HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 28-KA NOV. 2023-KA

0
Tuesday November 28, 2023 - 08:32:22 in Wararka by
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 28-KA NOV. 2023-KA

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Madaxweynaha JFS oo furay shirka hann aanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya

Madaweynaha JFS Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dorraad si rasmi ah u furay shirka ha nnaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaa liya ee 2060-ka. Shirkan oo soo qab an-qaab iyay Golaha Dhaqaalaha Qaran ka, socon doonana muddo 2 maalin ah ayaa wax aa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socota DFS, dowladaha xubnaha ka ah iyo saaxiibada bee sha caalamka ee sida gaarka ah u taageero Soomaaliya.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliy eed, Madaxda dalka in ay ka shaqeeyaan dan ta guud si Soomaaliya uga hormato meesha ay taagan tahay.

"Waxaan farayaa golaha dhaqa alaha qara nka inuu noqdo horumarinta hiigsiga qarniga iyo inay si dhow ula shaqeeyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso sida Wasiirada, hay’ adaha DFS,dawladdaha xubnaha ka ah federa alka, ururada bulshada rayidka ah, ururada gan acsiga gaarka ah, iyo saxiibadeena calamiga ah,” sida uu yiri Madaxweynaha JFSoomaaliya.

Inta socdo shirka hannaanka diyaarinta hiigs iga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka, ayaa la filayaa in dhacaan doodo u badan sida lagu ga ari karo 2060-ka Soomaaliya oo dhaqaalo aha an isku fillan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kismaa yo ka daah furay saddex mashruuc

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ay aa M/Kismaayo ku daah furay saddex ma shr uuc oo la xiriira xalka-waara iyo yareynta sabo olnimada oo laga hirgelinayo deegaannada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Saddexda mashruuc ee Dorraad la daah-furay oo kala ah; XALDOON, NEGAAD iyo S EPOW, ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto saameynta uu isbeddelka cimilladu ku y eeshay baracayaasha ku nool Soomaaliya, La-qabsiga Isbeddelka Cimillada ee dadka ku dha qan Dooxada Wabiga Shabeelle ee uu saamee yay barakaca iyo xoojinta ka qeyb-qaadashada Horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Dumarka Jubaland.

R/Wasaaraha ayaa u mahadceliyey hey’ada ha iyo dowladaha mashaariicdani ka taageer aya Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay xaal adda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee El-nino.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay mu hiimadda ay leedahay in la xoojiyo barmaanij yada xalka waara u noqon kara dhibaatooyinka soo noq-noqda ee dalkeenna saameeya. Munaasabadda daah-furka masharii cda, ay aa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Md. Axmed Maxamed Islaam, Wasii rro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Was iirro ka socday Dowlad-goboleedka K/ Galbeed, Danjiraha Midowga Yurub iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.

Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo diiradda lagu saaray fatahaadaha ka jira dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla maanka Jamhuuriyadda Federa alka Soomaal iya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo be) oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen, ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 1-aad ee Golaha Sha cabka.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa ka-doodida xa alada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, roob abka ka da’ay gobolada dalk a. Koor amka kullanka Dorraad oo ahaa 143 Mdane ayaa waxay xildhibaannada si weyn uga hadleen, degaan doorasha dooda, iyago ona Golaha ho rtooda ka she egay in hay’a daha ku shaq ada leh arrim aha samafalka ku dadaalaan sidii gargaar deg deg ah loo gaa rsiin lahaa. Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFSoomaaliya ayaa soo jeediyey in muhiima da 1aad la siiyo badba adinta shacabka isla-ma rkaana lagaars iiyo adeegyada asaasiga ee deg dega ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Md .Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta arbacada la isku soo laabto si loo sii amba qaado soo jeedintaxildhibaa nada si go’ aan looga soo saaro.

R/Wasaare Xamsa oo kormee ray qeybaha kala duwan ee Isbitaa lka guud ee M/Kism aayo

R/Wasaaraha XFS Md/xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbita alka guud ee magaalada Kismaayo.

Waxa uu Ra’iisul Wa saaruhu warbix inno ku saabsan xaaladda caaf imaad ka dhageystay dhakhaatiirta oo la wada agay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foods aaray dadka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka XFS in wax laga qabto adeeg yada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee ma gaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudur rada ka dhasha biyaha.

Kormeerka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad-gobole edka Jubbaland Md Axmed Maxamed Isla am, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo he er dowlad-goboleed ah.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shac abka oo Kudlad cusub uga dhaw aaqay Muqdisho

Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka FS ayaa Dorraad Muqdisho uga dhawaaqay Kudlad la magac baxday Toosin Qaran.Xildhibaanadaan ka tirsan G/Sha cabka ayaa warbaah inta u sheegay in kudlada ay tahay mid u taa gan ilaalinta Dastuurka dalka.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada ku bahoobay kudladaan ayaa wariyaasha ka hor akhriyay warsaxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada ku mideysan Kudl adaan oo kusoo aaday ku dhawaaqisteeda waq ti xasaasi ah.

"Annagoo ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Feda raalka waxaan halkan kaga dhawaaqe ynaa magaca Kudlada Toosin Qaran, magaca as oo u taagan ilaalita dastuurka iyo xeer hoo saadka Golaha Shacabka, Ujeedka guud ee Ku dlada waa metalaadda shacabka Soomaaliye ed, isla xisaabtanka iyo kor joogteynta hay’ adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanada ku mide ysan Kudladaan ay sheegeen iney kasoo horje edaan qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo in wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka dalka.

"Kudladan waxay walaac ka muujineysaa qodobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee aan loo dhammeyn, kuwaas oo qaa rkood ah ay ahaayeen kuwa ka hor imaanayo Dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay, waxaan soo jeedineynaa in wax ka beddalka dastuurka uusan ahayn wax koox ga ar ah ay go’aan ka gaari karaan maada ama uu yahay heshiis siyaasadeed ” ayaa lagu yiro Warsaxafadeedka kasoo baxay Kudlada.

Gabagabadii Kudlada ayaa ugu baaqday XFS in gurmad deg deg ah la gaarto dadka So omaaliyeed ee ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qa ar ka mid ah gobolada dalka.

Fannaanka Xasan Aadan Samatar oo Fankii ka baxay, kana towbad keenay

Hobolkii caanka ah ee Xasan Aadan Sa matar ayaa shaaciyay inuu ka fariistay, kana ba xay Fanka, isagoo xilligan u go’ay ma sjidka iyo barasha da Quraanka.

Xasan Aadan oo ka soo muuqday muuqaal uu soo duubay She ekh Kenyaawi, isagoo xiray Khamiis iyo Koo fiyad ayaa sheegay inuu soo arkay Fanka iyo wixii uu ahaa, haddana uu cafis ka dalbaday Alle.

"Fan wixii uu ahaa waan soo arkay, wixii de nbi ah Alle ha innaga cafiyo, wixii murti ahaana waa siidaayey” ayuu yiri Xasan Aadan Samatar

Dhinac kale Sheekh Kenyaawi ayaa shegay in Xasan Aadan Samatar uu hadda masaajid Jabbuuti ku yaalla galay oo xifdiyo Qur’aanka kariimka ah, isla markaana lagu tilmaami kao Sheekh Xasan.


Dhaqaatiir Talyaani ah oo Muqdisho ka fuliy ay baaritaano iyo daweyn oo Dorraad loo sameeyay munaasabad sagootin ah

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Ma aliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Max amud Guure ayaa shir guddoomiyay kulan isu gu jiray sagootin iyo bogaadin loo sameeyay dh aaqaatir sar sare oo ka socota dalka Talyaan iga kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay M//Muqdisho ka fuliyay baaritaano iyo daweyn loo saameyay caruurta ku dhashay xanuunada ku dhaca Wadnaha.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Guddoo miye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir, aggaasimayaal katirsan Dowladda hoose ee Xamar iyo dhaqaatiir Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa uga mahadceliyay dhaa qaatiirtii ka socotay magaalada Milaano ee dal ka Talyaaniga adeega caafimaad oo ay ka bix iyeen Caasimadda.

May be an image of 1 person and glassesMay be an image of 1 person, beard and smilingMay be an image of 1 person and smilingMay be an M/weyne Deni oo markii ugu hor raysay ka hadlay xiisadaha kac san ee ka jira M/Gar owe

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu garowsan yahay saa maynta iyo walaaca ay dadku ka qabaan xiisad aha magaalada Garowe ka jira ee ka dhashay is haynta maamulkiisa iyo kooxaha mucaa radka.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in aad loo buun buu niyay xaaladda nabad galyo, isagoo sheegay in dadka lagu qixiyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulsahda, wuxuuna sheegay inuu ka walaacsan yahay dhibaatada ay dhaliyeen.

Deni wuxuu sheegay in dad reer Puntland ay u istaageen xaaladda sidii loo dajin lahaa. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in is-afgaran waa kaste iyo khilaaf walba oo jira lagu xalliyo wadahadal iyo nabad.

Madaxweyne deni wuxuu sheegay haddii hadda lagu guulaysan waayo doorashada qof iyo cod, in ay adkaan doonto in mar dambe la qabto, isagoo tilmaamay inay dhumanayso kalsoonida bulshada.

Askar ka mida Booliis Milataariyada oo shaqada laga eryay

Waxaa Dorraad askarta hortooda shaqada looga eryay laba askari zo ka tirsanaa Ciidam ada Xasilinta Xamar ee Booliis-Milatyaariya. Labadaan asakri waxaa shaararka ciidama da looga siibay Ciidamadii ay ka tirsanaayeen hortooda iyadoo waliba saxaafadana ay goob joog ka ahayd.

Labada askari waxaa lagu eedeeyay laguna helay fal danbiyeed ah inay dharkii Ciidamada

iyo hubkii Dowlada ku dhaceen dad shacaba iyagoo ka qa atay Taleefoon gacmeedyo badan ka dibna la soo qabtay sida uu sheegay tali ya ha guutada ay ka tirsanaayeen.

Taliyaha guutada 23-aad ee ciidam ada Xas ilinta Xamar Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa saxaafada iyo ciidamadaba tusay sawiro ay qaadeen waaxda danbi baarista CID kuwaasoo cadeynaya dhicii ay gassteen iyadoo mid kasta lagu sawiray wixii uu dhacay.

Taliye Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa aska rta hortooda uga dhawaaqay in wixii ka bilowda Dorraad 27-ka Nov ember 2023 aysan lab adaasi dhalinyar ada ah Askar-ta ka mid ahayn islama rkana loo celinayo xaafadahoodii sidaa sna ay shacabka uga mid yihiin.

Taliyaha wuxuu carabka ku adkeeyay inay ku balan baxeen dhaartii ay shacabka u dhaa rtee, wuxuu dharka kaga saaraymeel fagaare ah walow uu u reebay surwaalada

"askartaan iyo kuwa hada jidka ku soo jira ee isku dayi doona inay dhac gaystaan saan ay aa u danbeysa waxaa laga saarayaa ciidam ada,Dowladu wax ay dhaqaalaha ugu bixineyso ciidam Ada waa in shacabka loo adeego ee maaha in shacabkii la dhaco”ayuu yiri Gaashaa nle Aadan Jeelle

Xukun dil ah oo lagu riday Askari qof shacab ah dilay

Maxkamada Ciidamada Qalanka sida ayaa Dorraad xukun dil ku riday Askari ka tirsan Ciid anka Booliska . Dable Boolis Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf ayaa loo soo xiray dil bareer ah u geystay marxuum Cali Cabdi Cali falkaas oo kadhacay xaafadda Macalim Nuur ee degmada Dharke enley Shantii bishii September ee sanadkan.

Muran dhex maray marxuumka iyo Sargaal Booliska ka tirsan ayuu eedeysanaha soo dhax galay waxaana xigtay dharbaaxo uu ku dhuftay marxuumka oo ku sugnaa dukaan ay hooyadii leedahay.

Dhaqaaq yar kadib eedeysanaha ayaa xa bad uu ka tuuray qoray AK47 ah madaxa qaad ay marxuumka oo isla goobtii ku naf baxay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada Qalab ka sida ayaa co dsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaa day lix iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku xukumay Dorraad Cabdi Kaafi Nuur Yuusuf dil toogosho taasoo ah qisaasta marxuum Cali Cabdi Cali.

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Gars oore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

3 Qof oo hal Qoys isku ah oo Ku Geeriyoodeen Degmada kaaraan ka Dib Markuu Uu Ku Soo Dumay Dabaq

Guri Ku Yaala Degmada Kaaraan Oo Dabaq ah ayaaKu Soo Dumay Dad Isku Qoys ahaa oo hareerihiisa deganaayeen Waxaa abaahirihii xillaga saladda subax markii laga soo baxay ee Dorraad xaafadda Sanca ee Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ka dhacay dhacdo naxdin leh.

Ka dib markii uu guri Dabaq ahaa oo dhinaci isa ay deganaayeen dad guryo jiiga do ah leh aya xilli ay huradyeen uu ku soo dumay dabaqii , kaasoo sababay geerida 3 haween oo mid la sheegay in ay Umul ahyed ay halkaasi ku geeri yoodeen dhamaa nba

Waraka ayaa waxaay intaa raacinayaan in guryahooda uu ku fariisat dhagixii dabaqa ahaa , waxuuna sababay dhimasho 3 haween,

Dhinaca kale wararka ayaa intaa raacinaya in dhismo milkiilaha dabaqa uu damacsanaa in uu ka ag dhiso iyadoo la soo warinayo in war eeg dhagax duug ah oo muddo 50 sano lagu qiyaasay dhisnaa la doonayey in la ciid buuxiyo ka dibna uu halkaasi ay ka dhalatay in uu soo dumo. ka dib markii ciid qoyan maalmahaan la gu buuxinayey roob saa’id ahan uu dayey .

Dhinaca kale goobjooge ayaa sheegay in hal kaasi 3 haween oo isku qoys ah ay ku gee riy oodeen oo jaar la ahaa isana gurihiis ana2 qol ka dumeen, wax dhaawac aha aaney jirin

Wali wax maamul ah oo ka hadlay ma jiraan waxaana beryahaan soo badanaya in guriha muqdisho dadka wax heysta ay iska dhisana yan iyagoo dabaqyo ka dhisaaya haddana aan an ka fekerin injineerada leh qibradaha iyo qal abka tayo lehaysan ku dhi sin guraha oo la is ka fududeysto in saraha la dhisto kaiya oo deiska tabarta yar aan loo turin.

Saddex Falastiiniyiin Ah Oo Lagu Dilay Dalka Mareykanka

Urur u dooda xuquuqda Muslimiinta Mareyk anka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10,000 ku bixinaya ciddii keenta xog ku saa bsan nin toogasho la beegsaday saddex arday oo Falastiiniyiin ah.

Golaha Xiriirka Mareykan ka iyo Islaamka ee CAIR ayaa sidoo kale ku boorriyay mas’uuliyiin ta inay baaraan "ujeedda” ka dambeysay toog ashada, iyagoo tixraacaya "kor u kac aan horay loo arag oo nacaybka iyo rab shadaha ka dhan ka ah Muslimiinta si gaar ah Falastiiniyiinta”.

Israa’iil iyo Xamaas oo markii 3aad iswey daarsaday maxaabiis

Hisham Awartani, Tahseen Ahmed iyo Kinn an Abdalhamid ayaa nin ku toogtay meel u dhow Jaamacadda Vermont Campus xilli ay u socdeen casho, sida ay sheegeen booliiska Bur lington.

Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka sad dexaadna waxaa soo gaaray dhaawacyo aad daran. Booliska ayaa baadigoobaya hadda nin ka weerarka lagu tuhmayo.


Deni oo Magacaabay guddiga wada-xaajoodka doorashooyinka Puntland (Magacyada)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 62 ee 27 November 2023, kuna Saabsan magacaa bid Guddiga wada-xaaj oodka Arrimaha Doorash ooyinka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntl and.

Markuu arkay: baahida loo qabo in la maga caabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doo rashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay dalka ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada taasi oo ku dhacda hann aanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo Waayo-arag nimooda.

Markuu la tashaday Madaxweyne Ku-xige enka DPL.

Markuu la tashaday: Guddoonka Golaha Wakiillada DPL.

Markuu la tashaday: xisbiyada siyaasada DPL.

Markuu tixgeliyey talo soo jeedinta bulsha da qayba-heeda kala duwan,

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magac aabay guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doo rashooyinka

Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)

Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).

Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..

Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .

Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).

Xassan Yuusuf Majabe (Xubin).

Xassan Caballa Xassan Xubin. =DHAMMAAD=

Howlgallo ka billoowday degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Bakool

Ciidamada xoogga dalka Sooma aliyeed oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa howlgallo xo ogan waxaa ay ka billaabeen degaano iyo de gmooyin katirsan gobolada Hiiraan iyo Bakool ee dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Howlgallada ayaa Cii damada iskaashanaya w axaa ay sigaar ah uga ful iyeen degaannada Qurac-joome Ilaa Ceel-cad de oo isku jira 70Km, halkaas oo la sheegay in mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Al-Shabaab.

gudoomiyaha Degaanka Qurac-joome Ee Gobolka Bakool Cideeye Maxamed Xasan ay aa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in howl gallo ka bilaabeen Qurac-joome iyo deegaan ada hoos yimaada, wuxuuna sheegay in dhowr degaan lala wareegay.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ee howlgallada wada ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa inay heleen xog ku saaban in degaannada ay howlgallada ka sameeyeen inay isku aruursanayeen Xubno katirsan Al-Sha baab, isla markaana weeraro ay qorsheynay een ay ka hortageen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada u dhaxeeya Qurac-joome Ilaa Ceel-cadde ayaa sheegaya in weli halkaasia y howlga llada kala duwan ka wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaasha naya kuwa degaanka si ay ammaanka

Somaliland oo Ciidamo dheeraad geysay deegaanka ay isku hayaan SSC Qaatumo.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Maamulka Somaliland ayaa booqday furimaha hore ee da gaalka ay kula jiraan Maamulka cusub ee SSC Qaatumo isagoona la hadlay ciidamada ku sugan deegaanka Buq-Dharkayn.

Tagista Taliyaha ayaa ku soo aadeysa xili ciidamo dheeraad ah uu Maamulka Somaliland geeyay deegaanka Buq-Dharkayn ay isku hay aan Maamulka Qaatumo kuwasoo ay sheege en inay amniga sugi doonaan kana qeybgeli doonaan dagaalada.

Taliyha ayaa xusay in hada xaalada amni ee Buq-Dharkayn uu yahay mid degan isla mark aana ay ciidamadoodu diyaar u yihiin sugida a mniga xuduudaha Somaliland sida uu warka u dhigay.

Maalmihii ugu dabeeyay deegaankaan Buq-Dharkayn ayay labada maamul ku dagaalama yeen iyadoo dhinac kasta uu sheeganayo inuu isagu gacanta sare leeyahay xili aysan jirin warar madax banaan oo halkaasi laga helo ma adaana ay tahay goob dagaal, kaliyana wara rka laga helo dhinacyada iska soo horjeeda oo kaliya.

Al-Shabaab oo weerar dhimasho iyo burbur hantiyadeed geystay ka fuliyay Kenya

Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay weerar geystay dhimasho iyo burbur hantiyadeed ka geysteen degaano ka tirs an Gobolka Waqooyi Bar i ee dalkaas.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganeysay Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in Rag katirsan Al-Shab aab ay weerareen degaannada Marafa iyo Po romoko oo hoostaga Magaalada Lamu, isla markaana ay kudileen hal qof oo Shacab ah in ka badan 10 gurina ay ku gubeen.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan booliska Kenya ay tageen halka uu we erarka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howl gallo xoo gan, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan Kooxihii werarka geystay.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa sidoo kale Warbaahinta u xaqii jiyay weerarkaas, iya ga oo sheegay inay wadaan baaritaano la xir iira weerarkaas, balse aysan ilaa iyo hadda oge yn sababta loo beegsaday dadkaasi rayidka ah.

Weerarkaan ay Al-Shabaab ka geysteen Go bolka Waqooyi Bari Kenya ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay yaraadeen weera radii Al-Shabaab, isla markaana Ciidam ada Kenya ay wadaan howlgallo kala duwan

Wiil yar oo gaajo ugu geeriyooday xaafad katirsan Degmada Buurdhuubo

Wararka naga soo gaaraya degmada Buu rdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay she egayaan in xaafadda Muuri ee degmadaas uu gaajo aawgeed ugu geeriyooday Wiiil yar oo ka mid ahaa dadka kunool Xaafadaas.

Dhacdadaan oo Dorraad aad looga hadal ha ayo degmada Buudrhuubo ay aa timid kadib markii Wiilka yar uu ku go’doomay fatahaa daha wabiga iyo Daadadka roobka, isla markaana uu waayay wax uu cuno.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Goobta uu Wiilka yar ku dhintay ay dad kale ku go’doonsan yihiin, taas oo ah Xaafada Muuri oo kutaalla dhanka Wabiga Buu ndadii go’day oo ay dadka kasoo gudbi jireen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Sha baab ay diideen Doomihii ay dadka kusoo gala gudbi jireen oo labada dhinac u kala qaadi jiray, taas oo keentay in dad badan go’doomaan.

Dadka ku go’doonsan degaannada uu Wab iga ka fatahay ayaa la sheegay in xilligaan ay soo wajahday cunto yari baahsan kadib markii raashinkii ay heysteen uu ka dhamaaday, isla markaana aysan jirin gurmad ay ka heleen do wladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Gedo ayuu aad u saameeyay fatahaada uu gey stay Wabiga Jubba iyo Daadadka ka dhashay roobka, taas oo keentay in ay dad ku dhintaan, kuwo barakacaan, halka kuwo kale ay go’do onsan yihiin.

Guddoomiye Ku Xigeenkii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ku biiray SSC Khaatumo

Guddoomiye Ku Xigeenkii 3aad ee Xisbiga ta lada Somaliland haya ee Kulmiye Jiif Caaqil Xuseen Aadan Cadde ayaa ku biiray SSC Khaatumo. Guddoomiyaha oo Waraysi magaa lada Laascaanood ku siiyay warbaahinta SOM NEWS TV ayaa sheegay in uu ka baxay siyaas adii Somaliland.

"Waxan halkan ka caddaynayaa in aan ka ta gay xisbigii Kulmiye ee aan ka ahaa guddoomi yaha saddexaad iyo dhamaan siyaasada Som aliland, oo wixii ay noqdeen qabiil, wakhti dheer na hada waan ka sokeeyay" ayuu yidhi Siciid.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu mudo ba dan ka maqnaa Somaliland, waxa kale oo uu boggaadiyay halkankii dadka reer Laascaano od ay kaga horyimaadeen Somaliland, isaga oo ku tilmaamay dabayl caafimaad.

Waxa uu sheegay in intii uu dagaalku socday uu ku sugnaa magaalada Jigjiga oo uu halkaa dagaalka kala socday.

Xuseen ayaa bilowgii dagaalka garaadada aad uga soo horjeedsaday, isaga oo sheegay inuu taageersanyahay ciidamada Somali land, isla markaana waxa uu ku baaqay in cidkasta oo dagaalanta uu ciidanku iska difaaci doono.

degaannadaas u xaqiijiyaan.

SIDA SAABIRIIN UU NINKEEDA UGA CAAWIYAY IN AY GASHO KAALINTA UGU SARREYSA EE JAAMACADDA


Saabiriin Qoraalka sawirka, Saabiriin

Saabirin Xasan Nuur waa hooyo da’yar, waa marwo sidoo kale waxayna ahayd ardayad, iya doo ay haatan usoo idlaatay waxbarashadii ja amacadda ee ay juh diga badan ku bixineys ay sanadihii lasoo dhaa fay.

Waxa ay wax kusoo ba ratay nolol adag iyo ag oonnimo, iskuulkeedii waxa uu ahaa machad ka Al-ixsaan ee magaalada Muqdisho oo ay ku qaadaneysay waxbarasho bilaash ah oo loogu tala galay gabdhaha agoonta ah.

Saabiriin haatan waxa ay noqotay ardayadda ugu sarreeysa ee jaamacadda iyadoo kaalinta 1aad ka gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee qalin jabinta, waxa ayna hoggaanka u qabatay aruday gaareysa ilaa 600 oo arday ah.

Waxa ay dhiganeysay jaamacadda Somali International University ee loosoo gaabiyo (SIU), iyadoo baraneysay cilmiga siyaasadda & culuumta bulshada, gaar ahaan maamulka guud.

Saabiriin waxa ay hambalyo xafladdeedii qa lin jabinta kaga guddoontay mas’uuliyiin ka tir san dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, boqollaal arday iyo macallimiin ah iyo kumana an dadweyne ah oo kasoo qayb galay munaas ibadda si ay ardayda ula qayb sadaan maalinto oda farxadeed.

Caawinta ay heleysay Saabiriin

Waxaa la guursaday oo ay gashay nolosha marwonimo sanadkii 2022-kii, xilli ay ahayd wa qtigii ugu adkaa ee jaamacadda maadaama ay ku guda jirtay sanadkii ugu dambeeyay uguna shaqada badnaa.

Xilligaas Saabiriin waxaa lasoo dersay cul eys dhanka waxbarashada ah, iyada oo ay ma areyneysay nolosha marwo nimo iyo waxbara shada, waxaa usii dheereyd in ay gashay xaa lad wallac ah iyo uurka ilmaheedii ugu horr eeyay.

Sidoo kale waxa ay caawin ka heleysay sa ygeeda oo ahaa macallin katirsan macallimiinta jaamacadda walow ay sheegtay in sanadkii ugu dambeeyay ee jaamacadda uusan kamaid ahayn macallimiintii wax barayay.

Qalin jabinta Qoraalka sawirka,

Cabdullaahi Faarax, seyga Saabiriin (Bidix) iyo Saabiriin oo shahaad ada guddoomeysa

Saabirin oo ware syi siisay BBC-da ay aa tiri, "Xilliyada aan diyaarinayo imtixaanaadka waxa ay ii ahayd wa qtigii iigu adkaa maadaama aan waagii hore ha beenkii waqx badan akhrin jiray marka aan noq day hooyo uur leh wey igu adkaatay.

Xaajigeyga oo kamid ahaa macallimiinteyda ayaa mar waliba i dhihi jiray wax akhriska haka caajisin soco waad sameyn kartaa dadaal iyo ha daalin, anigana waan ku dadaali jiray”.

Waxa ay sheegtay in howlaha guriga uu ka fududeyn jiray si ay u badiso wax akhriska una diyaariso imtixaanaadka jaamacadda.

"Maadaama uu macallin guriga ii joogay ani gana waxa ay ii noqotay faa’iido kale, xitaa mar ka aan guriga joogo ayaan kusii dadaali jiray in aan wax badan ka barto ninkeyga casharrada na uu iga caawiyo” ayey sii raacisay Saabiriin. Waxa ay sheegtay in ay kusoo kortay nolol ago onnimo, balse taa beddelkeeda hooyadeed ay soo korisay isla markaana ay ku dhiirri geli jir tay waxbarashada.

Cabdullahi Faarax Cali oo ah xaajiga Saabir iin, waxa uu goob joog ka ahaa munaasibadda qalin jabinta waxana uu garab taagnaa marwa diisa isaga oo la qayb sanayay farxadda maali nteeda qalin jabinta iyo waliba guud ahaan ar daygii uu macallinka u ahaa.

Sabriin iyo gabadheeda yar Qoraalka sawir ka, Sabriin iyo gabadheeda yar

Isagoo ka hadlaya dadaalkeeda ayuu yiri, "Saabiriin wey dad aal badneed marke edii hor aba waxa na ay geli jir tay kaa imo wanaag san, haddana waxa aan ku dadaalay in ays an hoos u dhicin si aan loo dhihin guur keeda kadib ayey waxbarashada ku xumaatay”.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in waqtigii u gu cuslaa ay ahayd iyada oo ay soo dhowyihiin maalimihii imtixaanaadka iyo umusheeda oo iskusoo beegmay.

Qorsheheeda kale ee mustaqbalka

Saabiriin waxa ay sheegtay in mustaqbalka dhow ay rajeyneyso in ay ku shaqeystao cil migii ay baratay isla markaana ay bulshada uga faa’iideyso, sidoo kale waxa ay sheegtay in ay sii wadan doonto waxbarashada oo ay u qors heysantahay in ay bilowdo qaybta Mastarka.

"Hadda waxa ii dhammaaday heerka 1aad ee jaamacadda, waxa aan rajeynayaa in aan sha qeysto, waxaana ku dadaalayaa in aan u gudbo heerka labaad ee waxbarashada” ayey tiri Saabiriin.

Ardaydii ay muddada wax soo wada baran ayeen ayey ugu dambeyn isku macsalaame eyeen fasalladii ay subax walba isku bariidin jireen. Waxa ay sheegtay in inta badan ardayda is ku ulka ay aad ugu farxeen darajadeeda sare iyo kaalinta ugu sarreysa ee ay imtixaanka ka ga shay, walow ay xustay in ay jiraan dad aan bad neyn oo wajiyadooda ay farxad ka arkin guusheeda awgeed.

Gud. ONLF oo sheegay inaysan wiiqaynin halganka ONLF xubno ka baxa ama dhibaa teeya

Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey oo waraysi dhinacyo badan ta abanaya siiyay Warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda ururka gaar ahaan khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF.

Guddoomiye Maadey waxa uu ugu horreyn ka hadlay heshiiskii iyaga iyo Ito obiya dhexmaray oo uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyay ay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xa bad joojinta, balse qodobadii ka le oo ay kamid ahayd dib u dejinta ciidanka a ysan waxba ka hirgalin, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyuhu.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Guddoomi yuhu khilaafka mudada dheer ka dhex jira gud aha ururkiisa, isagoo sheegay in ururku uu san waxba u noqonayn xubno ka baxa ururka oo sa maystay guddoomiye kale " Intii halganku soc day kolba qolo ayaa go'aysay oo ururka ka bax aysay, waa un qayb halganka kamid ah ma r kaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu u rurka ugu jiraa" ayuu yiri Guddoomiye Maad ey.

Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa siiwata wa xa uu sheegay inuu ka xun yahay xubnaha ka baxay ururka, balse waxa uu ku celceliyay inu usan halganku u jabayn taas, waxa uuna yiri Guddoomiyuhu " Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu socon ayaa ONLFna shaqsi ka tagay iyo qof dhibaat eeyay waxba uma noqonayso".

Guddoomiye Maadey muusan soo hadal qa adin inta uu socday waraysigu xalka ilaa iyo ha dda laga gaarey khilaafka iyo kala qaybsanaan ta ka dhex jirta gudaha ONLF, inkastoo arrint aas waraysiga dhexdiisa wax laga waydiiyay ha ddana muusan ka jawaabin taas Guddoomiy uhu.

Horey Masuuliyiin ka tirsan ONLF ayaa Gud doomiye Maadey ku eedeeyay inuu qayb ka yahay khilaafka ka dhex jira ONLF, isla marka ana uusan diyaar u ahayn in la isu keeno urur kii oo la mideeyo, waa siday hadalka u dhigeen qaar kamid ah xubnaha ururka ONLF.

Ururka ONLF ayaa muddo dheer waxa ka dhex jira khilaaf sababay markii dambe in uru rkii uu u kala qaybsamo labo dhinac, oo si sim an xafiisyo ugu kala leh gudaha degaanka So omaalida, walina wax xal ah oo laga gaarey ma jirto khilaafkaas, inkastoo marar kala duwan la isku dayay in xal la helo haddana arrinkaas khilaafku iyo kala qaybsanaantu wali waa mid jirta.

Role,Weriye Article information Author,Foos CiidXIGASHO:-BBC


Heshiiska maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas oo Dorraad ku eg

Heshiiska xabad joojinta Marinka Gaza iyo ma xaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas ayaa Do rraad ku eg, ka dib markii dhinacy ada ay Arbacadii ku he shiiyeen heshiis xabad joojin oo 4 maalmood soconeysa.2da dhinac ayaa la filayaa in Xalay ay sameeyaan wejigii ugu dam beeyay ee maxaabiis is weydaarsiga.

Xamaas ayaa Habeen hore sii deysay 14 qof oo Israeliyiin ah iyo 3 qof oo u dhashaydalka Thailand, iyadoo Israel-na ay sii deysay 39 qof oo Falastiiniyiin ah.

Heshiiska ayaa ah in Xamaas ay sii deyso 50 ka mid ah la haysteyaasha reer Israel, halka Israelna ay tahay in ay xabsiga ka sii deyso 150 Falastiiniyiin ah.

Xamaas ayaa sidoo kale sii deysay tiro ajaaniib ah, kuwaa oo aan qayb ka ahayn heshiiska ee ay dhinacyadu isku dhaafsanayaan maxaab iis ta. Heshiiska xabad joojinta ayaa looga faa’iide ysanaya in gargaar macno leh la gaarsiiyo dad ka reer Gaza, inkastoo aysan kaalmada bani’aa dantinimo gaarsiisanayn heerkii loo baahnaa.

Dadka Gaza ayaa tan iyo Jimcihii ka nastay

daryanka sawaxanka ee duqaymaha culus ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan magaalada.


SUCAAD MUKHTAAR: GABADHA DADKA KA CAAWISA INAY WAX QABSADAAN OO AY MILYANEERRO NOQDAAN


Sucaad Mukhtaar

"Markii aan qaaday waddadan, waan ogaa in ay leedahay caqabado badan,” ayay tiri.

Sucaad Mukhtaar, oo haatan khudbadahe eda ku dhiirrigelisa dadka isla markaa na siisa talooyin iyo tababarro ay ku gaaraan hadafkoo da, ayaa hanatay taageero iyo dad badan oo la socda baraheeda bulshada.

Waxay dadka kala talisaa lacagta, dhaqaal aha, qoyska, cilmu-nafsiga, isbeddelka, wax keydsashada, qorsheynta iyo arrimo kale oo bu lsho.

"Waxaan tababaray in ka badan 100,000 oo qof tobankii sano ee lasoo dhaafay waana sii wadayaa,” ayay tiri.

Waxay sheegtay inay tababar siiso shakhsi yaad iyo sidoo kale shaqaalaha hay’ado badan oo ay ka mid yihiin xildhibaannada, waxayna ga badhan isku tilDorraady inay tahay dhiirrigeliso.

"Dhiirrigelinta dadka kale waxay la micno tah ay inaad soo saareyso awoodaha iyo aoqonta aad heysato iyo wuxuu Alle kugu manneystay. Waa inaad si tartiib tartiib ah usoo kiciso maska xdaada hurdeysa ee ku leh 'ma sameyn karo dhehna 'maya waad sameyn kartaa' soona bixi waxa muhiimka ee ku jira,” ayay tiri.

"Waxaan doonayaa inaan koboc sameeyo, bulshadeyduna waxay u baahan yihiin dhii rrigelin...”

"Waxaan isu tarjumaa Oromo iyo Carabi,” ayay tiri Sucaad oo ku dhalatay Galbeedka Har arghe kuna kortay Sacuudiga iyo Finland. Haat an waxay ku hadashaa Amxaariga, Ingiriis, Sa waaxiliga, Harari iyo Soomaali.

"Markii aan jiray labo ama saddex sano, qoy skeyga ayaa ii kaxeeyay Sacuudiga. Waxaan si doo kale wax kusoo bartay Carabi dugsi hoose ilaa heerka shanaad. Kaddib qoyskeyga ayaa dalka kusoo laabtay,” ayay tiri.

Waxay jirtay sagaal sano markii ay kasoo la abatay Sacuudiga ee Itoobiya kusoo noqotay.

"Waxbarashadeydii ugu horreysay waxay ah ayd caafimaad. Kadibna waxaan kusoo laabtay halkan oo ana bartay Sayniska Bulshada sabb atoo ah waxaan doonayay inaan qabto adeegy ada bulshada oo aan bulshadeyda caawiyo,” ayay tiri.

Iyadoo ka duuleysa fekerka ah "waxaan doo nayaa inaan horumar sameeyo oo aan bulsh adeydana caawiyo”, ayay u safartay dalalka sida Malaysia, Indonesia iyo Hindiya 15 sano ka hor si ay ugu qabato tababar talooyinna ay uga soo bixiso.

"Markaad eegto bulshadeenna, mararka qaar waad ka murugooneysaa. Ma heystaan wax soo kiciya, u sheega waad qaban kartaa, qof wax u sheega ma heystaan, 'Soo kac sida dal walbo oo kale ayaad horumar ku gaari kartaa.

Dhiirrigelinta dhalinyarada

Sucaad Mukhtaar

"Waxaan rumeysnahay in qofka loo abuuray inuu sameeyo wax weyn,” ayay tiri, iyadoo int aas ku dartay in caqabado badan iyo dhibaatooyin ay dadka ka hor istaagaan inay arkaan waxa iyaga ku dhex jira.

"Marka shaqadeydu waxay si tartiib ah meesha uga sa areysaa caqabaddaas waxa yna tusineysaa qofka inuu me el fog gaari karo, uu yeelan ka ro aragti uu isku beddeli karo uuna wax uun isu qaban karo, qoyskiisa iyo bulshadiisa,” ayay tiri.

Sucaad ayaa sheegtay inay diiradda saarto da’yarta. Sababta ayya ku sheegtay "waxaa jira waxyaabo badan oo haatan jiilka hadda ka xa daya maskaxdooda”.

"Carruurtan waxay u baahan yihiin caawina ad, waxay u baahan yihiin 'waad yareyn kartaa tan, halkan ayaad aadi kartaa. Marka waxaan ka shaqeynayay gudaha dalka iyo Bariga Afrika 15-kii sano ee lasoo dhaafay, welina waan ka shaqeynayaa,” ayay tiri.

Waxay xafiisyo ka furatay dalalka Bariga Afr ika sida Kenya, Suudaan iyo Jabuuti.

"Bulsho iyo dad dhaqaale ahaan xor ah...”

Sucaad

Sucaad oo diiradda saarta arrimo badan oo dhaqaalahabulshada ah ayaa farriimo wacyig eli n ah gaarsiisa dadka. Hal arrin oo ay diiradda saarto ayaa ah dhaqaal aha.

"Qof amaba bulsho dhaqaale ahaan madax bannaan oo kala furi kara afkooda dhihina kara 'waan sameyn karaa' Dhammaanba dalalka hor umaray ee dunida waxay keliya kori karaan had dii ay dhaqaale ahaan isu filan yihiin,” ayay tiri. Sidaa darteed, waxay diiradda saartaa soo saaridda bulsho xor ah dhaqaale ahaan.

Arrimaha kale ee ay Sucaad diiradda saarto waxaa ka mid ah horumarka qofka, waxbar as hada iyo abuuridda shaqada. XIGASHO:-BBC

Ciidamada Badda Mareykanka oo badbaad iyay markab lagu afduuban lahaa meel ku dhow biyaha Soomaaliya

Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa ka hortagay afduubashada markabka ganacsiga oo koox burcad badeed ah ay ku weerareen ga canka cadmeed ee u dhow Soomaaliya Axadii Dorraad, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca Mareykanka.

Shaqaalaha markabka ay aa axaddii soo saaray ba aq ay ku sheegeen in ay weerar kusoo qaadeen bu rcad badeed, xilli ay mara yeen gacanka cadmeed, oo qiyaastii 54 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Zodiac, oo ah sarkaal katirsan ciid anka Maraykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in wax badan aan laga ogeyn dhacdada weerar ka, iyagoo ku tuhmaya in Iran ay ku lug leeda hay, ama uu xiriir la leeyahay xiisadaha gobol ka oo sii xoogeystay tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oct. Saraakiisha ayaa sheegay in aysan cad dayn in kooxda weerarka geysatay ay aha ayeen kooxdii isku dayday in ay markab horay u qabsato ee Xuutiyiinta Yemen.

Caruus dilay aroosadii uu guursan lahaa, hooyadeed iyo dad kale oo marti ahaa

Oradyahan u dhashay Thailand sidoo kal ena ahaa askari hore ayaa toogtay xaaskiisa iyo saddex qof oo kale ka hor inta uusan isagu isdilin maalintii arooskiisa, sida ay booliisku sheegeen.

Chaturong Suksuk oo 29 jir ah iyo Kanchana Pachun thuek oo 44 jir ah ayaa maalintii Sabtidii isku guur saday waqooyi bari dalka Thailand.

Wararka ayaa sheegaya in ninka oradyah anka ah maalintii arooskiisa uu si lama filaan ah uga soo baxay xafladdii arooska, waxaana uu dib ula soo laabtay qori, isaga oo toogtay caruusaddii uu aroosayay, hooyadeed oo 62 jir ahayd iyo walaashiis oo 38 jir ahayd.

Rasaasta ayaa sidoo kale haleeshay laba qof oo ka mid ah dad marti ah arooska kasoo qeyb galay.

Booliska ayaa sheegay in caruuska is dilay uu cabsanaa markii uu dilka gaysanayay, wax aana uu iibsaday qoriga iyo rasaasta si sharci ah sanadkii hore.

Warbaahinta Thailand, oo soo xiganaysa qaar ka mid ah martidii xafladda ku sugnaa ay aa sheegay in lammaanaha uu muran dhex ma ray intii ay socotay xafladda, iyadoo ninka uu ka xumaaday inay aad ugu weyn tahay caruu sadda uu guursanayey . Isha:BBC

Midowga Yurub oo dalab adag oo xasaasi ah u jeediyey Xamaas iyo Israel

Madaxa Siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa ku baaqay xabbad-joojin raagta oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas.

Xabbad-joojintii afarta maalmood ahayd ee bilawga ahayd waxay ah ayd ayuu yiri tallaabada koowaad ee muhiimka ah ee loo qaaday xal siyaasadeed.

diblamaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub ayaa wuxuu hadalkan ka sheegay shirka 8-aad ee Midowga Yurub ee Madasha Gobollada Med terraneanka (UfM) ee Barcelona, ​​Spain.

"Berrito, hakinta howlgallada waa ay dham maan doontaa. Waxaa laga yaabaa inay ku sii jirto dhowr maalmood oo kale. Laakiin waa ina an bilownaa inaan ka fikirno, sideen ku sii wadi karnaa geeddi-socodka siyaasadda laga bilaa bo Dorraad,” ayuu Borrell ku daray.

Spain ayaa dhaleeceeysay weerarka Xam aas ay ku qaaday Israa’iil balse waxay wax wax aan la aqbali karin ku tilDorraady sida ay Isr aa’iil u isticmaashay awooda iyo xaqa ay u leedahay iney is difaacdo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip