Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

0
Tuesday October 10, 2023 - 13:42:32 in Wararka by
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

google

GOOGLE:-Hoggaamiyeyaasha Xamaas

Xamaas ayaa ku qaaday Israel mid ka mid ah weeraradii ugu waxyeelada weynaa abid ee loo geysto Israel. Weerarkaas oo galay maalinkii afaraad waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 1500 oo Israel u dhashay, iyada oo duqeymaha Israel ee Qasa na lagu dilay dad ka badan 700 boqol oo Falastiiniyiin ah.

Weerarrada ay qaadeen ciidamada gaarka ah ee Xamaas ee loo yaqaan Qassaam waxay u muuqdeen kuwa qorshaysan oo dhowr weji leh. Tobaneeyo nin oo hubaysan ayaa u muuqda inay gudaha u galeen Israa’iil iyaga oo ka galay dhanka Konfureed islamarkana ay weerar ku qaadeen ciidamo Israa'iil ah oo halkaasi joogay.

Israel waxay duqeyn aan la joogsi lahayn ku wataa marinka Qasa, iyada sidoo kale biyaha, korontada iyo cuntada, iyo wax walba oo keli oo magaaladan dibeda uga baahan tahay ka xayirtay. Madaxda Israel waxay sheegeen inay ka aargudan doonaan weerarka ay Xamaas ku qaaday iyaga oo bartilmaameydsan doono hoggeemiyeyaasha kooxdaas.

Waa ayo hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay dooneyso Israel inay disho?

Yaxya Sinwar, Hoggaamiyha Xamaas ee Qasa

AFP

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas (midig), iyo Yaxya Sinwar, Hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa

Waa ninka koowaad ee sida weyn ay u baadigoobeyso Israel. Yaxya Sinwar waa hoggaamiyaha kooxda Xamaas ee gudaha Qasa, oo ah magaalo xeebeed dhan walba ka go’doonsan oo ay ku nool yihiin dad ka badan labo milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah. Waxay Israel ku tilmaamtay in uu yahay hoggaanka weerarka lagu qaaday ee waxyeelada weyn u geystay. Afhayeen u hadlay militiriga Israel Daniel Hagari ayaa ku sheegay in uu agtooda ka yahay ‘nin dhintay’, isaga oo intaas ku daray inay bartilmaameydsan doonaan hoggaanka ciidanka iyo siyaasadda ee Xamaas iyo hantidooda ba.

Yaxya oo ah ninka ugu sarreeya hoggaanka Xamaas ee Qasa waxaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee kooxda, iyo ninka labaad ee ugu awoodda badan Xamaas kadib Ismaaciil Haniyah, oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda, laakiin dibadjooga ah. Waxa uu ku dhashay xerada Koonfurta marinka Qasa ee qaxootiga Falastiin ee Khan Yunis sanadkii 1962di, isaga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, halkaas oo uu ahaa hoggaamiyaha ardayda.

Waxa uu madax ka noqday qarabka amniga ee Xamaas bartamihii 1980kii, isaga oo masuul ka ahaa dabogalka iyo ciqaabista Falastiiniyiinta ku eedeysan inay la shaqeeyaan Israel. Laakiin waxay Israel xirtay 1988dii isaga oo xabsi ku jiray ilaa 2011, markaas oo uu qeyb ka noqday heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo lagu siidaayay 1000 qof oo Falastiiniyiin ah, iyo Askari Israel oo shan sano u xirnaa Xamaas. Weli waxa uu ku nool yahay xeradii qaxooti ee u uku dhashay ee Khan Yunis. Diyaarada dagaalka ee Israel ayaa duqeeyay gurigiisa intii uu socday weerarka Xamaas, laakiin lama sheegin wax soo gaaray Yaxya Sinwar

Maxamed Deif, hoggaamiyaha ciidamada gaarka ah ee Xamaas, Qassam

AFP

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Maxamed Daif

Waa ninka halka labaad uga jira liiska hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ay Israel dooneyso inay qaariso. Maxamed Deif waxa uu weerarka ay ciidamadiisu qaadeen ku tilmaamay in uu jawaab u yahay lix iyo tobanka sano ee ay Qasa ku jirto go’doominta, iyo tacadiyada kale ee ay Israel u geysato Falastiiniyiinta. Waxay Falastiiniyiin badan u arkaan libaax iyaga oo ku amaana kaalinta uu ku leeyahay iska-caabinta Israel, laakiin waxa uu marar badan ka badbaaday iskudayo shirqool di loo ay Israel fulineysay.

Waxaa la rumeysan yahay in uu yahay maskaxda ka dambeysa weerarka Xamaas ay sabtidii ku qaaday Israel, oo ay ciidamadiisu gudaha ugu galeen Israel. Tobanaan sano ayuu dagaal kula jiraa Israel, isaga oo ku dhex koray Xamaas oo uu hadda u yahay hoggaamiyaha militariga kooxda.

Waxaa uu labaatan sano kahor ka badbaaday duqeyn circa ah oo ay fuliyeen Israel. Laakiin waxa uu ku waayay gacan iyo lug. Waxa uu sidoo kale ku waayay mid ka mid ah labadiisa il weerar kale. Duqeymaha Israel ayaa 2014kii dilay xaaskiisa iyo ilmo yar oo uu dhalay. Waa maskaxda ka dambeysa farsamada gantaalada Xamaas ee loo yaqaan Qassam, kuwaas oo kumanaan ka mid ah lagu duqeeyay Israel maalmaha uu socda dagaalka, iyo marinada qarsoodiga ah laga jeexay dhulka hoose ee Qasa.

Macnaha neynaastiisa Deif waa ‘marti’, taas oo ay ugu baxday dhaqanka ah in habeen ba uu meel ku baryo isaga oo ay martigelinayaan taageerayaashiisa, si uu uga badbaado baadigoobka iyo duqeymaha Israel.Halkan ka akhri: Maxamed Deif: Ninka Isha la' ee laf dhuun gashay ku noqday Israa'iil

Abuu Cubeyda, Afhayeenka militariga Xamaas

Facebook

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Waa ninka ku dhawaaqay inay dili doonaan maxaabiista Israel islamarkaas na baahin doono muuqaalo iyo cododka muujiya haddii ay Israel duqeyso deegaanada iyo dhismeyaasha dadka rayidka ah ee Qasa diginin la’aan.

Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ay Israel ugu necebtahay oo ay sida weyn u baadigoobeyso. Waxa uu horey u shaaciyay inay Xamaas qabatay tiro maxaabiis Israel u dhashay, kuwaas oo uu sheegay in lagu hayo goobo ammaan ah oo Qasa ku yaal.

Tan waxay albaabka u furi kartaa xaalad kale oo adag iyo wada hadalo dabo-dheeraan kara oo laga yaabo inay horseedaan maxaabiis isweydaarsi dhexmarta Xamaas iyo Israel.

Ismaaciil Haniyah, hoggaamiyaha Xamaas

AFP

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Qoraalka sawirka,

Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu degan yahay Qatar

Hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyah waxa uu ku nool yahay dibeda Qasa, si gaar ah Qatar. Ma ahan meel ay si fudud u bartilmaameydsan karto Israel.

Muuqaal uu baahiyay xafiiskiisa waxa uu muujinayay isaga oo ku sugan Dooxa, oo u debaaldegaya weerarka ay kooxdiisu ku qaaday Israel.

Waxa uu ugu yeeray weerarka ‘Howlgalka daadka ee Qasa’ isaga oo wacad ku maray inay sii xoojinayaan dagaalka ay doonayaan inay ku ‘xoreeyaan dhulkooda iyo dadkooda ku jira xabsiyada Israel’ sida uu sheegay.

Waxa uu intaa ku daray kooxaha kale ee hubeysan ee Falastiin ay dagaalka ku fidin doonaan Daanta Galbeed iyo Qudus.

Waxa uu horey uga badbaaday iskuday shirqool dil oo ay fulisay Israel, isaga oo ka qaxay Qasa 2016kii isaga oo u guuray Qatar.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip