HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA OKTOOBAR 2023-KA

0
Tuesday October 10, 2023 - 08:38:30 in Wararka by
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA OKTOOBAR 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha ay tababarka ee ciidamada Badda iyo cirka ee Eritrea ku sugan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max amuud oo uu weheliyo madaxw eynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias

Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bog aadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciid amada qaranka ee ku jira dagaalka dalka looga sifeynayo Alshabaab

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuu riy adda Federaalka Soomaaliya, Md. Xamsa Cab di Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iska ashiga iyo Xariirka labada dal ka dhaxeeya iyo kor u qaadidda taag eerada Finlandee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey Finland taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la gar ab istaago dadka ku nool goobaha la xoreeyey iyo kuwa la xoreyn doono, maadaama ay Khawaarijtu dadkaas u diidanayd muddo dheer wax horumar iyo adeeg bulsho ah.

Dhankiisa Danjire Tapiola ayaa ku boga adiyey dowladda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta, waxuuna tilmaamay in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hoggaam iyaha SSC Khaatumo oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan gaar ah kula qaatay maga alada Muqdisho hoggaamiyaha SSC Khaa tumo Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye oo dhawaan Muqdisho u yimid howlo shaqo. Wasiir Fiqi iyo hogaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xa alada guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo mudo ku dhaw hal sano ay ka socdeen dagaalo culus oo sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqa adir Firdhiye ayaa sidoo kale ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay Wasiirka Arri maha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo guud ahaan caasuumaadda iyo maa muuska ay Xukuum adda Federaalka ah u fidisay isaga iyo Wafdi giisa SSC khaatumo.

" Dagaalku inta uu socday waxaa uu sababay barakaca 300,000 oo qof iyo burburka xarumaha bulshada loogu adeego sida; isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo masaajidda" ayuu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Gabagabadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa u sheegay hogaamiyaha SSC Khaatumo in Wasaara ddiisa mar walba diyaar u tahay ka shaqeynta dib u heshiisiinta, maamul baahinta, xal u helid da barakaca iyo guud ahaan howlaha kale ee xiriirka la leh wasaaradda.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Muqdisho soo gaaray Jimcihii lasoo dhaafay ayaa magaal ada Muqdisho kulamo kala duwan kula qaadaa nayay maalmahii lasoo dhaafay madaxda dowladda Soomaaliya.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo si ras mi ah u daahfurtay xarunta kormeerka hirar ka

Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay xarunta hawlaha korm eerka hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hira rka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soom aa liya.

Munaasabadda lagu daahfurayay xaruntan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Hay’adda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasa aradda Isgaarsiinta iyo Tekno lojiyada, Maar eeyaha Guud ee Hay’adda, Maareeye ku xige enka guud ee Hay’adda iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tekno lojiyada, Md Jaamac Xasan Khaliif oo ka hadlay muhiimadda ay Xarunta Kormeerka Hirarka u leedahay fududaynta kobaca iyo horu marinta isgaarsiinta, isagoo yiri, "Daahfurka Xarunta Kormeerka Hirarka waa tallaabo muh iim ah oo lagu gaarayo himiladeena la xiriirta qaran dhijitaal ahaan isku-xiran. Xaruntani wa xay kor u qaadi doontaa awoodaha maamulka hirarka, taasoo horseedi doonta horumarinta tayada adeegga, kororka hal-abuurka iyo kor-u-qaadista tartanka Isgaarsiinta.” Sidoo kale Mareeyaha Hay’adda oo ka hadlay furitaanka Xarunta Kormeerka Hirarka, ayaa yiri "Xaru ntan waxay wax badan ka beddeli doontaa la-socodka iyo maareynta kheyraadka hirarka dal keena. Iyadoo si xawli ah loo ballaarinayo kaabayaasha isgaarsiinta dalka iyo kororka tek nolajiyada aan xargaha lahayn (wireless), wa xaa muhiim ah kormeerka hirarka si loo xaq iijiyo in adeegyada isgaarsiinta aysan kala-go’ yeelanin, isla markaana looga hortago isdhax galka hirarka, taas oo ugu dambeyn horseed eysa in sare loo qaado tayada adeegyada la si iyo macaamiisha.”

Daahfurka xarunta waxay astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee HIQ ee kor loogu qaadayo awoodaha maaraynta hirarka iyo hub inta in muwaadiniintu ay helaan adeegyo isga arsiineed oo aan kala-go’ lahayn. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Isgaa rsiinta Qaranka.

DFS oo sheegtay in howlgal ka dhacay K/ta Mudug lagu dilay 20 ka mid ah Al-shabaab

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dhee raad ah ka bixisay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo Xalay ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay deeg aanka Shabeelow, islamarkaana lagu beegsaday xubno ka mid ah Al-shabaab oo ku dhuumanayay howdka deegaankaas oo dhaca Koonfurta Mudug.

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 20 ka mid ah kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu burburiyay gawaari waday maleeshiyaad iyo saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa.

"Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu gaystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan mal eeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koo furta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka kuwaas oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaar adda Warfaafinta Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo faahfaahsan:-


Wafdi ka socda Soomaaliya oo Morocco uga qeybgalaya shir Caalami ah

Wasiirka Maaliyadda XFS "Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hann aanka Deyn-cafinta”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuum adda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Ima an Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaa ray Magaalada Maraakish ee dalka Boqortoo yada Morocco.

Wasiirka iyo wafdigiisa ay aa dalka Boqortooyada Moro cco uga qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta IMF, kaas oo socon doona muddo todobaad ah.

Md. Biixi Iimaan Cige Wasiirka Wasaar adda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaa liya, oo la hadlay Warbaahinta ayaa uga war bixiyey qodobada sanadkaan looga hadlaya shirka, isaga oo sheegay in sanadkaan looga hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa habka ay u shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo IMF.

"Soomaaliya waxa ay qeyb weyn ka tahay dadaallada ay wadaan dalalka soo koraya, kuw aas oo doonaya in dib loo qaabeeyo Bangiga Adduunka, door weyn baynu ku leenahay, afk aarteyna iyo fikradahayna way ka dhex muuq daan doodaha ka dhacaya dalka Marooko,” sida uu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuma dda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Ima an Cige ayaa inta uu socdo shirka waxa uu kul amo gaar ah la yeeshay madaxda ugu sarr eysa Bangiga Adduunka iyo IMF, isaga oo kala hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliye oo heer gabagaba ah maraya iyo dib u qaa beynta dhaqaal aha dalka

Soomaaliya iyo Uganda oo iska kaasha na ya afar dhinac oo 2ada dal Muhiim u ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumad da Federaalka Soomaaliya Md. Saalax Axm ed Jaamac, ayaa xafiiskiisa kua qaabilay Was iiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uasganda ee Dhanka Is-dhexgalka gobolka John Mulimba.

Labada masuul ayaa kul ankooda waxa ay uga wa da hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya, gaar ahaandhin acyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha argagax isada ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muh iimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soo maaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khat arta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Muli mba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bu lshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdh ex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gob olka.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musii boyinka oo kulan la yeeshay xigeenka ergeyga QM

Guddoomiyaha hay'adda maareynta mu siiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa

maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay ku xig eenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoo bay ee Soomaaliya ahna Iskuduwaha Gargaarka Bini'aadanimada Geo rge Conway.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa guddoomiye ku xigeenka hay'adda Maareynta Dr Axmed Cabdi Aadan, iyada oo looga hadlay Xaalada Roobka dayrta ee El-Niño, sida bulshada Soo maaliyeed looga digi lahaa madaama ay wad ato Fatahaado iyo daadad culus.

Sidoo kale kulanka ayaa laba mas'uul waxa ay uga wada hadleen sidii goobaha laga xore ey Khawaarijta gargaar loo gaarsiin lahaa gaar siiyo, in ay kawada shaqeeyaan sidii gargaarka loogu talagalay dadka nugul u gaari la ahaa iyo Qodobo kale.

Ku xigeenka Ergeyga xogahayaha guud Qa=ramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu booqday xarunta ka digista halis-wadareedka ee hay'adda maareynta Mus iboyinka Qaranka SoDMA, isaga oo halkaas loogu sharaxay xaaalada roobka dayrta ee gob oladda wadankeena ka curtay

Puntland oo soo saartay go’aan adag oo ka dhan ah Mucaaradka Deni (Akhriso)

Puntland ayaa soo saartay go’aanno ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee imaanaya magaalada Garoowe.

Guddiga Nabadgalyada Gobolka Nugaal oo shir ku ye eshay Garoowe ayaa siya asiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Amniga siyaasiyiinta imaaanaya Garoowe ay mas’uul ka tahay dowladdu islam arkaana aysan hub la soo geli karin mag aalada.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmay xili maanta boqolaal shacab ah ay Magaalada Garowe iskugu soo baxeen kuwaasoo soo dhoweynayey mushar axa Xasan Shire Abgaal oo ka tirsan siyaasiyiinta ugu tunka weyn muca aradka Deni.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Weerar lagu qaaday Guri uu degan yahay Xildhibaan katirsan BF iyo khasaaro ka dhashay

Weerar hoobiyaal loo adeegsaday ayaa Habeen hore waaberigii hore lagu qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka degan yahay xildhibaan kat irsan baarlamaanka federaa lka Soomaa liya, waxaana we erarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay hoobiye ayaa kusoo dhacay guri uu degmada Dharkeenley ka degan yahay xildhibaan Maxamed Keerow oo kamid ah xildhibaannada laga soo doortay deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Hoobiyaha ku dhacay guriga xildhibaanka ayaa sababay geerida wiil uu dhalay oo lagu magacaabayay Maxamuud Maxamed Keerow, waxaa sidoo kale hoobiyaha ku dhaawacmay wiil kale uu adeer u yahay xildhibaanka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in hoobiye kale oo ku dhacay guriga xildhibaanka mid ku dheg an in uu isna dhaliyay khasaaro, waxaana gur iga xildhibaanka ee hoobiyaha lagu weeraray gaaray ciidamo katirsan dowladda .

Dadka xaafada ayaana u gurmaday guriga xildhibaanka iyo dadka kale ee dariska la ahaa ee hoobiyayaasha lagu weeraray, waxaana xaafada dhibka ka dhacay laga dareemay xaa lad adag iyo khal khal dhinaca ammaanka ah.

Hoobiyaashan kusoo dhacay xaafada Dharkeenley ayaan la ogeyn halka laga soo tu uray, waxa uuna weerarkan imaanaya xilli isbu ucii hore sidaan oo kale hoobiye ugu oo dhac ay xaafado katirsan degmooyinka

bari ka furmaaya magaalada Garoowe.

Xamaas oo shalay soo saartay War naxdin & argagax ku noqday Israel

Afhayeenka Guutooyinka Al-Qasaam oo ah garabka hubeysan ee Xamaas Abuu Cubeyda oo Al-Jazeera la had lay ayaa fariin argagax leh u diray Israel.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in mar kasta oo Israel ay sii wado leynta shacabka Falastiin ay iyana dili doonaan qaar ka mid ah dadka yuhuuda ah ee ay hayaan.

"Israel way joojin waysay laynta shacabka Falastiin anagana waxaan kula hadli doonaa luuqad ay fahmi doonaan taasoo ah mar walba oo ay dilaan qof Falastiini ah anagana waxaan dili doonaa mid Yahuud ah” ayuu yiri Abuu Cub eyda.

Abuu Cubeyda ayaa sheegay in dagaalka ay ku qaadeen uusan joogsan doonin ilaa ay yuhuuda ay ka baxdo dhulkooda ama ay ay xoog uga saaraan.

"Yahuuda ma yaqaanaan mana fahmayaan luuqada insaaniyada iyo akhlaaqda, waxaana kula hadli doonaa luuqada kaliya ee ay fahmi karaan oo ah xabada” ayuu yiri afhayeenka.

"Wixii musiibo ee haatan kadib dhaco waxaa eedeeda qaadi doonto Israel kubadana haatan dhankooda ayay jirtaa”.ayuu intaas ku daray Abuu Cubeyda


Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shab aab oo ka billaawday K/Galbeed

Shirka Dardargalinta Amniga Dowlad Gob oleedka Koonfur Galbeed oo maanta Shir Gud oominayey Taliyaha Booliska Dowlad Koonfur Galbeed Somalia G/ Sare Cabdi ibraahim Sha amow ( Abdi Dheere ) ayaa ka qabsoomay M/ Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Saraak iisha Gobalka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkam ada Ciidamada Qalabka Sida Ee Qeybta 60aad iyo Taliyaha Qeybta Gobolka Baay kan Dagma da Baydhabo iyo Hoggaa nka Baarista Ee CID.

Kulanka ayaa ahaa ujeedkiisa dardar galinta Wajiga 2-aad Ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab oo uu dhawaan Daahfurey Madaxwa yne Koonfur Galbeed in Ciidamada Booliska ay ka mid noqdaan sidii al Shabaab loogu xoreyn lahaa Gobalada Baay Bokool iyo Gobalka Sh/Hoose.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Dowlad Gobol eedka Koonfur Galbeed Cabdi ibraahim Sha amow (Abdi Dheere) ayaa Farey Saraakiisha iyo Askarta in ay Heegan Buuxa ay Galaan oo ku aadan Dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ka socda diyaar garoow ku aadan ka qeyb galka wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo la diyaariyay Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda.

Jigjiga : Cudurka Daacuunka oo ka dilaacay magaalada Jigjiga

Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga ay aa sheegaya in Cudurka Shuban biyoodka ama Daacuunka uu ka dilaacay magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda, sida uu sheegay Xafiiska Caafima

adka ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Xafiiska Caafimaadku waxa kale oo uu sheegay in hadda ka hor Cudurkan Daacuunka ah lagu arkay degaa nnada der iska la ah dowlad deg aanka Soomaalida, balse hadda la xaqiijiyay in magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda uu cud urkani ka dillaacay, waa sida lagu baahiyay bogga gaarka ah ee Facebook ku leeyahay Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Soo maalida.

Ma sheegin xafiisku tirada dadka uu cud urkani ku dhacay ama lagu arkay, balse xaf iiska ayaa farriimo wacyigalin ah dadka ugu gudbiyay dhanka Warbaahinta taas oo ah in dadku ay ka feejignaadaan cudurkan isla mar kaana ay si dhow ula socdaan farriimaha gaa gaaban ee uu markasta bixinayo xafiisku.

Ugu dambayn Xafiiska Caafimaadka ayaa waxa uu farriin u diray shacabka magaalada Jigjiga taas oo ah in qofkii lagu arkocudurkan lagu soo wargaliyo meelaha ay khusayso iyo xarumaha Caafimaadka, si loola socdo xaal adda caafimaad ee qofka uu cudurkani hal eelay.

Cudurkan Shuban biyoodka ama Daacu unka ah oo ah cudur halis ah ayaa horey wax aa loogu arkay gobollada cidhifka ah gaar ah aan kuwa xiga dhanka xuduudda degaanku la leeyahay degaanka Oromiya, iyadoo haatana la sheegayo in caasimaddii dowlad degaanka Soomaalida ee Jigjiga uu ka dilaacay cudurka Daacuunka oo ah cudur faafa oo inta badan loo geeriyoodo.

Shiinaha oo jawaab aysan ku farxin Israel ka bixiyey dagaalka Xamas

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muuji yaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mow qif la mid ah kan Ruushka.

"Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baa qeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan co laadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loog ana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

"Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada wadd an, iyo in la dhiso dawlad madax-bann aan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Bi ejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka file ysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas.

"Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo wa ddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaa sha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sark aal sare oo ka tirsan safaa radda Israel ee Beijing.

Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur arg agixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin.

Safaaradda Israel ee Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel.

Kenya oo aqoonsatay horjoogayaal Shab aab ah oo abaabulay weeraro ka dhacay gobolka lamu

Dowladda Kenya ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay aqoonsatay liiska horjooa gayaal katirsan ko oxda Alshabaab, kuwaas mas’uulka ka ahaa wee raro ka dhacay magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Kithure Kindiki, Isagoo ka hadlayay kaniisadda St. Andrews ACK Nenderu, ee deegaanka Kiambaa, ayaa sheegay in horjoogayaasha la aqoonsaday ay xiriir la leeyihiin dilka muwaadiniin Kenyan ah oo aan waxba galabsan.

"Dowladdu waxay aqoonsatay horjoogay aasha iyo qorshayaasha gabood-fallada ka dhacay gobolka Lamu iyagoo adeegsanaya diinta inay dilaan oo ay dhaawacaan muwaadiniinta aan waxba galabsan," ayuu yiri Kithure Kindiki.

Kithure Kindiki ayaa xusay in liiska tuhmanay aasha la daabici doono todobaad kan gudihiisa, wu xuuna sheegay in lagu amray tuhmanayaasha inay isku soo dhiibaan saldhigyada booliiska ee ugu dhow.

"Toddobaadkan, waxaan daabici doonaa liiska tuhmanayaasha, waana inay iska dhiibaan saldhigga booliiska ee kuugu dhow. Dhammaan dambiilayaash aas waanu ku daba jirnaa, waananu ka takhalusi doonnaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Kenya ayaa sheegtay inay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu dhimayo weerarada Alshabaab, oo ay ka mid yihiin in la ogaado lana soo qabto da dka xogta, gaadiidka iyo saadka u siiya Al-Shabaab.

Dalalka caalamka qaarkood oo bilaabay iney dadkooda ka daad gureeyaan Israel

Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa bilaabay iney dadkooda ka saaraan Israel ka dib weerarka lama filaanka ah ee Xamaas ka soo qaaday mag aalada Gaza, kuna gashay Israel.

Ugu yaraan 1000 Isra’iliyiin ah ayaa lagu dilay weerarkaa, iyadoo weeraro aargudasho ah oo ay qaadeen ciidamada Yuh uuda lagu laaley dad u badan shacab falastiiniyiin ah oo ka badan 500.

Khalkhal xoogan ayaa ka jira garoonka dayuu radaha Tel aviv halkaasoo ay buux dhaafiyeen boqo laal oo ka cararaya colaada kuwaasoo iskugu jira Israiliyiin iyo dad ajnabi ah oo dalkaas ku sugnaa.

Garoonka Tel Aviv ayaa mar xirmay ka dib markii ay agagaarkiisa ku soo dhaceen madaafiic ay soo riday, waxaana gaabis noqday shaqadiisa ka dib markii la joojiyey duulimaadyo caalami ah oo hal kaas ku tegi lahaa saacadihii la soo dhaafay.

Diyaarad ka soo duushay Tel Aviv kuna socotay Seerbiya ayaa maanta gaartay dalkaas, waxaana safaaradda Serbia ay sheegtay in duulimaad kale oo dad lagu soo qaadayo la qorsheeyay.

Romania, Wasiirka arrimaha dibadda ayaa she egay in boqollaal qof laga soo daad gureynayo gud aha Israel.

Thailand ayaa Iyana sheegtay inay diyaarineyso gargaar degdeg ah oo loo fidiyo dadka ka jooga Israel si halkaa looga soo badbaadiyo.

Kazakhstan ayaa sidoo kale isu diyaarine ysa in ay soo daabusho muwaadiniinteeda halkaas ka jo oga, sida ay sheegtay Wasaara ddeeda arrimaha dibadda.

Poland ayaa iyana xaqiijisay in diyaaradii ugu horeysay ee ka timid Israel ay dib ugu soo laabatay dalkeeda, iyadoo ay saarnaayeen dad rayid ah.

Qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka iyo caalamka kale ayaa iyana wada dedaalo lagu soo badbaadinayo muwaadiniintooda ku sugan Israel ka dib weerarkii Xamaas.

Iran: "Maraykanka ma awoodaan inay Israel ka badbaadiyaan Duufaanta Al-Aqsa”

Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iran ayaa si kulul uga hor timid taageerada milliteri oo ay dowladda Mar aykanka la garab taagan yihiin maamulka Israel oo ay ku socdaan Dagaalka koox da gobannimo doonka ah ee Xamaas.

Taliyaha ciiddanka ilaalada Kacaanka Iran , Sareeye Gaas Xuseen Salami ayaa xaqiijiyey inaysan Israel sii ahaan doonin siday horey ahaan jirtay, isla mark aana uu dhamaaday xilligii cabsida iyo haysashada Israel.

Waxa uu boggaadiyey taliyaha Ilaalada Kaca anka Iran geesiyaasha Falastiin ee casharka u dhi gay Askarta Sahyuuniyada Israel, isla markaana cab si la’aan gacanta ugu dhigeen askar iyo dad badan oo Yahuud.

"Waxaan u hambalyeynayaa hawlgalka duufa anta Al-Aqsa ee kooxaha mukhaaw amada Falastiin ee khasaaraha culus u geystay Israel” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran (I Sare eye Gaas Xuseen Salami .

Waxa kale oo uu xusay inaysan Maraykanka aw oodin doonin inay Israel sii badbaadiyaan, oo Xil ligan ka Tabar yar sidii ay ahaan jireen.

Dhanka kale, Taliyaha Ciiddanka Ilaalada Kacaa nka Iran waxa uu hoosta ka xariiqay inuu Allaah SWT lafdhabar u yahay Mukhaawamada iyo inay Awooda Israel hoos u dhacdo.


Ciidamada Israel iyo Xamaas oo wali ku dagaallamaya dhowr goobood

Ciidamada Israel ayaa weli kula dagaalla maya ragga hubaysan oo Xamaas ka tirsan toddobo illaa siddeed goobood oo ku yaalla koonfurta Israel oo u dhow marinka Qasa, sida ay ciidammada difaaca Isr ael ku sheegeen warbixin kooban oo ay soo saareen.

Goobaha dagaalladu ka socdaan waxaa ka mid ah Be’eri, oo ay galeen xilli habeen ah dag aalyah annada Xamaas.

In badan oo ka mid ah mintidiinta ayaa lagu dilay howgalladan, laakiin qaar kale ayaa weli ku dhu umaaleysanaya guryaha ku yaal kibbutz, sida ay she egeen milatariga Isreal.

Milatariga Israel ayaa intaa ku daray in ay we erareen in ka badan 1,000 bartilmaameed oo ku yaala Qasa.

Qaramada oo ka hadashay dadka ku bara kacay duqeymaha Isra’il ka waddo Qaza

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay 123,538 oo qof oo ku nool Qasa ay ka barakaceen guryahoodii cabsi ay ka qabaan badq abkooda .

Xafiiska isku xirka arrimaha bini-aadanim ada ee hay’ adda OCHA ayaa intaas ku daray in 73,000 oo qof ay hooy ka dhigteen iskuullo.

Cadnaan Abuu Hasna oo ah afhayeenka hay’ adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiag Falastiinyiinta ee UNRWA, ayaa sheegay in la filayo in tirada dadka baraka caya ay sii kororto.

"Waxaa ka jirta koronto dugsiyadan, waxaan siinaa cunto, biyo nadiif ah, taageero nafsi ah iyo daaweyn,” ayuu yiri.

Dad gaaraya 2.3 oo malyan oo reer Falastiin ah ayaa ku nool Qasa. Ka hor duqeynta Israel ayaa Sabtidii u digtay dadka halkaa ku nool oo ay ku war gelisay in ay isaga baxaan aaggaas.

Mareykanka oo xaqiijiyay in 9 ruux looga dilay Dagaalka Xamaas iyo Yuhuuda

Sida lagu cadeeyay war ka soo baxay Aqalka Cad ee Amerkaanka Dagaalyahanada Xamaas ayaa qaarajiyay ilaa iyo 9 Muwaadiniin Mareykan ah.

Dagaalyahanada Xamaas ayaa gacantooda ku dileen muwaadinintaan Ameerikaan ah kadib weer arkii ay Xamaasku qaadeen Yuhuuda maalintii sabtidii.

Dowlada Mareykanka oo baaritaan ku waday muwaad inoontooda oo lagu waayay caasimada Yuhuuda ayay ugu danbeyn xaqiijiyeen inay ku dhnteen dagaaladii sabtidii ama axadii shalay.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa ku sugnaa caasimada Yuhuuda ee Jurusalaam ka hor intusan qarxin dagaalka cirka,bada iyo dhulkaba ay ka weerartameen dagaalyahanada Xamas.

Sida BBC-du sheegtay War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiri: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhibanayaasha iyo qoys aska dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey, waxaana u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah.

Halka & dadka qorsheeyey weerarka xamaas ee Israa’iil

Ayadoo uu meel adag marayo dagaalka uu urur ka Xamaas ku qaaday Israa’iil ayaa waxaa soo bax aya in Iiraan ay ka caawisay ururkaas weerarakaas aan la sii fileyn. Abaabulka ayaa sida la sheegayo socday muddo sanooyin ah, waxaana lagu ansaxiyey kulan ka dhacay magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan todobaadkii hore kaasoo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah, sida uu qorayo wargayska the Wall Street Journal.

Xafiiska ilaalada kacaanka ee Iran (IRGC) oo ah milateriga ugu awoodda badan dalkaas ayaa tan iyo bishii Agoosto kala shaqaynayey Xamaas sidii loo qaabayn lahaa dagaal qaabab kala duwan leh oo israa’iil looga soo qaado dhulka, cirka iyo badda.

Weerarka Israa’iil waxaa looga hadlay dhowr kulan oo ka dhacay Beyruut oo ay ka qayb galeen saraakiil ka socotay IRGC, iyo wakiillo ka socday afar urur ‘argagixiso’ oo ay taageerto Iran oo ay ku jiraan Xamaas iyo Xisbullah.

XIGASHO DAYNIILE.COM

Mareykanka oo ku fashilmay inuu xubnaha Golaha Ammaanka QM ka iibiyo Cambaar eyn ka dhan Dagaalyahanada Xamaas.

Dowlada Mareykanka ayaa tn iyo xalay waxay ka dhex waday Fadhiga Qaramada Midoobe dhaq dhaqaaq ay doonayeen inay kaga dhaadhiciyaan in guud ahaan Dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka QM ay wada-jir u cambaareeyaan weerarkii ay Yuhuuda ku qaadeen Dagaal yahanada Muslimiinta ah ee reer Falastiin.

Sida uu warbaahinta u cadeeyay Kaaliyaha danj iraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Mido obay waxaa shaqeyn waayay isku day uu ka dhex sam eeyay xarunta Qaramada Midoobe kaasoo ahaa in wada jir loo Cambaareeyo Xamaas.

Ninkaan Mareykanka u hadlay ayaa cadeey ay in fadhigii xalay ay yeesheen Qaramada Midoobe la is ku khilaafay arinta cambaareynta ay soo jeedsh een Mareykanka islamarkaana ay si toos ah dalalka qaar si toos ah uga hor imaadeen in la Cambaare eyo Xasaan.

Kaaliyaha danjiraha Mareykanka u fadhiya Qara mada Midoobay ma uusan magacaabion dalalka diiday qorshahooda waxaase la maley nayaa Shiin aha iyo Ruushka.

MAXAA KA JIRA IN BERRI UU INTERNETKA DUNIDA KA GO’I DOONO?

cabsida laga qabo in internetka uu go'oXIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Taariikhdu markii ay ahayd 26-kii Juun, waxaa barta Facebook la soo dhigay muuqaal la soo raaciyey qoraal dhahaya "Tani waxaa micnaheedu yahay in aan arki doonno internetka oo go’a”.

Waxaa kaloo ka muuqday nin dhahaya "Qoyskiiyow, Waxaan rajaynayaa inaad di yaar tihiin, sababtoo ah ma jiro khadka internetka oo dhakhsiyo u soo noqon doona”.

Fiidiyowga waxaa kaloo qaybihiisa dambe ka muuqanaya sawirr ada aaladda hawada sawirrada ka soo qaad da ee Parker Solar Pro be oo ninka gadaashiisa ka muuqda. "Tani waa aalladda ay u direen inay joojiso " ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wargaysyada qaarkood, sida USA Today, waxay sheegayaan in arrintaas ay been tahay. "Parker Solar Probe waxaa loo diray inu qoarraxda daraasad ku sameeyo, ee nag ama joojinayo internetka inuu go’o” ayuu qoray wargaysku.

Inkastoo duufaannada qorraxda ka yimaada ay aragti ahaan khalkhal gelin kara an isgaarsiinta, misna hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA , marnaba hawsha aaladdaas lama aysan xiriirin ka hortagga internetka oo go’a.

Parker Solar Probe

XIGASHADA SAWIRKA,NASA

Qoraalka sawirka,

Parker Solar Probe

Parker Solar Probe waxaa la diray Agoo sto 2018 si uu darasad ugu sameeyo qulqu lka tamarta ka timaada qorraxda, kulaylka lakabyada qorraxda ku gadaaman, waxa karaa siiya dabaylaha qorraxda sida ay she egtay Denise Hill oo afhayeen u ah NASA.

Hill waxay sheegtay in sheegashada ah in NASA ay ogaatay muddo laga joogo 10 sano in ka badan in dabaylaha qorraxda – oo ah qurubyo danabaysan oo ka imaanaya dah aarka sare ee qorraxda – ay suurtogal tahay inay khalkhal galin karaan qalabka isgaa rsiinta.

Qorraxda ayaa samaysa wareeg 11 sano ah, ayadoo muddadaas firfircoonidseeda ay marna hoosayso, marna sarrayso, waxaana ala filayaa in xilliga soo socda ee firfircoon ideeda ay sarrayn doonto lagu wadaa inuu noqdo 2024 ama 2025.

Xarumaha Korantada

XIGASHADA SAWIRKA,PA

Qoraalka sawirka,

Xarumaha Korantada

Parker Solar Probe wuxuu durba ka jawaa bay mid ka mid ah su‘aalaha muhiimka ah, waa na "hanaanka abuura dabaylaha qorrax da ee xoogga badan” ee qurubyo danabay san u soo tuuri dhinaca koonkeenna daqiiq ado gudahood. Khubaro Dhawaan qoraal ka diyaariyey ayaa sheegaya xogta ay aaladaas bixisay inay gacan ka gaysan karto mustaqbalka duufaannada qorraxda ka imaanaya.

"ma jirto caddayn muujinaysa in ay abiiri karaan saamayn aad u daran oo internetka ku timaada muddada fog” ayey tiri Hill.

Cabsida in gabi ahaanba uu internetku ka go’o dunida ma aha mid jirta, laakinse NASA waxay ugu yaraan tan iyo 2009 ka digeysay in dabaylaha qorraxda iyo waxyaabaha "maatarka” loo yaqaano ee mararka qaar ka soo faniina qorraxda ay Khalkhal galin karaan xarumaha korantada, ayna sababi karaan qulqul koranto oo xad dhaaf ah oo Khalkhal galiya waxyaabaha fiilooyinka (waayirrada) isaga kala gudba. Laakinse marnaba ma aysan isticmaalin kalmadda ah "internetka oo dunida ka go’a”.

XIGASHO:-BBC


QOYSKA & HORUMARINTA BULSHADA Qiso Cajiib Ah – Waxay ii Dhashay 7 Gabdhoow iyo 4Wiil


Waxaan ka imid jaamacadda African Uni ve rsity, waa goor galab ah, waxaan ka soo luge eyay jaamacadda. Kadibna waxaa soo maray jidka Maka-Almukarama ee magaalada Muqd isho.Cabaar markaan haayay ayaan is dhahay ku naso meheradaan xoogaa.

Waxaa ii yimid ka bal yeerigii waxa uu igu dhahay "maxaan kuu keena dey dalabka?” Waxaan ku dhahay "aboowe waad mahadsan tahay, waan soomanahay” Intaas markaan iri ayuu iga tagay.

Waxaa agtayda fadhiyay dhowr oday oo sheeko ku haystay.

Mid ka mid ah ayaa soo kacay, waxa uu soo qaatay kursi, dheegayga ayuu soo fariistay waa uu isalaamay, waan ka qaaday.

Waxa uu iyiri "ma sooman tahay” haa’ baan dhahay,

markaas ayuu ilmeeyay,

ani waan baqay waxaan isdhahay ninka "ma xaa ku dhacay? Ma xanuunsan yahay? Mise Arrimo kale ayuu wataa” Su’aal buuba ku weyd iiyaye adna waad uga jawaabtaye, maxay ka walax tahay?

Cabaar buu ilmeeyay, waxa aan ku iri "adeer maxaa ku helay?

Ma bad qabtaa?” Waxa uu igu yiri "haa wa an bad qabaa!!!”

Markaas ayaan iri "maxaa kugu dhacay ade er oo la ilmaynaysaa?”

Cabaar ayuu aamusay, kadib ayuu dhahay "adeer, waxaan ka qoomameeyaa waqtiga ygii isoomaray oo aan dayacay, waagaan dhalinta ahaa waxaan waqtigayga ku qaa tay tumasho, cibaadada Alle ayaan ka tagay, waxaan ahaa mid afar iyo labaatan ka saacba ku jira wax aan adduun iyo aakhiro toona faa’ido u lahayn. Dadka ygu waxa ay yiraahdeen war Alle ka baq. Balse waxaan ahaa nin adduunyo, wax aan saas ku jiraba anoo 45 sano tumasho ku jira, xalaal iyo xaaraana isku kay mid tahay xumaan iyo fisqi bartamaha uga jira siddoo kal ena aananba dareensanaynba in xisaabtan iga dambeeyo iyo inkale.

Habeen habeenada kamid ah ayaa waxa imid meel carwo ah oo lagu gado dharka, wax aa joogay meeshaas dad aad u faro badan, ba lse indhahaygu waxay qabteen hal qof oo qu dha, waxaana niyada iska iri ‘qoftaas waa in aad caawa ama beri dambe la tumataa!!!!

Allaahu Akbar. Waxaan soo aaday gabadhii xageedii waan la hadlay waa isoo eegtay balse ilama hadlin misna waan la hadlay siddoo kale ayay isoo eegtay mar saddexaad baan la had lay waa iga aamustay.

Waan carooday waxaan iri "naa maad nala hadashid” waxay igu tiri "walaalo adoo kale la ma hadlo waayo indhahaaga waxay u egyihiin kuwo Alle naxariistiisii ka dheereeyay, suju udaaduna waxaan umal ayn in aadanba dhulka dhigin, Afkaagana waligiis laguma xusin xuska Alle, Gacmah aagana waligaa wax wanaagsan ku ma aadan qaban, lugahaagana waligaa mas jid kuma aadan aadin. Waxay intaas ii sii raac isay nin aan Alleba raaligelin see ula hadlaa?”

Ani waxaa halmar i asiibay murugo, walaac, islahadal, walbahaar, niyad jab, iyo wax aanan ba waligayba lay oran oo caawa lay yiri?

Waxaan is dhahay "naagtu waligaaba ma aadan arage xaggee xumaantaada ku aragtay?

Allahu Akbar waxaan dhahay "walaalo ani xaggee ku aragtay samahayga iyo xumah ayga?”

Waxay igu tidhi, "walaalo ma waxaa isku eg qof Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyay oo sunadi ka muuqato iyo qof aan Alle rumeyn oo xarigii eebe jaray.

” Ani waxaan irri "walaalo meeshu waa carwee banaanka inoo saar halmar oo qudha” waxay igu tidhi "macsiilowyada maraaco balse hal arrin baan kuu samayn karaa?”

‘Maxay tahay baan halmar la soobooday anoo neef kulul iga soobooday, waxay tidhi "ab oowe haddii aad iisheegto Hal wanaag oo aad samaysay inta aad noolayd waan kula had layaa meesha aad rabto”

Waxaa halmar isbeddelay dareenkayga, wax aan garanwaayay hal wanaag oo aan same eyay noloshayda, waxaa ii muuqda xumaan aan sameeyay oo qudha. Waan ilmeeyay ha lmar, waxaa isbeddelay muuq aalkaygii, waan murugooday, hadalna waa iga soobixi waayay.

Way igu soodhawaatay, waxay igu tidhi "wa laalo mar horaan kuu sheegay in aadan Alleba aadan raaligelin waligaa balse hadda waxaad haysataa jaanis, Alle u toobad keen, la imow wixii uu ku faray isagana har xumaha aad ku jirto”

Haddii aad isaga harto xumaha, Allena unoqoto wax walba oo aad jeceshahay waan kuu sam ayn,

haddana waan baxayaa balse ciwaankayga ayaan ku siinayaa, wayna isiisay.

Waxaan aaday gurigaygii anoo argaga xsan, waxaan toos u abaaray qolkaygii, hoosta ayaan ka soo xirtay.

Waxaan dib ugu noqday noloshaydii, waxaan xisaabshay halmar bal in aan Alle unoqday, wa xaan waayay halmar oo aan wanaag sameeyay. Allaahu Akbar.

Waxaan bilaabay in aan mayrto, qube ysto, kadibna waxaan aaday masjidka, waxaana soo tukaday cishihii, sunayaal Allena waan baryay, Alle ayaana dambi dhaaf weydiistay. Allena waan u mahad naqay iga sooceshay meesha xun ee aan ku socday.

Aabbahay ayaa i arkay anoo tukanaya, duc aysanaya, gacmaha kor utaagaya, waa uu ooy ay, marna waa uu farxaa, wuuna iiduceeyay Alle ayuu mahadiyay isoo hanuunshay.

Ummaddi guriga joogtay oo dhan, waxay fayl u soogaleeen ani, qofkasta saqiir iyo kabiirba waxa uu idhahaa Alle ayaa hanuunshay kii, dariskii ayaa xataa guriga yimid.

Waxaan garowsaday in aan meel xun ku so cday, waxaan bilaabay in aananba Masjidka ka bixin, salaad walba ku tukado, Alle baryo, to ob ad saliim ahna la imaado Allow iga aqbalee.

Waxaan noqday qofka ugu horeeya masjidka uguna dambeeya, qur’aanka aya an xafiday, akhriyay, waxaan bartay Axka amta Islaamka, Axaadiista, Tafsiirka iyo dhammaan qeybaha diinta oo dhan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa masjidka ka soobaxay, waxa iga hortimid Gabar xijaa ban, aad u qurux badan sun nada ka muuqat ana aadan malaysan karin.

Waxay igu tidhi "hebel saw ma tihid?” ‘haa baan irri anoo wajiga ka dad baaya, waxay tiri "Alle ayaa mahad u sugnaatay ku soo hanuu nshay”

Waxay tidhi ”ani ma igaran?” May ayaan dhahay, waxay tiri ”waa gabadhii habeenkii aad carwada ku kulmayseen”.

Awal waan siijeedee waan soojeestay, waxaan halmar la soo booday ”ma heblaa iyo qoftii Alle iisoodiray oo godka shaydaan iga celisaybaa?” ’Haa bey itiri.

Waxaan iri ”abaalkaaga ma gudi karo” wax ay tiri ”ani saan horayba kugu balan qaad ay wax walba oo wanaag ah waa iga diyaar, xataa haddii aad guur iga rabto.”

Waayo maanta waxaad ku joogtaa jidka Alle, waxaadna u muuqataa ruux hanuun san. Wax aan kugu diido magaranaayo ru ux Alle rume eyay, wanaag la yimid wa ajibaadkiisa gutay, wixii la farayna la yim aaday, wixii laga reeb ayna ay ka reebtoon aadaan.Intaas ka dib, wax aan gudo galay inaan raadsho gabadha, wa ana guursa day, waxay ibartay Alle wixii uu bar ay oo dhan. Alxamdullilaah, waxay iidhashay 7 wiil iyo 4 gabdhood. Waxaana noqonay reer dii nta lagu kuunyo mahadaas Alle ka sokow, wa xaa iskaleh Xaaskayga. Intaas kadib, ayuu dhahay, mar Allaale markaan arko da’yarta ma anta jirta oo dhaqankii katagay, diintii xooray, food dheer labaxay, suuqyada wareegaya, cib àadadina aanba isku dayin, waan murugoodaa.

Ani aqoon kuma lihin laakiin waxaan kuu arkaa in aad tahay wiil aad u wanaag san, wa ayo qof iyadoo aan soon ahayn sooman, sun adiina ka muuqato waa wax lagu farxo.

Eeg wiilashaan halkaan fadhiya, dham maa ntood madaxa u wada xiiran, food dhe er bay la baxeen, waxaan kaaga digaya in aadan dadk aas oo kale noqon Alle xaqa hana waafajiye. Allaahu akbar.

Waxay ahayd qisadii igu cajiibsanayd abid aan arko nin ay ku dhacdo. Walaahi anaba mur ugooday oo ilmeeyay inta uu iga sheekey naayay sheekadaa cajiibka ah.

DULUCDA SHEEKADA:

Qof walba oo muslim ah, waa in uu ude gde gaa diinta Islaamka ah, kuna dhaqmo, wixii xu maanana ay isaga haraan.

Waa inaad mar walba noqoto qof u heelan samaha, wanaagga iyo wixii lagu farad yeelay.

Noqo qof xumaha reeba, wacyigaliaya bulsh ada wanaagna usameeya bulsha diisa.

Waligaa xumaan xumaan ha ku bedelin wa naag ugu bedel qofkii ku xumeeya.

Noqo mid wanaaga faafiya, xumaha reeba, cafis badan, Alle ka cabsi badan, dhowrs an, wanaag usaaxiiba.

By:-Maxamuud Axmed Muuse

XIGASHO:-DIBLOMAASI.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip