Agaasimaha Guud ee W/Beeraha oo ka qeyb galay Kullanka Khubarada Beeraha, Beeraleyda iyo Bulshyooyinka Kale oo Muqdisho lagu qabtay

0
Monday November 13, 2023 - 22:33:23 in Wararka by
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee W/Beeraha oo ka qeyb galay Kullanka Khubarada Beeraha, Beeraleyda iyo Bulshyooyinka Kale oo Muqdisho lagu qabtay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
Agaasimaha Guud ee W/Beeraha oo ka qeyb galay Kullanka Khubarada Beeraha, Beeraleyda iyo Bulshyooyinka Kaleoo Muqdisho lagu qabtay

Taariikhda uu Shirka dhacay waa: November 11, 2023
Waqtiga/Saacadda: 1:00 -- 5:15 pm
Rugta uu Kulanka dhacay waa: Maqaayadda Summer, ee ku taala Jidka
Danwadaagaha, Mogadishu, Banadir, Soomalia
Waxaa soo qabanqaabiyay: Koox daneeyneyso wax soo saarka dalka iyo amniga
cuntada Somaliya.
Nofember 11, 2023, waxaa shir isugu yimid dad ka kooban ilaa 18 ruux oo daneynaaya arrimaha la xiriira
wax soo saarka beerha Somalia, caqabadaha hakinaaya howlaha beeraleeyda guud ahaan iyo in si gaar
ah looga hadlo dalagyada adkeeysiga u lah abaarah iyo hubinta helitaanka keyd cunto ku filan dalka, si
loo xaqiijiyo amniga Cuntada.
Shirka waxaa isugu yimid madaxdaa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaaliga ee
Somaliya, khuboro, iyo cilmi baaraayaal beeraly ah ee ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dabbaddisaba,
waxaa kaloo dadka yimid ka mid ahaa beeraleey yar -yar, dad ka socday beeraleeyda waaweeyn,
bulshada rayidka ah qaarkood. Waxayna ahaayeen dad aqoon ahaan dhisan, ahna waayo arag ku xeel
dheer arrima biyaha, iyo quud ahaan wax soo saarka, iyo aqoonta baahida bulshada Somaaliyeed,
waxayn dhamaantood aad u daneynaayeen waxyaabihii meesha looga hadlay.
Waxaa shirku, goddomiye ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ee Dowladda Federaliga
Soomaaliya, Buuni Mahamoud Mohamed Mohamoud, waxana lagu furaay ayaadaha qur’aan, oo uu
noo akhriyaya Dr. Cabdiraxman Islaaw Mahadale, ka dibna dakii meesha isugu yimd ayaa isbartay.
Isbarasho ka dib Amina Sharif Hassan ay dul martay agendaha shirka, iyo ujeedada shirka loo qabtay.
Agendaha waxaad ka heleeysaa lifaaqa 1aad ee warbixintaan .Annex 1.
Warbixintii 1aad
Warbixintaan waxaa soo jeediyay Dr. Maxamed Abiikar Axmed oo ka hadlay
1. Caqabadaha haysta wax soo saarka dalka, Beeraleyda yar-yar iyo kuwa waaweynba. Wuxuuna
caqbadahaasi uu u qeybiyaya seddax qeybood oo kala ah:
A. Caqabad Tacabka ah
B. Caqabad Keydinta ah
C. Caqabad Suuq-geynta ah


A. Caqabadaha Tacabka:
Abaaro iyo Fatahaadyo soo laa laabtay

Amni darada guud oo keentay in beeraleydii yar -yaraa barakacaan taas oo kala gooysay
xiriirkii wax soo saarka ee ka dhaxeeyay beeraleyda yar yar iyo kuwa waa weyn.
Waxaana taas ay saameysay beeraleyda waa weyn oo waayay xoog shaqaale ka
shaqeeya beerihooda, sidoo kale beeraleydii yar yar oo iyagana beerhoodii ka tagay, oo
taakuleyn ka suga hay’ado samafal.

Beeraleyda oo aan haysani qalab beereed oo casri ah, Bacrin iyo suntan cayayaanka
yareeyso.
Dr. Abiikar, wuxuu aad ugu nuxnuxsaday in ay guud ahaan beeraleyda ka simayihiin,dhamaan
seddaxdii caqababoob oo kor ku soo sheegnay, taasina waxay dhalisay, in tacbkii iyo wax soo
saarkiiba yaraado, barakacyaashuna aysan u muuqan kuwa noqonaayo, halkaasne ay ku
dhuntay xirfadoodii beeraleey nimada. Beerihii waa-weeynaana waa ku adagtahay in uu wasoo
saarkood kobco, madaama ay howshoodu ku xirantahay shaqaale ama tacbooleey beerahooda
ag deggan. Sidaas darted beeraleyda waa weeyn waa in beerahooda qalabeeyaany si ay uga
maarmaan shaqaale. Isla markaana loo baahanyahay sidii looga gaashaaaman lahaa abaaraha
iyo fatahaada isdabajoog ah, xal waarana looga gaaro, keydinta, loona sahlo suuq geynta
dalagga.
Warbixintaa oo dhamestiran waxaad ka heleysaa (lifaaqa 2 Annes 2) ee warbintaan,

Warbixinta 2aad: (fiiri Lifaaqa seddaxaad Annex 3)
Mowduuca labaad ee laga hadlay wuxuu ahaa, "Amniga Biyaha iyo Cuntada ee webiyada
Shabelle iyo Jubba, iyo waxyaabaha la xiriira”. Waxaa soo jeediyay Dr. Abdullahi Hassan
Hussein, isagoo shirka uga soo qeybgalay aalladda Internetka "ZOOM,” Wuxuuna hadalkiisi ku
bilaabay ayaddaan quraaka ah:

Ayaddu waxaay leedahay (..... Waxkasta oo nool waxaan ka sameeynay biyo.....)
Aqoonyahan Abdullahi wuxuu ka hadlay muhimadda dhaqaale ay leeyin webiyada Jubba iyo
Shabelle, gaar ahaan muhimmadda ay u leeyihiin wax soo saarka beeraha.
Dhulka u dhexeeya webiyada waa dhulka ugu wax soo saar badan waxaana loo yaqaanaa "the
breadbasket of Somalia” (dambiisha Rootiga Somaaliya). Dhulkaas oo wixii ka baxo ku filnaa
isticmaalka gudaha, dheeraakana debbadda loo dhoofin jiray, wuxuu tusaale u soo qaatay wax
soo saarkii 1990, iyo dhulka la beeray oo baaxaddiisu ahaa 220,000 oo hektar. Wuxuu sheegay
in webiyada Somalia looga faaideysanjiray wax soo saarka beeraha, waxayna dalka u
lahaayeen muhimmad dhaqaale oo aad u muuqday.
Wuxuu kaloo ka hadlay taariikhda fatahaadyada ee ka dhacy dhulka webiyada laga soo bilaabo
1961 illaa iyo 2023, wuxuuna sheegay in berigii hore fatahaaduhu ay dhici jireen siddeedi
sanaba mar, ka dibna ay isu beddeleen afarti sanaba mar, waxaase la arkay tobankii sano oo

ugu dambbeeyay in ay sannad walba ama labadii sanaba ay fatahaadu mar dhacdo. Taasina
waxay dhaawacday, hoosna u dhigtay horumarka dhaqaalaha iyo bulshadaba. Waxay
sameeyntaasi isugu jirtaa abaaro, fatahaadyo, iyo masiibooyin, oo dadka iyo dalka dhaxalsiisay
dhimasho, khasaaro moot iyo noolba, oo saameyn weyn oo khasaaro wata ku yeeshay wax soo
saarka beeraha, xoolaha iyo guud ahaan bad qabka bulshada iyo dhaqaalahaba.
Khabiirku wuxuu taxliil ku sameeyaya xaaladah webiyada Juba iyo Shabelleiyo isagoo fiirinaayo
qorsha weyn ay dowladda Etobiya ugu talagashay in ka fuliso dalkeed. Wuxuuna isbardhigay
maxaa ku dhacaaya baahida biyo ee Shabelle iyo Jubba iyo biyaha la helidoono haddi la fuliyo
mashruuca qorshaha biyaha ee Etoobiya.
Ugu dambeeyn mowduuciisa wuxuu ku soo gunaanaday :

a. In ay webiyada Jubba iyo Shabelle ay yihiin wabiyo ka dhexeeya Somalia,
Itoobya iyo Kenya
b. Webiyadu in ay yihiin kuwa sannadle ah
c. Haddana in ay biyihii soo gaarijiray Soomaaliay ay yaraadeen. Hab u
darnaadee Shabelle.
d. Shabelle in uu fataho waqtiga roobabka.

Si aad xogta oo dhan u heshid, fadlan fiiri Warbixinta 2aad (Annex 3) halkaan ku lifaaqan.

Warbixintii 3aad
Warbixintaan waxaa soo jeediyay Buni Abdulkadir Nur Hadafow iyo Ibrahim Isaq Adan, oo soo
qaatay buugga hagaha wax soo saarka deg-dega ah ee dalagyada qaarkood ee dalku leeyahay,
si loo sugo amniga cutada, wuxuu si gaar ah uga hadlay dalaga Waambaha. Sidii uu sheegay
buuni Hadaafoow, Waambuhu in uu yahay dalag ku baxa biyo yarida, wuxuuna ka baxaa
agaarka magaalada Muqdisho. Sida Waambaha loo tacbo iyo faaidadiisuba waxaa lagu soo
koobay Buugga Hagaha, kaas oo si buuxda nooga haqab taridoono barashada tacabka
waambaha, iyo dhaqaaleyntiisa.
Buuni Hadafow isagoo qeexaayo Hagaha Waambaha iyo sida loo isticmaalo wuxuu yiri sidaan:
• Hagaha waambaha waxa loola jeedaa in la siiyo shaqaalaha fidinta beeraha iyo
beeralayda tacbayso waambaha si ay u helaan tixraac degdeg ah, si ay u hagaan
horumarinta wax-soo-saarka waambaha.
• Dalagan ayaa fure u ah amniga cuntada iyo nafaqeynta qoyska iyo sidoo kale dakhliga
ka soo gala deegaanada darafyada kuyaalo (marginal areas). Waambaha waxaa lagu
tacbi jiray Soomaaliya ( beeraha xeebaha ee Muqdisho una dhaw Afgooye iyo Balcad).
Buugas oo la soo koobay waxaad ka heleysaa lifaaqa 4aad (Annex 4) ee warbixintaan.
Waxaa halkaan ka muuqdo, khubarada beeraleyda Somaaliyeed, in ay aqoon ahaan diyaar u
yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan iyagoo aan haysanin qalab casri ah oo ay
wax ku baaraan ama ku shaqeeyaan. Inkasta uu dalkeena maraayo maxalad aad u adag,
khubarada halkaan ku xusan iyo kuwa kaloo na maqan ba, waxay muujiyeen dadaal dheeraad
ah, madaama ay ku dhexjiraan howlahooda si toos ah ama si dadban ba. Waxay aad ugu
dadaaleen in ugu yaraan ay qabtaan wixii tabartooda ah, si markasta oo loo baahdo xog ku
saabsan howlahooda ay diyaar la yihiin in ay la wadaagaan cid kastoo daneeyneysa, sida ay
hadda sameeyeen oo kale. Waxaa kaloo taasi dheer in madaxda Wasaaradda Beeraha ay si
shuruud la’aan u dhiiri geliso howlaha beeraha, deraasaadka cilmiga, kulamada iyo maalgelinta
khuseeyo wax soo saarka dalka. Taasina waxay muujineysaa in ay isku duubanyihiin si kasta oo

ay u jiraa caqabado cimilo, wax soo saar, keydin dalag iyo suuq ba. Waxay taasi na
xusuusineeysaa mah-maah Soomali ah oo dhaheysa:
"Far Kaligeed Fool ma dhaqdo ama Gacmo wadajir beey wax ku gooyaan”.
Falanqeeyn iyo dood dheer ka dib waxaa leysla gartay arrimaha hoose:
1. In warbixinada ay soo jeediyeen khubaradii goobta ka hadlay ay dhamaan muhiim yihiin, lana
xiriiraan wax soo saarka dalka.
2. Waxaa kaloo leysku afgartay in ay muhiim tahay in la sugo Aminiga Cuntada iyo Nafaqada
dadweeynaha.
3. In laga bilaabo tijaabinta iyo tacabka dalagyada abaarta u adkeysta oo dhulkeena ka bax, oo
uu ugu horeeyo Waambaha.
4. In culeyska la saaro Waambaha oo keliya, kuwa kalena markale laga hadlo oo lagu xigsiiyo.
3. Meelaha lagu tijaabindoono ama laga tabci doono waxay noqoneysaa laba beer oo dhanka
Afgooye ku taalo iyo laba beer oo dhanka balacad ku taalo. In beer kastana laga tacbo ugu
yaraan hal hektar oo dhul ah. In goob kastana Waabaha lagu tacbo hal beer oo waraab ah iyo
mid roob ah.
4. Aqoonta tacbidda Waambaha iyo keydinta in lagu wacyi geliyo, lana baro beeraleyda
5. In la sameeyo xog ururin oo ku saabsan dalagga Waambaha, iyadoo la wareeysanaayo
dadka hadda tacbo iyo dadkii ka tagay oo iska dhaafay tacabka waambaha duruufa ka hortimid
awgeed. Xalna loo helo caqabadaha jira.
5. Nooca karinta iyo habeynta oo la casriyeeyo, dhadhanka la hagaajiyo, si dalagga uu suuq u
yeesho
5. In bulshada la wacyi geliyo waxtarka wambaha iyo faaidooyinkiisa sida:
a. Caafimaadka
b. Nafaqda
d. in abaaraha in looga baxo karo marka ay dhacdo cuntda yaraan
6. In la isticmaalo baraha bulsha, radiyaha, iyo TV ga, si dadka ay u fahmaan waxtarkeeda,
kana badbaadaan cudurada qaarkood.
7. In ay ganacsatadu maalgeliyaan tacabka Waambaha suuqna geeyaan
Waxaa intaasi dheer in la sameeyo:
- Abuur badin
- Abuur qeybin
- In la kordhiyo hellidda waambaha cunto ahaan
- In la tijaabiyo in uu dalaggaan is bixin karo
- In Keydinta la casriyeeyo ama la wanaajiyo
- In la casriyeeyo nooca cunto ee laga sameeynkaro Waambaha
- In la sameeyo taya dhowrka cuntooyinka oo u ku jiro waambaha
( wuxuuna ka mid yahay qorshaha waqtiga fog, haddii Alle idmo):

-

Qorsho howleedka Waqtiga Gaaban
Howlahaan waxaa guud ahaan hoggaminaaya isagoo la kaashanaaya Wasaadaa Beeraha iyo
inta ay khuseeyso arrimahaan Buuni Abdukadir Nur Hadafow.
Waxaa kaloo xoojinaaya:
Howsha la qabanaayo Goobta Mas’uulka Goorta
Xog Ururin Goobaha uu ka
baxo Waambaha

Abdukadir Nur Hadafow iyo
Mohamed Nur Mohamud (Garabaldi).
Dr. Mohamed Abiikar Ahmed
Abdullahi Islaaw Isman

Deg-Deg

Helid afar beer oo
waambo lagu abuuro
(labo Afgooye iyo labo
Balcad)

Afgooye iyo
Balcad

Abdukadir Nur Hadafow
Mohamed Nur Mohamud (Garabaldi).
Dr. Mohamed Ahmed Abikar iyo
Abdullahi Islaaw Ismaan

Deg-Deg

Hellidda fududeeynta
agab lagu bilaabo
(seed funding)

Afgooye iyo
Balcad

Wasaaradda Beeraha, iyo ku
howlanayaasha Waambada

Dece. 20
23 -
February
2024

Beeraha waambaha
laga tacbidoono iyo
howlaha laga
qabanaayo

Afgooye Dr. Mohamed Ahmed Abikar iyo
Mudane Abdullahi Islaw Osman

Xilliga ugu
soo horreyo
oo
howshasi la
qaban karo

Balcad Abdukadir Nur Hadafow iyo
Mohamed Nur Mohamud (Garabaldi)

Xilliga ugu
soo horreyo
oo
howshasi la
qaban karo

Wacyigelin ( Braha
bulshada,
warbaahinta)

Somalia Aini Abukar Ga’al iyo
Lul Farax Cabdi

Janaayo
ilaa
Desember
2024

Helidda Ganacsato iyo
Beeraleey , ka
qeybgash, tacabka
Waambaha

Shabellaha
hoose iyo
Shabelaha
Dhexe

Wasaaradda Beeraha
Dr. Hadaafoow

Marso ilaa
Desember
2024
Qiimeeyn Guushii la gaaray Dhamman ku howlanyaasha iyo dadka

daneeynaayo

Jannary
2025

U gogl Xaarif
qorsheynta Wajiga
qeybta labbad

Waxay ku
xirantahay wixii
ka soo baxo
qiimeeynta

Dhamman ku howlanyaasha iyo dadka
daneeynaayo

Jennayo
2025

Gunaanad
Soomalidu waxay dhaqan u lahaayeen in ay cutadooda tacbadaan, ka dibna wixii dheeraad ah
way keydsan jireen qaar kalena suuqa ayeey geeyn jireen si ay ugu soo beddesha ama lacagta
ay helaan ugu soo iibsadaan waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen. Dadku wuxuu markaasi ka
shaqeeynsan jiray, beero, xoolo, kaluumeysi, baayac mushta iyo xirfado kale (sida: sameeynta
dharka, kabaha, qalabka beerah ee yar -yar, agabka guryaha, guri dhisidda iwm), si ay u
buuxiyaan baahiyahooda kale ee nolaleed, iyo horumarka tacabkooda iyo caruurtooda
Somaalidu weligeed ma ahayn kuwa dhaqaale ahaan ku tiirsan dowladda ama cidkale oo
shisheeya ah, waxay ahaayeen kuwa isku filan qoys ahaan iyo bulsho ahaan, isna taakuleeya.
In ay arrimohooda dowlad soo dhexgasho waxaa loo baahan jira markii ay dhacaan
massibooyin aan caadi ahay sida fatahadah, arrimo khuseeya cafimaad darro oo baahsan.
Taasina dowladihii jiray waa ku dadaali jireen, sidoo kale waxay bixinjireen adeegyo bulsho oo
lacag la’aan ah oo joogto ah (sida Waxbarashada), si ay u kaabaan horumarkooda, iyo Tayada
aqoonta iyo caafimaadka bulashada.
Maanta arrimuhu sidaasi waa ka duwanyihiin dadkeena waaxaa ragaadiyay dagaalo sokeeyo,
abaaro iyo fatahaad oo soo noqnoqda. Tirakoobka dadka ku nool Somaliaya wuxuu u
dhexeeyaa 17. 1 ilaa iyo 18.3, malyuun, marka la barbardhigo tirakoobkii 1990, wuxuu
ahaatirakoobka dadkeenu ahaa 6,999,095, waxaad moodaa in uu seddax jibaarmay loona
baahanyahay in lala yimaado stratijiyad iyo dardar cusub oo lagu jiheeyo dadka, loona
maareeyo wax soo saarka dalkaba si loogu hago barwaaqo, nolol wacan, iyo indadkeenu iyto
dalkeenu ay buuxinkaraan shuruudaha lagu kasbada in lala tartamo aduunka, aqoon ahaan,
xirfad ahaan, wax soo saar ahaan iyo tayo ahaan ba.
Haddii aan u soo laabano gaar ahaan moduuceena waxaa muhiim ah iyo dadkeena iyo
aqoonyahanadeena, ay helaan hab aan biyaheena u beeqaamino si biyo yarida iyo fatahaada
looga baxo, sidoo kale in aan kor u qaadno wax soo saarka dalagyo kala duwan oo iskaabaya
kuna filan quudinta nafaqeeynta dadka, keydka suggidda amniga Cuntada, iyo u dhoofinta
badarka suuqyada aduunka, si loo helo lacata adag oo aan ku soo iibsano qalab beero iwm oo
casri ah, si aan uga baxno saaboolnimada, u gaarno iskufillan dhankastaba leh, si aan u gaarno
barwaaqo sooran waqtiga dhow..

Waa Maxay Sabatu ay Suggidda Amina Cuntada ay u Tahay Muhiim?
Waxaa muhiim in muwaadin kasta uu helo cunto u uku noolaado, waana xuquuq uu leeyahay
muwaadin kasta ee addunka ku nool, waana sharci. Si arritaasi loo xaqiijiyo, waxaa dowladda
Somaaliyeed saran in ay ka fakarto sidii ay u quudin lahayd shabakeed cunto tayo iyo nafaqo
lehna ay u heli lahaayee. Xaaladda aduunka waxaa la saadaalinaa in ay soo food saarty, cunto
yari, biyo yari iyo cimilo isbeddeshay isna beddelidoonta sida "Al NINO”. Madaama ay

arrimahaan iyo kuwa kale oo dhibaato wato ay sameeyn weyn ku yeelandoonaan aduunka oo
idil, waxaa laga yaabaa in dowlad kasta ay keykeeda cuntada kordhiso si ay dadkeeda u
quudiso. Somaaliya waxay si aad ah ugu tiirsantahay raashinka debbadda ka yimaad, oo haddi
dowladah manta naga iibiya raashinkaas go’aansadaan in ay waxba naga iibin, dadkeenu baahi
bu halis u yahay in u dhamado, sidaa daretted waa muhiim in laga fakaro laguna dhaqaaqo si
deg-deg in xal loo heli suggidda Aminaga Cuntada, iyo keydintaiyo maareynta biyahay
Somaliay si dadkeena waxa ay soo saaraan aan hakad u galin.
Hadaba waxaa loo baahanyahay in dalgyada abaaraha u adkeeysto, biya yaridana ku baxo la
tacbo, si aan u daboono baahida dhanka quudka, u helno dalag dalkeena ka baxay oo nagu
filan, iyo in aan ka maaranno raashinka debadda laga soo waarido kuna guuleysano in gaarno
isku filaan dhanka raashink.
Ugu dambbeyn waxaan aad loo bogaadinaayaa in la dar-dar geliyo shirarka noocaan oo kale
ah, si loo maalo maskaxda aqooyahnadeena, loona dhiirigeliyo wacyiga isku tashiga, isku
fillaanta iyo halabuurka horumarineed ee anfacaaya dadka, duuyada iyo dalka. Waa Billahi
Atowfiiq.
Shirkaan waxaa soo xiray Agaasima Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, ee
Dowladda Federaalka Somaliya, Buuni Mahamoud Mohamed Mohamoud, wuxuu ballan qaaday in
isaga iyo Wasaaraduba ay dhiirigelinayaan taakuleeynayaana howshaan iyo howlaha la mid ka ahba.

Warbixintaani waxaa isku soo hagaajiyaya: Amina Sharif Hassan

Note: Shirka dambbe oo shirkaan dabaa jooga waxaa qabandoona: Dr. Hussein Mao Haji,
agaasimaha ururka SATG. Isgana ka warsugeeyna goorta iyo goobta u uku qabanaayo.

Liiska tirade dad ka soo qeuybgalay shirkaan, fiiri lifaaqa ka fiiri lifaaqa 5aad ee warbixintaan.
Xog dheeraad ah ka fiiri tixraaca eferences ka ee warbixintaan ku kifaaqan.

Tixraac/ Refference

Annex 2

11/11/2023

Caqabadaha heysta wax soo saarka Dalka (Beeraaleyda yar yar iyo kuwa waaweynba)
1) Caqabad Tacabka ah
2) Caqabad Keydinta ah
3) Caqabad Suuq-geynta ah
1. Tacabka
Beeraaleyda yar yar iyo kuwa waa weynba waxaa ka dhaxeya xiriir wax soo-saar
Caqabadaha haystane waxaa ka mid ah:-
a) Abaaro iyo Fatahaadyo soo laa laabtay
b) Amni darada guud oo sameyn ku yeeshay wax soo-saarka taasoo keentay
Barakac oo meesha ka saartay xiriirkii Beeraleyda yar yar iyo kuwa waa weyn,
ayagoo noqday Beeraaleydii yar yareed Barakac wax ka suga Hay’adaha
Beeraleyda waa weyne waxaa qabsatay Shaqaale la’aan.
c) Maheystaan Beeraaleyda Qalabkii casriga ahaa ee loogu tala galay Tacabka
(Geyd-qaadka ilaa Finjilka) iyo Bacramin iyo Cayaan dille.

2. Keydinta
a) Waxaa maqan oo caqabad weyn ku ah Beeraaleyda Keyd la’aanta Sida
Bakhaaradihii jiri jiray ee Badarka iyo Qawoojiyaashii Qudaarta iyo Miraha
(Vegetables and Fruits) taasoo keentay badarkii oo halaabo Qudaartii iyo
Mirahiina mar suuqa lagu daadiyo marna la waaya.

3. Suuq-geynta

A. Dhalanyada wax baratay oo Shaqo abuur ka sameystay Green House
Qudaarta soo saarta:-
 Dadkeyna oo dhaqaale ahaan iibsan Karin una arka qudaarta in
ay tahay Faaakiheysi oo ay ka muhiimsan tahay Cuntada
daruuriga ah (Galeyda, bariiska, iyo Baastada),
 Kooxdii la rabay in ay ka iibsadaan (Ajaaniibta Xalene) Waxey
ka keensadaan Dibadaha.

B. Gobolada Dalka oo kala xiran (Wado xumo iyo Amni daro)
C. Caqabada ugu daran waa anagoo adeegsana oo kaliya Dakad ama
Garoon Diyaaradeed in wax laga dhoofiyo ama laga soo dajiyo waxaa ka
muhiimsan oo aan la ogeyn xuduudada dariska sida: - Looya-cade
(jabuuti), Wajaale (Itoobiya), Doolow (Itoobiya/Keynya), Mandheere
(Keynya), Libooya (Keynya), iyo IWM. Kuwaasoo dhan Badeeco ayaa
nooga timaado anagase ma dhaafto badeecadaheena Xuduudahooda
iyadoo mar marsiyo laga dhigaayo Suuq-madoow, Caafimaadkeeda
lama oga damaanad Dowladeed iyo mid Bankibo Malaha.

D. Badeeco kastoo dhacday (Expire Date), iyo mid mamnuuc ka ah
wadanka sida Daabooyinka Beeraha, Kiimikada beeraha oo dhacday
waala soo geliaa.
E. Badeecadaha ay dhoofiyaan ama Qalab beereedka ay keensadaan ma
helaan Canshuur dhaaftii ay xaqa u lahaayeen.

Dhamaad

Maxamed Abiikar Axmed


XOG-WARANKA WAAMBAH

Waxa diyaariyey Prof. Abdikadir Nur Hadafow

Hormuudka Kulliyada Beeraha

Jamacadda Caalamiga Adan Adde

Waxaa soo jeed

11/11/2013

Hordhac

Kani waa buug hage-wax-soo-saar degdeg ah oo loogu talagalay
dalagyada miraha yar yar ee u adkeysan kara abaarta, sida WAAMBAHA.

Dalagan ayaa fure u ah amniga cuntada iyo nafaqeynta qoyska iyo sidoo
kale dakhliga ka soo gala deegaanada darafyada kuyaalo (marginal areas).
Waambaha waxaa lagu tacbi jiray Soomaaliya (goobaha beeraha xeebaha
ee Muqdisho una dhaw Afgooye iyo Balcad).

Muhiimada uu u leeyahay aagagaas waambaha ayaa aad u weyneyday
hadda marka loo eego caqabado ayaa ku soo kordhay sida isbeddelka
cimilada.

Hadaba hagaha waambaha waxa loola jeedaa in la siiyo shaqaalaha
fidinta beeraha iyo beeralayda tacbayso waambaha si uga helaan tixraac
degdeg ah, si ay ugu hagaan horumarinta wax-soo-saarka waambaha.

Magaca guud: Waanbe (Finger millet)
Magaca Sayniska: Eleusine coracana

Waambah ayaa nafaqo ahaan ugu muhiimsan badarka yar yar ee lagu
tacbo kulaylaha(tropical). Inkasta oo ay u baahan tahay biyo ka yar
mesegada, hadana aad buu lagama maarmaan u yahay waambaha
sababtoo ah wax uu qani ku yahay miiq, bir iyo kalshiyam(fiber, iron
iyo calcium). Miraha waambaha waxa la kaydin karaa sanado badan
iyada oo aanay waxyeelayn cayayaanka, taas oo ka dhigaysa mid aad
muhiim ugu ah haqab-beelka cuntada ah.

Si kastaba ha ahaatee wax soo saarka waambaha ee sanadaha la soo
dhaafay ayaa la kulmay caqabado dhowr ah, oo ay ku jiraan
helitaanka xadidan ee abuurka, qiimaha liita, wax-soo-saarka
hooseeya iyo kooxo badan oo shimbiraha quelea gaajaysan ayaa cuna
waambaha.

La'aanta tignoolajiyada goosashada iyo habeyn la’aanta waambaha
ayaa sidoo kale dib u dhigtay in uu heliywaayo suuqyo rasmi ah
dalaga waambaha.

Marka uu dakhligu kordho, macaamiishu waxay jecel yihiin inay
iibsadaan sarreen, bariis iyo xaaladaha qaarkood geleyda, halkii ay ka
iibsan lahaayeen miraha adag waambaha ee caadiga ah.

Shuruudaha Meelaha Uu Kabixi Karo Waambaha

Roobabka da'a 200-500 mm sanadkii,

Heerkulka 11-27°C

Heerkulka ka baxsan xadkan ayaa yareeya wax-soo-saarka dalaga.
Waambaha ayaa aad ugu nugul qabowga

pH Caro bacrin ah oo si fiican u gudbinayso biyaha

Qiyaasta pH: 5.0-8.2

Xaaladaha Ciida(Soil Conditions)

Waambaha waxaa lagu beeraa xaalado badan oo caro ah oo
kaladuwan u dhexeeyso dhoobo, luum ilaa caro bacaad leh.
Dhamaantood wuu u dulqaadanayaan, waabaha cusubada si ka fiican
ayuu uga baxaa inta badan badarka kale, laakiin waxa uu si fiican uga
baxayaa waambaha meesha caradeeda bacrinta tahay biyo badan aan
ceshaneynin ama biyahana fariisanin.

Dhaqanka Tacabka (Agronomic Practices)

Xulashada Nuuc

Nuucyada waambah ayaa laga heli karaa Soomaaliya. Beeraleydu
waxay doortaan nuucyo ku haboon xaaladahooda kuwaas oo leh
sifooyin gaar ah oo ku haboon meelo kala duwan.

Heerarka Abuurka
Waambaha: 3-5 kg/ha

Inta badan beeralayda weli beera waambaha ayaa isticmaalaya
nuucyo maxali ah oo aan la hagaajin iyo hababka abuur firdhin
dhaqameed ee beerida waambaha.

Isticmaalka nuucyada la hagaajiyay iyo hab-dhaqanka beeraha
wanaagsan, wax ay kor dhinaysaa wax-soo-saarka mirahan
waambaha nafaqaysan wayna kordhin karaan 0.5-1.0 tan
hektarkiiba ilaa 3.0-5.0 tan hektarkiiba.

In beeralayda yar yar la siiyo nuucyo waambo wax soo saarkiisu
sareeyo, waxay wax ka tari kartaa, sugnaana cuntada qoyska,
horumarka dhaqaalaha iyo yaraynta faqriga ee Soomaaliya.

Dalag Bedelid

Dalag bedelid ayaa aad muhiim ugu ah yareynta cayayaanka iyo wareegyada
cudurada iyo sidoo kale ka faa'iidaysiga ugu wanaagsan ee nafaqooyinka ciida.
Waambaha waa’in lagu bedelaa dalagyo caleemo balaaran sida digir,
gabaldayaha, lawska iwm.

Diyaarinta Dhulka

Diyaarinta dhulku waa’in hore loo bilaabo, ka hor inta aan la gaarin xiliga
roobaadka. Waqtiga ugu fiican ee la bilaabo diyaarinta dhulka waa marka la
goosto dalaga hore kedib. Habka beerista loo isticmaalo ayaa go'aamin doona
sida dhulka loo diyaarin doono.

Xulashada Beerista

Waambaha waxaa lagu beeri karaa 2 dan ikhtiyaar ee beerashada ugu muhiimsan,
kuwaas oo ah beerista caadiga ah iyo beerista la dhimay.

Beerista la dhimay ayaa ah doorashada ugu haboon eena ku haboon aagagga
cirifyada ah halkaas oo waambaha inta badan laga beero maadaama ay caado u
leedahay in ay ilaaliso qoyaanka roobka yar ee la helayo si loo isticmaalo sida ugu
badan qoyaanka roobka day.

Beerista La dhimay (Conservation Tillage)

Kani waa habka beerista oo ku lug leh caro gedinta ugu yar. Ma jiro wax xaaqid ah
sida beerista caadiga ah, laakiin ciida ayaa laga diyaariyaa keliya boosaska
beeritaanka miraha .

Beerista Caadiga ah

Dhulka waxa lagu beeraa iyada oo la rogo ciida iyo in la aaso ama duugo haraaga
dalagii hore. Tani waxaa laga yaabaa inaysan ahayn dhaqan wanaagsan oo ku
haboon dhulka doonka iyo meelaha caradu nabaad guurka ay dhibaato ku tahay.
Dhaqdhaqaaqa hada jira waa’in la tago habka beerista ee la dhimay, iyadoo la
eegayo faa'iidooyinka habka dhaqanka.

Habka Caadiga ah

Isticmaalka caro gedinta caadiga ah waxaa la rogo ciida, adoo aasaya dhamaan
haraaga dalagii hore iyo cowska ama haramaha. Beerista waa’in mar walba lagu
sameeyaa tuurta farta.

Haddii dhulku leeyahay burar badan, waxaa la isticmaali karaa erbish dibi lagu
xiray ama makiinad si loo burburiyo ciida, oo loo sameeyo beer wanaagsan oo
caro jilicsan, sababta oo ah abuurka waambaha aad ayuu u yar yar yahay.

Labada saf ee waambaha waxaa la isu jirsiiyaa ama la isu dhexeeysiiyaa 45cm.

Waambaha waxuu leeyahay miro yaryar, sidaas awgeed sariirta abuurku
waa’inay ahaataa mid wanaagsan oo aan caws lahayn.

Isticmaalka Bacriminta

Waxaa lagu talinayaa in meesha laga helo, labadaba bacrin organiga (digaaga,
compost iwm) iyo bacriminta aan organiga ahayn waa’in lagu isticmaalo
waambaha marka la tacbayo si looga helo wax soo saar badan hektarkii.

Digada iyo Isticmaalka Bacriminta Asaaska

Sida haboon, cadadka bacriminta iyo digada la isticmaalayo waa’ in
lagu go'aamiyaa iyada oo la baarayo ciida marka hore. Si kastaba ha
noqotee, sida caadiga ah, qiyaasta lagu taliyey ee isticmaalka
bacriminta asalka ah ee wax-soo-saarka ugu fiican waa 200 kg /
hektar.

Bacriminta asaaska waa’in had iyo jeer lagu dabaqaa ama la
isticmaalaa ka hor beeritaanka ama marka la beerayo, waa’in ay ka
hoos martaa abuurka, iyada oo la hubinayo in aysan si toos ah ula
xiriirin ama taaban abuurka. Tan waxaa lagu gaaraa iyadoo bacriminta
lagu daboolo lakabka ciida (1 cm qaro weyn) ka hor inta aan la beerin.

Bacrin Kor Kasiinta ama Dhaymada Sare
(topdressing)

Bacrinta kor kasiinta guud ahaan lagu taliyay waa yureeya(urea),
heerka codsiga waa 100 kg/ha. Wax-soo-saarka ayaa soo muujinay
inuu kordho maadaama bacrimin badan lagu isticmaalayo dalaga ilaa
ugu badnaan 100 kg/ha. Dhulka bacaadka ah bacrinta waa la
isticmaali karaa marka roobku ku badan yahay, kala qaybin ayaa lagu
talinayaa bacrinta kor kasiinta. Qadarka la rabo bacrinta kor kasiinta
ayaa loo kala qaybiyaa laba, iyadoo kala baro qadarka lagu dabaqayo
ama la isticmaalayo marxalada 5-6 caleen iyo barka kalena waqtiga ay
ubaxaynta soo dhawdahay. Markaad aad isticmaaleyso dhaymo sare
ka ilaali inaad bacriminta taabsiiso geedka. Tani waxay keeni kartaa in
bacriminta gubato geedka.

Bacrinta kor kasiinta ama dhaymada sare waa’in la sameeyaa marka
ay caradu qoyan tahay, gaar ahaan isla marka roobka da’o ka dib.

Waqtiga Beeritaanka

Waqtiga ugu fiican ee beeritaanka waa isla marka ugu horeysa ee
roobab waxtar leh (marka ay jirto qoyaan ku filan ka soo dhalashada
ama biqilida ciida) la helo. Waqtiga roobabka waxtarka leh ee ugu
horeeya ee la helayo meelaha kala duwan ayay ku xirantahay,
waxayna noqotay mid aan la saadaalin karin marka la eego isbeddelka
hada ee qaabka roobka. Beerashada waa’in ay dhacdaa goor hore
waa’in aad hubisaa in goor hore la beero maadaama dhulka la
diyaariyey ka hor roobabka. Beeritaanka faraha ama rubacyada waxay
xooga saaraan in biyo badan la helo, hilitaanka nidaam qoyaan
wanaagsan oo soo dhalin kara ama biqilin kara abuurka dalaga
waambah.

Dhimida

Dhimda ayaa aad muhiim u ah si loo hubiyo tirada ugu fiican ee dhirta. Tirada
dhirta oo ka sareeya cadadka ugu fiican waxay keeni doonaan dhir dhaadheer
iyo kuwo dhuuban oo soo saari doona madax ama sabuul aad u yar yar, taas oo
keeneysa wax-soo-saarka yar. Dhanka kale, tirada dhirta oo ka hooseeya
cadadka ugu fiican waxay keeni doontaa madaxyo tiro ahaan yar, taasoo keenta
hoos u dhaca wax soo saarka dalaga.

Falka Cowska

Falka cowska ugu horeeya waa’in la sameeyaa isla marka cawsku bilaabaan inay
soo baxaan. Dhirta yar-yar waa’in 45-ta maalmood ee ugu horeeysa ee
koritaanka caws la’aan ay ahaato beerta, sidaa awgeed falka waa’in lagu celiyaa
inta jeer ee lagama maarmaanka ah si dalaga looga dhigo mid xor ka ah cawska
mudadaas. Falka cowska goor dambe ayaa sidoo kale lagula talinayaa si dalaga
uu u noqdo mid xor ka ah wakhtiga goynta miraha. Isticmaalka haboon ee
cowsdilaha (herbicides) waxay xaqiijin doontaa dalaga xor ka ah cowska ama
haramaha. Isticmaalka cowsdilaha (herbicides) sida atrazine ee lagu taliyay ciida
leh wax ka badan 25% dhoobo ah.

Maareynta Cayayaanka iyo Cudurrada

Shimbiraha ayaa ah aragtida ugu xun ee soo saarayaasha waambaha,
waxayna si weyn u dhimi karaan wax-soo-saarka. Beeraleyda
deegaanada qaar ayaa iska daayay waambaha ee ay beeran jireen
sababo la xiriira khasaaraha ka soo gaaray shimbiraha. Shimbiraha
Quelea, oo tiro badan, waxay saameeyaan dalaga marxaladda
caanaha jilicsan halka qooleyda ay weeraraan miraha xiliga
qaan-gaarka. Waambaha, dadka shinbiraha ka dhowrayo waxay ku
jurayaan dhibaato inta uu korayo dalaga.

Si loo xakameeyo shimbiraha beeralayda waa in:

1. Beerta oo goor hore la tacbo waxay si aad u yaraysaa weerarka ay
shimbiruhu ku hayaan dalaga tan iyo wakhtiga uu dalagu bilaabo
samaynta miraha waxaa jiri doona miro badan oo kale iyo caws ay
shimbiruhu cunaan. Shimbiraha waxay u janjeersanyaan inay kuwan
ka door bidaan dalagyada beerta.

2. Cabsigeliyaha shimbiruhu waxay wax ku ool u tahay yaraynta miraha
shimbiraha cuni karaan. Beeraleydu waxay dhisi karaan dhismayaal
cabsigelinaya shimbiraha kuwaas oo caawiya cabsigelinta shimbiraha

3. Ribbon ama cajalad ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa in laga cabsiiyo
shimbiraha. Waxa lagu xiri karaa darafaha ilaa cirifkeeda kale ee baarta, si
marka ay dabayshu afuufto ay ka soo baxdo dhawaq shimbiraha ka nixi doona.

4. Wadaagista shinbiraha waxa ay yaraysaa tirada shimbiraha ee beeraha
weerara iyada oo dad badan ay ku nool yihiin meel ay ku beerayaan dalag isku
mid ah sida waambaha.

Goynta

Marxalada ugu fiican ee la goosan karo dalaga waa marka uu gaaro
qaan-gaarnimada jireed. Dalaga jirkiisu waa bislaaday marka caleemaha huruud
noqdaan oo ay bilaabaan inay si dabiici ah u engegaan, bar madowna waxay ka
soo baxdaa xaga hoose ee miraha. Mudada dheer ee dalaga lagu hayo berinka
kedib qaan-gaarnimada jireed, waxay sii badanaysaa khasaaraha ay sabab u
tahay shimbiraha, cayayaanka, jiirka, madowaadka iyo cimilada xun.

Maareynta Goosashada Kadib

Qalajinta: Waambaha waxay gaari karaan qaan-gaarnimada jir ahaaneed
marka mirahu weli ku jiro qoyaan badan. Sidaa darteed madaxyada la goosto
waa’in la qalajiyo ka hor inta aan la tuman, iyada oo lagu warayo qorraxda

Tumida: madaxyadu waxay diyaar u yihiin in la tumo marka mirahu si fudud
uga fuqo madaxa iyada oo saameyn yar ay leedahay. Marxaladan waa la tumi
karaa ama la garaaco ama madaxa lagu garaaco ulo. Tumida waa’in lagu
sameeyo meel adag oo nadiif ah oo ka nadiif ah walxaha ciida iyo dhagxaanta.
Matoorada ama kuwa korontada ku shaqeeya ee wax tumaya, kuwaas oo
tumaya oo nadiifinaya miraha hal mar waa la isticmaali karaa.

Haadinta: kedib finjilida miraha waa la haadiyaa iyadoo la isticmaalayo
dabaysha dabiiciga ah si looga saaro qaybaha waaweyn ee qashinka sida
caleemaha iyo qolofka miraha yar yar. Miraha kama dambaysta ahi waa’inuu
ahaadaa mid nadiif ah oo aan lahayn wax qashin iyo wax ku dhegan mirta.

Daawaynta miraha: Kahor kaydinta, miraha waa’in la daaweeyaa si
looga fogaado waxyeelada cayayaanka kaydinta. Hababka
dhaqameed ee daaweynta ayaa la isticmaali karaa, iyo sidoo kale
kiimikooyinka kaydinta miraha ee diiwaangashan. Kiimikooyin kala
duwan oo lagu daweeyo badarka ayaa laga heli karaa suuqa.
Doorashadu daaweynta waa’inay ku salaysanaato qiimaha, wakhtiga
u dhexeeya daawaynta badarka iyo isticmaalka, waxtarka iyo
xakamaynta xasharaadka kaydinta.

Kaydinta: Miro nadiif ah oo la daweeyay ayaa lagu kaydin karaa
bacaha, ama si toos ah ayaa loogu dhex kaydin karaa baqaarka.
Miraha waxay si fiican ugu kaydsamaan marka qoyaankooda dhan
yihiin 10-12%. Isticmaalka qaababka kaydinta miraha ee la hagaajiyay
waa’in la dhiirigeliyaa. Meesha miraha lagu kaydinayo waa’in bacaha
lagu dhejiyaa alwaaxyo korkooda (ama wax u dhigma) iyo in derbiga
laga fogeeyo si looga hortago in qoyaanka laga nuugo dhulka iyo
derbiyada.

Warbixintaani waxaa isku soo hagaajiyay: Amina Sharif Hassan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip