Daawo: Shuute oo shaaciyey qiso ku kaliftay inuu dil ku xukumo saaxiibkiis

0
Monday October 02, 2023 - 22:56:46 in Wararka by
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Shuute oo shaaciyey qiso ku kaliftay inuu dil ku xukumo saaxiibkiis

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Xasan Cali Nuur Shuute guuddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ka sheekeeyey qisada saaxiibkiis ay isla soo koreen oo dil toogasho ah uu ku xukumay.

Shuute, markii uu xogtaan soo bandhigay wuxuu u khudbeynayey saraakiisha ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka oo maalmahaan lagu abaabulayey magaalada Muqdisho, si loogu celiyo furimaha dagaalka.

Guddoomiye Shuute oo ah nin sharciga ku ad-adag ayaa sheegay in saaxiibkiis ay isla soo koreen uu cunug yar dilay isagoo sarkaal ah, kadibna maxkamadda lasoo taagan.

 

Baaritaan kadib waxaa maxkamadda u cadaatay in Shuute saaxiibkiis uu dilkaas u geystay si bareer ah, taas oo kaliftay in isagana uu ku xukumo dil.

      Mar uu sharaxay sababta uu sarkaalkaasi u dilay cunuga, wuxuu yiri "Sarkaalka saaxiibkey ah markii Maxkamadda la keenay waxaan weydiiyey sababta uu u dilay wiilka yar wuxuuna ku jawaabay ‘qorigii aan watay ayuu yiri biyo ayaa ka dhaca, ana xabad ayaan madaxa uga dhuftay’ sidaas ayuu ku dhintay wiilkii yaraa ee banooniga ciyaarayey,” ayuu yiri Shuute.

      Guddoomiye Shuute ayaa intaas ku sii daray in saaxiibkiis uu ku xukumay dil una sheegay in loo tooga doono sidii uu u toogtay cunuga yar, balse wuxuu sheegay in weli uu nool yahay ninkii oo reerkii cunuga dhalay ay cafiyeen.

 

       "Toogasho ayaan ku xukumay saaxiibkey aan jeclaa si loo qisaaso oo xadka looga oofiyo, laakiin nasiib ayuu lahaaoo reerkii ayaa cafiyey iyadoo tiirka loo sii wado, ninkaas aad ayaan u jeclaa oo saaxiibo isku qaaliya oo isla soo koray ayaan aheyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shuute.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaas ay weli saaxiibo yihiin oo uu u yimaado, laakiin ciidanka laga saaray "Waa ii yimaadaa mar kasta, dadka aniga iyuu iigu jecelyahay, waxaan ku canaantay ciidan dambe ha isku gelin, hadaaba qofkii ku caaya madaxa xabad uga dhufaneyso,” ayaan iri ayuu yiri Shuute.

Hoos ka Daawo Qisadaan:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip