Daawo: JAWAARI oo qeylo dhaan ka soo saaray xaalad halis ah oo ka jirta K/Galbeed

0
Tuesday November 07, 2023 - 15:30:20 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: JAWAARI oo qeylo dhaan ka soo saaray xaalad halis ah oo ka jirta K/Galbeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa baaq culus ka soo saaray barakaca ka socda magaalada Baydhaba iyo guud ahaan Koonfur Galbeed oo ka dhashay daadadka ka dhashay roobka da’aya ee Dayrta.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in shirar is dabajoog ah ay ka yeesheen xaaladda ka taagan K/Galbeed, isla markaana ka walaacsan yihiin xaaladaha sii kordhaya ee ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan ew siyaasadda dalka ay ku metelaan.

Wuxuu sheegay in hey’adaha caalamiga ah iyo ururada deeq bixiyaasha ah ay kala hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka reer K/Galbeed.

   "Kaabayaashii dhamaan ayaa burburay, jidadkii ayaa go’ay buundooyinkii magaalada ayaa burburay, gaarigii Muqdisho raashin ama sahay kale ka qaada jidka ayuugelayaa oo dhulka dhan roob culus ayaa ka da’ay,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in raashinkii yaraa ee magaalada yaalaysicirkooda aad loo badiyey, "Waxaan farriin u dirayaa dadka tujaarta ah, maanta mucaarad iyo muxaafid meel iska dhiga, u soo jeesta inaad xaaladaan ka samata bixisaan dadkiina,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa madaxda dowlad goboleedka K/Galbeed ku dhiirigeliyey in la sameeyo Akoon lagu garab istaagayo halganka Al-Shabaab dalka looga xoreynayo.

 "Dadkeena qurbajoogta ah iyo ururada samafalka ah waxaan ka codsaneynaa in dadka reer K/Galbeed lala gaaro gurmad iyo rag istaag walaal oo maanta ay u baahan yihiin.

Hoos ka Daawo

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip