Kiiska Dacwad dil ah oo loo heesto Maxamed Cabdullaahi Siciid oo lasoo gabagabeeyay

0
Saturday October 21, 2023 - 10:19:10 in Wararka by
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kiiska Dacwad dil ah oo loo heesto Maxamed Cabdullaahi Siciid oo lasoo gabagabeeyay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta Jubbaland ayaa soo gabagabaysay dhagaysiga kiis dacwad dil ah oo loo haysto eedaysane Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar).

Ninkan ayaana ku eedeysan dil uu u geestay allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Deeq Nuune Saalax oo lagu dilay xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo, waxaana maalmihii lasoo dhaafay maxkamadda ka socotay dhageysiga kiiska dacwada ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada Ciidamada Jubbaland G/ dhaxe Nuuradiin Maxamed Khaliif oo gacanta ku hayay baarista kiiskan ayaa Maxkamadda hor keenay caddeymo muujinaya goobta dilka uu ka dhacay , sidoo kale cuskaday qiraal eedaysanaha laga hayay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada maamulka Jubbaland Gaashaanle sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo fadhiga soo xiray, ayaa sheegay in maxkamaddu soo saari doonto go’aanka ugu dambeeya kiiskan.

Kiiska Dacwad dil ah oo loo heesto Maxamed Cabdullaahi Siciid oo lasoo gabagabeeyay | Allbanaadir.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip