WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 28-KA JUUN 2016-KA

0
Tuesday June 28, 2016 - 10:06:25 in Wararka by
  • Visits: 1481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 28-KA JUUN 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN SH. OO HAMBALYO KU AAD DAN MAALINTA XORRIYADDA JIBUUTI U DIRAY M/GELLE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya, Mudane Xasan Sh.Maxamuud ayaa dham baal hambalyo oo ku saabsan xuska sannad-guur adii 39-aad ee ka soo waree

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SH. OO HAMBALYO KU AAD DAN MAALINTA XORRIYADDA JIBUUTI U DIRAY M/GELLE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya, Mudane Xasan Sh.Maxamuud ayaa dham baal hambalyo oo ku saabsan xuska sannad-guur adii 39-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornima da Djibouti u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. "Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya iyo keygaba waxaa sharaf weyn ii ah inaan idin la qeybsado farxadda xuska maalinta xornimada dalkiina. Djibouti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo ta ageero inoo ah, horumarka aad gaarteenna mud dadii aad xornimada haysateen waa horumar ay

 

 

Soomaaliyana ku faanto’, ayuu dhambaalkiisa ku yiri Madaxweynaha. Waxaa uu Madaxweyne Xas an Sh. Maxa muud sidoo kale dhambaalkiisa uu ku ammaanay hoggaanka Madaxweyne Geelle oo uu sheegay in uu reer Djibouti u horseeday horumar, nabad iyo xasilooni.

"Waxaan kugu bogaadinayaa hoggaankaaga toosan ee ku dayashada mudan ee aad shacabkaa ga ugu horseedday horumarka iyo nabadda Djibo uti ka jirta. Hufnaanta hoggaankaaga waxaa sidoo kale ka faa’ideystey shacabka Soomaaliyeed oo aad wax badan u hurtay. Soomaaliya waxay mar walba doonaysaa inuu sii jiro lana sii xoojiyo xiriir ka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah’’.

M/yne Xasan Sh.ayaa hoggaanka iyo shacab ka reer Djibouti u rajeeyay horumar, nabad iyo bar waaqo, sannadkan kiisa xig ana ay ku gaaraan hor umar ka ballaaran kan waqti gan ay haystaan.

MADAXWEYNAHA OO MARTIQAAD KU SAABSAN KA QEYBGALKA SHIR MADAXEEDKA JAAMACADDA CARABTA KA HELAY MADAXWEYNAHA MAURITANIA

Madaxweynaha JFS, Md.Xasan Sh. Maxamu ud,ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Isla amiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahm ed Izid Bih, oo dalka booqasho ku jooga.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay martiqaad uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriy adda Islaamiga ee Mauritania, Mohamed Ould Ab del Aziz, kuna saabsan ka qeybgalka Shir Madaxe edka Jaamacadda Carabta oo dhammaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott. Ma daxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqba ley martiqaadkaasi isagoo sheegay in Soomaaliya uu shirk aasi muhiim u yahay, ayna ka qeybgeli do onto. Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxam uud ka codsadey Wasiirka inuu salaan qiimo ba dan ka gaarsiiyo Madax weyne Ould Abdel Aziz. W/Arrimaha Dibe dda ee Mauritaniam Md.Ahmed Izid Bih, ayaa sheegay in dalk iisu oo markii ugu horeysay martigelina yaa shir madaxee dkan uu xoogga saara yo in ajendayaa sha ugu waaweyn ee laga doodi doono ay arrimaha Soomaaliya ka mid noqoto, isla markaana ku boorrin doo naan wa ddamada Carabta inay gacan we yn ka gey staan taageerada ay Soomaali ya u baah an tahay. Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowl aha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Md. Khaalid Cumar Cali iyo mas’ uuliy iin kale oo labada dhinac ka socotey---DHAMMAD

MAALINTA XORIYADDA JABUUTI OO LA XUSAY

Munaasabad lagu weynayo 39 guuradii ka soo wareegtay markii dowlada Jabuuti ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska ayaa ka socon eysa xarunta dalka Jabuuti, kasi oo ayka qeyb gal aayaan madaxda Dowlada Jabuuti iyo mas’uuliyin kale.

Ciidamada ayaa waxa ay gaado ka cayaar ku soo bandhigeen halka ay ka socoto munaasabad da, waxaana sidoo kale la arkayay gawaarida gaashaaman. Sidoo kale munaasabad lagu xusayo sanad guuradii 39 ee ka soo wareegtay markii dal ka Jabuuti uu xoriyadiisa ka qaatay dalka France sanadkii 1977 ayaa lagu qabtay magaalada Beled weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Danjiraha dalka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay xuskaasi, iyadoo dhammaan mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ay u hambaleeyeen shacabka iyo dowladda Jabuuti. 27 Juun sanadkii 1977 ayaa dal ka Jabuuti uu madax banaanadiisa ka qaatay gum eystihii Faransiiska ka dib halgan gobanimo doon ah oo sanado badan socday kaas oo si weyn ay u gu qeybgaateen shacabka Soomaaliyeed iyo dow ladii markii jirtay oo uu hogaaminayay AUN sare eyo Gaas Maxamed Siyaad Barre

MADAXWEYNAHA OO AFUR U SAMEEYAY DANJIREYAA SHA WADDAMADA ISLAAMKA U FADHIYA SOMALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada afur ugu sam eeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuri yadda Islaamiga ee Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih iyo danjireyaasha waddama da Islaamka u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa danjireyaasha si kooban uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya iyo hor umarka la sameeyay, gaar ahaan qorshaha door ashada lagu wado inay dalka ka dhacdo sannad kan.Munaasabaddan afurka ayaa waxaa sidoo ka le ka soo qaybgaley xubno ka tirsan labada gole iyo mas’uuliyiin kale.-DHAMMAAD-

BATUULA SHEEKH AXMED: "MARKII HORE HAWEEN KA MA QABIN KALSOONI BADAN, HADDANA WAA NAGU SII YARAATAY”

Dowladda FS ee xilligeeda gabaabsi ga marayo ayaa dhowaan xilkii ka qaaday Wasiirka Waxbara shada iyo Wasiirka Caafimaadka kuwaasi oo hawe en ahaa isla markaana boosaskoodii lagu bedelay rag.Guddoomiye K/Xigeenka guddiga u dooda xuq uuqda haweenka isla markaana ah Guddoomiyaha ururka haweenka Qar anka Batuula Sheekh Axm ed Gaballe oo warbaahinta la hadleysay waxay fa ahfaah in ka bixisay aragtidee da ku aadan tallaab ada xilka lo oga qaado labadii haween ee ka tirsa naa xukumadda dhexe ee Feder aalka.

"Markii horeba ma aanan qabin kalsooni weyn oo dhina ca qoondada haweenka ku lee yihiin Dowl adda, haddana waa nagu sii yaraatay” ayay tiri Bat uula Sheekh Axmed Gaballe oo sheegtay inay cala ameeyeen qabiilooyinka aan marnaba oggoleeyn inay booskooda matasho Dowladda kuwaasi, kuwa oggol in haween u matalaan iyo kuwa dhexdhexa adka ah.

Dowladda FS ee uu ayaa bilowday tan iyo mar kii la galay shirarka madasha qaranka isla markaa na muddo badan aan u harin, isla markaana Mad axweyne Xasan Sh.ka tallaabsaday Baarlamaanka ka dib markii uu beesha caalamka u gudbiy ay heshiiska shirka madasha qaranka, wa xaana soo baxayay dhaliilo badan oo dhin aca hoggaamiyeya asha shirkasi ay u ma rayaan dorashoyinka dal ka.

WASIIRU DOWLAHA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA OO KU QAABILAY MUQDISHO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MAURITANIA.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee JFS .H.E. Khaled Omar Ali ayaa shalay ku qaab ilay caasimadda Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee J/Isl aamiga Mauritania H.E. Isselkou Ould Ahmed Izid Bih iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqan aya dal ka..

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday aragt iyo la xiriira qaabkii lagu horumarin lahaa xiriirka, iyadoo la ogsoon yahay in JS ay ka mid aheyd dowladihii ugu horeeyay ee aqoonsaday Mauritania markii ay gobonimada ka qaadatay France , November 28, 1960. Fadhigan ayaa sidoo kale diiradda lagu sa aray xaaladaha siyaasadeed iyo ammaan ee gobol ka iyo dunida, waxaana la isku afgartay dhamm aan waxyaa bihii laga wada hadlay oo ah danaha ay wadaagi karaan labada dal.

Waxaa xusid mudan in J/Islaamiga Mauritania ay marti gelineyso shir madaxeedka wamadama xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, Wareeggiisa 27-aad , kaas oo la qorsheeyay inuu ka fu rmo bisha July Magaalada Nouakchott.

TALYAANIGA OO SHEEGAY INAY BADBAADIY EEN TAHRIIBAYAAL GAARAYA

Ciidamada Ilaalada Badda Talyaaniga ayaa shaaciyay inay badbaadiyeen tiro badan oo Muhaa jiriin ah, kuwaasi oo naftooda ku biimeeyay Badda u dhaxeysa dal alka Talyaaniga iyo Libya. Wakaala da Wa rarka Reuters oo soo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ciidamada Badda Talyaaniga ay badbaadiyeen labadii cisho ee la soo dhaafay dad gaaraya 3300.

Ciidamada ayaa maalmihii Sabtidii iyo Axadii waxa ay qaadeen ugu yaraan 26 howlgallo oo naf tooda lagu badbaadiyay dad Muhaajiriin ah oo into oda badan ka soo jeeda qaarada Afrika. Badbaadi nta u gu badan waxa ay ka dhacday Xeebaha dal ka Libya, kadib markii dadkaan Doomihii ay saar naayeen ay ciladoobeen, sidaasina naftooda ay Qatar ku gashay.

Intii uu socday howlgalka badbaadada, waxaa dhintay hal ruux, sidoo kalena waxaa dhaawacmay Afar ruux, sida Saraakiisha ciidamada Badda Taly aaniga ay xaqiijiyeen. Saraakiisha maaysan shaac in dalalka ay u kala dhasheen dadkaan ciidamada ay badbaadiyeen, hayeeshe waxaa la geeyay dadk aasi dalka Talyaani ga oo markii horeba uu qorsha hooda uu ahaa inay gaaraan.Wasaaradda Arrima ha Gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegta in sanadk an dad aaraya 60 000 oo qof ay doonyo ku tageen dalka Talyaaniga

ASKARI KA TIRSAN CIIDAMADA DALKA KEN YA OO TOOGTAY SARKAAL SARE

Askari ka tirsan ciidamada dalka Kenya ayaa to ogtay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa ciidamadaasi, ka dib markii sida la sheeg ay ay wada murmeen Sarkaalka iyo Ask ariga dilka geysanaayo. Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Degmada Kigu mo oo ka tirsan dalka Kenya, waxaana la dilay Tal iyihii Saldhiga Degmadaasi.

Askariga iyo Taliyaha oo wada murmay ayaa sababtay in Askariga uu ka dafo Taliyaha Bistoo ladiisi, kadibna uu Shan xabadood uu ku dhufto Taliyaha.Askariga falka geystay ayaa durba mee sha ka cararay markii uu horay u sii qaat ay Bisto oladii uu ku dilay Taliyaha, waxa ana la sheegayaa in ciidamada Booliska ay wadaan baadigoobka Askarigaasi.

Taliyaha ciidanka Booliska ee maa mul Gobo leedka Murang’a haweeneyda lagu magacaabo Na omi Ichami ayaa she egtay in ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay dilka sarkaal ka dhintay. Mrs Ichami ayaa intaas ku dartay in ay soo gaareen warar sheegaya in as kariga darajada hoose ah iyo sarkaalka taliyihiisa ahaa uu muran dhex maray kadibna uu askariga Bitsoolada ka da fay sarkaalka isla markiina uu rasaas ku dhuftay.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa ku ba dan dalka Kenya, iyadoo Ask arta ay dilaan Saraa kiisha ka sar sareysa, marka ay wada murmaan.

WASAARADDA TAMARTA OO SHEEGTAY IN 15 CISHO LA DHIMO QIIMAHA BIYAHA EE MUQDISHO

Shirka wasaaradda Ta mar ta iyo kheyraadka biy aha XF ay la yeelatay Milkiilayaasha shirkadaha Biyaha ee M/Muqdisho ayaa waxaa kas oo bax ay in hoos loo dhigo qiimaha biyaha mu ddo 15 cisho.

Go’aankan ayaa ku yimid codsi wasiiru dowlaha wasaar adda Tamarta iyo kheyraadka biyaha Soom aaliya, Sahra C/qaadir C/raxmaan ay u jeedisay shir kadaha, si loogu turo bulshada Soomaalida ku woo da danta yar.

Wasiirka ayaa sheegtay in kulankaan uu qeyb ka yahay qorshe Wasaaradda ay ku dooneyso in wax looga qabto qiimaha sare ee Ceelasha biyaha, si loo helo qiimo dhimis joogta ah. Wasiiru dowla ha wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha So omaaliya Sahra C/qaadir C/raxmaan ayaa shaac isay in la mideynayo qiimaha kala duwan oo ay ceelasha biyaha ka qaadaan dadka, iyada oo dhan ka kale xustay in la sameynayo guddi wax ka qab ta cabashoyinka milkiilayaasha shirkadaha biya ha.

Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ayaa wado dadaalo ay wax kaga qabaneyso siya asadda tamarta iyo biyaha dalka, iyada oo 31-kii bishii May ee sanadkaan ayey ahayd, markii wasa aradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha si la mid ah madaxda ceelasha biyaha ay kala hadashay shi rkadaha bixiya eedga korontada in qiimo dhimis ay ku sameeyaan adeega ay siiyaan Shacabka.

MADAXWEYNAHA OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA BOQORTOO YADA BELGIUM

Madaxweynaha JFS,Md Xasan Sh. Maxamuud, ayaa shalay Xarunta Madaxtooyada warqadaha aq oonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boq ortooyada Belgium wakiilka uga noqon doonta Soo maaliya, Roxane de Bilderling. Madaxweynaha ay aa Danjiraha u ballanqaaday in si buuxda ay Dow ladda Soomaaliya ula shaqeyn doonto, uuna ku far axsan tahay doorka Belgiumka ee arrimaha Soom aaliya.

Danjire de Bilderling ayaa sheegtay in dalkeeda oo xubin ka ah Midowga Yurub uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo iska ashiga labada dal. Dowlad da Belgium wa xay ballanqaadday inay Soomaali ya kala shaqeyn doonaan arrimo badan sida amn iga,dhaqaalaha iyo horumarinta bulsha da.

CIIDANKA GAARKA AH EE K/ GALBEED IYO AMISOM OO LA WAREEGAY DEEGAANKA GOOFGAD UUD

Ka dib markii dorraad galab ciidamada Amisom iyo kuwa K/Galbeed ay isa ga baxeen deegaanka Goofgaduud ee du leedka M/Baydhabo, halkaasi oo Shabaab ay qabsadeen ayaa shalay ciid am ada K/Galbeed iyo kuwa Amisom waxaa u suuraga shay inay dib ugu laabtaan deegaankaasi.

Ciidamada gaarka ah ee K/Gal beed iyo kuwa Amisom oo ka ambabaxay M/Baydhabo ayaa iska hor imaad kooban waxa ay Shabaab kula galeen duleedka Deegaanka Goofgaduud, ka dibna ciidan ka waxa ay qabsadeen deegaankaasi.

Guddoomiyaha Deegaanka Goofgaduud Xuse en Wardheere oo la hadlay Idaaca da Risa ala, ayaa sheegay ciidamada iska caabin kooban ka dib inay qabsaden deegaanka. Wuxuu sheegay Shabaabkii ku sugnaa deegaankaasi inay carar een, ka dib markii ay arkeen awooda ciidamada Bo oliiska gaarka ah ee K/r Galbeed iyo ku wa Ami som oo ay wehliyaan ciidamada Xooga dalka. "Sha baabkii waa ay carareen duurka ayeey galeen dag aal yar ayeey nagala hor yimaadeen, kadibna waa ay ka baxeen Deegaanka Goofgaduud oo cii dank eeda ayaa hada jooga, Khasaaraha ka dhashay dagaalka waa labo nin ayaa laga dilay oo meydad kooda halkaan aye ey yaalaan, anaga wax Khas aare ah na ma soo gaarin.” Ayuu yiri Guddoomiy aha Deegaanka Goofgaduud.

Ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka K/ Galbeed ayuu sheegay In ay hadda howlgallo am maanka lagu xaqiijinaayo ka wadaan Deegaanka, sidoo kal ena lagu baadigoobaayo hadii ay jiraan Miinooyin Shabaabka ay deegaanka ku aaseen.

XILDHIBAAN DHUUX "SIRDOONKA DOWLAD DA AQONDARO IYO FASHIL AYAA KA TAGAN”

Xildhibaan ka tirsan, Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Hay’adaha ammaanka Dowladda inay ku fashilmeen waxka qabashada xaaladaha dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux oo ka mid ah Guddiga Amniga Baarlamaan ka, ayaa sheegay inay jirto Aqoondaro ka jirto laanta Sirdoonka DFS ee laga rabay inay keento macluumaadka ku aad an xog aha dhanka Sirdoonka.

Waxa uu sheegay ciidamada ammaanka inay san la socon inta badan dhaq-dha qaaqyada kala duwan ee ka jira M/Muqdi sho, taasina ay keentay weerarada soo noq noqda ee Shabaab Hotelada Muqdisho ay ka geystaan. "Wasaaradda amni ga iyo wasaaradda arrimaha gudaha dhamaan wey shaqeynayaan Jidadka wey taagan yihiin, waxaa khaldan waa shaxda wax lagu raadinayo, qaraxa banaanka la gama keenin diyaaradna laguma ke enin Xamar gudihiisa ayaa lagu sameynayaa, rag ga sameynayaana Xamar bay joogaan, ciidamo waa jiraan aqoontii iyo qaab ka loo fulinayo ayaa wax ka khaldan yih iin.”Ayuu yiri Xildhibaanka

Xildhibaan Dhuux, wuxuu sheegay ciidamada Dowladda ee muuqda inay ku duuli karaan gooba ha xogtooda la keeno, balse xogta keenistooda loo ga baahan yahay ciidamada Sirdoonka. "Ciidama da qalabka sida ee hubeysan bartimaameed loo sheegay ayay ku duuli karaan, dadka shaqeyna yaa waa Booliska iyo nabadsugidda iyo laanta sir doonka, isku xirnaashiyaha waxaa laga rabaa Booliska, nabadsugidda iyo shacabka iney isku xir an yihiin, xiriirka dadweynuhu uu aad u badan yah ay, inaan daafaca ka baxno oo aan weerar galno ayaa la inaga rabaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalin ka hor ayay ahayd markii weerar isugu ji ra ismiidaamin iyo dagaal toos ah ay rag hubeysan ka fuliyeen hoteelka Naasahablood 1 ee magaala dan Muqdisho, Xigasho:- dhacdo.com

SIYAASIGA MUSALIA MUDAVADI OO KU BA AQAY IN CIIDAMADA KENYA LAGA SOO SA ARO SOOMAALIYA

Hoggaamiyaha isbahaysiga Amani National Co ngress ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi ayaa da wlada Kenya ugu baaqay in ciidamada Kenya ee KDF ay kasoo saarto dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in hadal haynta celinta qaxoot iga Dhadhaab uu go'aaminaayo in Soomaaliya ay xasilloontay iminka isla markaana ay tahay in ha atan ay arintaa ku xigto soo celinta ciidamada Ken ya ee Soomaaliya jira. "Dawladu waa inay u sharr axdo Kenyanka sababta aan ciidamadeena ugu sii heyneyno halkaa hadii dalkaasi uu badbaado leey ahay oo qaxootigaa ay ku laaban karayaan,” Muda vadi ayaa sidaa yiri.

"Haddii qaxootigu ay xaalada Soomaaliya ka jirta iminka ku badbaaadi karaan, waa maxay waxa askarteenu ay Soomaaliya ka qaban doon aan?”Intaa ayuu raaciyay. Wuxuu sheegay in Ke nya ciidamadeedu aysan u galin Soomaaliya inay cid arinkaa ku farax galiso balse ay ciidamadeedu u galeen in wadanka Kenya laga badbaadsho gar darro dibada uga timaada. Ciidamada Kenya ayaa galay Soomaaliya 2011 ka dib markii Kenya ay she egtay in Al-shabaab dabley ka tirsan oo fariisimo ku leh Soomaaliya ay inta Kenya soo galaan dalxi iseyaal ka af duubtaan

FADLIGA 10 DANBE EE BISHA RAMADAAN

"Adoomadayda uma lihid wax awood ah oo aad ku kaxaysato mid halowsan oo ku raaco mooyane” [Suuratu al Xajar-42]

Waxanu ognahay in aanu qofka caqliga lihi shaydaanku iskaashi la yeelanayn inta illaahay ka so kaysa isagoo garanaya in uu yahay cadowgiisa taasina waa wax garashada wanaagasan ee caqliga iyo iimaamkuba ay diidayaan illaahay waxa uu yidhi (SW) "Ma waxaad ka dhiganaysaan tafiirtiisa qaar aad kaadshataan aniga sokadayda iyagoo idin ah cadow waxa xumaaday kuwa halowsani waxa ay wanaaga dhaafsadaan” [suuratu kahfi-50]

Illaahay markale waxa uu yidhi "shaydaanku waxa uu idin yahay cadow ee idinkuna ka dhigta cadow in kale maaha waxa uu idinku yeedhayaa in aad noqotaan xusbigiisa si aad u noqotaan dadka naarta lagu guro”[Faadir-6]

Waxayaaba u gaarka ah tobankan waxa ka mid ah In uu Nabigu (CSW) uu samayn jiray citikaaf, ictikaafku waa adiga oo laasima masaajidka si aad wak hti ugu hesho cibaada illaahay waana sune ku sugan kibaatka illaahay iyo sunaha rasuulkaba (CSW) illaahay waxa uu yidhi (SW) "Hala macaamilina du marka intaad ku jirtaa ictikaafka masaajidka taasi waa xudhuudi illaahay hana u dhowaanina sidaa ayuu illaahay ayaadkiisa dadka ugu cadaynayaa waxay mudan tihiin in aad illaahay ka cabsadaan” [albaqra-187]

Nabigu (CSW) ictikaafka wuu sameyay asxaabtiisuna intuu noola iyo intii ka danbaysay way la iman jireen, Abi Siciid Al khudri waxa laga soo war iyay in uu yidhi (NABIGU (CSW) Waxa uu ictikaafay tobankii hore ee ram adaan dabadeena tobankii dhexna wuu ictikaafay, dabadeedna waxa uu yidhi anigu waxa aan ictikaafay tobankii hore weliba waxan si adag i sii ictikaafaya habeenkan habeen hore ah ka dibna waxa uu ictikaafay tobankii dhex waan u imi wuxuna igu yidhi waa tobankii ugu danbeyay ninkii doona inuu ictikaafo ha ictikaafo) Saxeexankana waxa ku sugan ee caa’isha (RC) laga soo wariyay (NABIGU (CSW) WUU ICTIKAAFI JIRAY TOBANKA DANBE EE RAMADAAN ILAA INTUU DHIMANAYAY) dumarkiisuna way ictikaafay isaga Rasuulka (CSW) dabadii waxa kaloo caa’isha (RC) laga soo wariyay (In uu nabigu (csw) uu ictikaafi jiray ramadaan kasta toban cisho laakiin sanadkii uu geeriyooday (n.n.k.h) waxa uu ictikaafay 20 maalmood)

Anas (RC) waxa laga soo wariyay (Nabigu in uu ahaa kii ictikaafay tobanka danbe ee bisha ramadaan, sanadna uuna ictikaafin laakiin sanadkii ka danbeyay ayuu 20 ictikaafay)

Ictikaafka waxa looga jeeda in uu qofku ka go’o dadka si uu wakhti ugu helo cibaada illaahay midka mid ah masaajidada gudihiisa, isagoo doo naya fadliga iyo abaalmarinta la kulanka laylatu qadriga sidaa darteed waxa la gudboon qofka ictikaafka samaynaya in uu ku mashquulo digriga illaahay qur aanka akhriskiisa iyo salaada iyo cibaadooyinka kale waana in uu ka dheerado sheekooyinka aan waxba tareen ee aduunyada dhibaatona malaha in uu in yar la sheekaysto ehelkiisa ama cidii kale ee daruuri ah.

Waxa laga soo wariyay Safiya (RC) Hooyadii muuminiinta Nabigu (CSW) Isagoo ictikaafka ayaan u imi oo aan soo booqday habeen waana aan la sheekaystay ka dibna waan kacay si aan u tago nabiga (CSW) nabiguna (CSW) waa uu soo kacay sidiibana aan kaga tagay)

Qofka ictikaafka samaynaya waxa ka xaaran ah in uu u galmoodo gabadhiisa, soo bixitaanka qofku ka soo baxayo masaajidka waxay noqonay aan sidan.

In uu soo baxo qofku arin daruuri ah sida qofka oo kaadi taga ama soo waysaysanaya ama soo madhanaya, cuno iyo cabid doonanaya taa waa la ogal yahay hadii aan masaajidka gudihiisa laga helayn, hadii baahiyahaan masaajidka gudihiisa laga helayo lama ogala qofku in uu baxo, hadii qofka biyaha iyo raashinka loogu keenayo masaajidka dhexdiisana lama ogala inuu baxo.

In loo baxayo arin daacadka ka mid ah taas oo aan kugu waajibinayn sida qof buko oo la soo booqdo ama jinaasad laga qayb galo iyo IWM qof u bixi maayo hadii aanay wax shuruud ah aanay jirin marka hore marka hore ee ictikaafka uu galayo sida inuu soo booqdo qofka buka ama uu ka baqayo inuu gaariyoodo waa in marka hore ee bilowga ictikaafkiisa shuruudku sii darsadaa shuruud taas oo ah hadii arimihaasi yimaadaan in uu ka qayb galo, qofka shuruuda dhigta wax dhib ihi dushiisa ma aha.

Bixitaanka arin ka hor imanaysa ictikaafka sida wax iibinta iyo hawl aha ganacsiga ama dumarkaaga oo aad u galmooto iyo IWM hadii uu shuruud dhigtay iyo hadii uuna dhiganba looma ogala inuu masaajidka ka baxo waayo ka baxayaa xadkii ictikaafka ee ku koobnaa cibaadada.

Waxyaabah u khaaska ah Tobanka danbe ee bisha ramadaan waxa ka mid ah in uu ku jiro laylatu qadri kaas oo ka khayr badan 1000 bilood, had aba waxa lala gudboon in aynu garano fadliga ay leedahay tobankan habeen oo aynan dayici wakhtigoogu waa qaali khayr kooguna wuu badan yahay. Illaahayow waxa aad na waafajisaa wixii khayr inoo leh aduun iyo aakhiraba illaahayow danbigayaga dhaaf iyo ka waalidiinkayada iyo dhamaan muslimiinta Nabigeeni Maxamed ahaa N.N.K.H isaga ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo dhamaan cidii xaqa ku raacda ilaa qiyaamaha , illaahay baana waafajinta Leh.Dhammaad

SAFIIRKA CUSUB EE MAREYKANKA U QAABILSAN SOOMAALIYA OO LA DHAARIYAY

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa xalay lagu dhaariyay magaalada Washington, iyadoo dowladda Mare ykanka ay markii u horeysay Soomaaliya u diri doonto Safiirkeedii u horeeyay muddo 25 sano.

Munaasabad dhaarinta Safiirka cusub ee Mareykanka Stephen Schwartz ayaa waxaa ka qeyb galay Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Diba dda u qaabilsan Afrika, Diblomaasiyiin iyo saraakiil ka socotay Waaxda arri maha dibadda Mareykanka.

Kuxigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maretkanka Anthony Blinken ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyo bad an,balse ay jiraan caqabado kale oo isugu jiray dhinacyada siyaasada, amn iga, iyo dhaqaalaha.

Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz oo khudbad ka jeediyay dhaarta kadib ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso Ciidan Soomaaliyeed oo ka adkaada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay taageero ka heshay Ciidamada Midowga Afrika, balse haatan la gaaray waqtigii Ciidamada Soomaaliya lagu wareejin lahaa ammaanka.

"Waxaa imika la joogaa wakhtigii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ay abuuri laha ayee ciidamo qaran oo Soomaali ah oo waxtar leh, jawaabna bixin kara, si ay uga adkaadaan al-Shabaab sidoo kale u mideeyaan dalka”ayuu yiri Stephen Schwartz.

Aqalka Senate-ka ayaa bishii May ansixiyay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb. Stephen Schwartz, kadib markii Madaxweyne Obama uu magacaabay, waxaa uu lagu bedelay Haweeney Catherine Dhanaani oo xilka Safiirnimo isaga casishay sababo shaqsi awgeed.

Mareykanka ayaa sanadkii 2013 aqoonsaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo mareykanka uu malaayiin dollar ku bixiyo taageerida Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Stephen M. Schwartz1 Stephen M. Schwartz

CIDAMADA AMISOM OO MUDDO LIX BILOOD AH AAN MUSHAAR QAADAN

Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan wax mushaar ah qaadan lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Sida ay qortay BBCda ciidamada AMISOM oo tiradooda gaarayso 22,00o oo askari oo dalal kala duwan ka socda ayaa arrimo la xiriira xisaabaadka awg eed lacagihii mushaaraadka u qaadan jireen loo hakiyay.

Madaxa AMISOM ayaa u sheegay BBCda in la saxay waraaqaha xisaaba adka oo hadda diyaar yihiin. "Dukumintiga waa la direy, lacagtana sidoo kale ayaa loo soo dirayaa,”ayuu yiri Francisco Madeira.

Midowga Yurub oo bixiya mushaaraadka ciidamada AMISOM oo askari wal ba bishii siin jirtey $1,028 (£700) ayaa ka jartay lacag gaareysa $200 bil walba arrimo la xiriira qarashaad ku baxaya dhinaca maamulka, waxana askari wal ba uu qaadanayaa lacag gaareys $800. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan mushaar qaadan ciidamad AMISOM mushaaraadka ay dhowaan qaadanayaana uu yahay lixdii bilood ee ugu damb eysay sanadkii hore.

Taliyaha ciidamada Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa sheegay inuusan garanayn wax uu ku fasiro mudada ay mushaaradka aysan qaadan ciiamada.

Gen Wamala ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay ciidamada Uganda ay ugala baxayaan dalka Soomaaliya bisha December 2017 ay tahay jahawareer ay ka qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo la taliyaasha milatariga ee Maray kanka,UK iyo Turkey. Ciidamada Uganda oo ku sugnaa dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii ayaa waxa ay yihiin ciidamada ugu badan ee ka socda dalalka Afrika. Sidoo kale ciidamada dalka Burundi ayaa sheegay inaysan mu shaar la’aan yihiin ciidamadooda.

AQALKA ODAYAASHA DOWLADDA CUSUB IYO BEELAHA AY KA SOO 

JEEDAAN (AKHRISO MAGACYADA)

M/Baydhaba ee G/Bay oo maalintii Dorraad lagu soo gabagabeeyay shir 3 maalin u socday hoggaamiyeyaasha madasha Qaranka ayaa waxay ku ans ixiyeen aqalka odayaasha soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Liiska cusub ee odayaasha dhaqanka oo tiradoodu gaareyso 135-xubnood ayaa loo qeybiyay beelaha Digil iyo Mirifle, Beesha shanaad, Beesha Direed, Daarood iyo Hawiye, kuwaasi oo loo soo xulay saami qeybsiga beelaha Soom aaliyeed. Kulamada wada tashiga ah ee geedi socodka hannaanka doorasha da dadban ayaa la filayaa in lagu dhiso dowlad cusub, iyadoo dadka dhaliilaha u jeedinaya shirarka madasha Qaran ay ku eedeynayaan inay iyaga isku koo been agaasinka iyo isku duba ridka Dowladda cusub ee dalka ka dhaleysa dabayaaqada sanadkaan.

Dhinaca kale liiskaan cusub ee odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliy eed loogu qeybiyay ayaa waxaa ku jira xubno ay soo xuleen maamulka gobo lka Banaadir oo dadkiisu ay sameeyeen kacdoon ay ku muujinayaan inaan la gu qadin saami qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

LIISKA ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYEED OO KA KOOBAN 135 ODAY 2016-KA

Hordhac:

Liika Waa Liiska Rasmiga ah ee Odayaasha Dhaqanka Somaaliyeed ee ay ku Heshiiyeen Saxiixeenna Hoggaamiyayaasha Madashada Waranka Shirkoodii ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo 22-25-ka 2016-ka

 

BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE

No.Magaca:-                                                                              Beesha

1-Suldaan Cusmaan Suld.Axmed Suld.Shekh Cabdi Galadi

2-Malaaq Macallin Cali Barre Maxamuud Jirroon

3-Suldaan Siiday Xaaji Maxamed Nuur Dabrre

4-Malaaq Cali Cabdnuur Cali Boor Leysan

5- Malaaq Siidow Maadow Muuse Sh. Calemod

6-Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macalin Aadan Eelaay

7-W/Malaaq Warsame Xusen Ibraahin Eyle

8-W/Malaaq Kuusow Maxamed Maxamuud Qoomaal

9- Ugaas Nuur Shaakoow Jibriil Garre

10-Malaaq C/rashiid Sh. C/salaam Yentaar

11- Malaaq Maxamed Yacquub h.Deerow Disow

12- Malaaq Cali C/raxmaan Axmed {Shiino} Wanjeel

13- Malaaq Xasanow Cumarow Xasan Xariin

14-Malaaq Maxamuud Maxamed Cabdi Hadamo

15-Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan Kerowi Garwaale

16-Malaaq Isaaq Cali Idiris Macaallin Weyne

17-Malaaq Aamin Sheekh Cabdibaari Emad

18-Malaaq Xasan Shurre Maxamuud Hubeen

19-Malaaq Shariif Muxuddiin X.Aadan Maxamed Asharaaf

20-Malaaq Axmed Aadan Laamoow Gawaweyn

21-Malaaq Cusmaan CABDIYOW Eenoow Heledi

22-Suldaan Warsame Suld.Ibraahin Suldaan Caliyow Jiiddo

23-Malaaq Xuseenow Gelle Xuseen Haraaw

24-Mal;aaq Ibraahin Macalin Cali Geledi

25-Malaaq Xasan Buule Cabdulle Jilible

26-Malaaq Aadan Tiiroow Cabdi Reer Dumal

27 Garaad Maxamed Cali Xuseen Garas-gude

28-Malaaq Vadi Cali Ibraahin Luwaay

29-Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Muunye Tunni

30-Suldaan Buuwe Cabdulle Buuwe Bagadi

BEESHA SHANAAD

No.Magac:                                                         Beesha

1-Imaam Cusmaan Maxamed Cusmaan  Banaadiri

2-Suldaan Maxamed Cabdi Cumar {Reer Aw Xasan}

3-Suldaan Cabdlla Sayed Maxamuud {Banafunsi Baraawe}

4-Suldaan Maxamed Cusmaan Oorow{ Jareerweyne}

5-Suldaan Axmed Jaamac Xirsi {Yibraha}

6-Malaaq Suufi Muudde Cali {B/diri /B/dhawoow}

7-Ugaas Saalax Maxamed Cabdulle {Carab Soomaali}

8-Suldaan C/qaadir Cumar Faarax {shabeel} {Carab- M/mud Saalax}

9-W/Ugaas Maxamed Axmed Ug. Max/ed {Buruso} J/rweyne/Shiidle

10-Ugaas Cabdi Guure Ugaas Maxamed{  Garjante}

11-Ugaas Aweys Sh. Xuseen Henero {Mushungeli}

12- Ugaas Maxamed Allaale Maxamed {Baajuun}

13-Suldaan Qummane Garfan Guris Suld. Cismaan {Ajuuraan}

14-Suldaan Xasan C/lle Kaariye {Tummaal}

15-Ugaas Maxamed Bahsiir Ugaas Xasan {Ruuts/Madhibaan}

BEELAHA DIREED

No.Magac:                                        Beesha

1-Suldaan XuseenNuur Xesi {Samaroon /M/med Case}

2-SuldaanAbiib Sh. Maxamuud {Samaroon/H/Cafaan}

3-Suldaan Diiriye Geelle Cali  {Samaroon/M/med Case}

4-Suldaan Maxamed Aadan Ashkir {Samaroon/Makaahiil}

5-SuldaanC/qani C/laahi Maxamed Fu’aad {Isaaq Hbar -yoonis}

6-Suldaan Caydaruus Saalax Ibraahin {Isaaq Habar-yoonis}

7-Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bulbul{  Isaaq Habar-yoonis}

8-Caaqil Maxamed Aadan C/laahi Ducaale {Isaaq Cida gale}

9-Xasan Maxamed Maax Isaaq {Cida gale}

10-Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar {Isaaq Hbar jeclo}

11-Suldan Saciid Diiriye Maxamed Aw Aadan {Isaaq Cida gale}

12-Suldaan Faarax Maxamuud Maxmed Buraale {Isaaq H/Jeclo}

13-Cabsuldaan Ibraahin Caraale Cabdlla {Isaaq Arab}

14-w/Suldaan Cumar Cali Caraale Yuusuf {Isaaq Arab}

15-Suldaan C/laahi Yuusuf Xasan {Isaaq H/Awal}

16-Suldaan Maxamed Haaruun Xasan {Isaaq H/Awal}

17-Suldaan C/raxmaan Jamac Maxamed {Isaaq H/Awal}

18-Suldaan Cali Cabdi Saciid Guuleed {Isaaq/ Toljecel}

19-Caaqil Jaamac Maxamed Boqorre Ciise 

20-Caaqil Maxamed Ibraahin Sahal Bhadoon Ciise

21-W/Caaqil Feysal Boodhle Cadaawe Ciise

22-W/Caaqil Xersi Xaaji Gaboobe Ciise

23-Ugaas Siid Axmed Sh. C/laahi Sh. Ibraahin Reer Aw sacid

24- Ugaas Ducaale Xaashi Khaaf Madalug- Dir

25-Ugaas Maxamed Buule Jiirow {Wardaay-Dir}

26-N/doon Cumar Abshir Cumar Cali {Biyamaal}

27-W/Ugaas Aadan Diiriye Ibraahin {Biyamaal}

28-Suldaan Ibraahin Cali SuldaanX.C/lle Ciise {Biyamaal}

29-Ugaas SaalaxCabdi Nuur {Surre /Qubeys}

30-Ugaas C/raxmaan Xaaji Xuseen {Surre/Cabdalle}

BEELAHA DAAROOD:-

No.Magac:                                              Beesha:-

1-Suldaan Xasan Yare Calii Jaamac {Marexaan}

2-N/doon Jaamac Shire Xaashi Dhoorre{ Marexaan}

3-Ugaas Axmed Barre Cali Xabuun {Marexaan}

4- Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Xirsi {Marexaan}

5-Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow {Marexaan}

6- N/Doon Ibaarhin Maxamed Aadan {Marexaan}

7-N/doon C/dulle Cabdi Ibraahin {Marexaan}

8-Suldaan Claahi Suldaan Cali Sonkor {M/med Subeyr}

9-Ugaas Xuseen Ugaas Maxamud Qorane {Cowlyahan}

10-Suldaan Faarax Sul.Maxamed Cusmaan {Maqaabul}

11-Ugaas Ibraahin Ugaas Aadan Geeddi {Bartire}

12-Xuseen Ugaas Cusmaan Nuur {Cabdalle}

13-Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Shongole {Bah-geri}

14-Suldaan Cbadi qani Suldaan X.Cali Baale {Bah Geri}

15-Ugaas MaxamudAxmed C/lle {Awrtable}

16- Suldaan Subeyr Suldaan X,Maxamud Cali {Leylkase}

17-Ugaas Max’ud Ugaas Axmed Maxamed {Leylkase}

18-Boqor Burhaan Boqor Muse Boqor. Cismaan {Cus/ Maxamuud}

19-Bel daajiye Jaamac Ismaaciil Bel. Yaasiin Cali {Cali Saleebaan}

20-B/ dajiye Cali Bel. Faarax Maxamud {Cali Jabriil}

21-Beldaajiye Ismaaciil Bel.Yaasin Bel. Cali {Sawaq-ron}

22- Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin C/Raxmaan {Dashiishle}

23- Suldaan Saciid Suldaan C/salaan {Warsan Geli Daarood}

24-Suldaan Maxamed C/laahi Cartan {Warsan Geli Daarood}

25- Suldaan Saciid Maxamed Garaase {Ciise Max/ud}

26-Islaan Bashiir Islaan C/lle {Cumar Max/ud}

27-Ugaas Claahi Ciise Nuur {Dhulbahante}

BEELAHA HAWIYE-

NO.MAGAC:                                                 BEESHA:-

1-Suldaan Maxamed Sul.Muuse X.Barre {Sheekhaal}

2-Ugaas Claahi Ugaas Faarax {Saleebaan} 

3 -imaam Cumar Maxamed Abshir {Saleebaan}

4-Ugaas C/laahi Ug/s Xaashi Ug/s faarax{ Murusade}

5-NAbadoon Axmed Xasan Sabriye {Murasade}

6-Nabadoon Yuusuf Axmed Maxamed {Murasade}

7-W/Ugaas Saciid Ugaas Maxamed Carab{  Duduble}

8-Nabadoon Macalin Maxamud Cali Max/ud {Duduble}

9-Ugaas Xasan Ugaas Maxamed                 {Cayr}

10-Garaad Aadan Cilmi Qoorweyne {Sacad}

11-Nabadoon MaxamuudAxmed Aadan {Cadawe} {Sacad}

12-Suldaan Maxamed Sh.Isloow {Saruur}

13-Nbadoon Ciise M. Maxamuud Aadan {Abgaal}

14-Maxamed Cabdi Shiddo {Abgaal}

15-Iimaam Maxamed Yuusuf Cali {Abgaal}

16-Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle {Abgaal}

17-Nbadoon Maxamed Maxamuud Cumar {Abgaal}

18-Wabar Geeddi Wabar Xasan W Kutubow {Jajeelle}

19-Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud {Silcis}

20-Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey {Wacdaan}

21-Ugaas Abuukar Ugaas Xasan {Wadalaan}

22-Ugaas Cusmaan Ugaas Cumar {Udeejeen}

23-Ugaas C/raxmaan Ugaas C/laahi Ug.Maxamed {GaalJecel}

24-Ugaas Cumar Ugaas Muumin Ug. Warfay {Xawaadle}

25-Nabadoon Cali Muxummud C/laahi Yuusuf {Xawaadle}

26-Nabadoon Cali Maxamed Max/ud { Osbito} {Xawaadle}

27-Nabadoon Faarax Cabdi Waare {Xawaadle}

38- W/Wabar Cabdi Xuseen Cadulle {Dagoodi}

29-W/Wabar Maxamed Wabar Axmed W. Cabdi {Baade Cadde}

 

30--Islow C/Naasir Ugaas Nuurre Cismaan {Jiidle }

Dhammaad

 

WAAN RIYOODAY WAXAAN KURIYOODAY :

1-shantii Soomaaliya aa midowday, meel kasta hal calan oo hal xiddig leh ayaa ka taagan.

2-Wareegta ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu kala bad alay qaar ka mid ah shaqaalaha Dowlada, waxayna u qorneyd sidan: Gudoo miyihii Gobalka Jigjiga waxaa loo bedelay Shabeelaha Dhexe, Gudoomiyaha deg mada Madheera waxaa loo badalay Borame. Maamulihii dekeda Jabuti waxaa loo bedelay dekeda Kismayo. Gudoomiyaha degmada Hobyo waxaa loo bede lay Garisa, Gudoomiyaha degmada Cali sabiix waxaa loo bedelay Dhuusam areeb, Taliyihii saldhiga Boliska Afgooye waxaa loo bedelay Wajeer, Iskuduw ihii Xanaanada Xoolaha Degmada Qoraxeey waxaa loo bedelay De gmada Qor yooley, Taliyihii nabad sugida Degmada Carte waxaa loo bedelay Garowe.

3- Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in sanadkan ay qaabileyso 30.000 ruux oo ah qaxootiga koofur Bari Asiya, iyadoo lacagta cayrta ah ee dowladu bixiso la kordhinayo 40%.

4- Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa go’aamisay in deeq waxbarasho la siiyo 200 arday oo ka imaanaya wadamada soo koraya.

5-Gudoomiyaha OPEC ayaa sannadkan loo doortay wasiirka Tamarta iyo Shidaalka ee Somalia .

6-Markabka diyaaradaha xambaarta ee HADRAAWI -1 oo ay la socdaan 6 markab ah ku xambaarta gantaalada riddada dheeriyo laba Gujisoo ay leey ih iin ciidamada Badda Soomaalidu ayaa gaaray xeebaha dalka imaaraadka Car abta si ay uga qayb galaan dhoolatus ay sameeynayaan ciidamada badda ee wadamada Islaamka. 7-Hay’ada SSA ( Somali Space Agency) ee hawada sare ayaa heshiis la gashay dhigeeda dalka Shiinaha in si wadajir ah ay isaga kaashadaan diridda dayax gacmeedka SOOL-2, oo laga gamayo Saldhiga cirifka gardafuuyee gobalka Bari ee Somaaliya waxaana sii raaci doonaan 5 cirbixiyeen oo Shiina ah iyo 2 Somali ah, kaa oo hawada sare ku maqnaan doona muddo 18 Bilood ah.

8-Warshada bacriminta Uraniyuumka ee Guriceel ayaa la balaariyay si ay u suurtagashao in tamar koronto oo ku filan ay gaarsiiso wadamada `Afrikada Bari. Markii aan soo toosay waxaan kala garan waayay ma riyaa mise waarun.!

Ha quusan, noo duceey in riyadeeyda ALLAH nooga ruumeeyo, waxay ku xiran tahay oo kaliya annaga oo si wadajir ah u aamino inaan ka rumeeyn karno, una dhaqaaqno ALLANA ha nagu garabgalo, qadar ALLA lagama quusto. Xor ayaad u tahay in aad fekerkeeyga naqdiso, wax ka bedesho, beeniso, ama si kale aad u dhigto.

W/Q: Prof. Yaxya Sheekh Caamir

 

NATIONLINK TELCELOM

Bishaaro Bishaaro Bishaaro

Shirkada isgaarsiinta Casriga Caalamiga ah ee NATIONLINK TELECOM Waxay Macaamiisheeda Sharafta Leh Ugu Bishaareyneysaa in ay U sameeysay Qiimo Dhimis Ballaaran,taas oo ah ku shubo 1$ Doollar Kuna hadal 140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo 1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibadda ah, waana 35 Dal oo kuwa Soomaalidu ku badan tahay oo ay Wado Haddaba 

WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NAMBARRADAAN 100 / 222 / 333.



Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip