Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka

0
Monday November 20, 2023 - 13:02:20 in Wararka by
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo ka qaybgalaysa Shirka Isgaarsiinta Raadiyaha Adduunka

    Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaal ayaa ka qeyb-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo ku-xigeenka Mudane Axmed Cali Salaad iyo la-taliyeyaal ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo maanta ka furmay magaalada Dubai. Shirkan oo la qabto afartii sanaba mar, waxa uu dalalka adduunka siinayaa madal ay ku kulmaan, kaga wada hadlaan, kuna falanqeeyaan isticmaalka hirarka raadiyaha iyo wareegyada dayax-gacmeedka. Wasiir Jaamac Khaliif oo ka hadlay madasha ayaa tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka Shirka, ayaa yiri, "ka qeyb-galkeenna waxa uu ka tarjumayaa sida ay nooga go'an tahay in aan hubinno isticmaalka habboon ee hirarka Raadiyaha, kaas oo muhiim u ah horumarka iyo horusocodka qarankeenna. Waxaan rajeyneynaa inaan iskaashi la sameyno dalalka kale iyo khubarada qeybta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha iyo fursadaha ka jira arrimahan." Maareeyaha Guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) oo ka hadlay shirka ayaa yiri, "Ka qeybgalkeenna shirkan wuxuu fursad inoo siinayaa inaan ku muujino ra'yigeena, isku-dhaafsanno aqoon iyo khibrad, isla markaana gacan ka geysaneyno qaabeynta mustaqbalka maaraynta hirarka ee heer caalami," isagoo intaasi ku daray in kooxda ka socota HIQ ay soo diyaariyeen hindisayaal taabanaya arrimaha hirarka ee Soomaaliya. Wafdigaan uu hoggaaminaya Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddada uu socdo shirka waxa ay ka qeyb qaadan doonaan doodaha ku saabsan sida hufan ee looga faa'ideysanayo isticmaalka hirarka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip