Abwaanka oo ka mid ahaa Hobolladii Waabari ayaa waxaa aaskiisa ka soo qayb-galey dad aad u badan kuwaasoo isgu jirey ehalada , mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo bahda fanka.

Abwaanka ayaa sidoo kale ahaa laxamiiste wuxuu fanka ku soo biiray bilowgii lixdameeyadii,wuxuu waxbarashada asaasiga ah ku qaatay Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Abwaanka oo heesaa ah ayaa ku dhashay Magaalada Hargeysa waxaana aad loogu amaanay inuu u hiiliyay dhaqanka Soomaaliga.

Alle Ha Unaxariisto Mulaxamaystihii Weynaa ee Bashiir Xadi Axmed oo Borama Ku Geeriyooday | Berberatoday.com