HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA NOV. 2023-KA

0
Sunday November 26, 2023 - 08:21:11 in Wararka by
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA NOV. 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya waxa cuno qabataynta hubka laga qaadi doonaa bilowga bisha Decem ber

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

ayaa soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dadaalka ku bix isay dowladdu, ku waas oo ay ugu hor reyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaa dista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaa liya ee ka mid noqoshada urur goboleedka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada ku jira gacanta argagiiixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa laga guul gaarayo arrimaha inta badan la xiriira dibadda iyo beesha caalamka, maadaama la hagaajiyey xiriirka iyo diblumaasiyadda dalkeenna, balse looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed in ay ka libin keenaan qorsheyaasha u gaarka ah ee ku aaddan dhammeystirka dastuurka, xore ynta dalka iyo nabadda.

"Baarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashaa in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dha mmeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyad una ay sidaas ula macaamisho.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilma amay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolni mada iyo daminta colaadaha sokeeye.

"Afartii bilood ee ugu dambaysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid hawl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024 ay gaarto in ka badan hal bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladn imo waa adkaanaysaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal badan gelisay xasilinta dalka, colaadaha iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo la ilaalinayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, waxa uuna baaq nabadeed ka diray khilaafka doorashooyinka ee ka taagan Sooma aliland iyo Puntland

Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoo miyey shir ku saabsan diyaargar owga COP28

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir ku saabsan diyaargarowga COP28 oo 30-ka November ka furmi doona magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka-ka Carabt

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuu madda #DanQaran ee ku aaddan shirka isbeddelka cimillada ee COP28 iyo qorshooyinka cadcad ee Soomaaliya shirkaasi la tagaysi, si wax looga qabto dhibaatooyinka isbedde lka cimilada adduunka ku keenay dalkeena

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddel ballaaran laga dareemayey 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlam aanka oo shaaciyay in Dastuurka dalka la dhameystiri doono

Gudoomiyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Shalay ka hadlaayay furitaanka Kalfadhigga 4-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa shaaciyay in Baarlamanka uu isku dayi doono in wax laga badelo Dastuurka dalka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sheegay in Kalfadhiyada Golaha Shaca bka ee Baarlamaanka inta badan diira dda lagu saari doono arrimaha Dastu urka iyo sidii loo dhameystiri lahaa qabya qoraalkiisa.

"Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaan ka waxaa looga doodayaa cutubyada Dastuurka KMG ka ah, dhamaan xildhibaanada sharafta leh waxaan kula dardaarmayaa in Kalfadhigaan 4-aad ee Shalay inoo furmaya u dhabar adeegaan juhdi badana ay geliyaan ka doodista dastuurka, si uu dastuurkeena uga baxo kumeel gaarnimada” ayuu yiri guddoom iyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe. Gudoomiye Sheekh Aadan Mado obe ayaa sidoo kale ugu baaqay muda nayaasha Baarlamaanka iney muhi imad gaar ah siiyaan fadhiyada soo socda ee Golaha Shacabka oo uu xusay in lagu go'a aminayo Dastuurka.

Dhanka kale gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka fedara alka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdull aahi oo ka hadlaayay furitaanka Kalfadhiga afaraad ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay dhame ystirka Dastuurka dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi in Dastuurka uu noqday mashruuc furan oo qarash farabadan ku baxo, hadana aysan muuqan hanaankii uu ku dhameystirmi lahaa.

"Dastuurka Soomaaliya wuxuu noqday kan ugu waqtiga dheer ugu qarashka badan uguna khalada adka badan, waa inaan ka shaqeyna sidii qabyada looga saari lahaa oo loo dhameystiri lahaa" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Hadalada Shalay kasoo yeeray guddoonada labada Aqal ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowla dda federaa lka ay haatan ku howlan tahay wax ka badalka Dastuurka, taasoo uu hormuud u yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaw aan shaaciyay inuu dalka u guurayo nidaam cusub oo ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen

Mw. Xasan Sh. "Dadka Somaliyed ha u diyaar garoob aan iney wax la wadaagaan 300 Milyan oo ruux"

Madaxweynaha dowladda Fedara alka Soomaa liya Xasan Sheekh Max amuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay muhiimada Soomaaliya ay u leedahay ka mid no qoshada daladda bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu horeyn ugu hambaleeyay shac abka Soomaaliyeed ku biirista dala dan ayaa sheegay in fursad ahaan wax badan soo kordhineyso ku biirista daladan, isagoo xusay in dalka uu dhex ceegaago kheyraad baaxad leh oo ku jira Badda iyo Biriga. Wuxuu sidoo kale ku baaqay madax weynaha in dadka Soomaaliyeed ay u diyaar garoobaan la macaamilka bulsho gaareysa 300 oo Milyan oo ka soo jeeda dalalka ku mide ysan dal adda bulshada Bariga Afrika oo tirad oodu haatan noqotay sideed dal, kadib ku biirista Soomaaliya. "Dadka Sooma aliyeed ha u diya arga roobaan in ay wax la wadaagaan 300 Milyan oo ruux, waxa uu suuqaan kasoo billawdaa Badda Atlantic waxa uu gaaraa ilaa Bad weynta Hindiya iyo Badda Cas, Dal macno badan oo wax badan soo kordhin doonna ayaan na hay waa nalaga faaiidi doonnaa ana gane sidoo kale waan faaiidi doonnaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay ku biiri doonto Suuqyo kale oo muhiim, isagoona ugu dambeyn kula darda aray dadka Soomaaliyeed iney la tartamaan dhigoo da shucuubta ku nool gobolka.

A/Madoobe oo shaaciyay tirada xildhibaanada lagu dhaawacay dagaalka Shabaab

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo Shalay khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadh iga 4-aad ee labada Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan daga alka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Sheekh Aadan ayaa ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aankiisa ku aa dan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in baarla maanka Soomaal iyeed uu qayb ka yahay dagaa lkan, isla-markaana xildhibanadu ay tageen furinta hore ee dagaalka.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay in laba xildhibaan ay uga dhaawacmeen dag aalka socda, kadib markii ay tageen jiid da hore, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug. "Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacm een xildh ibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhu uriyadda Federa alka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Sena taro Cabdi Qaybdiid oo runtii dal kan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiro guddoomiye Aadan.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale qiray in dagaal ka xildhibaanada uu muujinaayo sida ay uga go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.

"Taas waxa ay muujineysaa dadaalka iyo ka go’naashaha xildibaa nadeena iyo Ummadda Sooma aliyeed inay naftooda u huraan xoriyadda iyo shara fka dalka” ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn ay kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Xafiiska Q/M. ee Soomaaliya oo ugu ha m balye eyay dowla dda Soomaaliya ku biirista EAC

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu ham balyeeyay dowladda iyo shacabka So omaaliyeed guusha weyn ee ay ka gaareen in ay xubin rasmi ah ka noq daan ururka Bariga Afrika ee EAC.

War-saxaafadeedka ay soo saartay UNSOM ayaa lagu yiri "Waa guul u soo hoyatay Soom aaliya oo ka tarjumaysa dib ugu soo laabashada beesha caalamka iyo soo kabashada sharafteedii”.

Soomaaliya ayaa ku guuley satay xubinnimada ururka Bulsha da Bariga Afrika (EAC) oo Dorraad ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururkan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqosh ada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fudu daan ayaa.” Soomaaliya ayaa noqoneysa dal kii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysaa, Burundi, Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uga nda, iyo Tanzania.


Somaliya iyo Imaaraadka Carabta oo heshiis cusub ku gaaray Muqdisho

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Shalay heshiis cusub ku kala saxiixday maga alada Muqdisho kaas oo muhiim u ah dadka ku dhaqan deegaanadii ugu dambeeyay laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab. Heshiisan ayaa waxaa saxiixay safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Al-Ruma ithi, wuxuuna ku qotamaa qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay.

"Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorsh aha Imaaraad-ka ee la shaqeynta Dowladda Soom aaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodi sta ceelal biyoodyo lagu taageer ayo dadka Soom aaliyeed ee ku nool gobollada la xoreeyay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay heshiiska kadib soo saartay dowladda federaalka Soo maaliya.

Heshiiskan ayaa yimid, kadib kulan mira-dhal ah oo ay wada qaateen Guddoomiyaha Hay’adda Maar eynta Musiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo danjiraha Imaa raadka Carabta, kaas oo diiradda lagu saaray hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Safiirjka Imaaraadja oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaa jinta hababka taageerada qara nka.

Sidoo kale wuxuu si weyn u boga adiyay doorka baaxadda leh ee Hay ’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Dhankiisa Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa uga mahaceliyay safiirka iyo Dowladda Imaara adka Carabta taageerada ay muddada dheer a la garab taagan yihiin Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowl adaha Carbeed ee xiriirka wana agsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariic kala duwan, isaga oo sidoo kale taageeta ciidamada.

Xamza oo sheegay waxa ay Soom aaliya uga dhigan tahay billadda Axmed Maxamuud

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay waxa ay ka dhigan tahay billada hogg aamiyaha sanadka ee uu ku guuleystay guddo omiyaha shirkadda Hormuud, Axmed Maxamed Yuusuf. Axmed ay aa ku guuleystay aba alm arinta caalamiga ah ee CXO of the Ye ar, oo ay Africa Tech Festival ku aba al-mariso madaxda shikradaha Afri ka, ee horumarro iyo guulo waaweyn u horsee day shirkadaha ay hoggaami yaan, kana qeyb-qaatay horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in billadda uu ku guuleystay Axmed ay tahay mid ay ku wada guu leysteen dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

"Muwaadin Soomaaliyeed in uu ku guuleysto aba almarinta Isgaarsiinta Adduunka, waxa ay ifafaalo wanaagsan ka bixinaysaa horumarka Tiknalo ojiy adda dalkeenna iyo hal abuurka dadka Soomaaliy eed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu yiri "Billadda uu ku guuleys tay Guddoomiyaha Hormuud Telecom Xaaji Axmed Maxamuud Yuusuf ee hoggaamiyayaasha shirkad aha isgaarsiinta caalamka ee ka shaqeeyey horum arinta isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda dalalkooda waa mid ay ku wada guuleysteen dadka iyo dowla dda Soomaaliyeed ee durafihii adkaa ku wajahay dhabar adayg iyo dadn imo.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu damb eyntiina wux uu shirkadda Hormuud, hoggaan iyo howl-wade en ba ugu hamb alyeeyay guushan taariikhiga ah, isag oo bogaadiyay doorka wanaagsan ee shirk ad aha isgaarsiinta Soomaal iyeed ay ka qaada nayaan horumarka dalka.Guddoomiye Axmed Maxamu ud ayaa Soom aaliya guul uga soo hooyay abaal-marintan oo ay kula tartameen madaxda shirkadaha Orange Egypt, Vodacom Group, Sasfin Bank, iyo African Bank

Madaxda caalamka,haya’addaha caal amiga ah iyo Siyaasiyiin soo dhowe eyey ku biirista Soomaliya ee EAC

Madaxweyneyaasha dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

(Kenya,Tanzania, Uganda, J.D. Congo, Burundi, Rwanda iyo Koonfuurta Sud an) ayaa Madaxweyn aha JFS, Md.Xasan Sheekh Maxamuud, shaca bka iyo dowladda ugu hambalyeeyay ku biirita anka Soomaaliya ee Urur Goboleedka EAC.

Waxay madaxdan bogaadiyeen horumarka iyo dib u soo kabashada dariiqa toosan ku socota ee Soomaa liya ee horseedday in looga maarmi waayo ku biirita anka EAC, iyo inay Soomaaliya door ku yeelato arrimaha masiiriga ee gobolka.

Waxaa hambalyo taas la mid ah ay ka timid Wasiirrada Arrima ha Dibedda ee Urur Goboleedka Bariga Afrika, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Bankiga Adduunka, UK iyo dalal kale.

Madaxweynihii hore ee DKMG ee Soomaaliya Md.Sharif Sheekh Axmed, Raiisul Wasaareyaashii hore Cali Maxamed Geeddi, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble, ayaa iyaguna soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee EAC, iyagoo dhanka kale tilmaamey in talaabadan ay fursad ugu jirto Sooma aliya iyo dalalka gobolka intaba.

Soomaaliya ayaa Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika si rasmi ah shaley xubin uga noqotey, kadib markii madaxda ururka ay aqbal een codsiga Soomaaliya.

Xildhibaano ka hor-yimid qorshaha wax ka bedelka dastuurka ee Xasan Sheekh

Ka dib markii uu Shalay furmay kalfa dhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu madax weyne Xasan Sheekh xildhibaanada ka hor sharaxay sida uu doonayo in loo dedejiyo dha meystirka dastuurka ayaa waxaa hadlay qaar ka mid ah xildhib aana da. Xildhibaan Sa adaq Cabdullahi Cabdi oo ka mid ah xildhibaa nada diidan in hoggaan ka dalka loo raro nidaam Madaxtooyo oo madaxweyne iyo mada xweyne ku xigeen ah ayaa cade eyey mowqifkiisa. Xildhibaan Saadaq ayaa sheegay in xasaasiyad badan ay ka taagan tahay kalfadhigaan, maadaama ay arkaan arrimo culus oo ku saabsan wax ka bedelka dast uurka oo kooxda Mada xwey naha ay gadaal ka riixayaan. "Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa nin raba in baarlamaanka uu ku ade egto, balse taasi waa fowdo dhali doo nta fowdo kale, waxaana ka cabsa naa in baarlamaankaan la xaka mey waayo,” ayuu yiri Xildhibaan Saad aq.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay xasaasiyad ka qabaan heshiiskii golaha wadatashiga qaran oo la doonayo in la marsiiyo baarlamaanka, iyadoo ay ku jirto in labo xisbi lagu soo koobo siyaasadda dalka, in muddo xileedka hey’adaha dowladda laga dhigo 5-sano iyo in kursi madaxweyne ku xigeen lagu bedelo kursiga ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaan Saadaq in golaha wadatashiga qaran oo doonaya inay baar lamaanka wax u meeriyaan aysan ayagu heysan wax sharciyad ah, sidaas darteed shaqada wax ka bedelka dastuurka ay ku filan yihiin labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

"Xildhibaanada qaar wadatashi ayey ka yeesheen arrinta wax ka bedelka dastuurka, mana shaqey doonto sida ay wax u rabaan kooxda madaxweyn aha iyo golaha wadatashiga qaranka, shaqadaan waa shaqo baarlamaan, nidaam qof ama qolo gaar ah u ade egaya dalkaan kama shaqey doono,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq. Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaa nkaan, in beelaha qaar, sida beesha uu ka soo jeedo ee Digil iyo Mirifle ay xad gudub ku tahay arrinta uu doonayo inuu baarlamaanka marsiiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

"Kalsoonida ka dhex jirta Madaxwey naha iyo beesha Digil iyo Mirifle waa mid aad u hooseysa, dhowr jeer ayaan madaxweynaha ula tagnay arrimo khuseeya masiirka beeshaan, waana ka meer mee ray, maalintii Teendhada lagu soo doortay ayaa noo gu dambeysay,” ayuu yiri Xildhiba an Saadaq. Xigasho:- caasimadda.net

Dowladda Ruushka oo Muqdisho soo gaarsiisay markab sida shixnad gargaar ah

Danjiraha Russia u fadhiya Djibouti, isla mar kaana Soomaliya ka wakiil ah, Mikhail Golovanov ayaa Shalay soo gaarey magaalada Muqdisho si ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u guddoon siiyaan markab sida gargaar cunto.

Markabkaasi ayaa la filay aa inuu soo magaalada Muqd isho soo gaaro maalmaha soc da, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi. Gargaarkan cunto ayay dowladda Rus sia ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor.

Safiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafi nta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuu ma dda Federaalka Soomaaliya, Md. Da’ud Aweis Jama iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaar adda Arri maha Dibedda Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxam ed (Diinaari).

28 Qof oo ku geeriyooday doon la qalibantay kadib markii khawaarijtu u diideen meel ay ka baxdo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibo yinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo qabtay shir jiraa’id oo uu kaga waramayo xaaladdii ugu dambeysay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daad adka ka dhashay roobabaka ka da’ ay dalka ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday ay illaa hadda marayaan 96 Ruux oo 28 kamid ah ay ku dhinteen Doon la qali bantay kadib markii Khawaarijtu u diideen meel ay ka baxaan.

In ka badan labo milyan oo ruux (2,000,300), ayaa ay saameyn ku yeesheen roobabka daadadka wata ee ka da’ay dalka Soomaaliya, waxaana ku barak acaay illaa sagaal boqol oo kun (9,000) oo ruux sida uu she egay guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibo oyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle oo ka warbixiyay gurmad ay hey’adda SODMA ay same ysay ayaa sheegay in illaa 11 kun oo ay gaarsiyeen cuno iyo agab kale oo ay u baahnaayeen, waxaana uu tilmaamay in ilaa hadda ay filayaan gurmad oo xooggan oo ay ku yabooheen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya. "Illaa hadda waxaa la gaarsiiyay 33 doomoon Gedo, Jubbada Hoose iyo Hirshabeelle oo u baahna dooman si loo badbaadiyo dadka ay fatahaadu saa meysay” ayuu yiri guddoomiyaha Hey’adda Maare ynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kooxda cadowga ee khawaarijta ayaa sidoo kale caqabad ku ah in gurmad la gaarsiiyo dadka ka bar akacay degmooyinka ay daadadku saameeyeen, waxaana dhibaatooyinkaas kamid ah in kooxda cadowga ah ay u diideen doon ay saarnaayeen dad shacab ah oo doonayey inay naftooda badbaadiyaan balse ugu dambeyn doontii ay la qalibantay iyada oo uu cadowgu ceyrsanyo sidaasna wabiga

geeriyooday.


SOOMAALIYA OO MAR KALE KA SOO MUUQANEYSA SAAXADDA CAALAMKA (WARBIXIN)


Bishii Juun ee sannadkan, Madaxda Bariga Africa waxay ansixiyeen Warbixinta Xaqiijinta Codsi ga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay uga mid noqoto Urur Goboleedkan intii lagu guda jir ay Shir Madaxeedkii 21-aad ee aan caadiga ahayn ee ururka oo lagu qabtay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi.

Dhameystirka iyo ansixinta warbixinta waxay gunnaanad u ahayd hannaan soo soc day muddo lix bilood ah si loo xaqiijiyo u diyaar garow ga iyo ku haboonaanta Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Si loo xaqiijiyo shuruudaha, Soomaaliya wa xay ahayd inay caddayso inay ilaaliso sharciga, daw ladnimada, ixtiraamka xuquuqul insaanka iyo sidoo kale in ay tahay xarun ganacsi oo kor u qaadaysa ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota todd obada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya mu ddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ah oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muu jiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada, ugu dambeytiina Dorraad ayay Soomaaliya Xubin buuxda ka noqota Ururkaasi.

"Shalay oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna. Waxaan dalladan ugu soo biirnay in aan xoojinno xiriirka saaxiibtinimo, ka qayb-qaadanno horumarka wadajirka ah, doorna ku yeelanno mustaqbalka wanaagsan ee shucuubta gobolka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxa muud oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaa miyey aasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuu riyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalka uu ku bixin ayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa faahfaahiyay xubinn imada Uurukaan, wuxuuna sheegay inay Sooma aliya ku helayso laba faa’iido, isaga oo tan koowaad ku sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka xubnaha ka ah Ururkaan ay si rasmi ah u heli doonaan xuquuqda muwaadiniinta dalalk aas, wuxuuna xusan faa’idada kale ay Soomaaliya ugu jirta Ururkaan in ay tahay dhanka isu socodka uu ka sii wanaagsanaan doona sida uu hadda yahay.Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac oo la hadlay warbaahnta Qaranka ayaa ku sheegay Guusha Soomaaliya ay ka gaartay ku biirista Urur Gobaleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kadib markii uu Madaxweynaha Jam huuriyadda Federaalka Soom aaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hogga amiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamh uuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda Ururkaan.

Madaxweynaha oo khudbad jeediyey musasab adda ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna amma anay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya.

Haddaba waxaa si weyn uga falceliyay arrintaasi masuliyiin isugu jira Madax xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka iyo kuwa haya haatan, iyo dad kale, "Waa guul weyn in Soomaaliya ay Shalay ka mid noqotay Bahda ku midaysan "Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo fursad u siinaysa dadka Soomaaliyeed in ay helaan suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanaya. Mahadsa nid Madaxweyne dadaalkaada soo bilowdey tan 2016-kii kuna soo gabagaboobey guusha Shalay 2023-ka. Sidoo kale waxaa Ammaan iyo bogaadin mudan ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee ururka bulshada Bariga Afrika Md. Cabdisalaam Hadliye Cumar, khubarada iyo diblumaasiyiinta So omaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mid eysan dalladan loogu qancin lahaa aqbalaadda cods iga Soomaaliya”, sidaasi waxaa Bartiisa Facebook-ga ku soo qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

"Qaan-gaarnimadiisa Siyaasadeed ayaa sabab u ah Guusha Shalay iyo kuwa kasii faaiidada badan ee aan filanayno Maalmaha soo socda insha allaah. Madaxwaynuhu waxa uu u mahadceliyay Hogaamiyayaasha Gobalka ee saaxiibadiis ah ka dib markii ay ansixiyeen codsigiisii” ayuu sii raaciyay Mudane Cadaala.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u dirtay hambalyo diiran oo ku aaddan in Shalay dalkoodu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Bulshada Bariga Afrika – waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada Soomaaliya ee saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeeda. Hambalyo.

"’HADDAAD GARATO WAA GUUL’. Soomaaliya oo ka mid noqotay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dorraad guddoomay kursiga xubinnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya dadaal badan ka dib markii la aqbalay codsigiisa. ‘Guul Ninkii holliyaa helee waa Howl lagu Guleystay waana fursad Soomaalidu ka faa’iidi karto”, sidaasina waxaa yiri:- Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada National Theater-ka Abwaan Cusmaan Cabdulle Guure.

Xildhibaan Maxamed Cajiib ayaa isagana oo ka hadlaayay guusha Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka gaartay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika ayaa ku biiriyay codkiisa "Waxaan bogaadinayaa dadaalka Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ee ka mid noqoshada Bulshadda Bariga Afrika. Waxaan hubaa in uu Madaxweyne HASSAN SHEIKH MAXA MUUD uu xaqiijiyay Oraahdii Eheed Soom aali Heshiis ah Dunidda Heshiis la ah, gaar ahaan Bariga Afrika Heshiis la ah”. Raii’sulwasarihii hore ee XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyey ku biirista Urur Goboleedka Iskaa shiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Qoraalka Raii’sul wasaraha ayaa u qornaa sidaan. "Waxaan Shacab ka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista EAC oo Shalay si rasmi ah uga mid noqotay Bulsh ada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika. Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxw eyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhii mka noo ah.

"Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ka guul gaarista arrimaha harsan ee hortebinta u leh horumarka iyo hiigsiga dalkeenna oo ay ugu horreeyaan deyn cafinta oo heer gebogebo ah soo gaartay, la dagaallanka khawaarinta, qaadista xayiraadda hubka, gargaarka iyo arrimaha kale ee masiiriga ah”.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Raii’sul-wasaarihii hore ee Dalka ayaa isna Boggiisa TWETER (X) ku qoray farriintani " waxaan ugu ham balyeeyna yaa Dowladda iyo Shacaba Soomaali yeed ku biirista Ururka dhaqaalaha Bariga Afrika EAC waxay horseedi doontaa isbedel weyn oo ku yimaada isu socodka Dadkeenna iyo badeeca daheenna guud ahaan Gobolka”.

"Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC). Waa guul u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed oo ay u sahlanaan doonto isu socodka wadamada ku mideysan dallad an, ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadk eennu ku wanaagsan yahay ganacsiga. Waxaan u mahad celinaynaa dowladaha xubnaha ka ah EAC oo aqbalay codsigii dalkeenna Soomaaliya ee kamid noqoshada Dalladan Bulshada bariga Afrika”, Kaasina waa Shiikh Shariif Sh. Axmed Madaxw eynihii hore ee Soomaaliya.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay ugu hambalyeynaysaa Shac abka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC). Hey’addu waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Mada xwaynaha JFS Dr. Hassan Sheikh Mohamud dadaa lkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Sooma aliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan Ummadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisan tahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.

Haddaba maxay ka faaideysa Soomaaliya? Soomaaliya wax badan ayay ka faa’iidi kartaa ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxyaabaha laga xusi karo faa’iidooy inkaasi waxaa ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobolka Bariga Afrika oo ay ku jiraan waddooyinka, tareennada iyo mashaariicda tamarta. Mashaariicdan ayaa kor u qaadi doona isku xirka dalalka Bariga Afrika, waxayna sidoo kale qeyb ka qaadanayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka. Sidoo kale waxay albaabada u furi doontaa maalgashi badan iyo dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waddamada Bariga Afrika ayaa waxa ku nool in ka badan 200 oo Milyan oo qof, taasi oo ka dhigan suuq diyaar u ah ka ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada, Soomaaliyana ay wax weyn ka faa’iidi doonto.

BY:-Abdullaahi Ruush

XIGASHO:SONNA


Maxay Soomaaliya ka faa’ideysaa ku biirista Ururka EAC?

Muqdisho.(SONNA):- Soomaaliya ayaa Dorraad si rasmi ah uga mid noqotay Urur Gobolleedka Iska ashiga Dhaqaa laha Bariga Afrika, ka dib markii ma da xda ururku ay aqbaleen codsiga Soomaaliya.

Tallaabadan waxaa bogaadiyay madaxda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaq aalaha Bariga Afrika ( Kenya, Tanzania, Uganda, J.D. Congo, Burundi, Rwanda iyo Koonfuurta Sud an), iyagoo ku tilmaamay tallaabo horumar oo Soom aaliya horay u qaadday.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimadda ku buurista Ururka Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo marxaladihii la soo maray.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arim aha Dibadda Cali Cumar Balcad oo Waraysi siiyay Warbaahinta Qaran ka ayaa sheegay inuu qiimo aad u ballaaran Soomaaliya u leeyahay in ay ku biirto Suuqan ama Bulashada bariga Afrika, balse muhiimaddiisu la ogaan doono marka uu mira dhalo.

‘’ Soomaaliya in ay ku biirto Suuqa ama Bulsh ada Bariga Afrika qiimaha uu leeyahay marka si loo fiiriyo waa mid aad iyo aad u balaaran ee dabcan sheyga marka uu cusub yahay su’aalo badan ayey iska weydiinayaa, balse muhiimaddiisu waxaa la ogaan doonaa marka uu mira dhal noqdo, Soomaa liya in ay suuqan ku biirto waxay soo bilaabatay 2012-kii,xukuumaddii madaxweyne Sheekh Shariif ayaa codsigii ugu horeeyay gudbiyay, codsiga xiga ayaa la gudbiyay 2015kii, marka labaad codis kale waxaa gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh (termkiisii hore), codsigaas ayaa noqday mid mira dhalay oo Soomaaliya u fududeeyay in ay ka mid n oqoto suuqaasi,’’ ayuu yiri Wasiiru Dowladaha Arrimaha Diabadda XFS.

Wuxuu sheegay in ku biirista Ururkan loo soo maray marxalado kala duwan, waxaana Muqdisho u yimid 40-xubnood oo ka socda waddamada kala duwan ee xubnaha ka ah ururkaas, mar labaad wafuud Soomaaliyeed oo gaareysa 50-qof ayaa gaaray magaalada Nairobi si ay wada xaajood ula yeeshaan mas’uuliyiin ka socda dalalkaas, waxayna kulamadaas ahaayeen kuwo qiimeyn lagu same ynayo in ay Soomaaliya diyaar u tahay, buuxina karto shuruudaha loo baahan yahay in looga mid noqdo.

Maxay Soomaaliya ka faa’ideysaa ku biirista Ururkan.

Wasiiru Dowladaha ayaa wareysi giisa ku shee gay in Suuqaas ay ku jiraan toddobo dal, Soomaa liya ay ku noqoneyso waddanka siddeedaad, sidde edaas dalna waxaa ka dhaxeeyo arrimo kala duwan.

Soomaaliya waa dalka kaliya ama Soomaalidu waa dadka kaliya ee Shalay ka ganacsada toddob ada dal, Wuxuuna wasiirku hoosta ka xariiqay in Soomaaliya badan ay joogaan dalalka DRC,South Sudan, Kampala (Uganda), Rwanda, Tanzaniya iyo Kenmya.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee si dhab ah uga faa’ideysanaya isku socodka dalalkaas, ‘’faa’idada ugu weyn ee aan heleyno waa dadkeenna Soma aliya oo siyaabo dhib badan Baasapooro kala duwan u isticmaalaya waddamada ay ka ganacsanayaan ama hantidooda aanay xafidneyd in ay helayaan xoriyad iyo xafidnaan ee ganacsigooda ku baahin karaan dalalkaas,’’.

Suuqaas waxaa aas-aas u ah afar tiir oo labadan qodob ugu muhiimsan yihiin:-

Tiirka loo yaqaano common custom oo macnaheedu tahay in badeecadaha soo gala waddamadaas ay canshuur la’aan isku dhaafaan oo allaabta ka soo gasha dekadda Muqdisho canshuur la’aan lagu geyn karo toddobadaas dal, marka waxaa loo yaqaanaa common custom,in hal meel kaliya lagu canshuuro badeecadaha soo gala waddanka. Tiirka labaad, waxaa middka loo yaqaano common market oo ah inuu suuqa mideysan yahay oo micanah eedu tahay in maalgashiga,shaqaalaha iyo isku socodka da dweynuhuba uu noqonayo si sahlan oo aanan loo baahneyn VISA loo kala qaato dalal kaas,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hamb alyeeyey shacabka Soomaaliyeed xubinnim ada Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), isagoo ka warbixiyey dadaalka lagu bixiyey, fursadaha ku jira iyo awoodda dadkeennu ay u leeyihiin in ay la tartamaan dhiggooda shucuubta Gobolka.

DENI oo kala dooranaya laba mush kilad oo isku mid ah

Puntland ayaa cadeysay in aanay marna aqbali doonij wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dow ladda fed eraalka ah ee Soomaaliya.

Maamulkan la aas-aasay 1998-dii ayaa udub dh exaad u ahaa qorista dastuurka ku-meel-gaarka ah, xilli uu Shariif Sheekh Axmed sii yay Cabdirax maan Faroole door siyaasadeed aan loo meel dayin.

Muqdisho waxaa ka jira guux ku saabsan isbeddelka qodobo kamid ah dastuurka ku-meel-gaarka ah ee hadda lagu dhaqo dowladda federaalka. Si aan taas ka culeys yareyna magaal ada Garoowe waxaa ka taagan xilligaan walaac ku saabsan isbeddel dastuur oo uu sameeyay Saciid Cabdullaahi Deni.

Labada xaaladba ma sahlana, mid qoryo ayaa la isku sitaa, midna qalimaan. Laakiin Maamulaha Pun tland Saciid Cabdullaahi Deni ma rabo inuu hoos u fiiriyo midda uu isagu abuuray ee wuxuu fikrad ka dhiibanaya midda taalla dowladda dhexe.

Puntland ayaa horey cilaaqaadka ugu jartay dowladda dhexe ee Soomaa liya, iyada oo Saciid Ca bdullaahi Deni uu diiday ka qeyb-galka shirarka Gola ha Wadatashiga Qaran kadib markii uu Xasan Sheekh diiday inuu ra’iisul wasaare ka dhigo.

Qoraal Dorraad kasoo baxay Puntla nd ayay kaga digeen cawaaqibka ka dhalan kara wax ka bed delka dastuurka ku-meel-gaarka ah, gaar ahaan qoddo bka hab dhismeedka dowladnimada.

Labadii madaxweyne ee ugu dambeysay Soom aaliya ayaa labaduba caashaqay inuu dalka noqdo hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ah, iyada oo la tir-tiraayo kursiga ra’iisul wasaaraha.

Inkasta uu Farmaajo hoos u sheegi jiray damac aas, hadda Xasan Sheekh ayaa kor usoo qaaday weliba olole ayuu ugu jiraa.

Markii aan u laabano Deni, dadka diidan hab fikirkiisa siyaasiga ah waxay leeyihiin waa nin isagu deegaankiisi ka abuuray mushkilad dastuuri ah, dhinaca kalena olole ugu jira inuu xaliyo mid kale oo heer federaal ah oo uusan itaal badan u haynin.

Dadka tallooyinka siinaya hoggaam iyaha 45 cisho u harsan tahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxay leeyihiin marka hore ha soo gunaanado xiisadda ka dhalatay dastuurkii uu xoogga ku beddelay ee Puntland oo gacan ka hadalkiisa uu sababay in daraasiin dad ah ku dhintaan magaalada Garoowe.

"Puntland waxay cadeynaysaa in aanay waxba ka dhaqan-gelin doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soom aaliya, iyada oo Puntland ay maqan tahay,” ayaa ku jirtay qoraalka uu Dorraad soo saaray Saciid Deni ee uu ku diidan yahay qorshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax uga beddelayso dastuurka. Laakiin dhinaca kale waxay dadka xasuusan yihiin inay Puntland hore u diiday in ay timaado miiska, oo ay halkaa dhigato wixii ay diidan tahay.

Sababta ay u maqan tahay waa arrin shaqsi ah oo Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka dhaxeysa, taasi oo ka dhalatay kursiga ra’iisul wasaaraha. Laakiin arrintaan weyn ee masiiriga awgeed hoggaamiyaha Puntland weli ma ogola inuu miiska kusoo laabto oo uu halkaas wax ku saxo.

Villa Somalia uma muuqato mid ku mashquulsan farriimaha Saciid Deni. Balse markii la eego miis aanka shaqada loo socdo, ahmiyadda ay leedahay in dalka la isku hayo iyo dhaqan-gelinta go’aamada waaweyn, waxay dad badani qabaan in Xasan Sheekh iyo Xamza u baahan yihiin inay sugaan inta ay xaaladda Puntland dhinac uga dhaceyso.

Wasiir Kaahin: Madaxweynuhu cod ayuu ku imanayaa codna wuu ku ta gayaa, waxba kama badali karno

Wasiirka Arrimaha Guddaha Soma liland Maxam ed Kaahin Axmed, oo u jawaabay xisbiga Waddani ayaa shee gay in Madaxweyne Biixi uu cod ku yi mid codna ku tagayo.

Wasiir Kaahin oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in nidaamka S omaliland aan qori caaradii lagu badali karin, isla markaana madaxweynuhu uu kursiga ku imanayo cod shacab.

"Cida halkaa fadhiisata cod qaranku leeyahay ayuu ku yimaad, xeer qar anku leeyahayna wuu ku tagaa, aniga ayaan waxba ka badali karin, Muuse Biixi oo Shalay madaxwe yne ahina ma dabadali karo" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay cidkasta oo isku dayda in ay wax ka badasho nidaamka lagu soo doorto ama uu ku tago madaxweynuhu in ay tahay cid doonaysa in ay burburiso nidaamka Somaliland.

"Qola reer hebela iyo cirka soo dhacaya iyo, qii mo kasta oo ay ku kacayso waa la dagaalamayaa iyo, aniga iyo xisbiga meelna gaadhsiin mayso, qo la da waxa lehna dadka maqlaya anagu ma nihin" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Xisbiga Waddani ayaa ka biyo diiday muddo bil ah oo golaha guurtidu dib u dhigay ansixinta xeerka doorashoo yinka, isaga oo ku tilmaamay qorshe la doonayo in doorashada dib loogu dhigo.

Dhica kale, xukuumada Somaliland ayaa Shalay Golaha Guurtida ugu baaqday in uu dadajiyo ansix inta xee rka doorashooyinka, iyada oo sheegtay in ay daacad ka tagay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Nin xeer ilaaliye iska dhigay oo si yaab leh ugu guuleystay 26 kiis oo la xiray !

Nin Kenyan ah ayaa dhawaan xabsiga loo taxaa bay kaddib markii la ogaaday inuu iska dhigay xeer ilaaliye wuxuuna guddoomay kiisas gaaraya 26 gal-dacwadeed oo uu isagu maxka madda horteeda ku metelay dhinacy adii uu difaacayay! Waxaa yaab leh inuu xattaa ku guuleystay dhammaan kiisaskaas xeer ilaaliyayaashii kale ee kula loolamayay.

Brian Mwenda Njagi waxaa loo bixiyay Mike Ross-ka dhabta ah ee metelayay filimkii Suits kaas oo ku saabsanaa wiil yar oo aan wax-barasho aas-aasi ah mooyee aan heer sare ka gaarin tacliinta oo ka shaqo bilaabaya shirkad weyn oo sharci-yaqaanno furte en – isaga oo isla mar ahaantaana maareynaya inuu ku guuleysto kiisas badan.

Njagi oo tabtaas ka yara roon balse aan ku gaaro obin barashada cilmiga sharciga iyo qaanuunka, wux uu ku guuleystay dhammaanba kiisaskii uu ku metelay maxkamadda horteeda! Qofna maanu dhaa deyn shaqsiyaddiisa dhabta ah wuxuuna u muuqday qof si qoto dheer jilinka ugu soo baxay ilaa markii dambe xaaladdu ku daba-gaddoontay!

Iskuulka Law Society of Kenya oo cilmiga sharci ga lagu dhigo ayaa bilaabay inuu tuhmo shaqadiisa kolkii dacwad ay kaga timid qofka leh magaca dhabt ah oo Njagi oo ku shaqeysan jiray oo la yiraahdo Brian Mwenda.


Somaliland oo cambaaraysay ku biirida Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Somaliland ayaa ka biyo diiday ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Diba dda, ayaa lagu cambaa reeyay ku biirista Sooma aliya ee ururka, iyada oo lagu sheegay in ay tahay talaabo lidi ku ah madaxbaa nnida Somaliland.

"Dowladda Jamhuuriy adda So maliland waxay aad uga walaacsan tahay ku biirita anka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxa aanu aaminsanahay in ay tahay meel ka dhac cad oo loo gaystay madaxban naanida Somaliland".

Qoraalka waxa lagu sheegay in Somaliland anay qayb ka ahayn Soom aaliya tan iyo 1991, isla mar kaana Soo maaliya anay sheegan karin dhulka Som aliland, oo anay meelna ku matali karin, isla mark aana ay tahay arrin

Sharciyada lidi ku ah.

"Waxaanu ugu baaqaynaa Midowga Afrika, Qar amada Midoobay iyo Bulsha da Bariga Afrika, in ay aqoonsadaan aqoonsiga gaar ka ah ee Somaliland, iyo madaxbannaanideeda. Ku biiritaan ka Sooma aliya ee EAC, waa xabaal cadaalad daro taasi oo xagaldaac dinaysa sharciga caalamiga ah".

Ugu danbayn, waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka go'antahay in ay si nabad ah oo waxtar leh ula shaqayso beesha caalamka, isla markaana ay raadinayso xal cadaalad ah oo siiya madaxbannaani deeda.Xigasho:-hiiraan.com

Haweeney badsatay daawashada aflaanta dambi yada oo fulisay dambi laga argagaxay

Jung Yoo-jung oo 23 jir ah, oo taageere u aheyd filiShalay dembiyada iyo sheekooyinka Tlelefe shinada, ayaa maxkamad ku taal Kuuriyada Koonfur eed ku xukuntay xabsi daa’in.

Jung ayaa xiriir la sameeysay mac alinka luuqa dda Ingiriiska iyada oo adeegsaneysa abka online-ka ah ka dibna waxaa ay ku dishay gurigiisa bi shii May.

Xeer-ilaalintu waxay dalbatay ciqa ab dil ah in la gu fuliyo Jung, laakiin maxkamaddu way diiday dala bkaas.

Ficilada Jung ayay si weyn uga naxeen dadka Ku uriyada Koonfureed, taasoo keentay cabsi baa hsan iyo kalsooni darro bulshada dhexdeeda ah.

In kasta oo la sheegay in gabada ay qabtay cud urka dhimirka, maxkamaddu way ku gacan sayrtay doodaas sababo la xiriira sida habboon ee ay dilka u qorsheysay haweeneydan.

Dilka ay haweeneyda geystay ayaa la sheegay in ay dhiira gilintiisa ka heshay oo ay saameyn ku yeeshay aflaanta dembiyada iyo barnaamijyada TV-ga.

Kiisku waxa uu hoosta ka xarriiqay aa saamaynta suurtagalka ah ee warbaahintu ku yeelan karto shakhsiy aadka waxaanay kor u qaadaysaa welw elka ku saabsan saamaynta nux urka dembiyada dhabta ah. Xukunka dilka ayaa weli ah ciqaab sharci ah Kuuriyada Koonfureed, inkastoo aan la fulin tan iyo 1997-kii.

Miletariga Israel oo tacshiirad ku furay gaadiid ay wateen ciidanka Q/Midoobay

Gaadiid roondo ah oo ay Qaramada Midoobay leedahay ayay waxyeelo ka soo gaartay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen ciidamada nabad ilaalinta UNka ee halkaas ku sugan

Gaadhi ay leeyihiin ciidama da ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoo bay ee Lubnaan (UNIFIL) ayaa xili uu roondo ku jiray waxaa haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegtay UNIFIL. Falkan ayaa dhacay abaaro 12:00pm ee Shalay wakhtiga maxal iga ah aagga Aytaroun, ee koonfurta Lubnaan sida ay UNIFIL ku qortay qoraal ay soo dhigtay barta X oo hore loo odhan jiray Twitter.

"Dhacdadani waxay dhacday xilli xasillooni ay ka jirtay khadka Buluugga ah,” ayay tiri QM oo intaas ku dartay inaysan jirin wax nabad-ilaaliyeyaal ah oo ay waxyeello kasoo gaartay.

Madaxa howlgalka iyo taliyaha ciidamada, Maj. Gen. Arolodo Lázaro Sáenz, ayaa ku booriyay dhinacyada isku weydaarsanaya rasaasta Khadka Buluugga ah inay joojiyaan.

"Weerarkan lagu qaaday ciidamada nabad ilaa linta, oo u heellan yare ynta xiisadaha & dib u soo celinta xasilloonida koonfurta Lubnaan, waa mid aad u dhib badan,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay UNIFIL.

UNIFIL oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso "falkaas” waxayna si adag u xasuusisay dhinacyada isku haya halkaas ee Xisbillah iyo Israel waajibaadka ka saaran ilaalinta nabad-ilaaliyeyaasha iyo ka fogaanshaha inay khatar geliyaan ragga iyo dumarka ka shaqaynaya soo celinta xasilloonida.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay ka war hayaan dhacdadan ayna baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Iska horimaadyada iyo duqeymaha xadka Lubnaan ku dhexmaraya ciidamada Israel iyo kooxda Xisbullah ayaa sii kordhay tan iyo markii Xamaas ay weerartay gudaha dhulka ay Israel xoogga ku qabsatay 7-dii Octobar isla markaana ay ciidamada Yuhuuda oo ka jawaabaya arrintaas ay weerar cir, dhul iyo bad ah ku qaadeen magaalada Gaza.

Dib u dhac ku yimid sii deynta qeyb tii labaad ee Maxaabiista Xamaas (Sababta)

Kooxda labaad ee la haystayaasha ah ee ay Xamaas sii dayn lahayd ayaa Sabtidii Shalay ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka dib muran ku saabsan xaddiga garga arka ee soo gelaya Gaza, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Mara ykanka iyo Israa’iil.

Xamaas ayaa sheegtay inay sugeyso gawaari ba dan oo gargaar ah inay galaan deegaanka ka hor inta aysan fududeyn wareejinta, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay telefishinka Aljazeera

Mas’uul u hadlay Masar ayaa mar sii horreysay sheegay in 340 baabuur oo kuwa gargaarka ah ay ka soo galeen dhinaca Masar, balse aysan illaa hadda soo gaarin dhinaca Gaza, maadaama ay tahay inay Israa’iil baarto inta aan la fasaxin

Afhayeen u hadlay xadka Rafah ayaa CNN u sheegay in 133 baabuur ay galeen Gaza ilaa Shalay iyadoo balantu aheyd iney galaan 200 oo baabuur maalin kasta. Mar wax laga weydiiyay dib u dhaca, afhayeenka ciidamada difaaca Israel Lt. Col. Richard Hecht waxa uu sheegay oo kaliya in ay tahay hannaan farsamo oo gaabis ah. "Waqti ayay qaadan doontaa, waxaana dhamm aanteen sugeynaa in tani ay horay u socoto,” ayuu yiri Hecht .

Horaantii Shalay, Hecht ayaa CNN u sheegay inuu rajaynayo in 13 la haystayaal la sii daayo guud ahaan, taasoo lagu beddelayo 39 maxaabiis falasti iniyiin ah.

Xamaas ayaa sheegtay iney sii deyn doonin la heystyaasha qeybtooda labaad inta laga soo dham eystirayo tiradii lagu heshiiyey ee gaadiid gargaarka.

Biden oo la hadlay Amiir Qatar ka dib caqabada soo wajahday xabad joojintii Gaza

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Habe en hore la hadlay Amiirka iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar, taasoo qeyb ka ah dadaallada maamulka uu ku doonayo inuu ku xalliyo dib u dhaca ku yimid maalintii labaad sii daynta la heystayaasha Israel sida uu sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson ayaa sidaas yiri.

Saraakiil kale oo sar sare oo Maraykan ah ayaa la xiriiray dhiggooda Israel, Qatar iyo Masar, iyadoo Biden la siinayey warbixin kooban.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa mas’uuliyiinta Aqalka Cad waxay ku wargeliyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar in arrinta la xaliyay, isla markaana hay’adda Laanqeyrta Cas ay ku howlan tahay soo celinta la haystayaasha Shalay la sii deynayo.

Warar kale oo madax ayaa sheegaya in Caqabadihii sababay dib u dhaca ku yimid sii deynta la haystayaasha maalintii labaad la haatan la xaliyey sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar.

"Ka dib markii uu dib u dhac ku yimid dhaqangelinta sii deynta maxaabiista labada dhinac, waxaa Habeen hore la sii dayn doonaa 39 qof oo rayid ah oo Falastiiniyiin ah si loo sii daayo 13 maxaabiis Israel ah oo ku xiran Gaza iyo 7 ajnabi ah oo ka baxsan qaab heshiiska,” ayuu yiri afhayeenka Qatar, Majed Al-Ansari.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in sii deynta labaad ee la haystayaasha Israa’iil ay dib u dhacday sababo la xiriira jabinta Israa’iil ee heshiiskii xabbad joojinta ee ay labada dhinac gaareen.

Sarkaalku waxaa uu sheegay in Israa’iil ay joojisay 97 baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada oo gargaar u siday waqooyiga Qaza, sidoo kalena ay diyaarado aan duuliye lahayn ku duulisay koonfurta Qaza kuwaasoo baalmarsan qodobada heshiiska xabad joojinta

Israa’iil ayaa beenisay in ay jabisay qodobbadii heshiis ay gar-wadeen ka ahayd dowladda Qatar – kaasoo keenay in afar maalmood uu hakad ah la galiyo colaadda, taas beddelkeedana la sii daayo la haystayaashii Qaza – iyo sii deynta Fala



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip