
Maxaa kamida waxyaabaha yareeya rabitaan la'aanta lamaanaha?
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Rabitaanka oo luma
NHS, waxa ay sheegtay in dhibaatadu ay saamayso shanti nin ba mid kamida, halka ay tiradu ku badan tahay haweenka xaaladaha qaarkood.
Waxaa jira arrimo badan oo keena dhibaatadan, sida mashquulka badan ee shaqada ama walwalka iyo xaalado kale oo nololeed sida uurka ama nuujinta.
Si kastaba ha ahaatee, mar kasta oo ay dhibaatadu kororto, dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in la sameeyo cilmi-baaris si loo ogaado sababta dhibaatada.
Catarina de Moraes, oo ah khabiir ku takhasustay dhimirka ayaa ka hadashay waxyaabaha keena sababaha qaar ee rabitaan la’aanta.
"Mararka qaar dhibka ka dhasha xiisaha la'aanta ayaa ah mid adag oo ay adag tahay xitaa in lagu kulmo gogoshada, sababtoo ah dhibaatada dareenka iyo qancin la'aanta xilliga galmada waxay dhammaantood calaamad u yihiin dhibaatada”.
Si kastaba ha ahaatee, xiiso la'aanta had iyo jeer maaha dhibaatada kaliya ee jirta.
Diego Fonseca oo ah khabiir ku takhasusay daawaynta dhibaatooyinkan oo kale ayaa sidoo kale sheegay in calaamadaha cudurkan ay ugu yaraan 6 bilood ku jiraan jirka qofka kadibna ay noqon karto dhibaato guud oo jirta.
"Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cilmi-baaris muddo dheer ah oo lagu sameeyay dhibaatada, waxaana aad u muhiim ah in cilmi-baaris lagu sameeyo bukaan kasta si loo ogaado waxa sababay dhibaatada," Catarina de Moraes ayaa sidaasi tiri.
Anagoo kaashanayna khubaro dhanka caafimaadka ah ayaa waxaan sharaxaad ka bixinay qaar ka mid ah sababaha keena dhibka xiise la’aanta ka dhex dhasha lamaanaha.
Isbedelka saacadaha shaqada iyo xaaladaha nololeed
Xiisaha oo yaraada waxaa sababa qaar ka mid ah waxyaabaha ay dadku mararka qaar la kulmaan sida walbahaarka, daalka iyo isbedel ku yimaada arrimahooda muhiimka ah oo saameyn ku yeelan kara waqti la qaadashada lamaanahooda.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Lamaanaha
Tusaale ahaan, daryeelka ilmaha. "Tani maaha dhibaato qasab ah, balse waxa ay saameyn kartaa ninka qaba hal xaas oo keliya.
Waxaa hoos u dhaca xiisaha xaaladdan oo kale xitaa haddii ay isku dhow yihiin.
Ilaa iyo inta ay jirto qanacsanaanta lamaanaha, dhibaatadani maahan mid walaac leh, sida Catarina de Moraes ay sharraxday.
Dhibaatada xusuusta
Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda sida niyad-jabka iyo walaaca waxay saameyn karaan xiriirka ka dhexeeya lammaanaha.
"Bukaanada qaba niyad-jabka ayaa laga yaabaa inay dareemaan hoos u dhac ku yimaada xusuusta sababtoo ah xasillooni la'aanta heysata, taas oo laga yaabo inay keento isbeddelo ku yimaada xusuustooda", sida uu sharraxay dhakhtar neerfo.
Dhanka kale, qaar ka mid ah dawooyinka loo isticmaalo niyad-jabka ayaa keena dhibaatada luminta xiisaha.
Sidoo kale, waxaa jira habab kale oo lagula tacaali karo cudurradan si loo yareeyo dhibaatooyinka ay dawooyinka u geystaan caafimaadka bulshada, sida beddelka daawooyinka ama yaraynta xadiga dawada la qaato.
Khubarrada ayaa uga digay bukaanada in aysan diidin in ay la tacaalaan dhibaatada heysta, sababtoo ah ku guuldareysiga in ay la tacaalaan cudurka ayaa waxay saameyn kartaa awooddooda galmada.
"Sidoo kale aad bay muhiim u tahay bukaanada inay u sheegaan dhakhaatiirta wixii dhibaato galmo ah oo ay la kulmaan ".
Isbeddellada dabiiciga ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Hubinta dawooyinka
Hadii qofka bukaanka ah uusan qabin dhibaato dhanka xusuusta ah oo uusan dhibaato kala kulmin isbedelada saacadaha shaqada ee keeni kara in ay xiise la’aan ku dhacdo, waxa xiga ee la hubin karo waa dhibaatada isbadalka nafaqeed ee qofka.
Hormoonnada qaar ee dumarka iyo arrimaha la xiriira galmada ee ragga ayaa ah maaddooyinka ugu muhiimsan ee xakameynaya rabitaanka iyo galmada, sida Caroline Castro oo ku takhasusay dawooyinka dabiiciga ah ay sheegeyso.
Hormoonnada dumarka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya caafimaadka xubinta taranka ee haweenka, iyo rabitaanka haweenka ee buuxa.
Dhanka ragga, waxay la xiriirtaa soo saarista shahwada ragga, ilaalinta caafimaadka xubintooda taranka iyo kordhinta awoodda rabitaanka.
Xallinta dhibaatooyinkan oo kale aad ayay u adag tahay, ayuu yiri Diego Fonseca.
"Nimanka, tusaale ahaan, ma hubin karno heerka testosterone-kooda, waxaan eegnaa macluumaadkiisa caafimaad si aan u aragno haddii uu qabo cudur isaga u keeni kara dhibaatadan," ayuu yiri.
Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale daaha ka qaadeen xaalad keeni karta isbeddel ku yimaada habka nafleyda sida dhalmada ama naas nuujinta.
"Bukaanadan, waxay siin karaan daawo ama talo si ay u xalliyaan dhibaatooyinkooda".
Qoyska xanuunnada qaba

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Lmaanaha
Midda xigta ee dhibaatada keenta sida ay dhakhaatiirtu inta badan ku macneeyaan waa isku darka in ka badan hal xanuun, taas oo sidoo kale ka caawisaa in ay sababto dhibaatada xiiso la'aan.
Sonkorowga, ayaa keena isbeddel ku yimaada dareenka , wuxuu keenaa cunto la'aan.
Dadka qaba dhibaatooyinka wadne xanuunka, waxaa laga yaabaa in ay la kulmaan daciifnimo xad dhaaf ah taasoo ay ugu wacan tahay hoos u dhigista dhiiga sida saxda ah uga soo baxaya wadnaha.
Daciifnimadani waxay badanaa keentaa hoos u dhaca rabitaanka cuntada.
Intaa waxaa dheer, daawooyinka qaarkood ee loo isticmaalo daaweynta cudurrada wadnaha waxay keeni karaan cillad dareen.
Habka looga fogaado dhibaatada
Dhakhaatiirta oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in aysan jirin qaab gaar ah oo lagu xallin karo dhibaatada.
Sababtoo ah sida ay sheegeen, bukaan kasta iyo daawaynta la siiyay waxay ku xiran tahay waxa sababay xanuunkiisa.
Talo kale oo ay dhakhaatiirtu ka bixiyeen xanuunkan ayaa ah in labada qof ee isqaba ay xiriir wada yeeshaan isla marka ay bilaabaan inay dareemaan dhibka jir ahaaneed ee haysta.
"Aad ayay muhiim u tahay in la’is fahmo, xitaa haddii ay keeni doonto khilaaf u dhexeeya lammaanaha.
Ka hadalka luminta xiisaha waxay caawisaa in la xalliyo dhibaatada wada noolaanshaha ee ka dhexeysa lammaanaha isqaba, waxayna fursad u siinaysaa lammaanaha isqaba inay fahmaan xaalado kale si loo qaado tillaabooyin lagu xal keeni kara waliba si wadajir ah," ayuu yiri Diego Fonseca.
Maxaa kamida waxyaabaha yareeya rabitaan la'aanta lamaanaha?
..