Madaxweyne Xasan Sheekh "Walaalayaal maanta kadib Wiil ama Gabar dambe yaysan nooga dhiman wax ka sokeeya Jihaadka lagu ciribtirayo Khawaariijta"

0
Sunday October 15, 2023 - 15:18:08 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh "Walaalayaal maanta kadib Wiil ama Gabar dambe yaysan nooga dhiman wax ka sokeeya Jihaadka lagu ciribtirayo Khawaariijta"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


 Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ay kula jiraan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku sheegay in ciidamada ku jira dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda Shabaab inuu abaal kooda gudayo, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed ay dhiigooda ku daadiyaan dagaalo beeleed ama kuwa siyaasadeed oo bilaa xabad la xalin karo.

"Ummadda Soomaaliyeed walaalayaal ciidamada geesiyaasha ah ee ku jira furimaha dagaalka aad ayay u dhibaysaa marka ay maqlaan wiil iyo Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhimanaya dagaal Siyaasadeed iyo mid qabiil, waxa an ka jeclaan lahaa inay ku dhintaan iyaga oo ka barbar dagaalamaya oo meel kasoo wada jeystaan, sida aan horay u iri Cadaw waa hal waana Shabaab, walaalayaal waxaan Alle hortiis idinka codsanayaa in maanta kaddib dhiigga Wiil ama Gabar dambe inooga daadan wax ka sokeya jihaadka lagu ciribtirayo Khawaariijta" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku dhiiragaliyay ciidan xoogga dalka yo kuwa dadka deegaanka iney ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed oo ah in dalka guud ahaantiisa laga wada ciribtiro kooxda Al-shabaab.

"Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxayna gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idin kul dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ciidamada u balan qaaday inuu kula noolaanayo furimaha hore ee dagaalka, isagoona xusay in laga guul gaaray go'aankii dowladdiisa qaadatay ee ahaa la dagaalanka Al-shabaab.

"Geesiyaal waxa aan idiin ballanqaadayaa sida aad mar hore iiga aragteen in aan idin kula noolaado safka hore ee Jihaadka, idinla qaybsado xannuunka iyo farxadda guusha jihaadka, waxaa idiin ballanqaadayaa in aan dhamaan walaalaha ummadda Soomaaliyeed idin soo daba fadhiisiyo oo idiin noqdaan Garab iyo Wehel aad dugsataan, maalintii aynu go’aansanay in aan halgan galno ayaan guuleysanay, waynu xaqiijin doonnaa insha allaah waana ilaalsan doonnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Gabagabadii Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale khudbadiisa ciidamada kaga balan qaaday iney dowladda ka heli doonaan maamuus kasta oo ay xaq ugu leeyihiin, sida dalacsiin, bilado iyo abaal marino kale oo halgankaan ay ku muteysan karaan.

HOOS KA DAAWO


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip