Imaamka Mudulood oo farriin adag u diray Xasan Sheekh "Xasanow tolka ku soo laabo"

0
Friday October 20, 2023 - 16:46:36 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaamka Mudulood oo farriin adag u diray Xasan Sheekh "Xasanow tolka ku soo laabo"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Imaamka Beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf oo si adag uga hadlay dagaal beeleedka ka socda qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe ayaa farriin culus u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horeyn Imaamka ayaa xaraam ku tilmaamay dagaal beeleedka ka socda gudaha Abgaal, "In maanta ay is dileyso laftii uu Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ka dhashay ee Harti-Abgaal xaaraam waaye, weliba isagoo deegaankii jooga,” ayuu yiri Imaam Maxamed.

Wuxuu sheegay in wax kasta ay sameeyeen hadii ay yihiin dhaqanka guud ee Mudullood, balse ay ku guul-dareysteen inay xaliyaan colaada ka dhex taagan beesha Harti-Abgaal oo aad isku leyneysa maalmahaan.

 

 

Imaam Maxamed Yuusuf ayaa u qeylo dhaamiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kula taliyey in tolkiis uu kala dhiciyo oo colaadooda uu xal u raadiyo, maadaama dhaqankii beesha uu xali waayey colaadooda.

"Madaxweyne Xasanow soo jeeso, nin tolkiisa ka tagay oo soo tanaada la waaye, culimada, xildhibaanada iyo dhaqanka beesha lama tashatid, cidda odageeda ayaan ahaye maanta waxaan kugula talinayaa tolkaa u soo noqo, kaligiis duul ha noqone,” ayuu yiri Imaam Maxamed oo farriin u diray Madaxweynaha.

Imaamka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan sanadle ah oo duco ah oo beesha Moobileen ay maanta ku qabatay magaalada Muqdisho. "Abgaal maanta dadkii oo dhan ayaa la yaaban iyaga ayaa is dilayna, dalkiina waxaa ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,” ayuu yiri.

 

 

Imaam Maxamed Yuusuf wuxuu intaas ku sii daray in qof kasta uu leeyahay ‘Abgaal ayaa dalka ka taliya, hadana isagii ayaa is dilaya’ wuxuu sheegay in taas aan loo dul qaada karin, dhinacyada dagaalamaya ayuu ugu baaqay inay joogiyaan dhiiga daadanaya.

Sidoo kale Imaamka ayaa Sheekh Shariif uga mahad celiyey dadaalka uu sameeyey, isagoo ka codsaday inuu sii joogo deegaanka ilaa inta xal looga helayo colaada beeshiisa u dhaxeysa.

 

 

"Waxaan soo jeedinaya in Sheekh Cali Dheere iyo culimo kale oo diinta islaamka dadkaas ku kala xugmisa deegaanka la geeyo, cidii shareecada islaamka diidana dowladdu gacan adag ku qabato, hadii kale dagaalkaan waa sii soconayaa,” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Imaamka Mudulood oo farriin adag u diray Xasan Sheekh


Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip