Waa tuma haweeneyda saadaalisa musiibooyinka ee haatan Soomaaliya ka hadashay?

0
Sunday October 08, 2023 - 14:11:04 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa tuma haweeneyda saadaalisa musiibooyinka ee haatan Soomaaliya ka hadashay?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Layla Cabdiladiif

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,

Layla Cabdiladiif

Layla Cabdiladiif, waa siyaasi Ciraaqi ah oo ahayd wasiirkii shaqada ee dawladdii ku meel gaarka ahayd ee Ciraaq, Juun 2004-tii ilaa May 2005-tii, waxay xubin ka ahayd heshiiskii qaranka Ciraaq ee uu hogaaminayay Ra'iisal Wasaarahii ku meel gaarka ahaa, Ayad Allawi.

Layla Cabdiladiif, oo caan ku ah saadaasha, ayaa sheegtay in ay leedahay waxa ay ku tilmaantay dhiirranaan iyo hibo aanay wax sharraxaad ah u hayn, sida ay iyadu sheegtay. Laila Abdel Latif waxa ay filashooyinkeeda ku tilmaantay in ay tahay bani aadanimo. Waxa aysheegaty in ay mararka qaar saxnaan karto marna ay qaldami karto.

Waxa ay diidday in lagu tilmaamo fallaleey, marka loo eego dhaliisha ay la kulanto ee ku aaddan saadalinteeda.

Layla waxa ay saadaalisaa filashada adduunka ee sanadka soo socda, waxaa lagu caasuumaa barnaamijyo kabaxa telefishinnada ugu caansan dalalka carabta iyadoo hadba la weydiiyo waxa ay is leedahay sanadkan wey dhici karaan.

Haddaba maxaa kamida waxyaabihii ay horay u filatay ee dhacay?

Waxaa la sheegay in ay saadaalisay muusiibooyin dunida ka dhacay oo ay filatay, sida in xanuun dunida dhan saameynaya uu soo socdo, iyadoo markii dambe lagu tilmaamay in uu ahaa Corona virus, waxaa kale oo la sheegaa in ay saadaalisay dhul gariirro ka kala dhacay dalalka Turkiga iyo Marooko, iyo in musiibo ka dhici doonto Liibiya taasi oo dadka qaar ku sifeeyeen daadkii dhowaan ka dhacay Liibiya ee dhimashada badan sababay.

Waxa ay sheegtay in ay dhici doonto xaflad farxadeed balse isku badali doonta murugo iyo wal wal waxaana lagu sifeeyay in ay noqotay arooskii dhowaan ka dhacayay ciraaq ee uu dabku ka cay isla markaana dhimashada badan sababay.

Balse waxaan oo dhan ma ahan mid ay BBC xaqiijin karto.

Layla Cabdiladiif

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,

Layla Cabdiladiif

Waxyaabaha ay sanadkan filatay in ay dhici karaan

Leyla Cabdiladiif ayaa wareysi ay dhowaan bixisay waxa ay ku sheegtay in ay filaneyso musiibooyin dhowr ah oo dunida ka dhici kara dhowaan.

Waxay dhowaan shaacisay saadaalin ku saabsan in Soomaaliya ay la kulmi doonto musiibo dabiici ah oo daran.

Hadalkeeda Soomaali badan ayaa si weyn uga hortimid iyagoo ku tilmaamay haweeney sheegeysa waxyaabo Khuraafaad ah.

Hadalkeeda ku aaddan musiibada Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo beegmaayaa xilli laga digayo daadad lala xiriiriyay Elnino oo ka dhalan karta roobabka deyrta ee la filayo in dhowaan ay ka curtaan dalka.

Dhinaca baraha bulshada ee Soomaaliya ayaa si weyn looga hadal hayaa in haweeneydan filashadeeda sanadkan ay ku dartay arrimaha Soomaaliya oo horay aysan uga hadli jirin, wallow dad badan ay dhaliileen, maadaama waxa dhici doona uu Alle oo kaliya ku shuqul leeyahay.

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Qoraalka sawirka,

Layla Cabdiladiif

      Waxa ay daaha uga qaadday saadaasheeda taxanaha ah ee 2023 kuwooda ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa masiibo ay saadaalisay dhammaadka sanadka. Leyla ayaa sidoo kale indhaheeda u jeedisay Faransiiska, iyadoo saadaalisay xaalad degdeg ah oo ka dhici doonta Paris kadib dhacdo muhiim ah.

Adduunku, ayay soo jeedinaysaa, in uu aad ula kulmi doono geerida lama filaanka ah ee bilyaneer caan ah.

Arrin kale oo ay sheegtay in ay saadaalisay ayaa ah in la soo afjari karo colaadda Ruushka iyo Ukraine, waxa ayna soo jeedinaysaa in sawirada madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi iyo wiilkiisa, Saif al-Islam, laga yaabo inay dib uga soo laabtaan Liibiya kadib dhacdo muhiim ah.

Waxaa jira digniino la xiriira in aan la rumeysan waxyaabaha ay inta badan sheegto oo musiibooyinka la xiriira, balse Layla laftigeeda ayaa sheegtay waxyaabaha ay saadaaliso ay sax iyo qaladba noqon karaan.

Laylo ayaa sanadkii 2005 tii agu oogay dacwad la xariirta musuqmaasuq dhaqaale, kadib markii ay ka tagtay xilkii wasiirnimada ee ay ka haysay xukuumadda ra'iisul wasaare Ayad Allawi, in kasta oo ay gaashaanka u daruurtay eedeymahaas.



XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip