Naadiya oo 26 jir ah ayaa tatiijada horudhaca ahayd ee xalay la shaaciyay ku hoggaamineysay 58% halka ninkii la tartamayay uu heystay 41% codadka.

     "Runtii aad iyo aad ayaan u faraxsanahay caawa, runtii guushan teyda keliya maaha ee waxaa ila qeybsanaya dadka igu garab siiyay,” ayay tiri Naadiya.

Waxay sheegtay in kooxdeeda ay aad u dadaashay isla markaana ay albaab ka albaab garaacayeen guryaha dadka magaalada."Waxaa igu dhiirrigeliyay dadka oo igu yiri isku sharrax. Waxaan rajeynayaa inaan dadka ka caawin karo waxyaabaha ay u baahan yihiin sida arrimaha guryaha.” Ayay tiri.

Waxay hore uga mid ahayd Golaha Deegaanka ee isla magaaladan oo ay ku biirtay sanadkii 2019.Naadiya ayaa la rumeysan yahay inay noqoneyso gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Ameerikaan ah ee duq magaalo ka noqota magaalo ku taalla mareykanka. Waxay sidoo kale noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa magaaladan oo ay ku nool yihiin 49,000 qof oo caddaan u badan. Sidoo kale waxay noqoneysaa qofkii ugu da’da yaraa ee xilkan qabta.

Waxaase xusid mudan, in Deeqa Dhalac, oo ah duqa magaalada South Portland, Maine ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee dalkaasi ka noqotay duq magaalo. Golaha Deegaanka ayaa u doortay xilkan sanadkii 2021.

Minnesota waxay hoy u tahay bulshada Soomaalida ugu badan dalkaas. Sanadihii lasoo dhaafayna Soomaalida gobolka ayaa guulo la taaban karo ka gaarayay doorashooyinka Mareykanka.

Ilhaan Cumar, ayaa taariikh dhigtay kaddig markii sanadkii 2018 ay ka mid noqotay Kongareeska Mareykanka, waxayna sidoo kale noqotay xildhibaanaddii ugu horreysay ee Soomaali ah sanadkii 2016. Maanta, waxaa dalkaasi ka jira ilaa shan xildhibaan oo Soomaali ah.

Waxay Naadiya sheegtay in labada arrin ee ugu mihiimsan ee ay diiradda saareyso ay yihiin ammaanka iyo arrimaha guryaha, oo dadka ay kala shaqeyn doonto helidda guryo la awoodi karo.


XIGASHO:- BBC/SOMALI