Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)

0
Saturday November 25, 2023 - 15:34:24 in Wararka by
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo mar kale ka soo muuqaneysa saaxadda Caalamka (WARBIXIN)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jiray Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi. Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo socday muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaar garowga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya waxay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, dawladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ah oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada, ugu dambeytiina shalay ayay Soomaaliya Xubin buuxda ka noqota Ururkaasi.

"Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa faahfaahiyay xubinnimada Uurukaan, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ku helayso laba faa’iido, isaga oo tan koowaad ku sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay si rasmi ah u heli doonaan xuquuqda muwaadiniinta dalalkaas, wuxuuna xusan faa’idada kale ay Soomaaliya ugu jirta Ururkaan in ay tahay dhanka isu socodka uu ka sii wanaagsanaan doona sida uu hadda yahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahnta Qaranka ayaa ku sheegay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista Urur Gobaleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kadib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha oo khudbad jeediyey musasabadda ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

Haddaba waxaa si weyn uga falceliyay arrintaasi masuliyiin isugu jira Madax xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka iyo kuwa haya haatan, iyo dad kale, "Waa guul weyn in Soomaaliya ay maanta ka mid noqotay Bahda ku midaysan "Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo fursad u siinaysa dadka Soomaaliyeed in ay helaan suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanaya. Mahadsanid Madaxweyne dadaalkaada soo bilowdey tan 2016-kii kuna soo gabagaboobey guusha maanta 2023-ka. Sidoo kale waxaa Ammaan iyo bogaadin mudan ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee ururka bulshada Bariga Afrika Md. Cabdisalaam Hadliye Cumar, khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya”, sidaasi waxaa Bartiisa Facebook-ga ku soo qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

"Qaan-gaarnimadiisa Siyaasadeed ayaa sabab u ah Guusha Maanta iyo kuwa kasii faaiidada badan ee aan filanayno Maalmaha soo socda insha allaah. Madaxwaynuhu waxa uu u mahadceliyay Hogaamiyayaasha Gobalka ee saaxiibadiis ah ka dib markii ay ansixiyeen codsigiisii” ayuu sii raaciyay Mudane Cadaala.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u dirtay hambalyo diiran oo ku aaddan in maanta dalkoodu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Bulshada Bariga Afrika – waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada Soomaaliya ee saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeeda. Hambalyo.

"’HADDAAD GARATO WAA GUUL’. Soomaaliya oo ka mid noqotay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay guddoomay kursiga xubinnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaal badan ka dib markii la aqbalay codsigiisa. ‘Guul Ninkii holliyaa helee waa Howl lagu Guleystay waana fursad Soomaalidu ka faa’iidi karto”, sidaasina waxaa yiri:- Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada National Theater-ka Abwaan Cusmaan Cabdulle Guure.

Xildhibaan Maxamed Cajiib ayaa isagana oo ka hadlaayay guusha Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka gaartay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika ayaa ku biiriyay codkiisa "Waxaan bogaadinayaa dadaalka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ee ka mid noqoshada Bulshadda Bariga Afrika. Waxaan hubaa in uu Madaxweyne HASSAN SHEIKH MAXAMUUD uu xaqiijiyay Oraahdii Eheed Soomaali Heshiis ah Dunidda Heshiis la ah, gaar ahaan Bariga Afrika Heshiis la ah”.

Raii’sulwasarihii hore ee XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Qoraalka Raii’sulwasaraha ayaa u qornaa sidaan. "Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo maanta si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika. Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah.

"Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah”.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Raii’sul-wasaarihii hore ee Dalka ayaa isna Boggiisa TWETER (X) ku qoray farriintani " waxaan ugu hambalyeeynayaa Dowladda iyo Shacaba Soomaaliyeed ku biirista Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika EAC waxay horseedi doontaa isbedel weyn oo ku yimaada isu socodka Dadkeenna iyo badeecadaheenna guud ahaan Gobolka”.

"Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dalladan, ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadkeennu ku wanaagsan yahay ganacsiga. Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika”, Kaasina waa Shiikh Shariif Sh. Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay ugu hambalyeynaysaa Shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC). Hey’addu waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Hassan Sheikh Mohamud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan Ummadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisan tahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.

Haddaba maxay ka faaideysa Soomaaliya?Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooyinkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa waxa ku nool in ka badan 200 oo Milyan oo qof, taasi oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

 BY:-RUUSHABDULLAAHI

XIGASHO:- SONNA




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip