Maraykanka oo ka hadlay geerida Agaasimihii Soomaali Cable Tv oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday October 18, 2023 - 07:24:14 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo ka hadlay geerida Agaasimihii Soomaali Cable Tv oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa camabareysay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho eeii lu dhintay wariye C/fitaax Macalin Nuur ‘Qeys’ oo ahaa Agaasimihii Somaali Cable tv.

Weriye Cabdifitaax Macallin Nuur qeys oo ahaa agaasimihii telefishinka Somali Cable xafiiskiisa Muqdisho, ayaa kamid ahaa dhowr qof oo ku geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

"Waxaan aad uga xunahay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee galaaftay nolosha wariye Cabdifitaax Macalin Nuur ‘Qeys’. Waxaan tacsi u diraynaa eheladiisa. Waxaan cambaareyneynaa falkaas waxooshnimada ah, ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Waxa uu noqonayaa wariyihii ugu horeeyay ee sanadkan lagu dilo Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda in ay fulisay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday maqaayadda Blue Sky oo uu qaraxa ka dhacay .





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip