Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey Ciyaaraha CECAFA (Sawirro)

0
Tuesday November 28, 2023 - 15:20:10 in Wararka by
  • Visits: 1717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey Ciyaaraha CECAFA (Sawirro)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18-jirada ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka CECAFA U18.

Xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybteedii hore gool iyo waxba ku hogaamiyay. Waxaa hogaanka ciyaarta u dhiibay ciyaaryahan Idiris Maxamed Bilaal.

Kolkii la iskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa awooda ciyaarta iyo hogaankeedaba sii watay xulka Qaranka Soomaaliya, iyadoo la yimid labo gool hor leh,waxaana shabaqa soo taabtay ciyaaryahanada kala ah Mahad Shiine iyo Maxamed Gaabow.

Soomaaliya ayaa sidaas sadex dhibcood kaga qaadatay xulka Sudan, waxa ayna kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta group A ,halka hogamiyayasha group ay yihiin xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Soomaaliya waxa u haray hal kulan oo ay waji doonaan maalinka jimcaha xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka hadii ay ka badiyaana waxa ay sidaas ugu gudbi doonaan Semi Final-ka koobka CECAFA ee da’da 18 sano ka yar.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka Qarankeena oo sadex gool iyo waxba ( 3-0) kaga adkaaday xulka Qaranka Sudan.

LIVE: SOMALIA VS SUDAN CECAFA UNDER 18

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip