Daawo: Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif si adag uga hadlay dagaalka ka socda Sh/Dhexe

0
Saturday October 21, 2023 - 15:49:39 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif si adag uga hadlay dagaalka ka socda Sh/Dhexe

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif ayaa soo saaray baaq culus ku socda beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii uu maanta la hadlay TV-ga Dowladda.

Sheekh Maxamuud ayaa musiibo ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya dadkaan walaalaha ah, isagoo xusuusiyey carada Alle oo ay kala kulmi karaan daadinta dhiiggooda.

Sidoo kale Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka socda Soomaaliya aan lagu jooji karin hadal iyo wacyi gelin toona, balse loo baahan yahay ficil iyo in la helo awood u bareerta inay meel mariso wixii wanaagsan.

 

"Dadka sheydaan ayaan qaaday, dadka Soomaaliyeed waa is yaqaanaan cid dagaal wax ku qaadeysa ma jirto, dadka cidii gardaran garta hala saaro, si loo joojiyo musiibadaan,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

Shiiqa ayaa sheegay in dadka is dilaaya ay wada dhasheen, "Sababta ay isku dilayaan waxaa waaye Ilaahey iyo Rasuulkiisa ayey ka furteen, hadii aan wax ka hor taga loo helin dhigga ay daadinayaan joogsa maayo,” ayuu yiri.

Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in laba arrin lagu xakamey karo dagaal beeleedkaas, 1- In shareecada islaamka lagu kala saaro dadka dagaalamaya, 2- Iyo in awood dowladeed lagu maquuniyo.

 

  "Hadaan la helin labadaas maalin kasta waxaan arki doonaa qof qaraabadiisa dilaya, meesha hala tago waxaan hala suuliyo, musiibaa ka soo socota meeshaas, dadkaan waa naqaan waana ka dhalanay, waa in waxaan asalkooda laga dabatago,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud.

Dagaalkaan oo u dhaxeeya beesha uu ka dhashay Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa ka socda dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, dadka dagaalamaya oo ehel wada dhashay ah ayaa iska gubaya guryaha, iska kufsanaya haweenka, aadna isku dilaya, waxaana guul dareystay dadaal kasta oo lagu dayey joojinta colaadaas. 

 

Hoos ka daawo

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip