Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee Hey'adda USAID

0
Sunday November 19, 2023 - 12:44:07 in Wararka by
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay Agaasimaha Xafiiska Soomaaliya ee Hey'adda USAID

    Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay'adda Maraykanka u qaabilsan H

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay'adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Sheri Nouane Duncan-Jones. Kulanka ayaa waxaa saldhig u ahaa xoojinta wadashaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Hay'adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya. Sidoo kale labada dhinac ka wada hadlay sidii looga guuri lahaa deeqaha gargaarka, xoogana la saaro dhinaca horumarinta iyo xalka waara, in la iska kaashado horumarinta dhaqalaaha ka dib xiliga dayn cafinta iyo in Hay'adda USAID ay isticmaasho nidaamka dalka ee fulinta barnaamijyadda iyo mashaariicda. Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Hay'adda USAID taageerada ay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip