an u helin tababar ay halis weyn gaarsiin karto Shinidu.
"Qaadashada qalabka laysaga difaaco ayaa ah mudnanta kowaad,qofka doonayanaya waa inuu marka hore naftiisa ka taxadaraaa waayo waa dilaa halis badan oo haddana faa’iido leh” ayuu yiri Maxamed
Wuxuu xusay in wali ay yartahay in fursadan si furan looga faa’iidayso oo uu ku talinayo in laga faa'iidaysto gaar ahaan dhalinyaradda.
Gunaanadkii wuxuu Maxamed Dhicis BBC-da u sheegay inuu rajaynayo in malabkiisu ka mid noqdo kuwa kaalimaha hore ka gala dunida taasna ay tahay hammigiisa xiga ee uu ku howlan yahay. XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA DICEMBAR 2023-KA
..