Maxaa Anwar Shakuundha looga reebay xiddigaha Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah?

0
Sunday October 01, 2023 - 21:15:08 in Wararka by
  • Visits: 1357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Anwar Shakuundha looga reebay xiddigaha Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Sports

Macallinka xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liiska ciyaartoyda Soomaaliya ku meteli doona ciyaaraha caalamiga ah iyo is reeb reebka koobka adduunka.

Macalinka xulka qaranka ee dhashay dalka Marooko lguna magacaabo Rashid Lousteque ayaa liiska kusoo daray laacibkii da’da yaraa ee Cabdixafid, iyadoo liiska sidoo kale laga reebay laacibka dhowr mar ooh ore kasoo muuqday ciyaaraha caalamiga ah ee qaranka Anwar Shakuundha.

Muran badan ayaa ka dhashay in liiska laga dhex waayay Akuundha iyadoo uu kamid yahay ciyaartoyda taageerada badan ku leh gudaha dalka.

Maxaan ka ognahay Anwar Shakundha iyo Cabdi xafiid?

Shakundha

XIGASHADA SAWIRKA,ASTAAN SPORTS

Anwar Shakundha waxa uu usoo ciyaaray kooxo badan oo ka dhisan horyaalka dalka, waxaana kamid kooxda Elman iyo Dakadaha oo haatanba u ciyaaro.

Anwar ayaa noqday ciyaariyanka ugu gool dhalinta badan koobkii janaraal Daa’uud oo dhwaan soo idlaaday isagoo kooxdiisa Dakadaha u qaaday koobka xilli dakadaha aysan koobkaasi ku guuleysan muddo 23 sano ah.

Anwar waxa uu kamid yahay dhallinyarada ugu fir-fircoon xagga horyaalka kubadda cagta ee Soomaaliya isagoo magaalada Muqdisho ku leh taageeroyaal badan.

Cabdi xafiid oo ah xiddig da’yar ayaa kusoo caan baxay ciyaarihii ‘Afcon Under 17 cup of Nations’ ee dhallinyarada ay da’doodu ka yartahay 17-jirrada kadib markii uu soo baxay hab ciyaareed heerkiisu sarreeyo iyo gool dhalin cajiib ah.

Hanashadii koobkaasi kadib kulamo kale oo ay ciyaari lahaayeen ayaa waxaa Cabdixaafid la sheegay inuu ka gudbi waayay baaritaan MRI ee lagu xaqiijiyo da'da qofka, kaas oo sida la sheegay soo baxay inuu da'daas ka weyn yahay.

Hadda waxa uu kamid yahay xiddigaha u ciyaaraha kooxda Elman isla markaana uu kamid yahay ciyaartoyda ay kooxdo ku tiirsantahay.

Cabdixafiid waxa uu ciyaaraha kasoo bilaabay gobollada dalka isagoo ugu dambeyn si weyn ugasoo dhex muuqday caasimadda.

Cabdixafiid

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIXAFIID

Maxaa loo reebay Anwar Shakundha oo loo qaatay Cabdixafiid?

Waxaa la is weydiinayaa sababta keentay in macallinku uu liiska ka reebay xiddigo in badan kasoo muuqday ciyaaraha qaranka ee Anwar Shakundha iyadoo dhanka kale uu markii ugu horreysay liiska kasoo muuqday Cabdi xafiid.

Haddaba si aan arrinta liiska soo baxay wax uga oggaano waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay xogahayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Yuusuf Muxudiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed anago weydiinnay qaabka loo xulay ciyaartoyda.

Xogyahaya oo sharraxaya habka loo xulay ciyaartoyda xulka qaranka ayaa yiri,” soo xulista ciyaartoyda waxa ay bilaabatay markii macallimiinta lagu dhawaaqay, waxaa bishii agoosto bilaabatay in laga shaqeeyo ciyaartoyda gudaha, sidoo kale waxaa jirtay in ciyaartoda gudaha iyo kuwa dibadda laga kala dhigo si 50/50 oo tiro isla eg laga dhigo taana macallinka iyo caawiye yaashiisa ayaa ka shaqeynayay”.

Xoghyaha oo aan weydinnay waxa keenay in Akundha laga reebo liiska ayaa yiri "hadalkiisa sii wata ayaa yiri, "Maanta ayuu macallinku ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda, waxaa xusid mudan in Anwar uu yahay ciyaariyahan fiican oo dadaal badan isla markaana gool dhalintii koobkii Janaraal Daa’uud ku guuleystay, marka micnuhu haatan ma ahan in macallinku uu diiddanyahay Anwar, macallinka ayaana leh awoodda soo xulista ciyaartoyda”.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,XIRIIRKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA

Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, "Anwar waxa aan ogeyn in dhowaan uu la daala dhacayay dhaawac xagga madaxa kasoo gaaray ciyaartii fiinaalka ee jaranaal Daa,uud, ma ahan micneheeda in aan leyahay sababtaas ayuusan liiska ugu jirin, balse waa loo sababeyn karaa”.

"Liiska hadda uu soo saaray macallinka micnihiisa kama dhigna in ciyaartoydaas ay wada yihiin kuwa dhameysanaya ciyaaraha loo xushay waa liis furan oo cid kasta lagu dari karo lagana reebi karo oo lama dhihi karo illaa 2025 isla kooxdan la xulay ayaa ciyaareysa wey Is beddeli karaan”, ayuu sii raaciyay.

Ciyaartoyda kale ee qurbaha ayaa ka kala imaanaya dalalka Canada USA dalal katirsan Yurub, waxaana lagu xushay in ay ka kala ciyaaraan heerarka koowaad iyo labaad ee horyallada dalalka ay ku noolyihiin.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip