Waa maxay faa'iidada mirahan kusii yaraanaya suuqyada Muqdisho?

0
Saturday November 25, 2023 - 17:33:23 in Wararka by
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay faa'iidada mirahan kusii yaraanaya suuqyada Muqdisho?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Canuuni

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES


Mirahan oo afka Ingiriisiga lagu dhoho graviola, amaba soursop, ayaa leh dhadhan macaan iyo waliba faa’iidooyin caafimaad.

Canuunigu waa geed mirood waxtar badan, wuxuuna ka mid yahay dhirta weligood cagaaran, waxaana ku jira fitamiinno badan.

Guud ahaan wuxuu leeyahay faa’iidooyin marka la eego caleemihiisa, mirihiisa iyo xididkiisaba. Wuxuu faa’iido weyn u leeyahay dadka doonaya cunnooyinka sunta ka hortaga, iyadoo mirahan ay sidoo kale la dagaallamaan caabuqa.

Canuunigu waxaa ka buuxa nafaqooyin waxaana ku jira xaddi fiican oo maaddada fiber-ka ah iyo vitamin C ah.

Warbixintan waxaan ku eegeynaa geedkan waxa uu yahay iyo faa’iidooyinka aan lasoo koobi karin ee uu u leeyahay bani’aadamka.

Waa maxay canuuniga, xaggee ayuuse kasoo galay Soomaaliya?

Canuuni

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Canuuniga, waa nooc ka mid ah geedaha sida gaarka loogu yaqaanno gobollada Ameerika.

Waa miro cagaaran oo qodxo leh, dhexdiisuna waxaa ku jira miro iyo wax suuf jilicsanaoo kale ah oo caddaan xigeen ah, wuxuuna leeyahay dhadhan aad u adag oo la mid ah kuwa cananaaska.

Inta badan canuuniga keligiis ayaa la cunaa, inkastoo dadka qaar ay cabitaan ka dhigtaan. Dhadhankiisa ayaa lagu tilmaamay inuu u dhaxeeyo cambe iyo cananaas.

Wuxuu gaar u yahay dhulka ay cimiladiisu kulushahay sida Soomaaliya.

Ilyaas Maxamed Shuuke oo khabiir ku ah geed-miroodka ayaa BBC-da u sheegay in geedkan uu Soomaaliya soo gaaray qiyaastii 50 sano kahor.

"Wuxuu ka mid yahay geedaha aysan asal ahaan Soomaaliya u lahayn, ee nooga yimid dalalka kale, sida kuwa Laatiin Ameerika” ayuu yiri.

Wuxuu geedka canuunigu ka tirsan yahay bahda Annonaceae, wuxuuna kor u baxaan ilaa 8 inji, culeyska mirtiisuna mararka qaar way weynnaan kartaa, oo waxay gaari kartaa halkii mir ilaa saddex kiilo, sida uu sheegay Ilyaas.

Canuuniga ayaa aad uga baxa labada Shabeelle ee Soomaaliya, gaar ahaanna Shabeellaha Hoose.

Muxuu uga sii dabar go’ayaa Soomaaliya?

Canuuni

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Canuuniga ayaa la sheegay in sanadihii ugu dambeeyay uu kusii yaraanayay suuqyada magaalada Muqdisho oo gobollada uu kasoo galo. Inta yar ee taalla ayaa qiimahooda laga dareemayaa inuu ka sarreeyo sidii hore.

Ilyaas ayaa sheegay in sababo dhowr ah ay keeni karto inuu kasoo dabar go’o Soomaaliya. Tan koowaad ayuu sheegay inay sabab u tahay in burburkii kadib ay yaraadeen amaba meesha ka baxeen abuurka ay gacanta ku heyn jirtay dowladdii hore.

"Waxaa jiray tababarro iyo dalagyo ay dowladdii hore ku kabi jirtay beeralleyda, balse taas meesha way ka baxday. Miraha kale ayuuna la qabaa yaraanshaha ku dhacay,” ayuu yiri.

Sababta labaad ee muhiimka ah ayuu Ilyaas ku sheegay isbeddelka cimilada. "Isbeddelka cimilada wuxuu keenay in dhulku ku dhaco uumi-biyood, taasoo keentay in dhulku ay cusbo ku badato,” ayuu yiri.

Canuuniga ayuu Ilyaas sheegay inuusan ku bixi karin amaba xamili karin cusbada badan.

Waxaa kale oo jirta oo sababaha uu geedkan Soomaaliya uga sii dabar go’ayo ka mid ah, cayayaan kusoo batay beeraha kuwaasoo geedkan cunaya inta uusan miro dhalin.

Faa'iidooyinka canuuniga

canuuni

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Wuxuu ka hortagi karaa sunta

In badan oo faa’iidooyinkiisa ka mid ah waxaa loo aaneeyaa xaddiga sare ee maaddooyinka ka hortaga sunta.

Waxyaabaha ka hortaga sunta waa maaddooyin gacan ka geysta inay dheellitiraan waxyaabaha dhibaatada leh ee jirkeenna ku jiri kara, isla markaana dhaawac gaarsiin kara unugyada.

Baaritaannada qaar ayaa muujinaya in maaddooyinka sunta ka hortaga ay door muhiim ah ka ciyaari karaan yareynta khatarta cudurro dhowr ah, oo ay ku jiraan xanuunnada wadnaha, kansarka iyo macaanka.

Daraasad ayaa muujineysa in maaddooyinka sunta ka hortaga ee ku jira canuuniga ay waxtar weyn u leeyihiin sun saarista jirka.

Daraasad kale ayaa muujineysa in canuuniga ay ku jiraan maaddooyinka luteolin, quercetin iyo tangeretin oo sunta ka hortaga.

Waxaase loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah oo lagu go’aansan karo sida maddooyinka sunta ka hortaga ee canuuniga ku jira ay faa’iido ugu leeyihiin bani’aadamka.

Canuuni

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxaa laga yaabaa inuu gacan ka geysto dilidda unugyada kansarka

Inkastoo ay haatan yar yihiin daraasadaha lagu sameeyay canuuniga, haddana waxaa lasoo weriyay inuu wax ka tari karo cirribtirka unugyada kansarka.

Daraasad lagu sameeyay kansarka naasaha iyo siduu wax uga taro ayaa la sheegay in lagu tijaabiyay canuuniga, taasoo lagu ogaaday inuu yareeyay burada uuna baabi’iyay unugyada kasarka, isagoo sare u qaaday hannaanka difaaca jirka.

Balse waxaa mudan in maanka lagu hayo, in daraasadahan ay adeegsadeen xaddi aad u badan oo canuuniga ah, taasoo dadka qaar dhibaato u keeni karta.

Wuxuu la dagaallami karaa bakteeriyada

Marka laga soo tago maaddooyinka sunta ka hortaga ee ku jira canuuniga, daraasadaha qaar ayaa muujinaya in canuunigu ay sidoo kale ku jiri karaan maaddooyin bakteeriyada ka hortaga.

Daraasad hore loo sameeyay, ayaa muujinaya in walxo laga miiray canuuniga oo xaddigoodu kala duwan yahay loo adeegsaday noocyo kala duwan oo bakteeriyo ah oo la ogaa inay sababaan cudurrada afka.

Canuuniga ayaa awood u yeeshay inuu dili karo dhowr nooc oo bakteeriyo ah, oo ay ku jiraan kuwa sababa cirrid-xanuunka iyo daxaleysiga ilkaha.

Sidoo kale wuxuu wax ka tari karaa bakteeriyada caloosha gasha ee qaarkeed sababta shuban-biyoodka.

Inkastoo xaddi badan oo canuuni ah la isticmaalay, in ka badan intii aad caadiyan cuni lahayd, haddana waxaa loo baahan yahay daraasado dheeraad ah in laga sameeyo arrintan.

Canuuni

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Wuxuu yareeyaa hurka

Daraasado lagu sameeyay xayawaanka ayaa lagu ogaaday in canuunigu uu awood u leeyahay yareynta hurka jirka.

Hurku waa jawaab-celin caadi ah oo uu jirku ka bixiyo dhaawaca soo gaara, balse caddeymo ayaa muujinaya in hurka saa’idka ah amaba ragaadka ah uu cudurro sababi karo.

Daraasad lagu sameeyay jiirka ayaa muujineysa inuu yareeyay bararka uuna dhimay hurka.

Wuxuu dheellitiraa heerarka sokorta

Canuuniga ayaa la ogaaday inuu gacan ka geysan karo dheellitirka heerarka sokorta dhiigga, sida lagu ogaaday tijaabo lagu sameeyay xayawaanka.

Jiir ay heysay sokor oo lagu duray miidda canuuniga muddo labo toddobaad ah, ayaa lagu ogaaday in canuunigu uu aad hoos ugu dhigay sokortooda, marka loo eego jiirka aan la siin.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip