Sida Sheekhan caanka ah uu weli jaceyl ugu dhaqo gurigiisa rubac qarni ka badan dhisan

0
Tuesday November 21, 2023 - 14:18:08 in Wararka by
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida Sheekhan caanka ah uu weli jaceyl ugu dhaqo gurigiisa rubac qarni ka badan dhisan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

NOLOSHA QOYSKA

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,Sheekh Cabdirixmaan Bashiir
Waxaa maalmahan baraha bulshada la isla dhex marayay hadal la sheegay inuu yiri Sheekh Cabdirixmaan Bashiir oo ka mid ah culimada Soomaalida ee deggan dalka Maraykanka, kaasoo ku saabsanaa sida uu jacaylku u kordho "marka ninku xaaskiisa jug siiyo ama uu qoorsagaaro ku qabto".

Sheekha oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sida loo qaatay hadalkiisa aysan la xiriirin mowduuca isku xirnaa ee muxaadaro uu jeedinayey, isagoo xusay inuusan macnaha loo qaatay iyo isaga sida uu u yiri aysan is khusaynin.

"Anigu waxaan u jeeday in lammaanaha ay muujiyaan farxad xilliga gurigooda ay joogaan, ama bannaanka isku raacayaan, khaas ahaan inay laacdamaan ama lagdamaan xilliga gurigooda ay jooga si jacaylkooda, sababtoo ah meeshu isbitaal maaha sariiro la jiifo ee waa aqal qoys kalgacal iyo naxariis inay taallo loo baahan yahay,” ayuu yiri Shiikh Cabdiraxmaan.

Wuxuu tilmaamay inuusan marna teegeeri karin dhaqamada adag ee naxariis darrada ah ee ninku kula dhaqmo xaaskiisa oo ay ka mid tahay garaaca, afxumada iyo furfurnaasho la'aanta, ayna yihiin dhaqamo gaboobay oo meelna ku lahayn diinta iyo dhaqanka suubban labadaba.

Sheekha ayaa sheegay in sida hadalkiisa loo fasiro ay sal u noqon karto kala duwaanshaha lahjadaha afka Soomaaliga, maaddaama sida uu BBC-da u sheegay ay lahjad gaara leeyihiin dadka Reer Jabuuti oo isagu ka soo jeedo.

"Waxaan ula jeeday in ninku xaaskiisa gosha soo gashto oo laabtiisa ku qabsado ee maaha qoorsagaaro iyo jujuub, waayo meeshu dagaal kama socdo waa rug lagu qaboobayo,”ayuu intaas raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan.

Sheekh Cabdirixmaan iyo Jacalkiisa oo rubac qarni dhaafay

Sida BBC-da uu u sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir in isaga iyo xaaskiisu ay shalay u dabaal degeen sanad guuradii qoyskooda oo sanadkii soddon iyo labaad galay.

"Xaaskayga waan waydiiyaa xillima uyuu jacaylkeennu yahay mid farxad leh? waxay igu dhahdaa hadda ayaa farxaddu ka badan tahay, anigana sidaas ayaan dhahaa waayo waxaan dhisnay nolol farxad leh oo annagu aan ku qanacsannahay,” ayuu intaas raaciyey.

Jacayku waa saddex nooc sida uu qabo Sheekh Cabdiraxmaan, midka kowaad oo ah mid ka dhasha jirka qofka dumarkaa oo lagu raaco,kan labaad oo ah mid jeebka ka dhasha gaar ahaan mid lacag la isku raaco iyo kan saddexad oo ah mid ruuxda ama qalbiga ka dhasha.

"Labada hore waa nus qaamaan ama dhintaan waayo waxaa la isku raacay ayaan ahayn wax la joogtayn karo, hadii ninku gabadha ku xusay jir ahan way gaboobi wayna diciifin markaas ma sii jiri karo kan jeebkuna wuxuu ku xiran yahay wax waayid ama dhaqaale burbur isna wuu dhimanayaa, laakiin kan waara ee geeri uun qaadi karto waa kan qalbiga ku bilowda kaas ayaana ah raasumaalka nolosha”ayuu BBC-da u sheegay Sheekh Cabdirixmaan.

Sheekha oo 57 jir ah ayaa yiri, "Kubadda nambar 8 ayaan ka ciyaaraa, gurigana isla nambarkaas,"

Sheekhu wuxuu dhanka kale, farxad ku tilmaamay in isaga iyo wiilkiisa curadka ah ay isku bil guursadeen oo ay aqal galeen kuna soo beegantay dabaal dagga isaga iyo xaaskiiisa oo ay mar kale qoyskoodu nolol muuqa sameeyeen.

Wuxuu intaa ku daray in wiilkiisa uu siiyey tababar si uu u maareeyo noloshiisa una adkeeyo qoyskiisa cusub.

Waxyaabaha kordhiya jaceylka lammaanaha

NOLOSHA QOYSKA

XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA

Qoraalka sawirka,   Xaawo Cabdi Kaar, dhiirigeliso arrimaha qoyska

Xaawo Cabdi Cali Kaar oo ka hadasha arrimaha qoyska, lana talisa lammaanayaasha ayaa sheegtay inay ku raacsan tahay Sheekh Cabdiraxmaan qoysku ku baraaro laacdanka dhexmara lammaanaha is jecel oo gurigooda ku qalabeeya kalgacal iyo farxad.

Waxay intaa ku dartay in ay tahay in dhalinyarada qoysasku dhisayaa ay runta wajahaan oo ay gurigooda ku dhisaan xaqiiqooyin dhaba si ay marka ay dhismaan u heli karaan xalkooda.

‘’Sida runtaa waa in saddexdan lagu saleeyaa guriga iyo nolosha lamaanaha in la is amaano, la is aamino iyo in kool kooliyo haddii kale wax socon karaa ma muuqato. Gabadhu waxay boqorod noqotaa habeenkeeda koowaad ee aqal galka marka taajka la saaray waa in lagu daraa dabacsanaan iyo dulqaad ka yimaada ragga, gabadhuna waa inay guriga ugu dhigtaa wiilka mid qabow oo ku soo hirto markasta,” ayey tiri Xaawo Cabdi Kaar.

Xaawo waxay xustay in sidoo kale qaddarinta lammaanaha siiyaan labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan ay muhiimad u tahay waaridda lammaanaha. Sidoo kalana su'aalaha badan laga dheeraado oo ay ku tilmaantay kuwa dhaawacaya guriga.

Haddiyadaha ayey ku tilmaantay kuwa kordhiya xiisaha dhexyaalla lammaanaha, ragguna badiyaan inay guryoodaha geeyaan haddiyado si uu ugu farxad galiyo xaaskiisa iyo caruurtiisa, tani waa wax weyn marka dhinaca gabadha la eego una baahna inaan la fududaysan ayey BBC-da u sheegtay.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip