
'Sida aan kusoo noolaaday ayay i weydiiyaan': Fanaanadii Waayaha Cusub ee geerideeda la faafiyay oo BBC la hadashay
XIGASHADA SAWIRKA,WAAYAHA CUSUB
Muddo ka badan shan iyo toban sano ayaa lagu tirinayay inay geeriyootay Mulki Buraale, oo ah gabadh heesaa ah, oo ka tirsanyd kooxdii Waayaha Cusub ee hormuudka mar u ahayd fanka casriga ah ee Soomaalida.
Markii ugu horreysay muddo ka badan shan iyo toban sano ayay Mulki ka hadashay warka faafay ee geerideeda la xidhiidha, iyada oo wareysi ay BBC Somali siisay kusoo afmeertay ka aamusnaanta ‘geerideeda’ muddo dheer kadib.
Kooxdan Waayaha Cusub ayaa soo caan baxay sanadihii 2007dii iyaga oo qaaday heeso loo tumay qaab casri ah oo laga soo horjeeday ciidamada Itoobiya ee taageeray dowladdii Cabdulaahi Yuusuf ee ku duulay Soomaaliya, iyada oo markii dambe na qaaday heeso faafay oo lagaga soo horeeday kooxda Al-Shabaab, oo xilligaas bilow ahayd.
Kooxda oo ka koobneyd 11 qof ayaa ka dhex dhalatay xaafada Islii ee dadyowga kale ku tilmaamaan inay tahay ‘Muqdisho Yar’ xilli Itoobiyaanka iyo Al-Shabaab aan waxba laga sheegi karin, iyaga oo qaaday heeso ay kooxda Al-Shabaab aad u dhibsatay, kuwaas oo la xidhiidhey in uu ka dambeeyay go’aanka kooxda hubeysan uga mabnuucday Soomaaliya dhegeysiga heesaha.
Mulki Maxamed Buraale, waxay ka mid ahayd gabdhihii ugu horreeyay ee qeyb ka noqdah heesaha kooxda Waayaha Cusub, oo ay dadka qaarna xilligaas u arkayeen in aysan la jaan-qaadeynin nooca fanka qadiimiga ah ee ay Soomaalidu qabitantay.
Laakiin geerideeda ayaa bulshada Soomaalida, gees ka gees, uga dhex faaftay 15kii sano ee kahor, iyada oo ay dad badan u tacsiyeeyeen, xilli ay weli nooshahay.
Siyaabo kala duwan ayaa loo tebiyay geerideeda iyo waxa sababay. Waxaa ka mid ahayd inay dabaq iska soo tuurtay, oo jaceyl isu-dishay, iyo in gabadh kale oo kooxda kala tirsaneyd ay bakeeri dhalo ah u shiiday oo u qooshtay, oo ay sidaas u dhimatay.
Sida geerideeda loo faafiyay iyada oo nool iyo wixii ay ka tiri

XIGASHADA SAWIRKA,MULKI
Mulki Buraale waxaa geeri lagu tirinayay muddo ka badan 15 sano
Warka geerideedu waxa uu faafay xilli ay yar yihiin saameynta internetka iyo baraha bulshada ee Soomaalida maanta. Waa weli xitaa uu koobnaa jiritaanka iyo faafida wararka been-abuurka ah ee Soomaalida dhexdeeda marka loo eego heerka uu maanta gaadhsiisan yahay.
"Aniga geeridayda hal nooc kuma maqal, oo boqol si ayaa loo sheegay,” ayay tiri Mulki.
"Dad waxay dhaheen fanaankii Waayaha Cusub ee Digriyow ayay jecleyd oo dabaq ayay iska soo tuurtay. Kuwa kale waxay dhaheen Falis ayaa bakeeri dhalo ah u shiiday, halka kuwa kale ay sheegeen in aan u geeriyooday kansar,” ayay ku dartay Mulki. Dhammaan sheekooyinkaas ayay ku tilmaamtay kuwa aysan waxba ka jirin.
"Aniga waan noolahay Alxamdullilaahi. Erag soo ma nooli,” ayay tiri iyada oo rajo ka qabta in dadku ku qancaan oo rumeeyaan inay nooshay kadib marka ay arkaan wareysigeeda BBC.
Mar keliya ayaa si kedis ah loogu baraarugay Mulki-dii Waayaha Cusub ee Soomaalidu geerida xanuunka leh ku tiriyeen shan iyo toban sano kahor. Waa iyada oo TikTok iska dhex mushaaxeysa, weli iyada oo muuqaal la duubeysa heesaaga weyn ee Waayaha Cusub, Falis Cabdi, oo ahayd gabadha lagu eedeeyay inay Mulki bakeeri dhalo ah u qooshtay. Waxa uu ahaa muuqaal kooban oo ay Falis dadka ugu sheegeysay inay Mulki nooshahay iyo cinwaan cusub oo ay ka sameystay TikTok.

XIGASHADA SAWIRKA,MULKI
Mulki waxay ka mid ahayd fanaaniinta Waayaha Cusub
Laakiin, ilaa iyo hadda lama ogaan qofkii ugu horreeyay ee faafiyay warkan iyo danta uu ka lahaa.
"Falis oo qaati ka taagan warka faafay ee geerideyda iyo daacayada ayaa igu qalqaalisay in aan Internetka soo galo,” ayay BBC u sheegtay Mulki oo Shan iyo todobaad sano kahor lagu baraarugay markeliya inay nooshay. Muuqaalkaas kooban ee dur ba deg deg u faafay, iyada oo boggeeda na lagu harqiyay farriimo iyo weydiiyo la xidhiidha inay dhab ahaantii tahay ‘Mulkdii geeriyootay iyo sida ay usoo noolaatay’ markale.
"Dadku weli way rumeysan waayeen in aan noolahay, oo waxay iga dalbanayeen in aan muuqaal toos ah soo galo si ay u hubiyaan in aan noolahay, oo aan ahay Mulki da dhabta ah.”
Ma ahan dadka Internetka ku jira oo keliya, laakiin xitaa Soomaalida ay magaalada wada degan yihiin ayaa ku dhibay weydiimo la xidhiidha sida ay dib ugu soo noolaatay, iyo su’aalo la xidhiidha geerideedii mar la faafiyay.
"Xitaa xafladaha iyo aroosyada Soomaalida aan magaalada wada deganahay ayaa dhib ku qabaa. Anniga oo nool ayay shaki i geliyaan, oo xafladaha aroosyada igu weydiiyaan sida ‘Soo ma tihid gabadhii dhimatay?. Sidee dib ugu soo noolaatay,” ayay tiri Mulki oo dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeysay ku nooleed dalka Sweden.
Maxay uga aamusneyd ‘geerideeda iyo tacsiyadaha’ loo diray shan iyo tobankii sano ee u dambeeyay?
Warka faafay ee geerideeda waxa uu kusoo beegmay markii ay Kenya uga guurtay dalka Sweden, iyada oo dadkii ku xidhinaa Waayaha Cusub ay hal mar ka waayeen saaxada war iyo wacaal la’aan. Laakiin Mulki waxay markaas isaga mashquushay nolosheeda cusub ee qurbaha, iyada oo waxbarasho iyo shaqo ka bilowday dalkii cusubaa ee ay tagtay.
"Shan iyo tobankaas sano waan maqlayay, waana arkayay dhimashadeyda iyo tacsida la ii dirayo. Waxaan se islahaa dadka way iska ogaan doonaan runta, ama way iska hilmaamayaan beenta,” ayay tiri Mulki. Waxay intaas raacisay in dadku weli aamisan yihiin inay geeriyootay, oo ay joogta heer uusan qofna ka aaminin inay nooshahay. Hadda, waxay dooneysa in ay beenta faaftay ka dabo tagto oo ay afka soo qabato, la na aamino inay nooshahay, oo aysan marna geeriyoon.
'Sida aan kusoo noolaaday ayay i weydiiyaan': Fanaanadii Waayaha Cusub ee geerideeda la faafiyay oo BBC la hadashay
,,