QOYSKA & HORUMARINTA BULSHADA Qiso Cajiib Ah – Waxay ii Dhashay 7 Wiil iyo 4 Gabdhood

0
Monday October 09, 2023 - 12:28:54 in Wararka by
  • Visits: 3455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QOYSKA & HORUMARINTA BULSHADA Qiso Cajiib Ah – Waxay ii Dhashay 7 Wiil iyo 4 Gabdhood

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Published 5 years ago on  August 19, 2018

 



Waxaan ka imid jaamacadda African University, waa goor galab ah, waxaan ka soo lugeeyay jaamacadda. Kadibna waxaa soo maray jidka Maka-Almukarama ee magaalada Muqdisho.Cabaar markaan haayay ayaan is dhahay ku naso meheradaan xoogaa.

Waxaa ii yimid kabal yeerigii waxa uu igu dhahay "maxaan kuu keena dey dalabka?” Waxaan ku dhahay "aboowe waad mahadsantahay, waan soomanahay” Intaas markaan iri ayuu iga tagay.

Waxaa agtayda fadhiyay dhowr oday oo sheeko ku haystay.

Mid ka mid ah ayaa soo kacay, waxa uu soo qaatay kursi, dheegayga ayuu soo fariistay waa uu isalaamay, waan ka qaaday. Waxa uu iyiri "ma sooman tahay” haa’ baan dhahay, markaas ayuu ilmeeyay, ani waan baqay waxaan isdhahay ninka "maxaa ku dhacay? Ma xanuunsan yahay? Mise Arrimo kale ayuu wataa”Su’aal buuba ku weydiiyaye adna waad uga jawaabtaye, maxay ka walax tahay? Cabaar buu ilmeeyay, waxa aan ku iri "adeer maxaa ku helay? Ma bad qabtaa?” Waxa uu igu yiri "haa waan bad qabaa!!!” Markaas ayaan iri "maxaa kugu dhacay adeer oo la ilmaynaysaa?”

Cabaar ayuu aamusay, kadib ayuu dhahay "adeer, waxaan ka qoomameeyaa waqtigaygii isoomaray oo aan dayacay, waagaan dhalinta ahaa waxaan waqtigayga ku qaatay tumasho, cibaadada Alle ayaan ka tagay, waxaan ahaa mid afar iyo labaatanka saacba ku jira wax aan adduun iyo aakhiro toona faa’ido u lahayn. Dadkaygu waxa ay yiraahdeen war Alle ka baq. Balse waxaan ahaa nin adduunyo, waxaan saas ku jiraba anoo 45 sano tumasho ku jira, xalaal iyo xaaraana isku kay mid tahay xumaan iyo fisqi bartamaha uga jira siddoo kalena aananba dareensanaynba in xisaabtan iga dambeeyo iyo inkale.

Habeen habeenada kamid ah ayaa waxa imid meel carwo ah oo lagu gado dharka, waxaa joogay meeshaas dad aad ufaro badan, balse indhahaygu waxay qabteen hal qof oo qudha, waxaana niyada iska iri ‘qoftaas waa in aad caawa ama beri dambe la tumataa!!!! Allaahu Akbar. Waxaan soo aaday gabadhii xageedii waan la hadlay waa isoo eegtay balse ilama hadlin misna waan la hadlay siddoo kale ayay isoo eegtay mar saddexaad baan la hadlay waa iga aamustay.

Waan carooday waxaan iri "naa maad nala hadashid” waxay igu tiri "walaalo adoo kale lama hadlo waayo indhahaaga waxay u egyihiin kuwo Alle naxariistiisii ka dheereeyay, sujuudaaduna waxaan umalayn in aadanba dhulka dhigin, Afkaagana waligiis laguma xusin xuska Alle, Gacmahaagana waligaa wax wanaagsan kuma aadan qaban, lugahaagana waligaa masjid kuma aadan aadin. Waxay intaas ii sii raacisay nin aan Alleba raaligelin see ula hadlaa?”

Ani waxaa halmar i asiibay murugo, walaac, islahadal, walbahaar, niyad jab, iyo wax aananba waligayba lay oran oo caawa lay yiri?

Waxaan is dhahay "naagtu waligaaba ma aadan arage xaggee xumaantaada ku aragtay? Allahu Akbar waxaan dhahay "walaalo ani xaggee ku aragtay samahayga iyo xumahayga?” Waxay igu tidhi, "walaalo ma waxaa isku eg qof Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyay oo sunadi ka muuqato iyo qof aan Alle rumeyn oo xarigii eebe jaray.” Ani waxaan irri "walaalo meeshu waa carwee banaanka inoo saar halmar oo qudha” waxay igu tidhi "macsiilowyada maraaco balse hal arrin baan kuu samayn karaa?” ‘Maxay tahay baan halmar la soobooday anoo neef kulul iga soobooday, waxay tidhi "aboowe haddii aad iisheegto Hal wanaag oo aad samaysay inta aad noolayd waan kula hadlayaa meesha aad rabto”

Waxaa halmar isbeddelay dareenkayga, waxaan garanwaayay hal wanaag oo aan sameeyay noloshayda, waxaa ii muuqda xumaan aan sameeyay oo qudha. Waan ilmeeyay halmar, waxaa isbeddelay muuqaalkaygii, waan murugooday, hadalna waa iga soobixi waayay.

Way igu soodhawaatay, waxay igu tidhi "walaalo mar horaan kuu sheegay in aadan Alleba aadan raaligelin waligaa balse hadda waxaad haysataa jaanis, Alle u toobad keen, la imow wixii uu ku faray isagana har xumaha aad ku jirto” Haddii aad isaga harto xumaha, Allena unoqoto wax walba oo aad jeceshahay waan kuu samayn, haddana waan baxayaa balse ciwaankayga ayaan ku siinayaa, wayna isiisay.Waxaan aaday gurigaygii anoo argagaxsan, waxaan toos u abaaray qolkaygii, hoosta ayaan ka soo xirtay. Waxaan dib ugu noqday noloshaydii, waxaan xisaabshay halmar bal in aan Alle unoqday, waxaan waayay halmar oo aan wanaag sameeyay. Allaahu Akbar.

Waxaan bilaabay in aan mayrto, qubeysto, kadibna waxaan aaday masjidka, waxaana soo tukaday cishihii, sunayaal Allena waan baryay, Alle ayaana dambi dhaaf weydiistay. Allena waan u mahad naqay iga sooceshay meesha xun ee aan ku socday.

Aabbahay ayaa i arkay anoo tukanaya, ducaysanaya, gacmaha kor utaagaya, waa uu ooyay, marna waa uu farxaa, wuuna iiduceeyay Alle ayuu mahadiyay isoo hanuunshay. Umaddi guriga joogtay oo dhan, waxay fayl usoogaleeen ani, qofkasta saqiir iyo kabiirba waxa uu idhahaa Alle ayaa hanuunshay kii, dariskii ayaa xataa guriga yimid. Waxaan garowsaday in aan meel xun ku socday, waxaan bilaabay in aananba masjidka ka bixin, salaad walba ku tukado, Alle baryo, toobad saliim ahna la imaado Allow iga aqbalee. Waxaan noqday qofka ugu horeeya masjidka uguna dambeeya, qur’aanka ayaan xafiday, akhriyay, waxaan bartay Axkaamta Islaamka, Axaadiista, Tafsiirka iyo dhammaan qeybaha diinta oo dhan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa masjidka ka soobaxay, waxa iga hortimid Gabar xijaaban, aad u qurux badan sunnada ka muuqatana aadan malaysan karin. Waxay igu tidhi "hebel saw ma tihid?” ‘haa baan irri anoo wajiga ka dad baaya, waxay tiri "Alle ayaa mahad u sugnaatay ku soo hanuunshay”

Waxay tidhi ”ani ma igaran?” May ayaan dhahay, waxay tiri ”waa gabadhii habeenkii aad carwada ku kulmayseen”. Awal waan siijeedee waan soojeestay, waxaan halmar la soo booday ”ma heblaa iyo qoftii Alle iisoodiray oo godka shaydaan iga celisaybaa?” ’Haa bey itiri.

Waxaan iri ”abaalkaaga ma gudi karo” waxay tiri ”ani saan horayba kugu balan qaaday wax walba oo wanaag ah waa iga diyaar, xataa haddii aad guur iga rabto.” Waayo maanta waxaad ku joogtaa jidka Alle, waxaadna umuuqataa ruux hanuunsan. Waxaan kugu diido magaranaayo ruux Alle rumeeyay, wanaag la yimid waajibaadkiisa gutay, wixii la farayna la yimaaday, wixii laga reebayna ay ka reebtoonaadaan.Intaas ka dib, waxaan gudo galay in aan raadsho gabadha, waana guursaday, waxay ibartay Alle wixii uu baray oo dhan. Alxamdullilaah, waxay iidhashay 7 wiil iyo 4 gabdhood. Waxaana noqonay reer diinta lagu kuunyo mahadaas Alle ka sokow, waxaa iskaleh Xaaskayga. Intaas kadib, ayuu dhahay, mar Allaale markaan arko da’yarta maanta jirta oo dhaqankii katagay, diintii xooray, food dheer labaxay, suuqyada wareegaya, cibàadadina aanba isku dayin, waan murugoodaa.

Ani aqoon kuma lihin laakiin waxaan kuu arkaa in aad tahay wiil aad u wanaagsan, waayo qof iyadoo aan soon ahayn sooman, sunadiina ka muuqato waa wax lagu farxo. Eeg wiilashaan halkaan fadhiya, dhammaantood madaxa uwada xiiran, food dheer bay la baxeen, waxaan kaaga digaya in aadan dadkaas oo kale noqon Alle xaqa hana waafajiye. Allaahu akbar.

Waxay ahayd qisadii igu cajiibsanayd abid aan arko nin ay ku dhacdo. Walaahi anaba murugooday oo ilmeeyay inta uu iga sheekeynaayay sheekadaa cajiibka ah.

Dulucda sheekada:


  1. Qof walba oo muslim ah, waa in uu udegdegaa diinta Islaamka ah, kuna dhaqmo, wixii xumaanana ay isaga haraan.
  2. Waa in aad mar walba noqoto qof u heelan samaha, wanaagga iyo wixii lagu farad yeelay.
  3. Noqo qof xumaha reeba, wacyigaliya bulshada wanaagna usameeya bulshadiisa.
  4. Waligaa xumaan xumaan ha ku bedelin wanaag ugu bedel qofkii ku xumeeya.
  5. Noqo mid wanaaga faafiya, xumaha reeba, cafis badan, Alle ka cabsi badan, dhowrsan, wanaag usaaxiiba.                                                                          
FG:-Maqaalkaan wa mid hore oo aan soo xigtay mnaata  hase yeeshee markaanakhriyey ayaan  ogaaday culeyska uu leehayay sidaas darteed ayaan ugu soo qaatay  maanta  muddo dheer ka dib  waana ugu mahadcelinayaa qoraha maqaalkaan iyo maamulka wabka Dibalomaasi  aan ka soo qaatay intaba mahadsanidiin ayaan leeyahay Bulshada hala hanuuniyo ajarna alle ha inaga wada siiyo wixii wanaagsan 
XIGASHO:-DIBOLAAMASI.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip