Daawo: Cali Maxamed Geedi oo shaaciyay arrin caqabad weyn ku ah dowlad dhiska

0
Tuesday November 28, 2023 - 08:20:10 in Wararka by
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Cali Maxamed Geedi oo shaaciyay arrin caqabad weyn ku ah dowlad dhiska

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa shaaciyay in Dastuurka KMG ah uu caqabad weyn ku yahay dhismaha qarannimada.

Cali Geedi oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka, ayaa soo dhoweeyay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, lana dhameystiro, maadaama uu muhiim u yahay dowlad dhiska Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

"Caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystir, imisa sanno ayaa dowlad dhis Soomaali lagu jiraa, intaas oo sano ayuu kumeel-gaar ahaa, caqabad kale ma jirto waa dastuurka,” ayuu yiri Cali Geedi.

 Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka KMG ay inta badan qoddobadiisa iska hor imaanayaan, taasi oo caqabad ku noqotay in la dhameystiro dowladnimada Soomaaliya.

"Dastuurka qoddobadiisa iska hor imaanayan weeyi caqabad kale ma jirto, oo dowladihii oo dhan madaxa iyo mijaha la isku galiyay, marka waan jeclaan lahaa in wax laga beddelo, lana dhameystiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Geedi.

Sidoo kale waxa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah uga howl-galaan arrintaan, si dastuurka uu uga baxo kumeel-gaarka.

 

 

"Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka 11-aad ee Labada Aqal inay ku deg-degaan oo dastuurka ka saaran kumeel-gaarnimada oo dhameystiraan, si umadda Soomaaliyeed dhibaatada uga baxdo. Waxaana la gudboon Xildhibaanada iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaan in ay fahmaan in caqabada hortaagan in dowlad dhiska Soomaaliya la dhameystiro dastuurka waaye, marka waa inay maslaxada umadda Soomaaliyeed fiiriyaan.”

Waxa uu intaas kusii daraya "Dastuurka Qur’aan ma ahan, marwalba wuxuu la saan qaadaya danaha shacabkaas iska leh waana la beddela. Maanta in qodob la beddelo ayaa loo baahanaya, berri in la beddelo loo baahanayaa, marka waa in maslaxada umadda Soomaaliyeed lagu saleeyo, oo waa in la saxo dastuurka.”

 

Hadalka Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay dowladda Xasan qorsheynayso in Baarlamaanka la horgeeyo wax ka beddelka Dastuurka, si loo waafajiyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May ee sanadkaan.

Daawo: Cali Maxamed Geedi oo shaaciyay arrin caqabad weyn ku ah dowlad dhiska


Hoos ka daawo muqaalka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip