Faahfaahin : iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo Garowe ka dhacay

0
Tuesday November 07, 2023 - 15:25:15 in Wararka by
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin : iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo Garowe ka dhacay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
email sharing button
 Ugu yaraan hal qof oo shacab ah oo ahayd gabar dhallinyaro ah, ayaa ku geeriyooday, dhowr qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, shaqaaqo duhurkii maanta ka dhacday magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

 
Shaqaaqadan oo dhexmartay ciidamo katirsan Puntland iyo ciidamo kaloo maleyshiyaad ah, ayaa waxay ka dhalatay soo dhowaynta mid kamida ah dhallinyarada baraha bulshada caanka ka ah oo lagu magacaabo Kabtan Ayuub.


Iska hor imaadka ayaa dhacay, ka dib markii ciidamada maleyshiyaadka ay rasaas ku fureen barxada Garowe, oo ay ka socotay soo dhowaynta Ayuub Cabdirisaaq oo loo yaqaano Kabtan Ayuub, oo baraha bulshada aad looga yaqaano, ahna taageerayaasha madaxweyne Deni.

Warar kale oo aan helnay waxay sheegayaan in isla kooxdan maleyshiyaadka ah ay hoobiye ku tuureen xarunta madaxtooyada Puntland, balse kuma dhicin dhismaha madaxtooyada, mana jirto cid ay waxyeelo kasoo gaartay.

Kabtan Ayuub ayaa mar uu ku sugnaa dalka dibabdiisa wuxuu aad u duri jiray siyaasiyiin uu kamid yahay wiilka uu dhalay Senator Cabdiraxmaan Faroole oo lagu magacaabo Maxamed Faroole, kaasoo hadda kamid ah musharraxiinta madaxtinimada Puntland.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray warar sheegayay in loogu goodiyay inuusan magaalada Garowe imaan karin, laguna soo dhowayn karin. Waana midda loo maleynayo inay salka ku hayso shaqaaqada maanta ka dhacday Garowe.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Garowe ay horey uga jirtay xasarado ka dhextaagan Deni iyo mucaaradkiisa ayaa falka maanta ka dhacay Garowe waxay dadku badi aaminsan yihiin inay ku lug leeyihiin madaxtooyada Puntland iyo qaar kamid ah kooxaha mucaaradka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip