Golaha Ammaanka oo cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya

0
Monday November 20, 2023 - 12:52:14 in Wararka by
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya

    Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan. Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023. I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan. Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023. Iyagoo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go'aamiyeen in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabataynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Diseembar 2023. Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Alshabaab. Waxay ahayd Janaayo 1992, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wadajir ah u meel mariyey Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo cunaqabatayn dhanka hubka ah saaray Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip