
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 8-DA OKTOOMBAR 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqd isho kusoo laabtay kadib muddo 2 bil ah uu Dhuusmareeb ku sugnaa.
madacweynaha ayaa Dorraad Muqdisho ku soo laabtay muddo 2 bil ah oo uu Dhusamar eeb fariisin u ahayd, halkas oo uu dagaalka ka abaabulayey.
Inkastoo uusan guulo ka soo hoyn dagaalka oo ilaa hadda meelihi hore loo joo gay qaarkood laga soo baxa, haddana lama oga inuu ku laaban doono iyo inuu soo gaba ga beeyey joogitaankiisii Dhuusa mareeb.
Wasiirka Amniga oo uu wehliyo taliyaha Booliiska ayaa la kulmay Safiirka Qatar u jooga Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS, Max amed Axmed Shiikh Cali (Doodishe) iyo Taliy aha Ciidanka Boliiska Soomaali yeed, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Saf aarada Dowlada Qatar u fadhiya magaa lada Muqdisho.
Safiirka Qatar ee Muqdisho Dr. Cabdulahi Saalim Al-naciimi, aya a waftiga ku soo dhaw eeyay Safaradda, waxaa laga wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa xariir ka laba da Boolis ee Qatar iyo Soomaaliya, ma suuliyiinta ayaa ku balamay in la iska gacans iiyo la dagaalanka dembiyada abaabulan iyo Argagixisada.
R/W/raha XFS oo ugu baaqay dadka Sooma aliyeed in aysan dhayal san digniin aha la xiriira Roobabka &Fatahaadaha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’a dda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaar aan dadaalko oda ku aadden maareynta musi ibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.
"Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara roobab la rajeynayno in ay ka da’ aan dalka, sida lagu ogaaday saadaalo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taas oo na-tusineysa in roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo kamid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan wabiyada jiinkooda, kuwaas oo halis gaara ugu jira daadad xoog leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha webiga iyo dhulalka godan.Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bar re ayaa ugu dambeyn ku booriyey Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka soo foo gan.
Qoorqoor oo kulan la qaatay Golihiisa Wasiirada iyo qodob la ansixiyey
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shir ka golaha wasiirrada oo ahaa kulan aan caadi aheyn oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeen ka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.
Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warb ixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah al-shabaab deegaannada Galm udug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.
Sidoo kale ; kulanka waxaa warbixin ku sa absan miisaaniyad sannadeedka 2024-ka loo ga dhageystay Wasiirka Wasaarad da Maaliy adda Dowladda Galmudug. Gol aha wasiirrada ayaana dood dheer kaddib cod gacan taag ah ku ansixiyay miisaani yadda 2024-ka.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Gal mudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa isa goo ka duulaya dardargalinta howgalka wajiga labaad waxa uu magaaca abay guddiyo ka tirs an Golaha Wasiirrada oo ka howl gali doona aagagga dagaalka. Sidoo kale madaxweynaha ayaa Golaha uga mahadceliyay ansixinta miis aaniyadda 2024-ka.
G/sare Shuute ” askari kasta ha ogaado qor eyga laguu dhiibay hadaad lunsato…”
G/sare Shuute ” askari kasta ha ogaado qoreyga laguu dhiibay hadaad lunsato…” isla qoreygii kugu qornaa ayaa lagaa rabaa xitaa 10 qorey kale lagaama yeeli doono inaad soo iibiso”
Gudoomiyaha Maxkamada CQS Ga/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Dorraad hadalo guubaa bo ah u jeediyay Ciidamo Tababar uu u gu soo dhamaaday M/Baydhabo ee Xarunta Maamulka Kooonfuer Galbeed
Gudoomiye Shuute wuxuu Askarta ku baraarujiyay inay waxa 1aad ee laga rabo ay tahay aqlaaqda iyo ammar qaadashada si dal ka iyo dadka ay ugu adeegaan.
G/e Shuute wuxuu Askarta si gaar ah ugala hadlay waxyaabaha laga rabo marka dhawaan la qalabeeyo oo hub Dowladeed farta laga saaro.
"dhawaan marka hubka la idin siiyo ogaada waxaa masuuliyad ay idinka saar an tahay inaad qoreyga naftiina ku waardiy eysaan iyo inaad dalka iyo dadka ku difaac daan”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida
Mar uu soo hadal qaaday dhanka shar ciyada iyo ciqaabta ka dhalan karta haddii As karigu dayaco qoreyga isaga ku lanbar eysay ayuuxusay in askari kasta qoreyga la siin do ono uu lanbar gaara leeyahay.
” Xabsiyada dalka waxaa ku jira askar loo ha ysto inay hubkoodii dayaceen, qor iga laguu dhi ibo ayaa lagaa rabaa, 10 isaga oo kale ah hadd aad soo gaddo xitaa lagaama rabo”.ayuu yiri Gudoomiyaha
Dhanka kale Mar uu soo hadal qaaday da gaalada Dalka ayuu u sheegay cidia mada in Madaxda Dalka u sareysa ee faderaalka iyo ku wa Maamul Goboleed yada kuli la go’aansaday in dalka laga saaro Alshabaab.
"waxaa la isku raacay in dalka laga ciri btiro Alshabab sidaas daraadeed waa ina ad dagaal u diyaar garowdaan”ayuu yiri Gdoomiyaha Maxkamada
Madaxweynaha K/ Galbeed oo ku dhawa aqay wajiga 2aad ee dagaalka Al-shabaab
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftaga reen ayaa Dorraad shir gudoomiyey kulan loo ga hadlayey u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka bilaaban doona deegaanada maamulkaas.
Shirka ayaa waxaa ka qe ybgalay Tali yaha ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka Xooga dalka, gudoo miyaa sha Maxkamada ciidamada Qalabka sida iyo saraakiisha ciidamada qeybah ooda kala duw an ee ka howlgala guud ahaan deegaanada Koonfur Galb eed.
Madaxweyne Lafta gareen ayaa shirka ka sheegay in si toos ah uu u bilaabanayo dagaal ka Al-shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.
"Waa soo dhamaaday in difaac looga jiro kooxda Shabaab, Dorraad laga bilaabo waxaa bilaabanaya dagaal fadhi dambe ma jiri doono waa inaan cadawga iska xureyna oo aan isaga dulqaadno sida reer Hirshabeelle iyo Galm udug isaga saareen" ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Wuxuu sidoo kale sheegay madaxw eyn aha Koonfur Galbeed in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtiraayo kooxda Shabaab oo haatan maraya heer gabagabo ah
"Waxaa loo baahan yahay in sida shacabka iyo dowladda ay ugu istaageen dagaalka Sha baab looga xureeyay Galmudug iyo Hirshab eelle inaan u midowno oo deegaanadaas dhiba atada ay shabaab ku hayeen mid ka daran an aga ayay nagu hayaan waa inaan iska sifeyna ee halo diyaar garoowo dagaalka Shabaab iska fadhi iyo is difaacis dambe ma jireyso" ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen
Gabagabadii Madaxweyne Cabdicasi is Lafgareen ayaa faray Taliyeya asha iyo Sara akiisha ciidanka ee kulanka ka qeybg alay in Dorraad wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dag aalka deegaanada Koonf ur Galbeed looga saa rayo Al-shabaab, islamarkaana maalm aha soo socda ay kusoo biirayaan ciidamo dowladda Fedar aalka u diyaarisay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Faysal Cali Waraabe Oo Ku Hanjab Ay In Ay Laascaanood Dib Ula Wareegayaan
Waxaa Dorraad magaalada Muqdisho ee caa simadda Soomaaliya gaaray wafdi uu hor kacaayo hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdi qaadir Axmed Awcali Firdhiye.
Hoggaamiyaha iyo wafdigii la socday ayaa si weyn loogusoo dhoweeyay garoo nka diyaar adaha Aadan Cadde, iyadoo soo dhaweynta ay qayb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dow lad da federaal ka ah ee Sooma aliya.
Ujeedka safar ka wafdiga hog gaamiyaha ma amulka SSC Ca bdiqaadir Firdh iye ee magaala da Muqdisho ayaa ku qotanta casuumaad uu u fidiyay raysal wasaaraha Xukuumadda So omaaliya Xamse Cabdi Barre.
Safarka hoggaamiyaha SSC ayaa waxaa ka dhashay falcelin dhinaca Soma liland ah iyo sidoo kale xildhibaannada gob ollada waqooyi ku matala Soomaaliya.
Siyaasiyiinta Somaliland ee ka hadlay waxaa kamida guddoomiyaha xisbiga muc aaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo BBC-da uga warramay sida uu arko safarka hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho.
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo
XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK
Qoraalka sawirka,
Hoggaamiyaha SSC Khaa tumo
Feysal Cali Waraabe oo ugu horreyn ka ha dlaya ar agtidiisa maamulka cusub ee SSC ay aa yiri, "Horta annagu ma aaminsa nin wax la yiraahdo SSC, reer Laasca anood waa beel ka mida beelaha dega Somaliland, marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiy ahana, waa nin Sooma aliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laasc aanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”.
Gudoomiyaha Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha Somaliland uga aad dan Laascaanood isagoo yiri, "Laascaanood si da ugu dhaqsiyaha badan ayaa loogusoo celin ayaa gacanta Somali land, waxaa lasoo celinay aa kala dambe yntii iyo sidii ay ahayd, waxaa lagusoo celinayaa xoog iyo dagaal ama wada hadal hadba kii noo suura gala ayaa lagusoo celinayaa haddii ay ka bixi waayaan dadka shi sheeyaha ah ee kusoo duulay mana oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay la gu daro dal kale”.
Gudoomiye Waraabe oo tusaale usoo qaat tay nidaamkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa yiri, "Somaliland waxa ay iska saartay oo diidday nidaamkii Max amed Siyaad, Dorraad na waa sidii oo kale magaalo Somaliland ka mi da cid aynaan u oggoleyn ku jiri meyso, waxa an arkeynaa dad ku dabbaal dagaya eek u sug an Laasc aanood oo uu kamid yahay madaxw eyne kuxigeenka Puntland, xaqiiqadu waxa ay tahay haddii ay sheekadu qabiil isku bad asho iyaguba ma joogi doonaan Muqd isho”.
Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Xa yir Maareeye oo ah xildhibaan ka mida golaha shacabka ee Soomaaliya kuna matala gobolla da waqooyi ee Somaliland ayaa qoraal uu ku soo daabacay bar tiisa Facebook-gga waxa uu kaga hadlay soo dhaweynta hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho oo u uku tilmaamay buun buu nin.
Xildhibaan Maareeye
Sidoo kale waxaa ka Falclintyey Safarka hoggaamiyaha SSC falcelin dhinaca Somalil and ah iyo sidoo kale xildhibaann ada gob oll ada waqooyi ku mat ala Soo maaliya.
Xildhibaan Maar eeyee ayaa yiri, "Waxa an fiirsa day soo dhoweyntii Xamar loogu sam eeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaan ku u do orteen Gudoomiyaha degm ada Laas caanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma ar ag Gudoo miye degmo oo ka taageerayaal bad an, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxan oo sawaxan iyo xama asad ahi”.
Maareeyee oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri, "Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhammeeyo wad ahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Som aliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawl adda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka”.
Xildhibaan Maareeye oo sidoo kale si dad ban uga hadlay nidaamka loo maray soo dhaw eynta hoggaamiye Firdhiye ayaa hadalkiisa sii raaciyay, "Sayidkii wuxuu yidhi "Caamir waa sal eelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawla ddu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tega yaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Deg madayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo de gaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyr aad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Prot ocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya”.
R/ Wasaaraha XFSXamse Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaa miy aha KMG ah ee SSC
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Ho gga amiye Firdhiye warbixin ku saabsan xaalad da bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC.Ra’iisul Wasaare Xamsa ay aa tilm aamay in Xukuu madda Jamhuuriyadda Fed eraalka Soom aaliya ay u taagan tahay ilaalinta midni mada iyo wadajirka ummadda Soomaali yeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal. Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye ayaa lagu wadaa in muddada uu joogo Muqdisho uu kulamo kala duwan kula qaato madaxda dowla dda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka, gaar ahaan Hay’daha Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.
XIGASHO:-BBC
Balcad oo lagu qabtay Gaari qudaar siday oo lagu soo dhex qariyay Maandooriye
Ciidamada Boliiska iyo kuwa Nab ad sugida Soomaaliya ayaa M agaalada Balcad ku qabtay gaari lagu
soo dhex qariyay Xas hiishka oo ka mida waxyaabaha maanka dooriya kuwa
Ugu xun. Ciidamada ayaa qabtay xashiishka Habeenhore saq dhexe xili lagu soo dhex qari yay ga ari Leya Calaawi ah oo siday qudaar ay ka mid yihiin Yaanyo,Canbe iyo Dhan galow.
Taliyaha Sadhiga Booliiska Balcad iyo Gud oomiye xigeenada Degmada Balcad ee dhanka Siyaasada iyo Amniga ayaa warbaah inta u sha raxay gaarigaan ay qabteen Ciidama da Amni ga ee Degmada Balcad Gobolka Sh. Dhe xe.
Taliyaha Saldhiga Booliiska Degmada Balc ad Xuseen Macalin Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay marka hore Alle SWT uga mahad celin ayaan sida uu ugu sahlay Cii damada inay qabtaan gaari Leyla Calaawi ah oo siday Qudaar kaasoo lagu soo dhex qar iy ay waxyaabaha maanka dooriya sida Xashi ishka.
Sadex nin oo watay gaarigaan ayaa loo qab tay masuuliyada sida uu Taliyuhu she egay ku waasoo ciidamadu hada gacanta ku hayaan.
"sadexdaas nin ee la qabtay waxay halis gel iyeen bulshada hadeyba qudaartii la cun aa yay ay daroogo ku dhex qarinay aan”ayuu yiri Taliyaha.
Sidoo kale Gudoomiye xigeenka dhan ka Siyaasada Maamulka Degmada Balcad Ismaa ciil Barre Nuur ayaa xusay mahad celin ka dib in baabuurta nuucaana ee maa ndooriy aha la gu soo qariyo ujeedku yahay sidii Xamar loo gu gudbiyo looguna qaribo bulshada.
"cidiamada waxaan leenmahay sii wada da daalkiina si aysan Magaalada Balcad u no qon meesha maandooriyaha looga gud biyo caas imada Dalka.”ayuu yiri Gudoom iye xige enka
Dhanka kale Gudoomiye xigeenka Aamn iga ahna ku simaha Gudoomiyaha Maamulka Balcad C/Raxmaan Sheekh Xuseen wuxuu is na mahadcelin Alle kadib faray ciidamada inay habeenkii saqda dhxe aad u baaraan baabu urta nuuc kasta uu yahay.
"baabuurta saqda dhexe socda waa kuwa qaraxyada iyo maandooriyaha lagu soo qariyo, waa inaad dhulka dhigtaan wax kasta ay sid aan si fiican aad u baartaan ”ayuu yiri ku sima ha Gudoomiyaha
Ciidamada Kenya oo shacab Soomaali ah siiyay tababar sida lagu garto walxaha qarxa
Ciidamada Kenya ee Magaca ATMIS ku jooga Gobolada Jubaland ee Soomaa liya ayaa tababar siiyay dad shacab Soom aaliyeed ah
Tababarkaan ayay Ciidamada kenya siiyeen dadka barakayaasha gudaha ee xarunta Dan wadag iyadoo mid mid loo tusay agabyada qaraxyada loo adeegsan karo.
Ujeeda tababaerka ah ayaa shacabku mar keey arkaan walxaha qarxa inay ka feejignaad aan islamarkaana ku soo war geliyaan Ciidam ada si loo qarxiyo inta aysan shacabka ku qar xin.Dadka Tababarka loo sameynayay ayaa dumar u badan sida sawirada aad ka arki karto madaama dadka ugu badan ee kadsooma ay marasta yihiin sida Caruurta iyo haweenka.
"Waxaa la tusey sida loo aqoonsado loona soo sheego walxaha laga shakiyo, iyo waxyaa baha ay ka koobanyahiin walxaha qarxa, Tani waxey dhiseysaa masuuliyada wadaaga bad qabka iyo nabada bulshada”ayaa ka mid ah war qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ee Ciidamada ATMIS
Dagaal ka dhacay M/ Beladweyne & Amniga Magaalada oo sii xumaaday
Faah Faahinno ayaa ka soo naxaya dagaal Habeenhore ka dhacay Barkoontarool Ciidama da Amniga Magaalada Baladw eyne ay ku lee yihiin Xaafada Xaawo taako, gaar ahaan aga gaarka Buunda 2aad.
Dagaalkan ayaa bilo wday markii la dilayCu mar Shiikh Cabdullaahi Cabdi Xaad oo Kamid ah aa Ciidamada Deegaa nka Laguna dilay Koontaroolkaas.
Sidoo kale Ciidamo Hubeeysan oo kuwa Deegaanka ayaa dagaal Kadib la Wareegay Ko ontaroolka halkaasi ku yaalay,.
Xaalada Magaalada Baladaweyne ayaa da gan ‘waxana halkaas isaga baxay Ciidamada Deegaanka ee Habeenhore Qabsaday koont aaroolkaas .
Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa aad u Xumaaday Maalmihii lasoo dhaafay waxa ana Magaalada iyo Duleedk eeda ka dhacay Dilal badan oo ilaa iyo Hada aanan dadkii ka dambeeyay Sharciga la Marsiin.
Midowga Afrika oo ka soo jawaabay Codsi ay u gudbisay DFS
Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii do wladda Soomaaliya u gudbisay Golaha Amm aanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ahaa in muddo saddex bilood ah la hakiyo bixitaanka ciidamada ATMIS.
War saxaafade ed ka soo baxay Holaha Amni ga iyo Nabadda ee Mi dowga Afrika, ayaa waxaa la gu she egay ay u taageersan yihiin codsiga ku aadan in la hakiyo dhimista 3,000 askari oo ka mid ah ciidamada ATMIS ee ku sugan Sooma aliya . Golaha Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ballan-qaadka dalalka ay ciid amada ka joogaan Kenya, Itoobiya, Burundi, Jabuuti, iyo Uganda ee ah inay la shaqeeyaan Soomaaliya iyo saaxiibada kale, si loo helo taa geero maaliyadeed oo looga baahan yahay xilliga kala guurka.
Wejigii 2aad ee dhimista ciidamada Mido wga Afrika ayaa ujeedkiisu ahaa in Soomaaliya laga saaro 3,000 oo askari oo nabad ilaalin ah, iyadoo howlgalka uu hor ay u soo saaray in ka badan 2,000 oo ask ari.
Sargaal ciidan oo hub iyo gaari kala soo go ostay Somaliland oo lasoo bandhigay
Maamulka Khaatumo SSC ayaa Dorraad soo bandhigay sargaal ciidan oo la sheegay in uu kasoo goostay ciidamada maamulka Somal iland uu katirsanaa, waxa uuna sargaalkan la soo baxsaday gaari iyo hub
Sarkaal lasoo bandhigay oo lagu magac aabo Mustafe Cali Dhako ayaa maamulka Somalila nd kala soo goostay guuri nuuc iisu yahay Lay la Calaawi iyo sidoo kale afar qoray oo nu u co odu yahay PKM iyo saddex qoray oo AK-47 ah.
Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Khaatumo ayaa soo dhaweeyay sargaalkan dhankooda isku soo dhiibay, waxaana sargaal kan kahor tagay oo soo galbiyay ciidamo katir san maamulka SSC.
Maamuka SSC ayaa sidaan oo kale horey u gu soo bandhigay saraakiil iyo ciidamo la shee gay in ay kasoo goosteen maamulka Somalil and, kuwaa oo u badnaa kuwa deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool.
40 Israa’iliyiin ah iyo 198 reer Falastiin ah oo illaa hadda la dilay (Warar cusub)
Kooxda Islaamiga ah Falastiiniyiinta ee Xam aas oo weerar ku qaaday Israa’iil kii ugu way naa muddo sannado ah ayaa waxay halkaas ku dileen ugu yaraan 40 qof, boqolaal kalena way ku dhaawacmeen weerar lama filaan ah oo ay ku qaadeen rag hubaysan oo u tallaabay Israa’iil iyo gantaallo laga soo tuuray Qaza.
Israa’iil ayaa sheegtay in kooxda ay Iran taa geerto ku dhawaaqday dagaal, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay aa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan weerarkan oo lama filaan ku noqday Yuhuuda.
"Cadowgeena wuxuu bixin doonaa qiimo uu san waligiis aqoon,” ayuu yiri. "Waxaan ku ji rnaa dagaal, waana ku guuleysan doonnaa”.
Adeegga ambalaasta ee Israa’iil ayaa shee gay in ugu yaraan 40 Israa’iiliyiin ah ay ku dhin teen weerarka Xamaasna ay ku dhaawaceen boqolaal kale balse wadarta guud ayaa u muu qata in ay kor u sii kacayso. Sawir qaade ka tir san wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ar kay meydad badan oo daadsan waddooyinka magaalada koonfurta ku taal ee Sderot.
Raadiyaha Israel ayaa sheegay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah la afduu bay. Ba lse Israa’iil way ka gaabsatay arrinta afduubka la sheegay in ay Xamas geysteen.
Milatariga Israel ayaa sheegay in ay kaga jawaabeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen Qaza, halkaasi oo dad goob joogay aal ah ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo cu lus iyo dhimasho iyo dhaawac badan oo loo qaaday isbitaalada.
Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheeg ay in 198 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo xagga cirka ah, iyadoo duqeymaha ay si qoto dheer uga dhaceen magaalada Gaza, taasoo cirka isku shareertay qiiq madow.
Ku xigeenka madaxa Xamaas Saleh al-Aro uri ayaa u sheegay Al Jazeera in kooxdan ay gacanta ku hayaan tiro badan oo maxaabiis Israel ah oo ay ku jiraan saraakiil sarsare.
Xamaas ayaa sheegtay in weerarkan ay ka danbeeyeen wax ay ku sheegeen weerarrada ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta ku nool Da anta Galbeed, Qudus iyo falastiiniyiinta ku jira xabsiyada Israa’iil.
Taliyaha militariga Xamaas Mohammad Deif ayaa ku dhawaaqay bilaabashada howlgalkan isagoo baahiyey warbaahinta Xamaas, isagoo ugu baaqay Falastiiniyiinta meel kasta oo ay joogaan inay dagaalamaan.
"Tani waa maalintii ugu weyneyd ee lagu soo afjari lahaa qabsashadii ugu dambeysay ee dhulka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in 5,000 oo gantaal la soo riday. Xamaas waxay u ololaysaa burburinta Israa’iil.
Weerarkan ayaa muujinaya duullaan aan ho ray loo arag oo Israa’iil ay ku galeen rag hubey san oo Xamaas ka tirsan oo ka soo gudbayay marinka Qaza, waana dharbaaxadii ugu cusl eyd ee soo gaarta Israa’iil colaadda kala dhex eysa Falastiiniyiinta tan iyo markii ay is-qarxi yeen Intifadaada Labaad muddo labaatan sano laga joogo.
Dayax Madoobaad la sheegay inuu dhici do ona dabayaaqada bishan iyo meelaha laga arki doono
Khubarada cilmiga Xiddigiska ku xeel dhe er ayaa waxa ay sheegeen in bishan October 28-keeda uu dhici doono Dayax
madoobaad, waa sida ay sheegeen, balse, Ila ahay baa og Xaqiiqda wa xa dhici kara.
Khubaro ka tirsan waax da cilmiga xiddigiska ee kulliyada Fiisikiska (PhysI cs) ee Jaamacadda dowl adda Azerbaijan ee BSU ayaa si gaar ah u sha aciyey in bishan October 28-da uu dhici doono Dayax Madoobaadkii labaad ee la arko sanad kan 2023-ka.
Qeyb ka mid Dayaxa ayaa madoobaan doon to sida ay sheegeen khuburadan, iya doo laga arki doono dalalka Africa, Europe, Asia, Austr alia, North America, Northeast South America, Pacific, Atlantic, Indian Oceans, Arctic and Antarctica.
Khubarada waxay saadaaliyeen inuu Day ax Madoobaadka dhici doono abaaro 22:01:44 ee xilliga dalka Azerbaijani oo u dhiganta 23:01:44 ee xilliga Afrikada Bari (East Africa Ti me (EAT) ama Abaaraha 19: 36 ee xilliga Gre enwich Mean Time (GMT).
Sidee Madaxda caalamku uga falceliye en weerarka Xamaas ku qaaday gudaha Israaiil?
Kooxda Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa Dorraad ku qaaday Israa’iil wee rarkii ugu weynaa muddo sanado ah.
Dhowr dal ayaa ilaa iyo imika ka hadlay xii sada iyo dagaalka ka dhex aloosan Xamaas iyo Israa’iil
Mareykanka ayaa cambaareeyay daga alka, wuxuuna ku booriyay labada dhinac inay ka waantoobaan kala aargo osiga.
Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Aus tin ayaa sheegay in Maalmaha soo socda Was aaradda gaashaandhigga waxay ka shaqayn doontaa sidii ay Israa’iil u heli lahayd waxa ay u baahan tahay si ay isu difaacdo, loogana ila aliyo dadka rayidka ah rabshado iyo argaga xiso aan loo meel dayin.
"Marna ma jirto wax sabab ah oo loo qiilin ayo argagixisanimada, waxaan garab taaganah ay dowladda iyo shacabka Israa’iil, waxaana u tacsiyeyneynaa nolo sha dadka reer Israa’iil ee ku dhimatay weerarradan,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Bli nken ku yiri hadal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. .
Masar, oo inta badan dhex dhexaadisa Isra el iyo mintidiinta Falastiin, ayaa labada dhinac uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda hadda taagan.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaarad da arrimaha dibadda Masar ayaa ku baaqday in la muujiyo is-xakameynta ugu badan iyo baa hida loo qabo in la badbaadiyo dadka rayidka ah. Midowga Yurub iyo dhowr waddan oo ah kuwa qaaradda Yurub ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.
Ergayga nabada ee Qaramada Mido obay ee Bariga Dhexe Tor Wennesl and ayaa yiri: "Tani waa arrin halis ah, wax aana ka codsanayaa dhammaanba dhinacyada inay dib ugu soo laabtaan wada hadalka.
"Weerarkan waxa uu saameyn xun ku yeelanayaa rayidka Israa’iil, .Dadka rayi dka ah waa in aysan waligood bart ilmaa meed u noqon.”ayuu yiri Tor Wennesland
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Abbas ayaa sheegay in Dadka reer Falas tiin ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan wax uu ugu yeeray "Argagaxisada iyo sahyuuniyada
La taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa sabtidii u hamba lyeeyay dagaalyahanada falastiiniyiinta, sida ay ku warantay wakaalada wararka IRNA.
"Waxaan garab istaagi doonaa dagaa lyah anada Falastiin ilaa laga xoreynayo Falastiin iyo Quddus” ayuu yiri Yahya Rahim Safavi.
Telefiishanka qaranka Iran ayaa soo ba ndhigay xubnaha baarlamaanka oo ka kacaya kuraastii ay ku fadhiyeen iyagoo ku dhawaaq aya "Dhimasho ku socota Israa’iil”.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrima ha dibadda Iran Nasser Kanaani oo ay soo xigatay ISNA ayaa yiri: "Howlgalkan, waxaa la adeegsaday walxaha layaabka leh iyo habab kale oo la isku daray, taasoo muujineysa kalso onida shacabka Falastiin ay ku qabaan wejiga gumeysiga”.
Raisul Wasaaraha Germany OLAF SCH OLZ ayaa isna sheegay inuu ka naxay dhac dadan "Warar argagax leh ayaa Dorraad naga soo gaaraya Israa’iil, aad ayaan uga naxay gan taallada laga soo riday Qaza iyo rabshadaha sii kordhaya, Jarmalku wuxuu cambaareynayaa weerarr adan Xamaas, wuxuuna garab taagan yahay Israa’iil,” Scholz.
Madaxweynaha France Emmanuel Macron Macron ayaa si adag u cambaa reeyay weera rada. "Waxaan si buuxda u garab taaganahay dhibanayaasha, iyo qoysaskooda iyo kuwa ku dhow dhow,” ayuu yiri.
Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuud iga oo war soo saartay ayaa iyana ku baa qday in si degdeg ah loo joojiyo rabsha daha”.
Wasiirka arrimaha Dibedda Ingiriiska ayaa sheegay in Israel ay xaq u leedahay iney is difaacdo "UK waxay si aan leexleexad lahayn u cambaaraynaysaa weerarrada argagaxa leh ee Xamaas ay ku hayso rayidka Israa’iil, UK wa xay mar walba taageeri doontaa xaqa ay Isra a’iil u leedahay inay is difaacdo,” ayuu yiri Clev erly.
Madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa tiri: "Waxaan si aan leex leexad lahayn u cambaareynayaa weerarka ay arga gixisada Xamaas ku qaadeen Israa’iil, waa arg agixisanimo nooceeda ugu fool xun.”
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa isna yiri: "Waxaan si aan leex leexad lahayn u cambaar eyneynaa weerarrada Xamaas, rabshadahan argagaxa leh waa in si degdeg ah loo joojiyo”
Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in dhinacyadu is xakameey aan. "Waxaan ku baaqaynaa in la xakameeyo dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri Erdogan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa iyana sheegtay in Israa’iil oo keliya ay mas’uul ka tahay sii kordhinta rabshadaha ka socda Falastiiniyiinta, waxayna ku baaqday in labada dhinac ay muujiyaan dulqaad.
Wasiir Kuxigeenka Dibedda Ruusia Mikhail Bogdanov Bogdanov ayaa sheegay in Ruushka uu xiriir la sameynayo Israa’iil, Falastiiniyiinta iyo dalalka Carabta, isagoo ku baaqay in la xak ameeyo.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelen skiy ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray "Weerar Argagaxiso” oo lagu qaaday Israa’iil, wuxuuna sheegay in xaqa ay Israa’iil u leed ahay in ay is difaacdo "aan laga shakiyi karin”.
Ururka Xisbullah ee ay Iran taageerto ee Lubnaan, oo cadawga weyn u ah Israa’iil, ayaa sheegtay inay xiriir toos ah la leedahay hogg aanka iska caabinta falastiiniyiinta” waxayna dhacdooyinka ku sifeeyeen "jawaab go’aan ah oo ku aaddan sii-haysashada Israa’iil iyo farriin ku socota kuwa doonaya inay xoog ku heyst aan dhulka reer Falastiin.
Israa’iil Oo Amartay In Loo Yeero Kayda dka Militariga Kadib Markii Wee rar Culus Lagu Qaaday
Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay ku dhawaaqayaan "xaalad diyaar u ahaan sho dagaal” iyaga oo ka jawaabaya weerarka lama filaanka ah ee Gaza uga yimid.
Wasiirka gaasha andhiga ayaa ansixiy ay in loogu yeero kay dadka militariga.
Ciidamada Israel ayaa bilaabay inay duqey mo aargoosi ah ka fuliyaan marinka Qaza, wa xayna ka digeen in Xamaas ay khasaare aad u culus la kulmi doonto.
Tobaneeyo nin oo hubeysan oo ka tirsan ko oxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa u muuqda in ay weerar lama filaan ah ku galeen koonfurta Israa’iil, waxaana haatan lagu hayaa baadi goob.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay duq aynayaan bartilmaameedyo ku yaal marinka Qaza iyadoo lagu jiro "qiimayn xaaladeed”.
Horaantii, daraasiin gantaallo ah ayaa lagu soo riday dhanka Israa’iil, kuwaas oo keenay in seeriga duullaanka hawada ee guud ahaan dalka uu dhawaaqo.
Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Garabkeeda hubaysan ayaa sheegay in 20 daqiqo gudahood ay ku rideen 5,000 oo gan taal.
'TALIYE SHUB' OO FASIRAAD KA BIXIYAY KHUDBADII UU JEEDIYAY EE HADAL HAYNTA DHALISAY
Waxaa hadal hayn badan ay ka dhala tay khudbad uu Dorraad jeediyay taliyaha ciida mada asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Taliyaha oo la hadlayay ciidamo taba bar loogu soo xiray magaalada Beydha bo ayaa waxaa uu ka hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin qabyaalada in lala diriro al Shabaab.
Taliye Mahad oo askartan la hadlayay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay ka fogaad aan qabiilka islamarkana ay qaranka ku dadaa laan.
Balse arrinta hadalhaynta badan dhalis ay ayaa ah markii qudbadiisu soo gaartay qaybta guubaabinta askarta.
Isaga oo ka hadlaya tacadiyo ay Shab aab ku u gaystaan dadka shacabka ah, ay uu u mu uqdaa inuu wadiinayaa mid kamid ah askarta hor fadhisay, "Adiga hooyadaa nin ayaa qaba, keed ku ogeyd adeer?".
Waydiinta ayuu sii raaciyay taliye Mahad: "Haa, aabahaa waa lala qabaa. Ma diidan tah ay, nin ayaa u imaanaya wuxuu leeyahay isla ana iyo gabadha-ba dowro ayaa loo dirayaaye keena, subaxii ayay imaanayaan , hal meelna laguma wada galinayo. Gabadha iyo duqdaba, Habeen hore oo dhan ayaa nin so haysanay aa subaxii ayay aabaha u imanaysaa, inaad xoreyso ayaa la rabaa"Hadalkan ayaa dadka ay siyaabo kala du wan u fasirteen islamarkana dadka qaar ayaa u arkeen in uu gef yahay islamarkana uu ahaa hadal aan wanagsaneyn.
EEG BOGGA 6AAD
'TALIYE SHUB' OO FASIRAAD KA BIXIYAY KHUDBADII UU JEEDIYAY EE HADAL HAYNTA DHALISAY
KA YIMID BOGGA 5AAD
Muxuu ula jeedayay hadalkaasi?
Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa BBC u sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fasiray islamarkana u jeedkiisa laga leexiyay.
Taiyaha ayaa sheegay in goobta uu ka had layay ay ahayd magaalada Beydhabo oo ay ku qalanjabinayeen ciidama ka mid noqon doona Daraawiishta Koonfur Galb eed.
Waxaa uu intaa ku dray in askarta uu kala hadlay labo qodob oo uu u arkay in ay muhiim u yihiin, taasi oo ah in ay qaby aaladda ka dhe eraadaan iyo in ay Shabab la dagaalaman.
Taliyaha oo aan waydiinay waxa uu ula jee day ereygii ahaa "Hooyadaa aabahaa waa lala qabaa" ayaa sheegay in uu doonayay inuu cad eeyo al-Shabab iyo sida ay dadka ula dhaq maan, isaga oo xusay in uu la hadlayay askar hortiisa fadhisay, oo uu tusaale ahaana u soo qaatay sida uu isagu sheegay.
Wuxuu sheegay in hadalkaas uusan ula jee din askari gooni ah, balse askarta oo dhan uu guubaabo ahaan u lahaa.
"Arrinkaa waxaan ula jeedaa waa dhaqankii Shabaab waxaan ka sheekeyn ayay , waa sida hadda aan sheegayay ayay ku dhaqmaan, da dka way gumeyst een dhibaato ayay u geys teen," ayuu yiri Janaraal Mahad.
Taliye Mahad oo aan waydiinay halka uu xogtan ka keenay ayaa sheegay in uu yahay nin wax badan ka og dhaqanka Shabab xogt ana uu sidaasi ku ogaaday.
"Anniga nimanka dhaqankooda ayaan aad u ogohay, Soomaali ayaan ahay wadan ka joo ga waliba masuul ah , waxay ku dhaqmayaa nna aad ayaan u ogahay sidaa iyada ah ee aan kuu sheegayo nafteeda waaye", ayuu yiri Taliye Mahad.
Shub
Taliye Mahad ayaa marar badan khudbado guubaabo ah oo uu jeedinayay ay sababeen hadal hayn badan, kadib markii hadalo filanwaa ku noqday dadka qaar uu ku soo daray khudb adihiisa. Ururka al Shabaab ayuu ku eedeey ay in meelaha ay haystaan ay dhibaato u geys taan qoysaska gaar ahaan dumarka.
"Meelaha ay haystaan ee ay iyaga xukumaan marka ay labo saac habeennimo tahay gurigga ayaa la tag ayaa, waxaa la leeyahay islaanta ha soo baxdo gabadhana ha soo bax do, dhowro ayaa la aadayaa ayaa la leeyahay , haddee haweeney guriga saddex saac ee habeennimo laga watay oo subaxii 2 saac la keenay adiga xogteeda ma haysaa marka meesha aabaha duqda lala qabo aan uga jeedo halkaasi waa ye," ayuu BBC u sheegay.
Taliyaha ciidamada asluubta Soomaa liya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa ugu baaqay dadka siyaabaha kala duwan u fas irtay hadaladiisa in aysan malo xun ka bixin khudbadiisa, sidoo kale raali galin ayuu raaciy ay hadalkiisa.
"Raali ha ahaadeen ayaan leeyahay, warka meesha fiican ka fiiriya, meesha xun ha ka fiirin ina iyagan intaas ayaan ugu baaqayaa" ayuu hadalkiisa ku daray. XIGASHO:-BBC
MA DHABAA IN XAYAWAANADU KA BAQAAN CODKA DADKA IN KA BADAN INTA AY KA BAQAAN KAN LIBAAXA?
Cilmibaaris cusub oo lagu sameeyay gudaha waddanka Koonfur Afrika, ayaa lagu ogaaday in xayawaanada duurjoogta ah ay ka cabsad aan codka bani aadanka in ka badan inta ay ka cabsadaan codka libaaxa.
Sanisyahano ku sugnaa beerta xayawaa nada ee Kruger ayaa codad ku baahiyay same ecado cod sare leh oo la dhigay biyo hoostood, codadkaas oo ahaa dad si caadi ah u shee keysanaya
Cilmbibaarista ayaa lagu ogaaday in ku dha waad sagaashan iyo shan boqolkiiba xayawaa nadu ay caroodeen kadibna ay carareen, markii ay maqleen codadka.
Waxyaabaha lagu ogaaday daraasada an ayaa sheegaya in xaywaanada oo ay ku jiraan cantalyaaga, maroodiga, gariga, harimacadka iyo wiyisha ay fahansan yihiin in la macaa milista bani’aadanku ay tahay mid aad u qatar badan. Balse sidaas si ka duwan codka liba axa gurxamaya ayaa diginin qatareed oo sida as u way naan galin xayawaanada.
Codka dadka sheekeysanaya ee la baahiy ay ayaa ahaa mid ay dadku hadlay een luuqa da gaarka ah ee dadka ku nool gob olkaas.
Cilmibibaarayaasha ayaa xusay in nar kii ay maqleen codka libaaxyada kadib, ay maro odiyaasha qaar bilaabeen inay aadaan halkii uu ka soo yeeray codku.
Kruger XIGASHADA SAWIRKA,.
Natiijada cilmibaaristaan ayaa muujineysa in xayawaano kala duwan in dareemayeen in mar walba oo ay ku sii dhawaadaan halka uu ka baxayay codka bani’aadanka ay qatartu sii badan tahay, maadaama inta badan ay isticmaalaan dadku hub iyo eeyo ugaarsado xayawaanada duur joogta ah, kuwaas oo ay muuqaalkood la qabsadeen xayawaanadu, siiyana digniintaas qatarta ah.
Sida ay sheegayso cilmibaaristaan , cabsida ay xayawaanada duurjoogta ah ka qabaan codka dadka, kuma koobna kaliya beerta Kru gar, balse heeka cabsida ay duur joogto ka qab to bani’aadanka ayaa ka badan tan ay ka qabaan guud ahaan xayawaanada kale eek u nool dunida.
Waxyaabaha ay diiwan galiyeen cilmiba aray aashu waxaa kamid ahaa in tani caqabad ku tahay dhinac darxiiska duurjoo gta, maadaa ma ay dadka dalxiisayaashaa ah ee ay doonay aan inay soo jiitaan xaywaanka oo ay la xarii raan, laakiin taas badalkeeda ay cabsi iyo qalq al ku abuur ayaan xayawaanada ay u yima adeen.
Mid kamid ah cilmibaarayaasha oo lagu magacaabo Dr Liana Zanette ayaa BBC u sheegtay in daraasadoodu ay ku foorarto cabsida – taas oo ah arrin la xariirtay sida ay deegaankooda ula falgalaan xayawa anada la ugaarsado.
"Ugaarsigu wuxuu yareeyaa xayawaa nada, balse cabsida ay abuuraan ugaarsat ada ayaan ogaanay inay sii yareeyso”, ayay tiri.
"Dhaqan galinta, yaraynta, iyo hakinta cab sida aan bani aadan ahan ka sameyno gooba ha duurjoogto ku sugan tahay waxay keeney saa caqabado iyo fursado is huwan taas oo noo sheegay inaan tixgalino wadahadalo laga yeesho arrintaas”, ayay hadalkeeda sii raaci say.Xogtaan cusub ayaa albaabada u fura ysa rajada laga qabay in la ilaaliyo xaya waanada nugul eek u nool duurka. Codka bani aadanka ayaa markii loo isticmaalo si haboon, wuxuu ka hortagi karaa ka ganac siga sharci darrada ah ee duurjoogta.
"Sidoo kale waxaan iska kaashaneynaa tij aabo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa ka ganacsiga wiyisha”, ayay tiri Dr Liana Zanette.
Massia XIGASHADA SAWIRKA,.
Wada noolaanshaha dadka iyo libaaxa
Dhaqanka qowmiyada Masai, gaar ahaan ragga waxay raganimadooda dhameystirm ay saa marka uu dilo libaax, balse, haatan dha qankaasi ayaa ah mid Meesha laga saaray, waxaana sabab u ah qorshe kay maha Kenya lagu ilaalinayo taas oo hors eeday in qowmiy adda Maasai iyo libaaxy ada ay si nabad ah ugu wada noolan karan dhulka kaymaha ah.
Meiteranga Kamunu Saitoti, waxaa uu xusuustaa in uu aad ugu hami weynaa sidii uu u dilii lahaa libaaxyada.
Markii uu ahaa wiil yar, waxaa uu ku koray dhul weynaha ay deganyihin qowmiyadiisa Maasai ee koonfurta Kenya, waxaa uuna sheegayaa in libaaxyada ay meel walba joogi jireen. Kaynta Amboseli, waxay caan ku tahay Maroodiga, Libaaxyada iyo bidhaanta bu urta Kilimanjaro oo dhanka Koonfuurta kaga beeg an halka ay deganayeen. Libaax yada iyo duur joogta kale waxay si nabad ah ugu gaaf ware egi jireen goobta ay dega nayeen Saitoti
.XIGASHO:-BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 8-DA OKTOOMBAR 2023-KA
..